14.01.2017 Views

LIXDA

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

2012-2016

LIXDA TIIR

DIB U HABAYNTA

DHAQAALAHA

Dib u Habaynta iyo kobcinta dhaqaalaha

dalka waa qodob aasaas u ah hanaanka

dawladnimo, waana qodob uu mudnaan

gooni ah siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

mudadii 4ta sano ahayd ee uu hogaaminayay

dalka.

Sidee ayeey ahayd xaaladda dalku?

Wixii ka horreeyay 2012 dalku ma lahayn

miisaniyad cad oo ku salaysan kharashaadka

dawladda iyo dakhligeeda, ilaha dakhliguna

ma ahayn kuwa habaysan, mana jirin tuse

caddaynya koboca dhaqaalaha dalka iyo

kororka heerarka ganacsi, hay’adaha

dawladda ee maareeya dhaqaaluhuna ma

ahayn kuwa habaysan oo isku dubaridan,

waxaana gebi ahaan meesha ka maqnaa

sharciyada maalgashiga, kaabayaasha

dhaqaaluhuna waxaa ay ahaayeen kuwa

aad u liita, sidaa awgeed dawladdu waxaa

ay dedaal dheeraad ah ku bixisay in ay la

timaaddo hanaan lagu nooleeyo dhaqaalaha

dalka, lana abuuro jawi dadku ay ku

shaqeysan karaan, iyada oo xoogga la

saarayo in la helo dhaqaale ay dawladdu ku

maareyso hawlaha baaxadda weyn ee

horyaallay.

Miisaaniyadda Dawladda

Hawshii ugu horeysayee dawladda cusubi

qabatay waxa ay ahayd in ay hawlgelisay

khubaro Soomaaliyeed oo aqoon sare oo

heer caalami ah u leh diyaarinta

miisaaniyadda, kuwaa oo diyaariyay

miisaaniyaddii ay ku hawlgeli lahayd

dawladdu bilihii yaraa ee ka harsanaa

sannadkii 2012, waxayna noqotay

miisaaniyaddii ugu horreysay ee ay dawlad

Soomaaliyeed ugu shaqayso sidii ay ahayd

tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991kii.

Miisaniyaddii 2012 iyo Tan 2016

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

waxa ay mudnaanta siisay hormarinta iyo

kobcinta dhaqaalaha dalka. Taas oo loo

maray in si hufan loo maareeyo ilaha

dhaqaale ee dalka. Meelaha ugu muhiimsan

ee uu dakhliga dowladdu ka soo xaroodo

waxaa ka mid ah dekadda iyo garoonka

caalamiga ah ee Muqdisho. Hasa yeeshee,

waxaa jiray in caalamku aamminsanaa in

musuqmaasuqu yahay caqabadda ugu

weyn ee haysatay dawladdihii KMG ahaa.

Sidaas darteed dawladdan cusub waxa ugu

horreeya ee ay qabaneyso waxaa ay ka

dhigtay in la helo hannaan maaliyadeed oo

leh la xisaabtan iyo hufnaan, waxaana la

dhaqangeliyey Habdhiska Xogta Maamulka

Dhaqaalaha Soomaaliyeed (Somalia

Financial Management Information System-

SFMIS) oo qeyb ka ah mashruuca Maareynta

Maaliyadda Guud PFM (Public Finance

Management).

Mashruuca PFM waxaa maaligeliyey

Bangiga Adduunka waana hannaan lagu

xoojinayo hufnaanta iyo is la xisaabtanka

maamulka iyo isticmaalka maaliyadda

qaranka.

Mashruucan oo runtii ah mid dawladda lagu

ammaanay wuxuu si hufan u muujiyaa

dhaammaan dakhliga iyo kharashyada

dawladda. Hanaankani waxa uu wax weyn

ka taray xal u helidda musuqmaasuqa sida

joogtada ah dalka loogu eedeey nayey,

iyada oo ay dawladdu si cad ula socoto

dhammaan kharashyada baxa iyo waddada

ay ku baxaan iyo dakhliga soo xarooda iyo

meelaha uu ka soo xaroodo.

Waxaa kale oo uu mashruucani wax weyn

ka taray bixinta mushaaraadka shaqaalaha

oo laga dhigay “biometricsystem”, tan oo qof

walba xisaabta uu ku leeyahay bangiga

loogu shubo waxa uu shaqaysto bisha

dhammaadkeeda.

Ilaha Dakhliga Dawladda

Ilaha ay dawladda federaalku ka hesho

dakhliga waa Dekadda iyo Garoonka

dayuuradaha ee Muqdisho iyada oo hadda

lagu soo kordhiyey canshuuraha berriga oo

laga qaado ganacsato iyo shacab.

Dhaqaalahaas oo qayb ka ah miisaaniyadda

2013

Waxa ay

dowladu

diyaarisay

miisaaniyaddii

ugu horreysay

ee ay dawlad

Soomaaliyeed

dejisay tan iyo

burburkii

dawladdii dhexe

1991kii.

9

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!