LIXDA
FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT
FINAL-FINAL-SIX-PILLERS-REPORT
Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
LIXDA TIIR

LIXDA

EE MADAXWEYNaha XASAN SHEEKH mahamuud

WAX QABADKII 2012-2016

XASILINTA DALKA IYO

SARREYNTA SHARCIGA

DIB U HABAYNTA

DHAQAALAHA

MIDNIMADA IYO

WAADAJIRKA

UMMADDA

NABADEYNTA

IYO DIB U

HESHIISIINTA

ILAALINTA & DHAQANGELINTA

XIRIIRRADA CAALAMIGA

SIYAASADDA ARRIMAHA

DIBADDA

DIB U HABAYNTA

ADEEGYADA BULSHADA
LIXDA TIIR 2012-2016

2
2012-2016

LIXDA TIIR

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

JAMHUURIYADDA

FEDERAALKA SOOMAALIYA

LIXDA TIIR ee Madaxweynaha:

Waa Saldhigga Dawlad Hanaqaad ah oo

Dalka Gaarsiisa Xasilooni iyo Baraare

2016

TUSMADA

11.

Tiirka 1aad ee xasilinta Dalka iyo Sarreynta Sharciga

22.

Tiirka 2aad ee Dib U habaynta Dhaqaalaha

33.

Tiirka 3aad ee Nabadaynta iyo Dib U Heshiisiinta

44.

Tiirka 4aad ee Dib U Habaynta Adeegyada Bulshada

55.

Tiirka 5aad ee Ilaalinta iyo Dhaqangelinta Xiriirada Caalamiga

Page 3

Page 8

Page 14

Page 18

Page 27

ee Siyaasada Arrimaha Dibada

66.

Tiirka 6aad ee Midnimada iyo Wadajirka Ummada

Page 37

1
LIXDA TIIR 2012-2016

LIXDA TIIR EE

MADAXWEYNAHA

XASAN SHEEKH

MAHAMUUD

HORDHAC

Dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan tan iyo markii ay

buurburtay dawladdii dhexe sanadkii 1991. Waxaa dedaallo badan oo noocyo iyo heerar

kala duwan leh loo galay sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambayntii,

taasoo gundhigeedu ahaa dib u dhiska hanaan dawladeed oo horseeda sinaan, cadaalad

iyo midnimo xaqiijisa himilooyinka uu higsanayo dalkeennu.

Afar sano kadibna

waxa suura

gashay in

Madaxweyne

Xasan uu ku

guuleysto

hirgelinta

siyaasado iyo

qorshayaal badan

oo ku qotoma

qodobadaa lixda

ah, taa oo

saameyn

ballaaran ku

yeelatay

xasiloonida iyo

horumarka ka

hirgalay dalka

mudadaa kooban.

Dedaaladaa faraha badan natiijadeedu waxaa ay noqodeen dhismaha xukuumado ku

meel gaar ah sanadihii 2000-2012 oo qeyb ka ahaa geeddi socodka nabadda iyo hana

qaadka hanaan dawladeed oo soo celiya sharafta iyo karaamdii ummaddeenu lahayd.

Bishii Sebtembar 10keedii Soomaaliya waxaa u baryay waa cusub, waxaa Madaxweyne

Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha Jamhuuriyadda

Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo ah hogaamiye leh aragti siyaasadeed oo cad iyo qorshe fulineed oo

ku aadan xal u helidda dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee hortaagan

dawladnimadeenna waxa uu soo bandhigay 6 qodob oo aasaas u ah dib u yagleelidda

dawlad Somaaliyeed oo hana qaad ah oo ka baxda kumeel gaarnimada. Qodobadaa lixda

ah waxa ay noqdeen kuwa loo riyaaqay oo si weyn looga soo dhaweeyay dalka gudihiisa

iyo dibadiisa. Afar sano kadibna waxa suura gashay in Madaxweyne Xasan uu ku guuleysto

hirgelinta siyaasado iyo qorshayaal badan oo ku qotoma qodobadaa lixda ah, taa oo

saameyn ballaaran oo mug leh ku yeelatay xasiloonida iyo horumarka ka hirgalay dalka

mudadaa kooban.

Haddaba waxaan qoraalkan kooban ku soo bandhigi doonnaa guulihii ka dhashay

hirgelinta qodobadaa lixda ah iyo saameynta wanaagsan ee ay ku yeelatay dhinacyada

siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arri-maha bulshada iyo xiriirka caalamiga ah.

Xafiiska Madaxweynaha

2
2012-2016

LIXDA TIIR

aad

TIIRKA

Xasilinta

Dalka iyo

Sarreynta

Sharciga3
LIXDA TIIR 2012-2016

XASILINTA DALKA IYO

SARREYNTA SHARCIGA

2012

Madaxweyne

Xasan Sheekh

waxa uu talada

dalka kala

wareegay dawlad

ku meel gaar

ahayd oo tabardarreyd,waxaana

dalka intiisa

badan uu gacanta

ugu jiray kooxda

Alshabab.

4

Xasilinta dalka iyo Sarreynta Sharciga waa

qodobka ugu horeeya uguna muhiimsan dib

u yagleelidda dawlad hanaqaad ah, mudadii

4ta sano ahayd ee tagtay Madaxweyne

Xasan waxa uu waqti badan geliyay ka miro

dhalinta qodobada kor ku xusan oo ah,

xasillinta daganaanshaha dalka iyo sareynta

sharciga.

2012 ka hor Sidee ayuu ahaa xaaladda

dalku?

Sanadkii 2012 Madaxweyne Xasan Sheekh

wuxuu talada dalka kala wareegay dawlad

ku meel gaar ah oo taag-darnayd. Waxaana

dalka intiisa badan uu gacanta ugu jiray

kooxda Alshabab. Waxaana mar-kaas

khasab ahayd in dawladda cusubi la timaado

istaraatejiyad siyaasadeed mid amni iyo mid

dhaqaale oo awood uu siisa dawladda inay

xasiliso dalka, si wax looga qabto dhibaatada

kooxdaasi ku hayso dadka iyo dalka, dibna

loogu soo celiyo sarreynta sharciga iyo kala

dambeynta.

Hawsha xasilinta dalka waa hawl ay tahay in

dawladda iyo shacabku iska kaashaadaan,

haddana waxaa jira hay’ado si gooni ah ugu

xilsaaran hawshan, waxaana ka mid ah:

Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliiska,

Nabad Sugidda Qaranka, Wasaaradda

Arimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo

Golaha Ammaanka Qaranka.

Maxaa Qabsoomay 4 sano kadib:

1. Ammaanka & Xoreynta Dalka

Waxaa la sugay amaanka magaalada

Caasimadda ah ee Muqdisho ee ay

dawladdu ku shaqeyneysay oo lahayd

goobo lama galaan ah oo dadka lagu furan

jiray har iyo habeen, laguna dili jiray ciddii la

doono. Haddaba dawladdu si ay xanuunkaas

dadka uga dul qaaddo, waxa ay ku

guuleysatay sifeynta 62 isbaaro oo bulshada

lagu dhibaatayn jiray oo yaallay caasimada

dhexdeeda iyo kontoroollada laga soo galo,

waxaana sidoo kale la sifeeyay isbaarooyinkii

yaallay wad-dooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Kadib dawladda oo kaashanaysa AMISOM

waxa ay bilawday howlgal-ciidan oo xoog

leh oo ay ka mid ahaayeen weeraradii loo

yaqaano Gorgor iyo Badweynta-Hindiya.

Waxaana lagu guuleystay in Alshabaab laga

xoreeyo magaalooyin iyo deegaanno fara

badan oo ay middiyo dhiig leh ku maamulayeen.

Degaannadaa waxaa ka mid ah:

Jowhar, Mahaddaay, Cadale, Warsheekh.

Aadan Yabaal, Ruun nirgood, Baladweyne,

Buulo Burte, Jalalaqsi, Matabaan, Maxaas,

Ceelbuur, Galcad, Qansaxdheere,

Baardheere. Marka, Jannaale, Qoryooley.

Wanlaweyn, Buulomareer, Baraawe.

Baydhabo, Buur Hakaba, Diinsoor, Xuddur,

Waajid, Garbahaarrey, Luuq iyo Kismaayo.

Sanadkii 2012 kii Alshabaab waxa

aymaamulayeen 85% dalka markii

Madaxweyne Xasan Sheekh la wareegay

hogaanka dalka, maantana waxa ay dalka ka

joogaan wax ka yar 2%.

2. Saldhigyada iyo Talisyada Cidamada

Xoogga Dalka.

Dawladdu waxa ay dib u dhis ku samaysay

dibna u furtay talisyadii qeybaha kala duwan
2012-2016

LIXDA TIIR

ee ciidanka xooga dalka, tillaabadan oo sare

u qaadday awoodda ciidanka iyo

niyaddooda, fududeysayna hawlgalada

ciidamada iyo isu gurmadkooda.

Si loo xoojiyo difaaca dalka waxa dawladdu

ay dib u dhis iyo dib u qalabayn ku samaysay

ciidankii cirka Soomaaliyeed, waxaana

tabobaro dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah loo

fidayay saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo

dablayda ciidanka cirka.

3. Tayeynta Ciidammada Qalabka Sida

2012 - 2016.

Si loo tayeeyo loona horumariyo ciidamada

qalabka sida dowladdu waxay qabatay

shirweynihii amniga oo lagaga tashaday dib

u dhiska iyo tayeynta ciidamada, siyaasadihii

iyo istiraatiijiyadihii lagu sugi la haa amniga

dalka. Waxaa la xoojiyay maxkamadii

ciidanka lana gaarsiiyay gobollada dalka iyo

meelaha ay ka howl galaan ciidmada xogga

dalka. Noocyada kala duwan ee ciidamada;

milatariga, booliska, asluubta iyo nabad

sugiddu, mudadii 4ta sano ahayd ee la soo

dhafay tiro ahaan iyo tayo ahaanba way u

kordheen.

Dhanka tababarada ciidammadu waxay

markii hore tababarro aan badneyn loogu

diri jiray dalalka deriska ah sida Uganda,

Djibouti iyo Ethiopia. Dawladda Madaxweyne

Xasan Sheekh waxay tabobarada saraakiisha,

saraakiil xigeenka iyo dablayda u soo

wareejisay dalka gudihiisa iyadoo ay

tabobarada bixinayaan khubaro ciidan oo

Soomaali iyo ajnabi leh, waxaana ciidanka

hadda la baraa casharo xoojinaya

waajibaadka kaga aadan shacabkooda iyo

sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada iyo

Qaranimada dalka.

Weli waxaa jira tababarro heer sare ah oo

saraakiisha ciidamdu ku qaataan dalalka ku

horumaray dhinaca ciidammada sida

Maraykanka, Talyaaniga, Turkiga, Imaaraadka

iyo kuwo kale. Waxaa Xusid mudan in

dawladdu ka shaqaysay hannaan kor loogu

qaadayo tababarrada, tayada iyo

mushaaraadka ciidanka. Waxaana la

qorsheeyey barnaamijka Guulwade oo

loogu talagalay in lagu qalabeeyo ciidan

dhan 10,900 askari.

c. Dugsiyadaas oo 5 ka mid ahi ay yihiin

dugsiyo casri ah oo si hufan u fulin kara

10

Dhanka

dugsiyada

tababarrada

ciidanka,

markii hore

waxaa jiray hal

dugsi oo

tababar,

laakiin hadda

waxaa jira 10

dugsi oo lagu

tababaro

ciidammada

5
LIXDA TIIR 2012-2016

1824

Waxaa la abuuray

gargaar garsoor

(legal Aid) oo si

caddaalad ah oo

loo siman yahay

ay u heli karaan

dadweynuhu ha

noqoto mid

dhaqaale ku

baxayo ama mid

lacag la’aan

ahba.

tababarka iyo xirfadaha looga baahan yahay

askariga Soomaaliyeed.

Waxaa dib loo dhisay oo hadda si rasmi ah u

shaqeeya Isbitaalkii Xoogga Dalka oo

ciidammadu ay ka helaan daaweyn lacag

la’aan ah. Waxaa sidoo kale si lacag la’aan ah

loogu daweeyaa ciidamada Isbitaallada

Muqdisho ee Sheekh Khalifa iyo Digfeer oo

ah Isbitaallo casri ah, taas oo kor u qaadeysa

niyadda iyo kalsoonida ciidanka.

