14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

LIXDA TIIR 2012-2016

• Dugsiga Raage Ugaas.

• Dugsiga Yuusuf Alkownayn.

• Dugsiga Bartamaha.

• Dugsiga 15-ka May.

• Dugsiga 21-ka Oktoobar.

• Dugsiga Yaasiin Cusmaan.

• Dugsiga Dhamme Yaasiin Cartan.

• Dugsiga Cismaan Geeddi Raage.

• Dugsiga Howl-wadaag

• Dugsiga Muuse Galaal

• Dugsiga Macallin Jaamac

• Dugsiga Dhagax tuur

• Dugsiga Sheekh Xasan Barsane

• Dugsiga Cabdicaziiz.

• Dugsiga Badda.

• Dugsiga Waaberi

Waxaa kale oo la dhisay xarumo waxbarasho

oo dhammaantood lagu diirsaday, taas oo

dadka fahmsiisay baahida loo qabo

dawladnimada. Waxaana sidoo kale goobo

waxbarasho laga hirgeliyey gobollada iyo

degmoyinka dalka qaarkood.

Barnaamijkii Aada Dugsiyada

Dowladdu waxay sidoo kale hirgelisay

mashaariic ay ka mid yihiin: Barnaamijka

“Aada Dugsiyada”, kaasoo ay ujeedadiisu

tahay in ugu yaraan hal milyan oo carruur

Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho

lacag la’aan muddo 5 sano gudahood ah.

Adeeggaas waxbarashada lacag la’aanta ah

waxaa dalka ugu dambeysay 1990kii.

Mashruucan oo ah mid ay dowladda

Soomaaliya hindisihiisa iyo fulintiisaba

lahayd waxaa laga gaaray guulo waaweyn,

iyada oo lagu guuleystay in 150,000 oo

carruur Soomaaliyeed ah oo ka soo jeeda

qoysas dan yar ah ay helaan waxbarasho

lacag la’aan ah.

Sidoo kale dowladu waxaa ay dib u diiwaan

galisay macalimiinta Soomaaliyeed si

tiradooda iyo tayadooda loo ogaado.

Macalimiintaasi waxay wax ka dhigaan

dugsiyada wax lagu baro caruurta danyarta

ah. Tirada Macalimiinta la diiwaan geliyay

waxa ay gaaraysaa 1,400 oo macallin,

waxayna mushaar ka qaataan Wasaaradda

Waxbarashada si ay ugu adeegaan Qaranka.

Dowladdu waxay tallaabadan uga dan

lahayd in aan carruurta lacag laga qaadin iyo

in shaqo loo abuuro macalimiin intaas la eg

oo helay dakhli ay ku biilaan qoysas

Soomaaliyeed.

Shirweyne Qaran

Dowladdu waxay qabatay Shirweyne Qaran

oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan

hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada,

kuwaas oo ka kala yimid gobollada dalka iyo

dibaddaba.

Shirkan Qaran oo ahaa kii ugu horreeyay oo

noociisa ah oo la qabto tan iyo burburkii

dawladdii dhexe 1991kii, waxaa dadkii ka soo

qeyb galay isla gorfeeyeen sida ugu

habboon ee loo horumarin karo tacliinta

dalka, loona sameyn karo manhaj mideysan

oo uu dalku yeesho. Shirkaas waxaa ka soo

baxay dardaaranno iyo talooyin muhiim ah

oo fulintooda ay dowladda iyo hay’adaha

waxbarashadu iska kaashanayaan sidii looga

dhabeyn lahaa.

Imtixaan mideysan iyo Deeq Waxbarasho

Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda

Madaxweyne Xasan Sheekh waxay markii

ugu horreysay muddo 25 sano ah ku

guuleysatay in ay imtixaan mideysan ka

qaaddo dugsiyda sare ee dalka. Imtixaanka

waxaa dejisay wasaaradda, taas oo ah guul

u soo hooyatay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale dowladdu waxay geed gaaban

22

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!