Somali - Problem Gambling: A Guide for Families
Somali - Problem Gambling: A Guide for Families
Somali - Problem Gambling: A Guide for Families
You also want an ePaper? Increase the reach of your titles
YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.
SOMALI

PROBLEM

Hage qoysaska loogu talagalay

GAMBLING
Problem Gambling: Hage

Qoysaska Loogu Talagalay

A Pan American Health Organization /

World Health Organization

Collaborating Centre

Affiliated with the University of Toronto
Problem Gambling: A Guide for Families

Problem Gambling Project staff

isbn 0-88868-472-X

Waxaa lagu daabacay Kanada

Copyright © 2004, 2005, 2006, 2008 Centre for Addiction and Mental Health,

Toronto ON

Iyadoo aan ogolaasho qoraal ah laga helin ciddii daabacday dib-looma-soo-saari

karo ama lama gudbin karo qeybo ka mid ah howshan qaabkey doonto ha noqoto

ama habkeey doonto elektaroonik ama makaanik ha noqotee, oo aay ku jirto

sawirid ama cajalad ku duubid ama hab kasta oo warka lagu keydiyo ama lagula

soo baxo – marka laga reebo soo xigasho gaaban (oo aan ka badneyn 200 oo eray)

oo dib-u-eegis ama howl qof mihinad leh qabanayo ah.

2844/03-2004, 03-2005, II-2006, 03-2008
Tusmo

Mahadnaq 5

Hordhac 7

1 Waa Maxay Khamaaridda 9

2 Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh 13

3 Saameynada Khamaarka 19

4 U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka 27

5 Gargaar Helidda 41

6 Halka Laga Helo Gargaar 47

3
Mahadnaq

Hagahan wuxuu ku dhisan yahay aqoonta iyo waayoaragnimada

shaqaalaha Mashruuca Khamaarka Dhibaatada leh ee

Centre for Addiction and Mental Health (camh). Waxaan

sidoo kale fikrado ka helnay la-taliyayaasha iyo dadka kale ee

la shaqeeya dadka uu saameeyey khamaarka dhibaatada leh

ee Ontario oo dhan. Ugu dambeyn, waxaan u mahadnaqeynaa

macaamiisha aqriyey nuqulka-hore ee qoraalka (manuscript)

oo na siiyey taladooda qiimaha leh.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay waxaa soo

saaray shaqaalaha Agaasinka Waxbarashada iyo Daabacaadda

ee camh.

5
Hordhac

Kan waa hage loogu talagalay dadka ka welwelsan in qof aay

isku dhow yihiin uu leeyahay dhibaato khamaar. Haddii aad

adiga naf ahaantaada dhibaato khamaar leedahay, fadlan eeg

buugga-yar ee Problem Gambling: Arrimaha, Doorashooyinka.

Qof muhiim kuu ah ayaa laga yaabaa in uu u khamaaro si aad

ka welwelsan tahay. Khamaaridda xubin qoyska ah waxay

keeni kartaa dhibaatooyin lacageed iyo kuwo qoys. Waxaa

dhici karta in tan aay kaa careysiiso ama aad ku wareerto.

Qoysaska badankood ee aay soo wajahdo dhibaato khamaar

waxay rabaan in aay ogaadaan sida aay dib ugu soo ceshan

karaan awoodda-xukunka naftooda. Waxaan rajeyneynaa in

hagahan uu kaa caawiyo in aad:

• trovare le risorse che hanno aiutato altre famiglie.

• fahamto khamaarka dhibaatada leh

• fahamto sida khamaarka uu u saameyn karo qoyskaaga

• hesho habab aad nolosha qoyskaaga dib-u-habeyn ugu

sameyso

• wax ka qabato arrimaha lacageed

• ogaato sida la-talinta aay adiga iyo qoyskaaga idiin caawini

karto

• hesho ilaha caawiyey qoysaska kale.