4. Iskudhafka Ciidamada Qalabka Sida

Dawladdu waxa ay ka hawl gashayisku

dhafka ciidamada Soomaa-liyeed ee jooga

deegaanada kala duwan ee dalka, si loo

wada hoos keeno hal talis,taasoo laga

gaaray horumar aad u weyn. Dawladduna

wey ka go’an tahay in la sameeyo ciidan loo

dhan yahay oo ka hawlgali kara goobtii la

doono isaga oo leh talis mideysan iyo

hogaan sare oo ay amarradu ka soo fulaan.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu ballan

qaaday in degma kasta oo laga xoreeyo

cadowga laga sameeyo Shanta lama

huraanka ah:

B. Saldhig Boliis.

T. Xarun Caafimaad

J. Goob Waxbarasho

X. Xarunta Maamulka Degmada

Kh. Ceel ay dadku ka cabbaan biyaha xilli

kasta.

5. Dib u Eegida Cunaqabataynta Hubka

Dawladdu waxay ka hawl gashay kuna

guuleysatay in lafududeeyo cunaqabateynta

Qarammada Midoobay ee dhanka hubka ee

saaran Soomaaliya, iyada oo ku qancisay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

(QM) in dawladdu fasax u hesho inay dalbato

hubka ay u baahan tahay. Golaha Amaankuna

waxa uu ansixiyay xeer caalami ah oo faraya

caalamka in taakuleyn iyo agab la siiyo

ciidanka Dowladda.

6
2012-2016

LIXDA TIIR

6. Sarreynta Sharciga iyo cadaaladda

Sarreynta sharciga iyo u hoggaan sanaantiisa

iyo hirgelinta garsoor cadaalad ku dhisan

waa gundhigga hanaqaadka hanaanka

dawladnimo. Dowladdu waxey ku

guuleysatay in dib u habeyn lagu sameeyo

hay’adaha garsoorka oo muhiim u ah

sarreynta Sharciga, iyada oo la kaashanaysa

hay’adaha ay khuseyso sida kuwa caalamiga

ah, golayaasha dawladda, hogaamiyayaasha

bulshada iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaa la abuuray gargaar garsoor (legal

Aid) oo si caddaalad ah oo loo siman yahay

ay u heli karaan dadweynuhu ha noqoto mid

dhaqaale ku baxayo ama mid lacag la’aan

ahba. Sidoo kale waxay maxkamadaha

wareegaa ay

qaadeen 1,824

dacwo.Waxaa la

abuuray hannaanka

dhaqanka oo isagana

lagu xalliyo ismaan

dhaafka bulshada. Waxaa

la qabtay shirkii

Caddaallada iyo Garsoorka oo ay kaqeyb

galeen qeybaha kala duwan ee dawladda

ee ku hawlan cadaaladda iyo garsoorka,

aqoonyahanno iyo khubaro ku xeeldheer

arrimaha garsoorka , waxaana ka soo baxay

tilmaamo muhiim ah oo loo baahnaa si

caddaalad loo sugo.

7
LIXDA TIIR 2012-2016

aad

TIIRKA

DIB U HABAYNTA

DHAQAALAHA

8
2012-2016

LIXDA TIIR

DIB U HABAYNTA

DHAQAALAHA

Dib u Habaynta iyo kobcinta dhaqaalaha

dalka waa qodob aasaas u ah hanaanka

dawladnimo, waana qodob uu mudnaan

gooni ah siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

mudadii 4ta sano ahayd ee uu hogaaminayay

dalka.

Sidee ayeey ahayd xaaladda dalku?

Wixii ka horreeyay 2012 dalku ma lahayn

miisaniyad cad oo ku salaysan kharashaadka

dawladda iyo dakhligeeda, ilaha dakhliguna

ma ahayn kuwa habaysan, mana jirin tuse

caddaynya koboca dhaqaalaha dalka iyo

kororka heerarka ganacsi, hay’adaha

dawladda ee maareeya dhaqaaluhuna ma

ahayn kuwa habaysan oo isku dubaridan,

waxaana gebi ahaan meesha ka maqnaa

sharciyada maalgashiga, kaabayaasha

dhaqaaluhuna waxaa ay ahaayeen kuwa

aad u liita, sidaa awgeed dawladdu waxaa

ay dedaal dheeraad ah ku bixisay in ay la

timaaddo hanaan lagu nooleeyo dhaqaalaha

dalka, lana abuuro jawi dadku ay ku

shaqeysan karaan, iyada oo xoogga la

saarayo in la helo dhaqaale ay dawladdu ku

maareyso hawlaha baaxadda weyn ee

horyaallay.

Miisaaniyadda Dawladda

Hawshii ugu horeysayee dawladda cusubi

qabatay waxa ay ahayd in ay hawlgelisay

khubaro Soomaaliyeed oo aqoon sare oo

heer caalami ah u leh diyaarinta

miisaaniyadda, kuwaa oo diyaariyay

miisaaniyaddii ay ku hawlgeli lahayd

dawladdu bilihii yaraa ee ka harsanaa

sannadkii 2012, waxayna noqotay

miisaaniyaddii ugu horreysay ee ay dawlad

Soomaaliyeed ugu shaqayso sidii ay ahayd

tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991kii.

Miisaniyaddii 2012 iyo Tan 2016

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

waxa ay mudnaanta siisay hormarinta iyo

kobcinta dhaqaalaha dalka. Taas oo loo

maray in si hufan loo maareeyo ilaha

dhaqaale ee dalka. Meelaha ugu muhiimsan

ee uu dakhliga dowladdu ka soo xaroodo

waxaa ka mid ah dekadda iyo garoonka

caalamiga ah ee Muqdisho. Hasa yeeshee,

waxaa jiray in caalamku aamminsanaa in

musuqmaasuqu yahay caqabadda ugu

weyn ee haysatay dawladdihii KMG ahaa.

Sidaas darteed dawladdan cusub waxa ugu

horreeya ee ay qabaneyso waxaa ay ka

dhigtay in la helo hannaan maaliyadeed oo

leh la xisaabtan iyo hufnaan, waxaana la

dhaqangeliyey Habdhiska Xogta Maamulka

Dhaqaalaha Soomaaliyeed (Somalia

Financial Management Information System-

SFMIS) oo qeyb ka ah mashruuca Maareynta

Maaliyadda Guud PFM (Public Finance

Management).

Mashruuca PFM waxaa maaligeliyey

Bangiga Adduunka waana hannaan lagu

xoojinayo hufnaanta iyo is la xisaabtanka

maamulka iyo isticmaalka maaliyadda

qaranka.

Mashruucan oo runtii ah mid dawladda lagu

ammaanay wuxuu si hufan u muujiyaa

dhaammaan dakhliga iyo kharashyada

dawladda. Hanaankani waxa uu wax weyn

ka taray xal u helidda musuqmaasuqa sida

joogtada ah dalka loogu eedeey nayey,

iyada oo ay dawladdu si cad ula socoto

dhammaan kharashyada baxa iyo waddada

ay ku baxaan iyo dakhliga soo xarooda iyo

meelaha uu ka soo xaroodo.

Waxaa kale oo uu mashruucani wax weyn

ka taray bixinta mushaaraadka shaqaalaha

oo laga dhigay “biometricsystem”, tan oo qof

walba xisaabta uu ku leeyahay bangiga

loogu shubo waxa uu shaqaysto bisha

dhammaadkeeda.

Ilaha Dakhliga Dawladda

Ilaha ay dawladda federaalku ka hesho

dakhliga waa Dekadda iyo Garoonka

dayuuradaha ee Muqdisho iyada oo hadda

lagu soo kordhiyey canshuuraha berriga oo

laga qaado ganacsato iyo shacab.

Dhaqaalahaas oo qayb ka ah miisaaniyadda

2013

Waxa ay

dowladu

diyaarisay

miisaaniyaddii

ugu horreysay

ee ay dawlad

Soomaaliyeed

dejisay tan iyo

burburkii

dawladdii dhexe

1991kii.

9
LIXDA TIIR 2012-2016

50%

Si loo dhiirigeliyo

ganacsiga waxay

Wasaaradda

Ganacsiga ku

dha-qaaqday in

qiima dhimis

boqolkiiba

konton (50%) ah

ay u samaysay

shatiyada kala

gaddisan ee

ganacsiga.

10

dawladda ee lagu maamulo hawlaha ay

dawladdu ka waddo dalka.

Dekadda iyo Garoonka caalamiga ah ee

Muqdisho, waxaa lagu sameeyay dib u dhis

weyn, waxaana lagu wareejiyay shirkado

caalami ah oo u dhisay hannaanka ay

garoomada iyo dekadaha caalamiga ah u

dhisan yihiin. Dib u dhiska casriyeynta iyo

hagaajinta maamulka dekadda iyo garoonka

Muqdisho, wuxuu horseeday in uu si weyn u

kordho dakhliga ka soo xarooda.Waxaana la

dardar geliyay howlaha dejinta iyo rarista

maraakiibta ku soo xirata dekadda. Halka

markii hore dejinta hal markab ay qaadan

jirtay 5 maalmood, hadda dejinta iyo rarka

markabka ugu weyn waxa uu qaataa wax ka

yar 26 saacadood. Halkaan waxaa ka

muuqda isbeddalka xawliga leh ee ku

dhacay dakhliga dekadda:

Kororka Ganacsiga Dalka

Si loo dhiirigeliyo ganacsiga waxay

Wasaaradda Ganacsiga ku dhaqaaqday in

qiima dhimis boqolkiiba konton (50%) ah ay u

SANNADKA DAKHLIGA KORORKA

2012 27,725,618 _

2013 50,824,363 83.31%

2014 57,299,474 106.67%

2015 61,061,612 120.24%

samaysay shatiyada kala gaddisan ee

ganacsiga.

Taasi waxay dadejisay isla markaana

dhiirrigalisay koboca iyo kororka ganacsi.

Waxaa taas markhaati ka ah hay’adaha

qiimeeya kororsiimada ganacsi ee dalalka

dunida sida hey’adda Lacagta Adduunka

IMF oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya

uu kordhay sannadkii tagay ee 2015 seddex

dhibic toddoba boqolkiiba (3.7%), iyada oo

saadaasha isla IMF sameysay ay ku sheegtay

in sannadkan socdaa uu noqonayo kororka

dhaqaaluhu saddex dhibic afar boqolkiiba

3.4% tan oo runtii ah wax lagu farxo.

Tayo Dhowrka Badeecadaha

Markii ugu horeysay 25 sano waxaa la

hirgaliyay dalka hanaanka tayo-dhowrka

badeecooyinka ka soo dega dekadaha iyo

garoomada dalka. Halka 4 sano ka hor la

keeni jiray badeecooyin dhacay oo u badan

cuntooyin iyo daawooyin oo halkii la

dheefsan lahaa lagu dhiman jiray. Taasna

waxaa mahadaddeeda leh Allah (SWT) ka

sokow dawladda uu hogaamiyo

Madaxweyne Xasan Sheekh.

Bulshada Soomaaliyeed waxay arrintaani ka

furatay walwal badan iyo dhib ay ku qabi

jireen badeecooyinka dhaca ee dalka la
2012-2016

LIXDA TIIR

keeno, waxaana hawshan gacanta ku haya

shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo aad

ugu xeeldheer shaqada tayodhowrka inta ay

shirkad Somaliyeed awoodi doonto in ay

kala wareegto.

Xasiloonida Amniga ayaa Saamaxay

Ganacsiyo Cusub

Xasilloonida dhinaca ammaanka ah ee ay

dowladdu abuurtay, waxay horseedday in ay

dalka ka hana qaadaan ganacsiyo kala

duwan oo aad u fara badan. Ganacsatada

yaryar oo ay ku adkeyd in ay suuqa soo

galaan waxaa u fududaatay in ay

ganacsadaan, taas oo ka dhalatay ka dib

markii ay ka maarmeen dabley ilaalisa oo

kharash badan oo aan wax ka soo noqod

lahayni uga bixi jiray. Waxaa taas

mahaddeeda leh dawladda uu hogaamiyo

Madaxweyne Xasan Sheekh.

