14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

LIXDA TIIR 2012-2016

iyo la dagaallanka kooxda fallaagada ah ee

Xuutiyiinta, iyada oo garab-istaagtay

dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

Taasi waxay horseedday in sawirka

Madaxweyne Xasan Sheekh laga taago

magaalada Cadan, iyada oo lagu qoray “

Mahadsanid Soomaaliya”.

Booqashada Madaxda Caalamka

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday ku

meelgaarnimada, ayna si muuqata u soo

hagaageen xaaladda ammaan iyo

horumarka dhaqaale, wuxuu dalku noqday

meel ay ku soo qul qulaan wufuud caalami

ah iyo hoggaamiyayaal sare. Waxay

madaxdaasu doonayeen in ay dib boorka

uga jafaan xiriirkii ay la lahaayeen

Soomaaliya.

Waxaa dalka soo booqday Madaxweynaha

Turkiga Racep Tayyip Erdogan, oo laba jeer

yimid, Madaxweynaha Djibouti Ismael Omar

Gelle oo sidoo kale laba jeer na soo booqday,

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza,

Xogyaha Guud ee Qarammada Midoobay

Ban Ki-moon, Xoghayaha Guud ee

Jaamacadda Carabta Nabil alCarabi,

Xogahayha Guud ee Ururka Iskaashiga

Islaamka Ikmaludiin Ixsaan Oglo,

Xoghayahayaasha Arrimaha Dibadda UK ee

kala dambeeyay William Hague iyo Phili

Hmound, Xoghayaha Arrimaha Dibadda

Mareykanka John Kerry, Wasiirrada Arrimaha

Dibadda ee dalalka Masar, Qadar,

Imaraadka, Baxreyn, Kuweyd, Muritaaniya

iyo Madax kale oo fara badan. Sidoo kale

Wasiirada Xiriirka Caalamiga ee Denmark

iyo Sweden, iyo wasiirada arrimaha debadda

ee dawladaha IGAD ayaa soo booqday

dalka.

Golaha Ammaanka ee Qarammada

Midoobay oo ku Shiray Xamar

Waxaa farxad aad u weyn ahayd markii

wakiillada 15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha

Ammaanku ay cagaha soo dhigeen ciidda

Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 40

sano ka badan, kulanna ay ku yeesheen

Muqdisho. Waxay qireen in Soomaaliya ay

aad u soo hagaagtay ayna u dhaqaaqday

dhankii xasilloonida iyo dowladnimada.

Waxaa taas mahaddeeda leh hoggaanka

toosan ee Madaxweyne Xasan iyo Madaxda

la shaqeysay 4tii sano ee tagtay. Waxay

wadajir u qabteen wax aad uga badan intii la

filayey culeyska jiray dartiis.

Siyaasadda Guud ee Arimaha Dibadda

Soomaaliya waxay ku socotaa jid ay ku

gaareyso horumar waara si ay guul uga

34

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!