Waxaa dhici karta waqtigan xaadirka ah in aad dareemeyso

noloshaada in aay faraha ka baxday. Waxaa dhici karta

khamaaridda in aay kuu keeneyso dhibaatooyin qoys iyo

lacageed oo xoog badan. Laakiin markaad hesho kaalmo,

7
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

qoyskaaga wuxuu wax ka qaban karaa oo uu ka gudbi karaa

dhibaatooyinka uu khamaarka keenay. La-taliyayaal si gaar ah

loo soo tababaray ayaa ka caawiyey kumanaan qof in aay

joojiyaan ama xukumaan khamaariddooda. Dadka leh

dhibaatooyinka khamaarka weey ka fayoobaadaan,

qoysaskoodana weey bogsoodaan. Qoyskaaga dadkaas ayuu

ka mid noqon karaa. Marka aad qaadatay hagahan, waxaad

qaaday talaabada koowaad ee muhiimka ah.

8
1

Waa Maxay

Khamaaridda

Waad khamaareysaa mar walba oo aad ku nasiibsato in aad

lacag ama alaab weydo ama lumiso, marka nasiibka uu

go’aamiyo guuleysashada iyo khasaaridda.

Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo khamaaro:

• ciyaaraha kasiinada

• bingo

• keno

• makiinadaha lagu guro lacagta

• tikidhada baqtiyaa-nasiibka

• tikidhada la xoqo, Nevada ama pull-tab

• sharad turub, maajong ama dumno

• sharad kale oo ciyaareed

• sharadka ciyaaraha xirfadda ah sida golfka ama bilyaardiga

• tombola iyo ciyaaraha la midka ah

• khamaarka internetka

• saadaalin aan cilmi ku dhisneyn ee seyladda maaliyadda

(stocks)

9
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

dhibaatooyinka khamaarka: tirooyinka

Ontario

• 2005-06, Ontario Lottery and Gambling (OLG) waxay sameysay

dakhli $2 bilyan ah marka laga saaro kharashyada gobolka ka dib. 1

• 2005, dadka waaweyn waxay qiyaastii geliyeen $485 khamaar

dowladda la xiriira lacagta lagu guuleystayna weey ka yar tahay

taas marka loo barbardhigo $106 1992. 2

• 2005, 3.4% dadka waaweyn ayaa lahaa dhibaato khamaar oo

dhexdhexaad ama xoog badan. 3

• 2005ta, dhalinyarada waaweyn, ee da’doodu ahayd 18 ilaa 24,

ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka

dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh. 3

• 2005ta, 63.3% dadka waaweyn waxay yiraahdeen ugu yaraan hal

mar ayeey khamaareen sannadkii la soo dhaafay. 3

• Howlaha khamaarka ee ugu badan ee aay dadka waaweyn ku

howlanaayeen 2005ta waxay ahayd tikidhada baqtiyaanasiibka. 3

• 2005ta, qiyaastii 4% ardayda dugsiyada sare waxay halis ugu

jireen dhibaato khamaar. 4

Kanada

• 2005ta, toddobadii qof ee rag iyo dumar waaweyn ah ee kaligood

nool hal ayaa lacag geliyey kasiinooyinka, makiinadaha lacagta

lagu rido iyo fiidyowyada weliba ragga ayaa geliyey in ka badan 3

jeer lacagta dumarka geliyeen. 2

• Markii khamaarka heliddiisa sii sahlanaataba, tirada dadka aay

saameyso dhibaatada khamaarka weey sii bataan . 5.6

10
Waa Maxay Khamaaridda

SOO XIGASHADA

1.

Ontario Lottery and Gaming. (2006). Annual Report

2005-2006. Available:

www.olg.ca/assets/documents/annual report/annual

report 05-06.pdf

www.olg.ca/assets/documents/annual report/annual

report 05-06.pdf

Accessed February 01, 2008.

2.

Statistics Canada. (2007). Perspectives on labour and

income: Gambling. (Catalogue No. 75-001-XIE).

Available:

www.statcan.ca/english/freepub/75-001-

XIE/comm/01.pdf

www.statcan.ca/english/freepub/75-001-

XIE/comm/01.pdf

Accessed February 01, 2008

3.