Bangiyo Gaar ah oo leh ATM Caalamiya

Waxaa dalka laga furay Bangiyo casri ah, oo

ku shaqeynaya nidaamyada Bangiyada

caalamka. Markii ugu horreysay ayay dadka

Soomaaliyeed kaararkooda debitka iyo

Creditka (Debit and Credit Cards) wax uga

iibsan karaan dunida meeshii ay doonaan.

Waxaa taasi ay meesha ka saartay oo ay

ganacsatadu ka maarantay in ay qaataan

lacag badan oo bac ku xiran, oo keeni jirtay

in lagu dhibo garoomada iyo dekadaha

dunida.

Bangiyada cusubi waxay Soomaaliya ku soo

celiyeen fagaarayaasha nidaamyada lacag

dirista, halka markii hore ay booskaas ku

jireen xawaaladaha oo caqabado badani ay

heysteen. Bangiga Dhexe ee dalku isaga oo

dhiirri gelinaya koboca dhaqaalaha iyo

horumarka ayuu sharciyad iyo oggolaansho

ay ku shaqeeyaan siiyay Bangiyada gaarka

loo leeyahay ee soo buuxiyay shuruudaha

laga doonayo.

Tiknolojiyadda Casriga ah

Marka dib loo eego 2012 ma jirin internet

sidaan u xawaara badan, WiFi meel walba

yaalla, iyo mid aan meel ku rakibneyn oo uu

uu qofku jeebka ku sito, facebook saacad

kasta la geli karo, email iyo macaluumad

mar walba aad la socotid. Isticmaalka

Teknolojiyadda, Soomaaliya waxay heshay

adeeg internet xawaare badan oo mug weyn

Fibre Optic, oo ah midka ugu xawaaraha

badan

uguna

casrisan

dunida. Wuxuu

dalka soo gaaray

muddadii ay

dowladdani jirtay.

Adeeggan Internet ee

dalka u soo kordhay, waxaa

uu wax badan ka daboolay

baahida ka jirtay dhinacyada

Ganacsiga, Waxbarashada,

Isgaarsiinta, Warbaahinta, Cilmibaarista,

Caafimaadka iyo isku xirnaanta bulshada

dalka gudihiisa iyo xiriirka ay la leeyihiin iyo

dunida inteeda kale. Waxaa meelo badan oo

dalka ah ka jira Wi-Fi aan lacag ahayn oo inta

aad cunteyneysid ama aad shaaha cabeysid

aad adeegssanayso.

Caasimadda Xamar oo Ballaaratay

Waxaa horumar laga gaaray dhanka

dhismaha iyada oo Muqdisho ay aad u

balaaratay. Ballaca Magaaladu wuxuu ahaa

5km, dherekeeduna wuxuu ahaa 10km.

Maanta ballaca Caasimadda waa 15km,

halka dhererkuna uu yahay 25km sida lagu

xaqiijiyay daraasad rasmi ah oo laga soo

saaray NewYork, USA. Taasi waxay

caasimadda dalka ee Muqdisho ka dhigtay

magaalada 2aad ee ugu kobaca badan

dunida, waxaana arrintaas saamaxay rajada

ay abuurtay dowladda Xasan Sheekh

Maxamuud muddadii 4ta sano ahayd ee ay

dalka maamuleysay iyada oo wax badan ay

dhiman yihiin, lana arki doono muddada

dhow in dalku noqdo dal lugahiisa isku taaga

oo qof kasta oo joogaa uu ku noolaado nolol

uu ku qanacsan yahay.

Waxaa hadda qorshuhu yahay in noloshan

wanaagsan ee la billaabay la gaarsiiyo

gobollada iyo degmooyinka dalka. Waana

qorshaha dawladda ee xilliga soo socda in

isbadalladaan loo gudbiyo degmooyinka

dalka badankood.

Goobaha lagu Nasto

Ka dib markii dadku ay dareemeen in

15km

Ballaca

Magaaladu

wuxuu ahaa 5

km, dherekeeduna

wuxuu ahaa

10km. Maanta

ballaca

Caasimadda waa

15km, halka

dhererkuna uu

yahay 25km sida

lagu xaqiijiyay

daraasad rasmi

ah oo laga soo

saaray NewYork,

USA.

11
LIXDA TIIR 2012-2016

400

Bakaraha iyo

Rugsan Mall oo

ka koo-ban ku

dhawaad 400 oo

dukaan oo laga

hir geliyay

Suuqbacaad iyo

Muqdisho Mall

oo ka kooban

300

todobaadka oo dhan la shaqeysan karo

06:00 aroornimo ilaa 01:00 saqda dhexe si

aan cabsi lahayn ayay dadku ugu baahdeen

sida lagu yaqaan magaalooyinka waaweyn

ee casriga ah in la helo goobo lagu nasto oo

ay caruurtu ku cayaaraan, waayeelkuna ku

nastaan. Haddaba si baahidaas looga

jawaabo waxay dawladdu dhiirigelisay in ay

dhismaan beero dalxiis iyo jardiinooyin casri

ah oo loo nasiina tago. Waxay taasi

muujineysaa nabadgalyada iyo horumarka

uu dalku ku tallaabsaday dhinaca

xasilloonida iyo dibu dhiska. Waxaad

arkeysaa dad aad u badan oo camiraya

galab iyo habeen ilaa saqda dhexe goobahaa

lagu nasto. Waxaana intaa is dhaafaya

mootooyinka bajaajka oo aad isleedahay

mid waliba hal qof miyaa loogu talagalay tiro

badnidooda awgeed.

Dukaamada iyo goobaha ganacsigu waxay

furan yihiin ilaa saq dhexe. Halka

Maqaayaduhu ay furan yihiin ilaa 01:00

saqda dhexe, qaarkoodna ka dib.

Xaafado Casri ah

Waxaa laga dhisay magaala madaxda dalka

xaafado (guryo) casri ah iyo hoteello 4 (stars)

ah sida xaafadda weyn ee Salaam city iyo

Safari apartments oo la soo gabagabeyay

iyo xaafadda Jaziira oo dhismaheedu socdo.

Suuqyo-waawayn oo casri ah ayaa laga

hirgaliyay magaalada Muqdisho sida Suuqa

Khaliifa, Bakaraha iyo Rugsan Mall oo ka

kooban ku dhawaad 400 oo dukaan oo laga

hir geliyay Suuqbacaad iyo Muqdisho Mall

oo ka kooban 300 oo dukaan oo laga dhisay

Xamar Wayne iyo xarumo laga dukaameysto

oo yar yar oo casri ah. Sidoo kale Suuqyo

(supermarket) casri ah ayaa la hirgaliyay oo

aad u tiro badan, waxayna taasi muujineysaa

in dawladdu ay ammaanka iyo xasilloonida

si rasmi ah u sugtay taasoo dhiiri gelisay hal

abuurka ganacsiga oo ka hana qaaday

caasimadda Jamhuuriyada Federaalka

Soomaliyeed ee Xamar.

Shidaalka Gaadiidka iyo Mashiinnada

Korontada

Afarsano ka hor shidaalku wuxuu ku soo

dagi jiray fuustooyin waxaana suuqyada

looga iibsan jiray fuustooyin iyo jirigaanno

taas oo sababi jirtey in suuqyadu ay gubtaan,

dadkuna ay khatar ku galaan oo naf lagu

waayo. Maanta waxaa magaalada laga

hirgaliyey 42 kaalin shidaal oo casri ah oo

qofku intuu gaarigiisa la tago uu intuu rabo

kaga shuban karo. Kaallimahaas waxay la

mid yihiin kuwa ku yaalla dalalka horumaray.

Waxaana mahaddeeda iska leh Alle (SWT)

ka sokow Dawladda Madaxweyne Xasan

Sheekh oo abuurtay jawigii uu horumarkaasi

ku suura galay.

Dhinaca kale waxaa dib loo dhisay loona

howl galiyey keydkii shidaalka Soomaaliya

oo malaayiin doollar lagu maal geliyey, kan

12
2012-2016

LIXDA TIIR

aad

oo awood u leh in uu keydiyo shidaal aad u

badan oo noocyo kala duwan ah, waana

guul shacbiga u soo hoyatay.

Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka

Waxay dawladdu gacanta ku haysaa sidii

loo soo saari lahaa kheyraadka dhulka

hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta

kala duwan ee hoos ceegaaga dalka.

Waxaana intaa wadahadallo lagula jiraa

shirkado waaweyn oo caalami ah, si looga

gaaro guulo uu shacbiga u aayo. Soomaaliya

waxaa saadaal xoog leh lagu bixiyey in

muddada dhow ay noqon doonto dalalka

dunida ugu shaqada badan ee loo soo

shaqo doonto. Wasaaradda Betroolku waxay

dhameysay xog ururin waxayna mar dhow

galeysaa sidii loo furi lahaa qandaraasyadii

lagu hawlgali lahaa. Waxaa la sugayaa in

dhawaan la meel mariyo sharciga

saamiqeybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee

dalka.

Dhaqaalaha dalka waxay dowladdu siisay

ahmiyad wayn. Madaxwayne Xasan Sheekh

waxaa uu dareensan yahay in faqrigu uu

qayb ka yahay caqabadaha dalka, sidaas

awgeed dawladdu waxay dadaal galisay

sidii ay u abuuri lahayd jawi ganacsatada

Soomaaliyeed u saamaxaya in ay

maalgashadaan dalka. Qorshahaas waxa uu

soo jiitay maalqabeeno Soomaali iyo ajnabi

leh oo ku dhiirraday in ay malaayiin doolar

galiyaan dalka, iyaga oo fidinaya adeegyo

casri ah taas oo ku soo kordhisay dalka,

fursado shaqo, adeegyo hormarsan iyo bilic

wanaagsan, kuwaas oo aan jirin sannado ka

hor.

Maxaa u Qorsheysan Dawladda

Dawladda waxaa ka go’an in dalkani uu

muddo yar ku noqdo dal isku filnaada oo

saameyn weyn ku yeesha wadamada

geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale,

waxayna dawladda iyo Madaxweyne Xasan

xa-qiiqsadeen in horumar weyn la sameeyey

iyada oo ay jireen caqabado badan oo aan

muuqan, ka hor inta aanu hogaanka dalka

qaban Madaxweyne Xasan.

Afartii sano ee tagtay Dawladda

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay

fahamtay waxa shaqeyn kara iyo wax aan

shaqeyn karin tan oo aan lagu baran karin

akhrin iyo baaris balse u baahan in la dhex

galo, khibradaha laga helana lagu hawlgalo.

Madax kasta oo cusubina waa ay la

kulmeysaa dhibaatadan, hasa yee shee

dawladdan waxaa la hubaa in ay dalka meel

fiican gaarsiin karto afarta sano ee soo

socota haddii la siiyo fursad. Waayo waxay

leedahay khibrad ay si adag ku soo baratay,

laakiin madax kasta oo cusub oo timaada

waxay u baahan doontaa waqti ay ku barato

aqoonta iyo khibradaha ay kasbadeen

madaxda maanta joogta afartii ee la soo

dhaafay.

42

Maanta waxaa

magaalada laga

hirgaliyey 42

kaalin shidaal oo

casri ah oo qofku

intuu gaarigiisa la

tago uu intuu

rabo kaga shuban

karo.

Kaallimahaas

waxay la mid

yihiin kuwa ku

yaalla dalalka

horumaray.

13
LIXDA TIIR 2012-2016

aad

TIIRKA

Nabadeynta

iyo Dib u heshiisiinta

14
2012-2016

LIXDA TIIR

NABADEYNTA IYO

DIB U HESHIISIINTA

Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta waa udub

dhexaadka dawladnimadda, iyada oo taa

laga amba qaadayana waxa uu Madaxweyne

Xasan Sheekh dedaal iyo waqti dheeraad ah

ku bixiyay ka miro dhalinta qodobkan.

Tiirkani wuxuu tilmaamaa seddex qodob oo

kala ah:

1. Dib u heshiisiin iyo baahinta nidaamka

Federaalka ah.

2. Dib u eegista dastuurka iyo diyaarintiisa.

3. U Diyaarinta dalka doorasho cod iyo qof

ah.

Sharciyada

Waxaa la sameeyey lana ansixiyey

sharciyadii dawladdu ku hawlgeli lahayd

iyadoo xukuumaddu ay barlamaanka u soo

gudbisay in ka badan 20 sharci kuwaas oo

badankood la ansixyay.

