14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

2012-2016

LIXDA TIIR

NABADEYNTA IYO

DIB U HESHIISIINTA

Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta waa udub

dhexaadka dawladnimadda, iyada oo taa

laga amba qaadayana waxa uu Madaxweyne

Xasan Sheekh dedaal iyo waqti dheeraad ah

ku bixiyay ka miro dhalinta qodobkan.

Tiirkani wuxuu tilmaamaa seddex qodob oo

kala ah:

1. Dib u heshiisiin iyo baahinta nidaamka

Federaalka ah.

2. Dib u eegista dastuurka iyo diyaarintiisa.

3. U Diyaarinta dalka doorasho cod iyo qof

ah.

Sharciyada

Waxaa la sameeyey lana ansixiyey

sharciyadii dawladdu ku hawlgeli lahayd

iyadoo xukuumaddu ay barlamaanka u soo

gudbisay in ka badan 20 sharci kuwaas oo

badankood la ansixyay.

Dhismaha iyo Dhameystiridda Maamul

Goboleedyada

Waxaa loo hawlgalay Dhismaha maamul

goboleedyada Jubaland, KoofurGalbeed,

Galmudug iyo Hirshabeelle. Waxay madaxda

dalku gaareen shacab ay adkayd in lala

hadlo laga warqabo lagana talo geliyo

hanaanka siyaasdeed ee dalku yeelanayo.

Iyada oo ay u ahayd farxad shacabkaas oo

halkooda loogu tagay xasilin ka dib. Waxaa

markii ugu horreysay laga dhageystay

shacbigaas cabasho, codsi iyo talo. Waxaa si

isdabajoog ah loo qabtay loona qabtaa

shirar goboleedyo, kuwa Qaran iyo kuwa

beeleed lagu nabadeynayo bulshada

looguna gogol xaarayo dhisamaha maamul

goboleedyada iyo baahinta hanaanka

federaalka ah taas oo wejigeedii hore uu

guul ku soo dhamaaday.

Maxaa ka Dhashay Wadahadalka

Waxaa la qabtay shirar badan oo dib u

heshiisiineed, kuwaas oo la isugu keenay

guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ee

deggan maamul goboleedyada, si ay uga

arrinsadaan aayahooda iyo sidii ay maamul

ay wada leeyihiin u dhisan lahaayeen.

Waxaana loogu guuleystay si aad u

wanaagsan. Taas macnaheedu ma aha in

aysan xurgufyo yaryari aanay jirin, laakiin

laguma kala tagin oo waxbaa lagu dhisay.

Qorigii waxaa Beddalay Wadahadal iyo is

Qancin

Madaxda dowladdu waxay shirarkaas dib u

heshiisiineed gelisay dedaal aad u xoog

badan. Waxaa dadaalladaasi ay noqdeen

kuwo miradhal ah oo guul ku dhammaaday.

Waxaa shacbiga Soomaaliyeed laga

gudbiyey aragti ah in marka wax lagu

heshiinwaayo lagu kala cad goosto qori

caaraddiis iyo ciddii xoog badan oo wax

walba isku qaadata.

Dawladda Xasan Sheekh waxaa laga bartay

in wadahal kasta uu guul ku dhammaan karo

haddii loo dulqaato, waqti la siiyo oo aan

laga caajisin. Shirarkaas wadahadalka iyo

dib u heshiisiinta waxay ka dheceen

magaalooyin kala duwan oo ay kamid yihiin

ah Dhuusamarreeb, Garoowe, Baydhabo,

Baladweyne, Kismaayo, Jowhar, Marka,

Galkacayo iyo Muqdisho, oo lagu qabtay

kulamo kala duwan oo heer qaran ah kuwaas

oo dhammaantood la xiriiray dib u heshiisiinta

iyo sidii Soomaalidu wax isugu darsan

lahaayeen iyaga oo isu calool fayow.

Dadaalladaas waxay soo afjareen siyaasadii

gacanta la isula tegi jiray, waxayna ku

beddeleen wadatashi iyo wadahadal.

Madaxweynaha oo Dedaal Geliyey Xalinta

Khilaafaadka Adag.

Madaxweyne Xasan Sheekhwaxaa ka go’an

in la dhiso Soomaaliya cusub oo iyadu isku

tashata haddii ay ahaan lahayd wadahadalka

iyo isu tanaasulka, wax wadaqabsiga iyo

istaageeridda, isuhiillinta iyo isla difaaca

dalka.

Madaxweynaha waxaan marnaba u muuqan

qadafka, erayada siyaasadeysan ee damaca

ku qotoma iyo diidmada ka soo yeereysa

gudaha iyo dibaddaba. Waxaana uu mar

waliba xoogga saaraa in Soomaalidu ay

arrimahooda iyagu xallistaan. Tusaale ahaan

20

Waxaa la

sameeyey lana

ansixiyey

sharciyadii

dawladdu ku

hawlgeli lahayd

iyadoo

xukuumaddu ay

barlamaanka u

soo gudbisay in

la ba-dan 20

sharci kuwaas oo

badankood la

ansixyay.

15

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!