14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

LIXDA TIIR 2012-2016

XASILINTA DALKA IYO

SARREYNTA SHARCIGA

2012

Madaxweyne

Xasan Sheekh

waxa uu talada

dalka kala

wareegay dawlad

ku meel gaar

ahayd oo tabardarreyd,waxaana

dalka intiisa

badan uu gacanta

ugu jiray kooxda

Alshabab.

4

Xasilinta dalka iyo Sarreynta Sharciga waa

qodobka ugu horeeya uguna muhiimsan dib

u yagleelidda dawlad hanaqaad ah, mudadii

4ta sano ahayd ee tagtay Madaxweyne

Xasan waxa uu waqti badan geliyay ka miro

dhalinta qodobada kor ku xusan oo ah,

xasillinta daganaanshaha dalka iyo sareynta

sharciga.

2012 ka hor Sidee ayuu ahaa xaaladda

dalku?

Sanadkii 2012 Madaxweyne Xasan Sheekh

wuxuu talada dalka kala wareegay dawlad

ku meel gaar ah oo taag-darnayd. Waxaana

dalka intiisa badan uu gacanta ugu jiray

kooxda Alshabab. Waxaana mar-kaas

khasab ahayd in dawladda cusubi la timaado

istaraatejiyad siyaasadeed mid amni iyo mid

dhaqaale oo awood uu siisa dawladda inay

xasiliso dalka, si wax looga qabto dhibaatada

kooxdaasi ku hayso dadka iyo dalka, dibna

loogu soo celiyo sarreynta sharciga iyo kala

dambeynta.

Hawsha xasilinta dalka waa hawl ay tahay in

dawladda iyo shacabku iska kaashaadaan,

haddana waxaa jira hay’ado si gooni ah ugu

xilsaaran hawshan, waxaana ka mid ah:

Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliiska,

Nabad Sugidda Qaranka, Wasaaradda

Arimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo

Golaha Ammaanka Qaranka.

Maxaa Qabsoomay 4 sano kadib:

1. Ammaanka & Xoreynta Dalka

Waxaa la sugay amaanka magaalada

Caasimadda ah ee Muqdisho ee ay

dawladdu ku shaqeyneysay oo lahayd

goobo lama galaan ah oo dadka lagu furan

jiray har iyo habeen, laguna dili jiray ciddii la

doono. Haddaba dawladdu si ay xanuunkaas

dadka uga dul qaaddo, waxa ay ku

guuleysatay sifeynta 62 isbaaro oo bulshada

lagu dhibaatayn jiray oo yaallay caasimada

dhexdeeda iyo kontoroollada laga soo galo,

waxaana sidoo kale la sifeeyay isbaarooyinkii

yaallay wad-dooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Kadib dawladda oo kaashanaysa AMISOM

waxa ay bilawday howlgal-ciidan oo xoog

leh oo ay ka mid ahaayeen weeraradii loo

yaqaano Gorgor iyo Badweynta-Hindiya.

Waxaana lagu guuleystay in Alshabaab laga

xoreeyo magaalooyin iyo deegaanno fara

badan oo ay middiyo dhiig leh ku maamulayeen.

Degaannadaa waxaa ka mid ah:

Jowhar, Mahaddaay, Cadale, Warsheekh.

Aadan Yabaal, Ruun nirgood, Baladweyne,

Buulo Burte, Jalalaqsi, Matabaan, Maxaas,

Ceelbuur, Galcad, Qansaxdheere,

Baardheere. Marka, Jannaale, Qoryooley.

Wanlaweyn, Buulomareer, Baraawe.

Baydhabo, Buur Hakaba, Diinsoor, Xuddur,

Waajid, Garbahaarrey, Luuq iyo Kismaayo.

Sanadkii 2012 kii Alshabaab waxa

aymaamulayeen 85% dalka markii

Madaxweyne Xasan Sheekh la wareegay

hogaanka dalka, maantana waxa ay dalka ka

joogaan wax ka yar 2%.

2. Saldhigyada iyo Talisyada Cidamada

Xoogga Dalka.

Dawladdu waxa ay dib u dhis ku samaysay

dibna u furtay talisyadii qeybaha kala duwan

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!