Dhismaha iyo Dhameystiridda Maamul

Goboleedyada

Waxaa loo hawlgalay Dhismaha maamul

goboleedyada Jubaland, KoofurGalbeed,

Galmudug iyo Hirshabeelle. Waxay madaxda

dalku gaareen shacab ay adkayd in lala

hadlo laga warqabo lagana talo geliyo

hanaanka siyaasdeed ee dalku yeelanayo.

Iyada oo ay u ahayd farxad shacabkaas oo

halkooda loogu tagay xasilin ka dib. Waxaa

markii ugu horreysay laga dhageystay

shacbigaas cabasho, codsi iyo talo. Waxaa si

isdabajoog ah loo qabtay loona qabtaa

shirar goboleedyo, kuwa Qaran iyo kuwa

beeleed lagu nabadeynayo bulshada

looguna gogol xaarayo dhisamaha maamul

goboleedyada iyo baahinta hanaanka

federaalka ah taas oo wejigeedii hore uu

guul ku soo dhamaaday.

Maxaa ka Dhashay Wadahadalka

Waxaa la qabtay shirar badan oo dib u

heshiisiineed, kuwaas oo la isugu keenay

guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ee

deggan maamul goboleedyada, si ay uga

arrinsadaan aayahooda iyo sidii ay maamul

ay wada leeyihiin u dhisan lahaayeen.

Waxaana loogu guuleystay si aad u

wanaagsan. Taas macnaheedu ma aha in

aysan xurgufyo yaryari aanay jirin, laakiin

laguma kala tagin oo waxbaa lagu dhisay.

Qorigii waxaa Beddalay Wadahadal iyo is

Qancin

Madaxda dowladdu waxay shirarkaas dib u

heshiisiineed gelisay dedaal aad u xoog

badan. Waxaa dadaalladaasi ay noqdeen

kuwo miradhal ah oo guul ku dhammaaday.

Waxaa shacbiga Soomaaliyeed laga

gudbiyey aragti ah in marka wax lagu

heshiinwaayo lagu kala cad goosto qori

caaraddiis iyo ciddii xoog badan oo wax

walba isku qaadata.

Dawladda Xasan Sheekh waxaa laga bartay

in wadahal kasta uu guul ku dhammaan karo

haddii loo dulqaato, waqti la siiyo oo aan

laga caajisin. Shirarkaas wadahadalka iyo

dib u heshiisiinta waxay ka dheceen

magaalooyin kala duwan oo ay kamid yihiin

ah Dhuusamarreeb, Garoowe, Baydhabo,

Baladweyne, Kismaayo, Jowhar, Marka,

Galkacayo iyo Muqdisho, oo lagu qabtay

kulamo kala duwan oo heer qaran ah kuwaas

oo dhammaantood la xiriiray dib u heshiisiinta

iyo sidii Soomaalidu wax isugu darsan

lahaayeen iyaga oo isu calool fayow.

Dadaalladaas waxay soo afjareen siyaasadii

gacanta la isula tegi jiray, waxayna ku

beddeleen wadatashi iyo wadahadal.

Madaxweynaha oo Dedaal Geliyey Xalinta

Khilaafaadka Adag.

Madaxweyne Xasan Sheekhwaxaa ka go’an

in la dhiso Soomaaliya cusub oo iyadu isku

tashata haddii ay ahaan lahayd wadahadalka

iyo isu tanaasulka, wax wadaqabsiga iyo

istaageeridda, isuhiillinta iyo isla difaaca

dalka.

Madaxweynaha waxaan marnaba u muuqan

qadafka, erayada siyaasadeysan ee damaca

ku qotoma iyo diidmada ka soo yeereysa

gudaha iyo dibaddaba. Waxaana uu mar

waliba xoogga saaraa in Soomaalidu ay

arrimahooda iyagu xallistaan. Tusaale ahaan

20

Waxaa la

sameeyey lana

ansixiyey

sharciyadii

dawladdu ku

hawlgeli lahayd

iyadoo

xukuumaddu ay

barlamaanka u

soo gudbisay in

la ba-dan 20

sharci kuwaas oo

badankood la

ansixyay.

15
LIXDA TIIR 2012-2016

16
2012-2016

LIXDA TIIR

ismaandhaaf ka dhashay laba maamul

goboleed oo mar qura looga wada

dhawaaqay magalada Baydhabo waxaa u

geed fadhiistay Madaxweynaha waxaana

ugu danbeyn heshiis laga gaaray laguna

heshiiyay hal maamul oo seddex gobol ka

kooban. Madaxweynuhu wuxuu sameeyey

Madasha Wadatashiga Qaran iyada oo

uusan ku khasbaneyn, hasa yeeshee waxaa

uu ku kalsoonaa in Soomaalidu ay

khilaafkooda xalisan karaan, haddii la siiyo

fursad iyo waqti ku filan. Waxaa arrimahaas

laga gaaray guulo waaweyn.

Dadka Soomaaliyeed iyada oo aan qabiil iyo

degaan loo eegin waxaa ay dhammaantood

xaq u leeyihiin afar qodob oo asaas u ah

hanaanka dawladnimada, dawladduna ay

tahay inay ilaaliso:

1. In ay doortaan dawladaha hoose, tan

dhexe iyo wakiilladooda u matalaya

aqallada sare iyo hoose ee

baarlamaanka.

2. In goobaha iyo degaannada ay ku nool

yihiinay ku helaan adeegyada guud ee

ay dawladdu bixiso.

3. In ay kheyraadka dalka u qeybsadaan si

siman oo caddaalad

ku salaysan.

4. In ay helaan

damaanadqaadka

dastuurkusiinayo ee

dhinacyada xorriyadda

hadalka, xorriyadda

saxaafadda, xuquuqda

baniaadamka iyo tan caalamiga

ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

waxaa ay ku dadaashay in la gaaro doonista

shacbiga si kasta oo ay waddadu u dheeraato

una ad-kaato, iyadoo ifafaaluhuna uu yahay

mid muujinaya guul.

Dhinaca kale, dowladdu waxay aad ugu

dadaashay, joojinta dhiiga shacabka ee

micna darrada ay ku daadinayaan kooxda

Alshabaab. Waxaa kooxdaas loo fidiyey

cafisyo, ciddii ka baxda argagixisonimada,

cambaareeysana ficilladaasna dawladdu

wey soo dhawaynaysaa. Cafiskaasna dad

badan ayaa ka faa’ideystay, dowladdana isu

soo dhiibay, kuwaas oo si nabad ah kula

joogo reerahooda.

Dowladdu waxay

aad isugu

taxluujisay, joojinta

dhiiga micna

darrada ay ku

daadinayaan

kooxda Alshabaab.

Waxaa koox-daas

loo fidiyey cafisyo,

ciddii ka baxda

argagixisonimada

17
LIXDA TIIR 2012-2016

aad

TIIRKA

DIB U HABAYNTA

Adeegyada Bulshada

18
2012-2016

LIXDA TIIR

DIB U HABAYNTA

ADEEGYADA BULSHADA

Tiirkan waa kan ugu ballaaran tiirarka lixda

ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u dejiyay

hogaaminta dalka.Dawladduna waxa ay ku

guuleystay in aasaaska loo dhigo dhammaan

qeybaha kala duwan ee adeegga bulshada,

haddana waxa ay hawluhu marayaan heer

ummadda Soomaaliyeed gelineysa rajo iyo

yididiilo aad u sarreysa.

Sanadkii 2012 wax badan kama jirin

adeegyada bulshada. Inta jirtayna ma ahayn

adeeg dabooli karay baahida ay bulshadu

qabtay. Hawlaha adeega bulshada waa

kuwa ilaa iyo hadda aanay fari ka

qodnayn,hasa yeeshee waxaa loo sameeyey

aasaas laga duuli karo afarta sano ee soo

socota.

Ballanqaadka Madaxweynuhu wuxuu ahaa

in wax laga qabto soo noolaynta adeegyada

bulshada sida: Caafimaadka, tacliinta,

ilaalinta deegaanka iyo fayo dhowrka guud

ee bulshada, iyada oo mar walba lagu

tashanayo awoodaha dhaqaale, aqooneed

iyo ammaan ee la haystay.

Caafimaadka

Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne

Xasan Sheekh waxay dowladdu xoogga

saartay in wax laga qabto baahida caafimaad

ee baaxadda weyn ee ka jirtay dalka. Runtii

ma jirin cid gaar loogu eedeyn karo

dhibaatooyinka caafimaad oo ka mas’uul

ahayd marka laga reebo dawlad la’aantii

dalka ka dhacday. Dawladdihii KMG ahaa

waxay sameyeen intii tabartooda ahayd.

2012

Sanadkii 2012

wax badan kama

jirin adeegyada

bulshada. Inta

jirtay-na ma

ahayn adeeg

dabooli karay

baahida ay

bulshadu qabtay.

19
LIXDA TIIR 2012-2016

Waxay dawladddu

dib u dhistay

xarumihiicaafimaad

ee

horay u jiray

qaarkood, waxay

kale oo ay dhistay

xarumo cusub”

Shacabka Soomaaliyeed waa gob, dun

xariira ah ka sameysan waxay qaban

kareenna waa ay qabsadeen. Ha yeeshee

dedaaladaa iyaga ah ma dabooli karin

baahida caafimaad ee dalka oo dhan.

Dawladda Maxadaweyne Xasan Sheekh

waxa ay go’aansatay in dedaal dheeri ah

lagu bixiyo soo nooleynta xaruumaha

caafimaadka ee dalka iyo abaabulid xarumo

caafimaad oo cusub .

Xaruumaha Caafimaad

Waxay dawladddu dib u dhistay xarumihii

caafimaad ee horay u jiray qaarkood, waxay

kale oo ay dhistay xarumo cusub. Qaar

kalena waxay dhismahooda u fududeysay in

ay hay’adaha iyo shacabku dhisaan, iyada oo

kuwa hor lihina ay hadda waddada ku soo

jiraan. Waxaa taladaa toosan oo ay dawladdu

qaadatay ku hirgalay Istibaallada ay ka mid

yihiin:

• Isbitaalka Difgeer oo si casri ah loo

dhisay

• Isbitaalka Martiini,

• Isbitaalka Xoogga,

• Isbitaalka Sheikh Khalifa Bin Zayed.

• Isbitaalka Carruurta oo dhinaca ku haya

Akeedimyada Jeneraal Kaahiye.

• Istibaalka Indhaha ee Xararyaale.

• Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee

Xamar Jajab,

• Isbitaalka Deva.

Waxaa kale oo jira xarumo caafimaad oo

kale oo bixiya adeegyo caafimaad oo ay ay

bulshada Soomaaliyeed si weyn ugu

diirsadeen. Sidoo kale waxaa dib loo soo

nooleeyey xarumaha Dhallaanka iyo

Hooyada (MCH) oo laga furay degmooyin

badan oo dalka ah.

Xarumahan caafimaad qaarkood sida

Isbitaalka Erdogan (Ex- Digfeer), kan

Carruurta iyo Isbitaalka Deva, waa kuwo

casri ah oo bixiya adeegyo Caafimaad oo la

heer ah kuwa laga helo Isbitaallada casriga

ah ee adduunka ka jira.Waxaa looga kala

yimaadaa gobollada dalka oo dhan, iyada

20
2012-2016

LIXDA TIIR

oo si farxad leh looga maarmay in badan oo

ka mid ah safarradii caafimaad ee dhibka

badnaa ee loo aadi jiray dalalka deriska ah

ama dunida kale. Safaraddaas waxaa ku bixi

jirtay lacag adag oo helitaankeeda ay dhib

ka mudan jireen bukaanka iyo ehelkiisa.

Dadaaladaas waxaa mahaddooda leh

dawladda oo abuurtay jawigii iyo xaaladdii

ay Isbitaaladdaasi ku shaqeyn lahaayeen, ka

dibna kaashatay hay’ado maxalli ah iyo ku

ajnabi ah oo fududeeyay dhismaha

xarumahaa caafimaad.

Waxbarashada

Aqoontu waxay fure u tahay horumarka

dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh waa

macallin, horana wuxuu u abuuray

jaamacadda SIMAD oo maanta la og yahay

waxa ay dalka u soo saartay. Sidaa darteed

4tii sano ee la soo dhaafay dawaladdu waxay

mudnaan gaar ah siisay sidii loo horumarin

lahaa heerarka kala duwan ee waxbarashada,

ha noqoto waxbarashada dugsiyada

hoose,dhexe, sare iyo waliba waxbarashada

heerka jaamacadeed.

