14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

2012-2016

LIXDA TIIR

Waxaa iyana dib loo taagay taallooyinka

qaarkood taasina waxa ay muujineysaa

dadaalka ay dawladdu gelisay 4tii sano ee la

soo dhaafay ilaalinta iyo dib u soo nooleynta

bilicda magaalada caasimadda ah iyo

astaamaha taariikhiga ah ee muujinaya

jiritaankeena ummadeed.

Xarunta Taliska Booliska

Dawladdu waxa dib u habayn ku samaysay

xaruntii taliska ciidanka Booliska Somaliyeed

iyadoo dawladdu ku sameysay dib u habayn

xoog leh, waxaana lagu qalabeeyey

isgaarsiin casri ah oo u sahlaya in ciidanka

Booliskusi habsami leh u gutaan

waajibaadkooda Qaran, har iyo habeenna

ugu adeega bulshadooda baahida weyn u

qabta.

Xabsiga iyo Xarumaha Dhaqancelinta

Sidoo kale Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

waxa lagu sameeyay dayactir ballaaran iyo

qalabayn. Waxaa markii ugu horeysay 25

sano ka dib laga hirgaliyay warshada tosha

dharka ciidanka taas oo ay ka shaqeeyaan

maxaabiistu, waxaana si fiican loo hagaajiyay

nolosha maxaabiista. Xabsigani oo ah meel

lagu dhaqanceliyo shakhsiyaadka dunuubta

ka gala dalka iyo dadka waxaa lagu dadaalay

in uusan noqon meel dambiilayaasha lagu

ciqaabo ama lagu hayo oo kaliya ee waxay

dawladdu ku dedaashay in kor loogu qaado

garaadka iyo xirfadaha maxaabiista si markii

ay ka soo baxaan xabsiga ay ula noolaan

karaan bulshada inteeda kale.

Sidoo kale waxaa ay dhismahiisu hadda

socotaa Xabsi casri ah oo u dhigma

xabsiyada caalamka oo laga hirgelinayo

xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta, xabsigan

oo noqon doono xabsi lagu dhaqanceliyo

dambiilayaasha, korna loogu qaado

garaadkooda iyo xirfadahooda si ay uga

waantoobaan dambiyadii ay ku dhaceen.

Dhammaan xarumahan dib u dhiska iyo

qalabeynta lagu sameeyay, maanta waxaa

loogu adeegaa bulshada Soomaaliyeed oo

si weyn ugu diirsatay. adeegyada loogu

qabto xarumahaas. Ma wada dhameystirna

adeegyada ay bulshadeennu u baahnayd,

ha yeeshee dedaalka iyo waxqabadka lagu

haqabtirayo baahida bulshada waa kuwa is

dabajoog ah, bulshada Soomaaliyeedna

iyada ayaa ka marqaati ah wixii qabsoomahay

mudadaa kooban.

Dib u Dhiska Wasaaradaha & Wakaaladaha

Muddadii 4ta sano ahayd ee tagtay waxaa ay

25

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!