Horay dalka waxaa uga jiray dugsiyo iyo

jaamacado gaar loo leeyahay oo mid walba

uu dhigo wixii uu rabo, bixiyo shahaadadii uu

doono, iyada oo aysan jirin wax lagu cabiro

mudnaanta iyo qiimaha shahaadooyinkaas.

Sidoo kale ma jirin dugsi ama jaamacad ku

manhaj ah dugsiyada iyo jaamacadaha la

midka ah, taasoo keentay in ay kala

duwanaadaan waxyaabaha la barto,

cabirkooda iyo heerka ay gaarsiisan yihiin.

Dugsiyada la Dayactiray

Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Maxamuud waxay ka bilowday gunta hoose,

waxaana la dhisay ama dib loo dayactiray

dugsiyo iyo xarumo caan ahaa oo waxgarad

iyo aqoonyahan badan ay wax ku soo

barteen ama ay eheladooda wax ku soo

bareen, xarumahaas dib loo dhisay oo aan

xusuus iyo xurmo wada jirta u hayno waxaa

kamida:-

4

4tii sano ee la soo

dhaafay dawaladdu

waxay mudnaan

gaar ah

siisay sidii loo

horumarin lahaa

heerarka kala

duwan ee waxbarashada,

ha

noqo-to waxbarashada

dugsiyada

hoose,dhexe, sare

iyo waliba waxbara-shada

heerkajaamacadeed.

21
LIXDA TIIR 2012-2016

• Dugsiga Raage Ugaas.

• Dugsiga Yuusuf Alkownayn.

• Dugsiga Bartamaha.

• Dugsiga 15-ka May.

• Dugsiga 21-ka Oktoobar.

• Dugsiga Yaasiin Cusmaan.

• Dugsiga Dhamme Yaasiin Cartan.

• Dugsiga Cismaan Geeddi Raage.

• Dugsiga Howl-wadaag

• Dugsiga Muuse Galaal

• Dugsiga Macallin Jaamac

• Dugsiga Dhagax tuur

• Dugsiga Sheekh Xasan Barsane

• Dugsiga Cabdicaziiz.

• Dugsiga Badda.

• Dugsiga Waaberi

Waxaa kale oo la dhisay xarumo waxbarasho

oo dhammaantood lagu diirsaday, taas oo

dadka fahmsiisay baahida loo qabo

dawladnimada. Waxaana sidoo kale goobo

waxbarasho laga hirgeliyey gobollada iyo

degmoyinka dalka qaarkood.

Barnaamijkii Aada Dugsiyada

Dowladdu waxay sidoo kale hirgelisay

mashaariic ay ka mid yihiin: Barnaamijka

“Aada Dugsiyada”, kaasoo ay ujeedadiisu

tahay in ugu yaraan hal milyan oo carruur

Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho

lacag la’aan muddo 5 sano gudahood ah.

Adeeggaas waxbarashada lacag la’aanta ah

waxaa dalka ugu dambeysay 1990kii.

Mashruucan oo ah mid ay dowladda

Soomaaliya hindisihiisa iyo fulintiisaba

lahayd waxaa laga gaaray guulo waaweyn,

iyada oo lagu guuleystay in 150,000 oo

carruur Soomaaliyeed ah oo ka soo jeeda

qoysas dan yar ah ay helaan waxbarasho

lacag la’aan ah.

Sidoo kale dowladu waxaa ay dib u diiwaan

galisay macalimiinta Soomaaliyeed si

tiradooda iyo tayadooda loo ogaado.

Macalimiintaasi waxay wax ka dhigaan

dugsiyada wax lagu baro caruurta danyarta

ah. Tirada Macalimiinta la diiwaan geliyay

waxa ay gaaraysaa 1,400 oo macallin,

waxayna mushaar ka qaataan Wasaaradda

Waxbarashada si ay ugu adeegaan Qaranka.

Dowladdu waxay tallaabadan uga dan

lahayd in aan carruurta lacag laga qaadin iyo

in shaqo loo abuuro macalimiin intaas la eg

oo helay dakhli ay ku biilaan qoysas

Soomaaliyeed.

Shirweyne Qaran

Dowladdu waxay qabatay Shirweyne Qaran

oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan

hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada,

kuwaas oo ka kala yimid gobollada dalka iyo

dibaddaba.

Shirkan Qaran oo ahaa kii ugu horreeyay oo

noociisa ah oo la qabto tan iyo burburkii

dawladdii dhexe 1991kii, waxaa dadkii ka soo

qeyb galay isla gorfeeyeen sida ugu

habboon ee loo horumarin karo tacliinta

dalka, loona sameyn karo manhaj mideysan

oo uu dalku yeesho. Shirkaas waxaa ka soo

baxay dardaaranno iyo talooyin muhiim ah

oo fulintooda ay dowladda iyo hay’adaha

waxbarashadu iska kaashanayaan sidii looga

dhabeyn lahaa.

Imtixaan mideysan iyo Deeq Waxbarasho

Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda

Madaxweyne Xasan Sheekh waxay markii

ugu horreysay muddo 25 sano ah ku

guuleysatay in ay imtixaan mideysan ka

qaaddo dugsiyda sare ee dalka. Imtixaanka

waxaa dejisay wasaaradda, taas oo ah guul

u soo hooyatay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale dowladdu waxay geed gaaban

22
2012-2016

LIXDA TIIR

iyo mid dheerba u fuushay sidii ay ardayda

kaalimaha hore ka galay imtixaankii la

mideeyey ee caddaaladda loo saxay ay u

heli lahaayeen deeq waxbarasho. Arday

Soomaaliyeed oo boqollaal ka badan ayay

dowladdu u fidisay deeq

waxbarashodibadeed iyo mid dalka

gudihiisa ah. Dalalka ardayda loo diray si ay

wax ugu soo bartaan waxaa ka mid ah

Sudan, Shiinaha, Ruushka, Masar, Turki iyo

Ethiopia.

Jaamacadda Ummadda

Hawlaha qiimaha badan ee la qabtay intaas

kuma eka ee waxaa kale oo farxad weyn ah

in dib loo hawlgeliyey Jaamacadda

Ummadda Soomaaliyeed oo ahayd

halbowlaha waxbarashada dalka iyadoo

aqoonyahannada maanta dalku uu ku faano

ay ka soo baxaeen. Jaamacaddaas.Qaar

badan oo kamida ardaydii xilliyadii hore ka

qalin jabiyay Jaaamacadda Ummaddaayaa

maanta wax ka bara jaamacado waaweyn

oo caalamka ah. Sannadkan 2016ka waxaa

imtixaanka gelista Jaamacadda Ummadda u

fariistay 1,500 oo arday.

Sidoo kale tirada Jaamacadaha dalka ee

gaarka loo leyahay ayaa intaa sii kordhaysa

isla markaasna waxaa socota tayeynta

waxbarashada dalka oo dhan, waxaana loo

abuuray jawi nabadeed oo qof walba oo

Soomaali ah uu heli karo waxbarashada uu u

baahan yahay, waxaana socda dadaallo lagu

horumarinayo laguna kormeerayo tayada

waxbarsho ee jaamacadaha gaarka loo

leeyahay si ay ula jaan qaadaan hanaanka

waxbarsho ee jaamacadaha caalamka.

Baahinta Waxbarshada ee Gobollada

Si dalka loogu baahiyo tayeynta

waxbarashada waxaa la aasaasay iskaashiga

iyo wadashaqeynta hay’adaha waxbarashada

iyo wasaaradaha waxbarashada ee heer

federaal iyo heer dowlad goboleed oo si aad

ah hadda u wada shaqeeya, waana guul

weyn oo ay dawladda Madaxweyne Xasan

Sheekh ku tallaabsatay taasoo miraheeda la

arki doono mustaqbalka dhow midhahooda.

Akademiyada Hiddaha iyo Dhaqanka

Ummad aan hiddaheeda, afkeeda iyo

dhaqankeeda aqoon waxay noqotaa baadi

aan iyadu is garaneyn duniduna aanay

garanayn sidaas darteed waxaa dib

dhidibada loogu taagay Akademiyada

Fanka, Dhaqanka & Suugaanta oo ku hawlan

xilligan dib u ururinta iyo dib u habayntii

sooyaalkii taariikeed iyo hiddihii iyo dhaqankii

1500

Sannadkan

2016ka waxaa

imtixaanka

gelista

Jaamacadda

Ummadda u

fariistay 1,500

oo arday

23
LIXDA TIIR 2012-2016

30ka

Fanka, Dha-qanka

& Suugaanta oo

ku hawlan

xilligan dib u

ururinta iyo dib u

habayntii

sooyaalkii

taariikeed iyo

hiddihii iyo

dhaqankii

ummaddee-nu

lahayd oo

astaanta u ahaa,

ummaddeenu lahayd oo astaanta u ahaa,

Adeegga Isgaarsiineed ee jidadka

Waxaa lagu guuleystay in la dhiso qaar ka

mid ah waddooyinka hal-bowlaha u ah

magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,

kuwaas oo markii hore burbursanaa.

Dhismaha jidadkan qaarkood waxaa

dowladda ka gacan siisay dowladda aan

saaxibada nahay ee Turkey, halka qaar

kalena lagu dhisay ololeyaal dowladdu

hormuud ka ahayd iyo iskaa wax u qabso oo

ay bulshada ka qeyb qaadatay, kadib markii

ay arkeen hoggaan daacad ah oo horumar

iyo isbeddal xalaal ah u horseedaya dalka.

Waddooyinka la dhisay ee ay dadku sida

raaxada iyo xusuusta leh habeen iyo

dharaarba u maraan waxaa ka mid ah:

• Wadada Makka Al Mukarama

• Wadada liido ilaa ex-koontorool Balcad

• Waddada airboorka ka soo bilowda ilaa

warshadaha.

• Waddada Cisbitaal Banaadir ilaa

tarabuunka,

• Waddada KM4 ilaa Dekedda weyn ee

Muqdisho,

• Waddada dheer ee ka bilaabata

Dekedda ilaa Carwada Idko.

• Waddada weyn ee ka kacda Golaha

Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka

Qaranka ilaa Xararyaale.

• Waddada Zobe ilaa Danwadaagaha.

• Waddada ka baxda Baar Fiat ilaa Xarunta

dagmada Kaaraan.

• Wadada Korontada (Madiina) ilaa xereda

ciidanka ee Jaziira

• Waddada Sayidka ilaa iyo isgoyska weyn

ee Howlwadaag.

• Waddada Ummadda oo loo yaqaan

Wadnaha

Jidka 30ka iyo kan Ciidamada oo lagu jiro in

howshooda la bilaabo.

Dhismaha Xarumaha Gobolka Banaadir

Gobolka Banaadir oo ah xarunta dalka

burbur laxaad lehna uu ka soo gaaray

dagaalladii sokeeye, waxaa ay dowalddu

isku howshay in dib loo dhiso xarumihii

muhiimka u ahaa adeegyada bulshada,

waxaana arrintaas laga gaaray horumar aad

u ballaaran.

Xarumo badan oo ay Banaadir caan ku

ahayd ayaa dib loo dhisay, halka qaarkoodna

la dayac tiray. Goobaha ugu muhiimsan ee

dib u dhiska lagu sameeyay waxaa ka mid

ah.

• Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho

(Officio Governo)

• Xaruntii Ilaalada Deegaanka Muqdisho

• Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir

• Xarumaha & Saldhigyada 17-ka degmo

ee gobolka Banaadir.

• Dhammaan Waaxyaha iyo Laamaha

degmooyinka gobolka Banaadir.

• Dhamaan Xarumihii tariihkiga ahaa sida

masjiddadii caanka ahaa:

• Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

• Masaajidka qaddiimka ah ee Arbaca

Rukun.

• Masjidka taariikhiga ah ee CabdalCaziiz

• Masjidka taariikhiga ah ee Shingaani.

• Masjidka ka soo horjeedka Boostada

demada Hodon

• Masjidka Macallin Nuur ee degmada

Hodon

• Iyo kuwo kale oo badan

24
2012-2016

LIXDA TIIR

Waxaa iyana dib loo taagay taallooyinka

qaarkood taasina waxa ay muujineysaa

dadaalka ay dawladdu gelisay 4tii sano ee la

soo dhaafay ilaalinta iyo dib u soo nooleynta

bilicda magaalada caasimadda ah iyo

astaamaha taariikhiga ah ee muujinaya

jiritaankeena ummadeed.

Xarunta Taliska Booliska

Dawladdu waxa dib u habayn ku samaysay

xaruntii taliska ciidanka Booliska Somaliyeed

iyadoo dawladdu ku sameysay dib u habayn

xoog leh, waxaana lagu qalabeeyey

isgaarsiin casri ah oo u sahlaya in ciidanka

Booliskusi habsami leh u gutaan

waajibaadkooda Qaran, har iyo habeenna

ugu adeega bulshadooda baahida weyn u

qabta.

Xabsiga iyo Xarumaha Dhaqancelinta

Sidoo kale Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

waxa lagu sameeyay dayactir ballaaran iyo

qalabayn. Waxaa markii ugu horeysay 25

sano ka dib laga hirgaliyay warshada tosha

dharka ciidanka taas oo ay ka shaqeeyaan

maxaabiistu, waxaana si fiican loo hagaajiyay

nolosha maxaabiista. Xabsigani oo ah meel

lagu dhaqanceliyo shakhsiyaadka dunuubta

ka gala dalka iyo dadka waxaa lagu dadaalay

in uusan noqon meel dambiilayaasha lagu

ciqaabo ama lagu hayo oo kaliya ee waxay

dawladdu ku dedaashay in kor loogu qaado

garaadka iyo xirfadaha maxaabiista si markii

ay ka soo baxaan xabsiga ay ula noolaan

karaan bulshada inteeda kale.

Sidoo kale waxaa ay dhismahiisu hadda

socotaa Xabsi casri ah oo u dhigma

xabsiyada caalamka oo laga hirgelinayo

xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta, xabsigan

oo noqon doono xabsi lagu dhaqanceliyo

dambiilayaasha, korna loogu qaado

garaadkooda iyo xirfadahooda si ay uga

waantoobaan dambiyadii ay ku dhaceen.

Dhammaan xarumahan dib u dhiska iyo

qalabeynta lagu sameeyay, maanta waxaa

loogu adeegaa bulshada Soomaaliyeed oo

si weyn ugu diirsatay. adeegyada loogu

qabto xarumahaas. Ma wada dhameystirna

adeegyada ay bulshadeennu u baahnayd,

ha yeeshee dedaalka iyo waxqabadka lagu

haqabtirayo baahida bulshada waa kuwa is

dabajoog ah, bulshada Soomaaliyeedna

iyada ayaa ka marqaati ah wixii qabsoomahay

mudadaa kooban.

Dib u Dhiska Wasaaradaha & Wakaaladaha

Muddadii 4ta sano ahayd ee tagtay waxaa ay

25
LIXDA TIIR 2012-2016

294.9%

4 sano ka hor

shaqaalaha

rayidka ah ee

dowladu waxay

ahayeen 1,200,

sanadkii la soo

dhafayna waxa

ay tiradoodu

noqotay 4,739,

(taas oo u

dhiganta koro

dhan 294.9%)

iyadoo 1,172 ka

mid ah ay yihiin

haween

dowladdu dhexda u xiratay in dib loo dhiso

xarumihii wasaaradaha iyo hay’adaha kale

duwan ee muhimka u ahaa hanaanka

dowladnimo, laga maarmaankana u ahaa

adeegyada bulshada. Xarumahaas waxaa

loogu shaqeyn jiray bulshada si loo soo

celiyo dhammaan adeegyada muhimka ah

ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Haddaba si looga mira dhaliyo tiirkan ayaa

wasaaradaha iyo goobaha kale ee muhimka

ah ee dib loo dhisay waxaa ka mid ah:

• Wasaaradda Gaashaandhigga

• Wasaaradda Howlaha Guud

• Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare

• Wasaaradda Gaadiidka & Dekadaha

• Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga

• Wasaaradda Haweenka & Arrimaha

Qoyska

• Wasaaradda Arrimaha Dibadda

• Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta

• Wasaaradda Caddaaladda & Garsoorka

• Wasaarada Kalluumaysiga iyo

Kheyraadka Badda.

• Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

• Dhinaca Wakaaladaha:

• Xarumaha wakaaladaha ee dib u dhiska

lagu sameeyay waxaa kami-da:-

• Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee

SONNA

• Wakaaladda Batroolka Soomaaliyeed

• Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed

• Wakaaladda Kaluumeysiga

iyo goobo kale oo muhiim ah. Xarumahaas

waxaa hadda ku howl gala hay’adihii horay

ugu shaqeyn jiray. Waxaana loogu adeegaa

bulshada Soomaaliyeed, iyada oo intaa

gacanta lagu hayo dib u dhiska goobo kale

oo muhim ah oo la

dhamaystiridoonodhawaan.

Waxaa xusid mudan in ay kordheen tirada

shaqaalaha ee ka hawlgala xarumaha

dawladda kuwasoo bulshada Soomaaliyeed

ugu adeega si hagar la’aan ah. Afar sano ka

hor shaqaalaha rayidka ah ee dowladu

waxay ahayeen 1,200, sanadkii la soo

dhafayna waxa ay tiradoodu noqotay 4,739,

iyadoo 1,172 ka mid ah ay yihiin haween.

26
2012-2016

LIXDA TIIR

TIIRKA

aad

Ilaalinta iyo Dhaqangelinta

Xiriirada Caalamiga ee

Siyaasada Arrimaha Dibada

27
LIXDA TIIR 2012-2016

28
2012-2016

LIXDA TIIR

ILAALINTA IYO

DHAQANGELINTA XIRIIRRADA

CAALAMIGA IYO SIYAASADA

ARRIMAHA DIBADA

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne

Xasan Sheekh waxa ay noqotay dowladdii

ugu horreysay ee aan KMG ahayn oo ay

Soomaaliya yeelato tan iyo markii ay

burburtay dowladdii dhexe ee dalka 1991.

Xilligani dalku wuxuu si aad ah ugu baahnaa

laba arrimood oo kala ah:-

1. In xawli lagu howlgalo si Soomaaliya

loogu soo celiyo saaxadda siyaasadda

caalamka, iskaashina lala sameeyo

dalalka caalamka oo aan dano badan la

wadaagno.

2. In dhaqaaqaas xawliga leh lagu daro

taxaddar.

siyaasadda iyo diblomaasiyadda caalamka

ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay soo

celisay xiriirkii kala dhexeeyay Soomaaliya,

waxayna taasi sahashay in ay dalal badan oo

dunida ahi ay Soomaaliya la soo ceshadaan

xirrirradii siyaasadeed, diblomaasiyadeed

iyo kuwii wax wada qabsi ee kala dhexeeyay

dalkeena.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama

ayaa Aqalka Cad ku marti geliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna safiir buuxa

uu u soo

magacaabay

Dalalka dunida iyo hay’adaha caalamiga ah

ayaa iyaguna billaabay in ay Soomaaliya ula

dhaqmaan sida dalalka kale ee caalamka

ayna la soo ceshadaan xiriirkii kala

dhexeeyay. Waxaa billaabmay heshiisyo

dhinacyo badan oo rasmi ah oo Soomaaliya

ay dhinac ka tahay, iyada oo aad loogu

baahnaa in dawladda Somaliyeed ay la

timaado aqoonyahanno iyo

hawlwadeenno si siman ula xaajoon

kara caalamka. Maadaama muddo

dheer ay naga maqnayd khibraddadowladnimo

iyo middiblomaasiyadeed

caalamiga ah,

howshani ma ahayn mid sahlan.

Hasa yeeshee madaxda dalka

hogaamineysa sida Madaxweynaha

oo lahaa aqoon ku filan oo uu

dhakhso ula jaanqaadi karay

siyaasadaha caalamka ayaa abuuray

barnaamijyo ilaalinaya danaha

ummadda Soomaaliyeed abuurayana

xiriiro caalami ah oo looga faa’iideeyo

dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka iyo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka oo ah hormuudka

29
LIXDA TIIR 2012-2016

40

Taasina waxay kor

u qaaday

maqaamka dalka,

waxaana xigay in

ka badan 40

Dow-ladood ay

iyaguna safiirro u

soo dirsadeen

dalkeenna.

Dowladda

Soomaaliya

waxaa iyadana ay

maanta safiirro ku

leedahay in ka

ba-dan 40 dal.

Soomaaliya, halka markii hore ay safaaradda

Mareykan-ka ee Nairobi ay u xil saarneyd

arrimaha Soomaaliya. Taasina waxay kor u

qaaday maqaamka dalka, waxaana xigay in

ka badan 40 Dowladood ay iyaguna safiirro

u soo dirsadeen dalkeenna. Dowladda

Soomaaliya waxaa iyadana ay maanta

safiirro ku leedahay in ka badan 40 dal.

Waxay Soomaaliya markii ugu horreysay tan

iyo burburkii dawladdii dhexe 1991 ay

Safaarado ka furtay Washington iyo London

taas oo dhammaystirtay howgalka

Safaaradaha Soomaaliya ee shanta

caasimadood ee dalalka Xubnaha Joogtada

ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada

Midoobay. Safaarado hor lehna waxaa laga

furay dalal Yurub ah, kuwa Carab ah iyo qaar

kale oo Afrika iyo Aasiya ah.

Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta

Adduunka (World Bank and IMF)

Aqoonsiga iyo wadashaqeynta dalal ay ka

mid yihiin Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska,

Shiinaha iyo Jabaan ay la yeesheen

Soomaaliya waxaa xigay xiriir wadashaqeyn

oo aan la yeelannay hay’adaha dunida ugu

xooga badan dhinaca dhaqaalaha iyo

maalgashiga sida Hey’adda Lacagta

Aduunka (IMF) iyo Bankiga Aduunka.

Labadaas hey’adood ee caalamiga ahi

waxay hadda si wadajir ah u ammaaneen

hannaanka iyo dadaalka dowladnimo ee

Soomaaliya iyo horumarka dhanka

qoondada iyo bixinta ee Bankiga Dhexe.

Waxay shaaciyeen in Soomaaliya ay tahay

dal la aammini karo dhanka maaliyadda taas

oo ah guul iyo dammaanad caalami ah oo

dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u soo

hoyotay.

Xisaabi Xil ma Laha

Seddexdii sano ee tagtay dalka waxaa

imanayey oo baarayey hanti-dhowre caalami

ah oo madax bannaan oo baarayey

mashaariicda iyo lacagaha deeqaha ee

dalka soo gala. Hantidhowrka Guud ayaa

isaga-na sannad walba baara hay’adaha

dawladda, waxayna ilaaliyaan in aan laga

bixin miisaaniyaddii la isla qoondeeyey in

lagu shaqeeyo. Labada hantidhowre waxay

caddeeyeen in aan dhanna looga bixin

miisaaniyadihii la sameeyey seddexdii sano

ee tagay.

30
2012-2016

LIXDA TIIR

Shirar Caalami ah oo Soomaaliya loo

qabtay

Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa daafaha

caalamka ka dhacay shirar caalami ah oo

taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale

loogu sameynayay Soomaaliya. London,

Brusseles, Copenhagen, iyo Istanbul ayaa

waxaa ka dhacay shirar caalami ah oo lagu

taageerayay Soomaaliya.Madaxweyne

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul

Wasaaraha UK David Cameron ayaa wada jir

u guddoomiyay shirweyne caalami ah oo

dhaqaale loogu ururinayay Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu dalal kala

duwan oo dunida ah uga qeyb galay shirar

heerkoodu sarreeyo oo Soomaaliyada

cusub lagu soo dhoweynayo, looguna

yaboohay dhaqaale xooggan oo dib loogu

dhiso dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul

Wasaaraha Japan waxey laba jeer wada

guddoomiyeen shirar caalami ah oo

Soomaaliya lagu taageerayey. Sidaa si la eg

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Erdogan

waxey wada guddoomiyeen shirar caalami

ah oo lagu qabtay dalka Turkiga. September

2013 Madaxweynaha iyo Madaxda Midowga

31
LIXDA TIIR 2012-2016

2013

Madaxweynaha

iyo Madaxda

Midowga Yu-rub

waxey wada

guddoomiyeen

shirkii hiigsiga

Soomaaliyeed

oo Soomaaliya

loogu yaboohay

lacag gaareysa

2 bilyan oo

dollarka

Mareykanka ah.

Yurub waxey wada guddoomiyeen shirkii

Somali Combat iyo New Deal oo Soomaaliya

loogu yaboohay lacag gaareysa 2 bilyan oo

dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale

Madaxda Dowladda Denmark iyo

Madaxweynaha Soomaaliya waxay wada

guddoomiyeen shirkii HLPF ee dalkaas ka

dhacay. Golaha Ammaanka ee Qarammada

Midoobay ayaa yimid Muqdisho oo shirar la

qaatay mas’uuliyiinta Dowladda.

Dalalka Fashilay (failed States)

Dedaalkii ay bixisay dawladda Madaxweyne

Xasan Sheekh waxaa uu keenay in

Soomaaliya ay ka baxday liiska dalalka

fashilmay. Waxay taasi qalbiga qofkasta oo

Soomaali ah u ahayd farxad iyo raynrayn u

dhiganta maalintii gobannimada la qaatay.

Soomaaliya waxa ay soo ceshatay

kaalinteedii heer Qarannimo iyadoo gobolka

Geeska Africa iyo dalaka Carabta

dhexdoodana ku yeelatay maqaam sare.

waxaana markii ugu horreysay Muqdisho

lagu qabtay shirkii wasiirrada arrimaha

dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur

Goboleedka IGAD. Waxaa daba joogay shir

Madaxeedka IGAD oo ka soo qeybgaleen

Madaxweynayaasha dalaka Gobolka. Tani

waxay dunida u muujisay in Soomaaliyada

cusub ay wax badan qabsatay lana

jaanqaadday dalalka la jeelka ah, ka dib

markii ay dawladeeddu dadaal weyn

muujisay.

Colaadda Suudaanta - Koofureed

Dowladda Soomaaliya waxay kaalin

hormuud ah ka qaadatay xallinta colaadihii

ay dadka badani ku dhinteen ee Suudaanta

Koofureed. Markii colaaddaan ay gaartay

heer adag waxay dawladda Soomaaliyeed

billowday in ay tabarteeda isugu geyso sidii

ay muwaddiniinteeda ku nool Suudaanta

Koofureed uga soo qaadi lahaydhalkaa.

Waana markii ugu horreysay muddo 25 sano

ah oo dowlad Soomaaliyeed ay diyaarado

ku soo daad-gureyso dad Soomaaliyeed oo

ku go’doomay colaad dal shisheeye.

Dowladdu waxay muwaaddiniinta si bedqab

ah ugu soo celisay dalkooda hooyo.

Waxaana qalbiga qof kasta oo Soomaali ah

gashay farxad ah in ay arkeen dawlad ka

warhaysa muhiimadda muwaadinka

Soomaaliyeed oo ay isku halleyn karaan

haddii ay xaaalad noocaas ahi la soo

gudboonaato. Waxa ay Madaxweynaha iyo

madaxda dawladdu ka qeyb galeen

dhamaan shirarkii dawladaha IGAD iyo Afrika

ay xalka ugu raadinayeen dagaalka

Sookeeye ee Suudaanta Koofureed,

waxayna mar walba jeedinayeen talooyin

32
2012-2016

LIXDA TIIR

dhaxalgal ah oo ku

aadan daminta

colaadda iyo

nabadeynta

garabyadda isku haya

siyaasadda dalkaas.

Muranka Soohdin-

Badeedka

Si loo difaaco dhulka, hawada iyo

badda Soomaaliya waxaa dadaal xoog leh

lagu bixiyay muranka ka taagan soohdinta

badeed oo na soo kala dhexgalay annaga

iyo dalka Kenya ee aan jaarka nahay. Wada

hadal dheer oo aan isku fahmi weynay ka

dib, Dowladda Soomaaliya waxay dacwad

heer caalami ah hor dhigtay Maxkamadda

Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Hague.

Waxaan dacwadda u xilsaarnay Qareenno

heer caalami ah oo kiisaska noocaan ah u

leh khibrad gaammurtay kuna guuleystay

dacwad badeedyo u dhaxeeyey dalal dhowr

ah oo isla Maxkamaddaasi ay go’aamisay,

Maraakiibta Shisheeya ee ka kalluumeysta

baddeenna

Waxaa Golaha Ammaanka ee Qaramada

Midoobay loo gudbiyay dacwad ka dhan ah

maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada

ah uga kalluumeysta badaheenna. Kuwaas

oo qaarkood ay

badaheenna ka

kaluumaysanayeen

25 sano.

Soomaaliya oo

Guddoomisay Shir

Caalami ah oo xasaasi ah

Markii ugu horreysay muddo 25

sano ah Madaxweyne Xasan Sheekh

ayaa shir guddoomiyay shirmadaxeedka

Midowga Afrika ee looga hadlayay xaaladda

dalka Burundi.

Waxayna dalka iyo dadka Soomaaliyeed u

tahay sharaf iyo qiimeyn weyn kaalinta

dalkoodu ka qaatay xal u raadinta colaadda

ka taagan dalka Burundi, taa oo dhinaca

kale muujinaysa sida uu sare ugu kacay

maqaamka dawladda Soomaaliyeed.

Yemen oo u Mahadcelisay kaalmadii

dawlada federaalka Soomaliyeed u fidisay.

Soomaaliya“Mahadsanid Soomaaliya”

Soomaaliya maaddaama ay xubin ka tahay

Jaamacadda Carabta, waxay kordhisay, siina

xoojisay xiriirkii kala dhexeeyay dalalka

Carabta ee aan walaalaha nahay. Soomaaliya

waxay door weyn ka ciyaartay xal u helidda

arrimo ay ka mid tahay mushkiladda Yemen

25

Waxaa Golaha

Ammaanka ee

Qaramada Midoobay

loo gudbiyay

dac-wad ka dhan

ah maraakiibta

shisheeye ee sida

sharci darrada ah

uga kalluumeysta

badaheenna.

Kuwaas oo

qaarkood ay

badaheenna ka

kaluumaysanayeen

25 sano.

33
LIXDA TIIR 2012-2016

iyo la dagaallanka kooxda fallaagada ah ee

Xuutiyiinta, iyada oo garab-istaagtay

dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

Taasi waxay horseedday in sawirka

Madaxweyne Xasan Sheekh laga taago

magaalada Cadan, iyada oo lagu qoray “

Mahadsanid Soomaaliya”.

Booqashada Madaxda Caalamka

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday ku

meelgaarnimada, ayna si muuqata u soo

hagaageen xaaladda ammaan iyo

horumarka dhaqaale, wuxuu dalku noqday

meel ay ku soo qul qulaan wufuud caalami

ah iyo hoggaamiyayaal sare. Waxay

madaxdaasu doonayeen in ay dib boorka

uga jafaan xiriirkii ay la lahaayeen

Soomaaliya.

Waxaa dalka soo booqday Madaxweynaha

Turkiga Racep Tayyip Erdogan, oo laba jeer

yimid, Madaxweynaha Djibouti Ismael Omar

Gelle oo sidoo kale laba jeer na soo booqday,

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza,

Xogyaha Guud ee Qarammada Midoobay

Ban Ki-moon, Xoghayaha Guud ee

Jaamacadda Carabta Nabil alCarabi,

Xogahayha Guud ee Ururka Iskaashiga

Islaamka Ikmaludiin Ixsaan Oglo,

Xoghayahayaasha Arrimaha Dibadda UK ee

kala dambeeyay William Hague iyo Phili

Hmound, Xoghayaha Arrimaha Dibadda

Mareykanka John Kerry, Wasiirrada Arrimaha

Dibadda ee dalalka Masar, Qadar,

Imaraadka, Baxreyn, Kuweyd, Muritaaniya

iyo Madax kale oo fara badan. Sidoo kale

Wasiirada Xiriirka Caalamiga ee Denmark

iyo Sweden, iyo wasiirada arrimaha debadda

ee dawladaha IGAD ayaa soo booqday

dalka.

Golaha Ammaanka ee Qarammada

Midoobay oo ku Shiray Xamar

Waxaa farxad aad u weyn ahayd markii

wakiillada 15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha

Ammaanku ay cagaha soo dhigeen ciidda

Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 40

sano ka badan, kulanna ay ku yeesheen

Muqdisho. Waxay qireen in Soomaaliya ay

aad u soo hagaagtay ayna u dhaqaaqday

dhankii xasilloonida iyo dowladnimada.

Waxaa taas mahaddeeda leh hoggaanka

toosan ee Madaxweyne Xasan iyo Madaxda

la shaqeysay 4tii sano ee tagtay. Waxay

wadajir u qabteen wax aad uga badan intii la

filayey culeyska jiray dartiis.

Siyaasadda Guud ee Arimaha Dibadda

Soomaaliya waxay ku socotaa jid ay ku

gaareyso horumar waara si ay guul uga

34
2012-2016

LIXDA TIIR

gaarto ujeedooyinka Siyaasadda Arrimaha

Dibedda iyada oo isticmaaleysa heshiisyada

ganacsiga laba-geesoodka ah iyo kuwa wadar-geesoodka

ah ee dhinacyada

siyaasadda, deegaanka iyo dhaqanka ee

dalalka iyo ururada oo dhan. Soomaaliya

waxay doonaysaa in ay iskaashi la sameysato

dalalka dunida iyo ururada heer caalami iyo

heer gobol oo dhan si loo horumariyo

danaha labada dhinac iyo in la abuuro xiriiro

cusub oo ay ka faa’iideysato ummadda

Soomaaliyeed. Wasaaradda arrimaha

debadduna waxa ay ku guuleystay in 2015

ay dejiso siyaasadda arrimaha debedda ee

dalka taas oo qeexeysa noocyada xiriirada

iyo iskaashiga aan u baahannahay iyo

hanaanka ay dawladdu uga miro dhalinayso

xiriiradaa.

Soomaaliya iyo Shir-madaxeedyada Heer

Gobol iyo Heer Caalami

• Shirmadaxeedkii USA iyo Afrika

(Mareykanka)

• Shirmadaxeedkii Shiinaha iyo Afrika

(Koofur Afrika)

• ShirmadaxeedkiiHindiya iyo Afrika

(Hindiya)

• Shirmadaxeedkii Talyaaniga iyo Afrika

(Talyaaniga)

• Kulankii Wasiirada Arrimaha Dibadda

Carabta iyo Shiinaha (Sacuudiga)

• Kulankii dalalka Nordic iyo Afrika ee

Wasiir Dibadadeedyada (?).

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay

caalamka u bandhigtaa horumarka dalku uu

ku tallaabsanayo iyada oo wakiil ka ah

wasaaradaha dowladda oo dhan. Waxay

mar walba la wadaagtaa dalalka Caalamka

15

Waxaa farxad

aad u weyn

ahayd markii

wakiillada 15-ka

dal ee xub-naha

ka ah Golaha

Ammaanku ay

cagaha soo

dhigeen ciidda

Soomaa-liya

35
LIXDA TIIR 2012-2016

100

Hoggaaminta

Maxadxweyne

Xasan Sheekh

Majalladda TIME

oo sannad walba

qiimeysa dadka

adduunka ugu

saameyntabadan

ee

muujiyay dadaal

aad uga badan kii

laga filayey ayaa

Madaxweyne

Xasan Sheekhku

dartay 100-ka qof

ee ugu saameynta

badan

dunida.

horumarka ka socda dalka gudihiisa iyo

himilooyinka ay Soomaaliya higsaneyso

iyada oo u marineysa safaaradaha ajnabiga

ah ee kusugan caasimaddeenna iyo

safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla

caasimadaha adduunka.

Iskaashiga Xiriir-Goboleedka Caalamiga

ah

Soomaaliya waxay qeyb libaax ka qaadataa:

• Iskaashiga waddamada Koofur iyo

waqooyi

• Dhammaan Hay’adaha Qaramada

Midoobay

• Midowga Yurub

• Ururka Iskaashiga Islaamka

• Midowga Afrika

• IGAD

• Jaamacada Carabta

• Bankiga Aduunka iyo Hey’adda lacagta

Aduunka (IMF)

• Midawga dalalka Bariga Afrika

• COMESA oo ah suuqa ay wadaagaan

Afrikada Bari iyo Afrikada Koofu-reed.

Siyaasadda Dhaqaalaha

Ajendaha dimblomaasiyadeed ee dawladda

Soomaaliya qeyb ka mid ahi waxay ku

aaddan tahay horumarinta dhaqaalaha

dalka, waxaana ka mid ah:

• Sare u qaadidda kororka dhaqalaaha ka

soo gala dalka qurbajoogta iyo kuwa

kalaba.

• Dhiirrigelinta wax soosaarka suuqyada

gudaha dalka iyo dhoofinta kheyraadka

dalka iyo kor u qaadidda maalgashiga

shirkadaha Soomaaliyeed ee gobolka.

• Dhiirrigelinta iyo fududeynta in uu dalku

noqdo meel ay si toos ah u

maalgashadaan ajnabiga iyo suuqyada

maaliyaddu (financial Markets)

• Baadidoonka ilo cusub oo munaasab ah

iyo technoolojiyad jaban

• Dhiirrigelinta ganacsi caddaalad ku

dhisan iyo heshiiyo laba geesood ah iyo

ganacsi caalami ah.

• Abuurista sharciyo la socon kara

heerarka caalamiga ah ee hannaanka

ganacsiga iyo sharciyeynta shirkadaha.

• Waasaaradda arrimaha dibadda si loo

dhiirrigeliyo maalgashiga waxay

sameysay:

• Sharciga maalgashiga Soomaaliya

• Buugyare (booklet) muujinaya

furasadaha maalgeshi ee dalka ka jira

• Buugyare muujinaya kala mudnaanta

mashaariicda ay Soomaaliya

daneyneyso.

Horumaarkan baaxadda weyn waxaa lagu

tallaabsaday muddadii ay dawladdani dalka

ka jirtay waxaana la hubaa muddada dhow

in dalku uu isaga filnaan doono dhinacyo

badan oo muhiim ah.

Booqashadii Dhadhaab ee Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekhwaa

Madaxweynihii ugu horreeyey ee booqday

xerada ay ku nool yihiin qaxootiga

Soomaaliyeed ee Dhadhaab, waqooyi-Bari

Kenya, wuxuuna u kuurgalay xaaladda ay ku

sugan yihiin qaaxootiga Soomaaliyeed ee

halkaas mudada dheer ku sugnaa. Taas

waxaa si aad ah ugu farxay dadkii uu ugu

tagay xeryahaas maaddaama ay ahayd

fursaddii ugu horreysay ee ay kula kulmaan

Madaxweyne Soomaaliyeed.

Hoggaaminta Maxadxweyne Xasan Sheekh

Majalladda TIME oo sannad walba qiimeysa

dadka adduunka ugu saameynta badan ee

muujiyay dadaal aad uga badan kii laga

filayey ayaa Madaxweyne Xasan Sheekhku

dartay 100ka qof ee ugu saameynta badan

dunida. Taasina waxay umadda Somaliyeed

ee wannagga jecel u ahayd farxad kale oo

lama illaawaan ah, in dunidu ay ku qanacday

hoggaaminta

Madaxweynaha

Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud.

36
2012-2016

LIXDA TIIR

TIIRKA

aad

Midnimada

iyo Waadajirka ummadda

37
LIXDA TIIR 2012-2016

MIDNIMADA

& WAADAJIRKA

UMMADDA

Latashiyo badan ka dib iyo shirweynihii

siyaasadda ee ka dhacay Muqdisho bishii

Septembar 2013 ayaa si loo gaaro aragti

mideysan oo ku aadan dib u dhiska

Soomaaliya xasiloon, midysan, dimuqraaddi

ah oo federaal ah waxaa aasaas laga dhigay

seddex qodob.

• Dib u eegista Dastuurka iyo

dhaqangelintiisa

• Dhameystirka Hannaanka Federaalka

• Dimoqraadiyeynta iyo doorashooyin

qaran oo qof iyo cod ah

Saddexdaan Qoddob ayaa ahaa halkii loo

socday in la gaaro 2016.waxaana la gaaray

85% taas oo ah guul weyn oo shacbiga Soomaaliyeed

u soo hoyatay, iyada oo ay jireen

caqabado aad u fara ba-dan oo suurtagelin

waayey in 100% howlahaas la dhameystiro

sida amniga, dhaqaalaha, iyo daruufaha

dalka ku jiro.

Dib u Eegista Dastuurka

Dastuurka dalka ayaa dib loo eegay, iyada

oo la abuuray hay’adihii muhiimka u ahaa

howshan oo ay ka mid yihiin guddiga madaxa

bannaan ee dib u eegista dastuurka, gudi

hoosaadka baarlamaanka iyo weliba

wasaarada dastuurka oo howlo muhiim ah

qabatay. Hase yeeshee, waxay dowladdu la

kulantay caqabado fara badan oo suurto

gelin waayey in dib u eegista dastuurka la

dhameystiro oo loo qaado afti dadweyne.

Caqabadahaas waxaa ka mid ah amniga,

dhaqaalaha iyo daruufaha dalka ka jiray

muddada dheer oo horistaagay in shacabku

38
2012-2016

LIXDA TIIR

ay si xor ah wadatashiyada guud uga

qeybqaataan. Mudadii dib u eegista lagu

jiray waxaa soo baxay in ay qodobbo badan

u baahan yihiin in ka badan waqtigii la filayey

in ay dib u eegistu ku dhamaato, taas oo

keentay in uu qaato waqti ka dheer kii loogu

talagalay. Dawladda Madaxweyne Xasan

Sheekh na waxa ay go’aansatay in ay muhiim

tahay in masiirka dalka loo helo jawi saamixi

kara wadajir, midnimo iyo in si wadar-oggol

ah ay shacabka Soomaaliyeed, madaxda

qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyaduba

ay isula aqbalaan sidii loo heli lahaa Dastuur

ka tarjumaya rabitaanka shacabka.

Dhameystirka Hannanka Federaalka

Qodobkan waxaa la oran karaa waa lagu

guuleystay oo maanta Soomaaliya waxaa

dhidibada loo aasaasay Dowlad Goboleedyo

arrimahooda guddaha ka tashada, sida

Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed,

Galmudug iyo Hirsha-beelle.

Dimoqraadiyeynta iyo Doorashooyinka

Qodobkan waxaa isaga ka dhiman in la

qabto doorashooyinka golayaasha

Federaalka iyo tan Madaxweynaha

sannadkan 2016 gudihiisa. Inkasta oo aysan

noqon sidii loo qorsheeyey oo ahayd

doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaa

laga baaqsaday in muddo kordhin la

sameeyo Waxaa la qabanqaabiyay

doorashooyin dadban oo wakiillada codka

dhiibanaya ay dadweynaha ka imaanayaan.

Waxay dawladdu ku guuleysatay in si wadar

oggol ah loo dejiyo barnaamijka

39
LIXDA TIIR 2012-2016

40
2012-2016

LIXDA TIIR

geedisocodka doorashooyinka dadban ee

2016 iyo habraaca nidaamkaas, tanoo ah in

la helo doorashooyin ka sharciyad xooggan,

kana matalaad baahsan doorashooyinkii

2012. Sannadkan waxaa la go’aamiyay in

xildhibaanka ay soo doortaan 51 xubnood oo

beeshiisa ka tirsan halkii 2012 uu oday

dhaqameedku soo xulay xildhibaanka. Halkii

2012kii 135 oday ay soo xuleen 275 xildhibaan,

sannadkan waxaa 275 xildhibaan ee aqalka

hoose soo dooranaya 14,025 muwaaddin.

Dawladda Federaalka iyo maamulka

Soomaliland.

Waxaa shirar kala duwan oo lagu xaqiijinayo

midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya lagu

qabtay dalka Turkiga, taas oo looga gol

lahaa xaqiijinta qodobka 6aad ee qodobada

Lixda tiir oo ah midnimada iyo wadajirka

dadka iyo dalka. Waxaa wadahadallo isugu

yimid Dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo

mamulka Somaliland. Heshiisyo isku soo

dhawaasho ah ayaana lagu xaqiijiyay

shirarkaas waxayna hadda marayaan meel

aad u fiican.

Puntland iyo Jubaland

Waxaa heshiisyo kala duwan lala galay

maamulka Putland oo tabashooyin qabay si

loo ilaaliyo dowladnimada iyo wadajirka

umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa ay

dowladdu heshiis la gashay mamulka

Jubbaland kaas oo lagu xalliyay mugdi soo

kala dhexgalay maamulkaas iyo dowlada

federaalka Soomaaliya. Dowladda

federaalku waxey ku guuleysatay in beelaha

Jubbaland heshiis la dhaxdhigo oo ay

maanta si nabad iyo wadajir ah ugu mideysan

yihiin Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madasha Wada Tashiga Qaran

Si talada dalka loo baahiyo, loogana wada

tashado aayaha dalka, loona wada-lahaado

go’aanada lagu hogaaminayo dalka waxa uu

Madaxweynuhu abuuray madasha

wadatashiga qaran, iyada oo aysan jirin

sabab sharciyeed oo ku khasbeysay balsa

ay ka ahayd raadinta talowadareed iyo in

talada laga qeybgeliyo hogaamiyayaasha

siyaasadda ee dawlad goboleedyada dalka.

Taasi waxay abuurtay jawi wadahal oo joogto

ah oo u dhaxeeyey dawladda federaalka iyo

madaxda maamul goboleedyada. Sidoo

kale dhammaan dedaalada hannaanka

siyaasadeed waxaa loo maray hab Soomaali

leedahay, Soomaali hoggaamineyso, oo

keenay in madaxda dowlad goboleedyada

iyo madaxda qaranka ay kulamo joogta ah

ku yeesheen Muqdisho, Garowe, Baydhabo

iyo Kismaayo.

Gunaanadka iyo Gabo-gabada

Mudadii Afarta sano ahayd ee uu dalka

hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh

2012

Waxaa kan

waxaa la

go’aamiyay in

xildhibaanka ay

soo doortaan 51

xubnood oo

beeshiisa ka

tirsan halkii

2012 uu dday

dhaqameedku

soo xulay

xildhibaanka

41
LIXDA TIIR 2012-2016

waxa ay dawladdu ku dedaashay in ay

wax badan ka qabato caqabadihii

hortaagnaa hanaanka dawladnimada

Soomaaliya. Dedaalada iyo hawlaha ay

dawladdu qabatay oo in badan oo

kamida ah laga gaaray guulo la taaban

karo waxa saldhig u ahaa oo ay ka

ambaqaadyeen Lixda Tiir ee aan sare ku

faahfaahinay.

In badan oo kamida waxgaradka

Soomaaliyeed iyo dadka falanqeeya

siyaasadaha dawaladaha soo koraya oo

aan kamid nahay waxa ay aaminsan

yihiin in mudaddii afarta sano ahayd ee

la soo dhaafay ay Soomaaliya wax badan

u qabsoomeen, waxayna sidoo kale

aaminsan yihiin in siyaasdda qeexan iyo

qorshayaasha cad ee ku xusan Lixda Tiir

ay tahay midda dhabaha u xaartay

guusha iyo horumarka u soo hooyatay

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guulaha aan soo xusnay ma aha kuwa

ku filan inay daboolaan baahida

bulshadeennu u qabto dawlad hana

qaad ah oo u horseeda horumar iyo

baraare, Madaxweyne Xasan Sheekh oo

aqoon, khibrad iyo dulqaad ballaaran u

leh xal u helidda caqabadaha hor taagan

dawladnimadeenna waxa uu diyaar u

yahay in uu dhamaystiro guulahaas

ballaaran ee aanu wadajirka u gaarnay

marxaladdii la soo dhaafay,

Haddaba ballanteenu waa maalinta

doorashada iyo Madaxweyne Xasan

Sheekh oo diyaar idiin ah in uu mar kale

hogaamiyo halganka dib u dhiska iyo

dhamaystirka hanaanka dawladnimo ee

aan mudadda dheer ku taamaynay.

42
2012-2016

LIXDA TIIR

43
LIXDA TIIR 2012-2016

Waxaa Madaxweyne Xasan

Sheekh Maxamuud loo

doortay inuu ho-gaamiyo

Jamhuuriyadda Federaalka

ah ee Soomaaliya

44
2012-2016

LIXDA TIIR

45
LIXDA TIIR 2012-2016

FADLAN LA SOO XIRIIR:

Agaasinka Warfaafinta

Madaxtooyada Soomaaliyeed

Email: media@presidency.gov.so

Website: www.presidency.gov.so

46