Wiebe, J., Mun,P. & Kauffman, N. (2006). Gambling

and problem gambling in Ontario. Toronto, ON:

Responsible Gambling Council. Available:

www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final

%20Report%20POSTED%20VERSION.pdfdocid=7670

www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final

%20Report%20POSTED%20VERSION.pdfdocid=7670

Accessed February 01, 2008.

4.

Centre for Addiction and Mental Health (2006). The

mental health and wellbeing of Ontario students1991-

2005 (CAMH Research Document Series No. 18).

Available:

www.camh.net/Research/Areas of research/Population

Life Course Studies/OSDUS/OSDUS2005 mental

detailed fnl.pdf Accessed February 5, 2008.

11
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

5.

Korn, D., Gibbins, R. & Azmier, J. (2003). Framing

public policy towards a public health parafigm for gambling.

Journal of Gambling Studies, 19(2), 235-256.

6.

Jacques, C. & Ladouceur, R. (2006). A prospective study

of the impact of opening a casino on gambling behaviours:

2 and 4 year follow ups. Canadian Journal of

Psychiatry, 51(12), 764-773.

12
2

Waa Maxay Khamaarka

Dhibaatada Leh

Khamaar dhibaato leh ma ahan oo kaliya in lacag la

khasaaro. Dhibaatooyinka khamaarka waxay saameyn ku

yeelan karaan nolosha qofka oo dhan.

Khamaarka wuxuu dhibaato noqdaa marka uu:

• kaa hor istaago shaqo, dugsi ama howlo kale

• waxyeelo u geysto caafimaadkaaga jireed iyo maskaxeed

• ku dhaawaco dhaqaale ahaan

• sharaftaada khasaaro u geysto

• qoyskaaga iyo saaxiibadaa uu dhibaato u keeno.

Heerarka kala duwan ee dhibaatooyinka khamaarka (eeg

sanduuqa hoose).

heerarka dhibaatooyinka khamaarka

Dhibaatooyinka khamaarka waxay u dhaxeeyaan kuwo qafiif ah

ilaa kuwo xoog badan:

• Dadka khamaara badankood waxay u sameeyaan si fudud oo

raaxo loogu talagalay waxyeelo la’aan.

• Dadka sida dhabta ah u khamaara joogto ayeey u ciyaaraan,

laakiin khamaarka kama hormariyaan qoyska iyo shaqada.

• Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badanaa dhibaato ayeey

kala kulmaan shaqadooda, ama qoyska iyo saaxiibada.

Khamaariddooda badanaa dhibaatooyin lacag ayeey keentaa.

• Dadka qaarkood, khamaarka si xoog leh ayuu dhibaato ugu

geystaa qeyb walba oo noloshooda ah.

13
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Dadka leh

dhibaatooyin

khamaar waxaa

laga heli karaa

dad da’, dakhli,

dhaqan iyo

shaqo walba

leh.

Dadka sida xad-dhaafka ah u khamara oo dhan isku mid ma

aha, dhibaatooyinka aay la kulmaana sidoo kale isku mid ma

ahan. Dadka leh dhibaatooyin khamaar waxaa laga heli karaa

dad da’, dakhli, dhaqan iyo shaqo walba leh. Dadka qaar islamarkiiba

ayeey yeeshaan dhibaatooyin khamaar, kuwo kalena

sannado badan ayeey ku qaadataa. Waxaa jira sababo fara

badan oo keeni kara dhibaato khamaar. Tusaale, dadka qaar

waxay yeeshaan dhibaato markii aay isku dayaan in aay dib u

soo ceshtaan lacag aay khasaareen, ama waxay ka helaan in

aay “howsha ku dhex jiraan.” Kuwo kalena waxay leeyihiin

culeysyo badan oo nolosha ah oo khamaarka uga dhiga nafis

soo-dhoweeya.

Maxay Tahay Sababta Dadka Qaar Aay U

Leeyihiin Dhibaatooyin Khamaar

Fursado lagu khamaaro ayaa meel walba ka jira. Khamaarka

aad ayuu caan u yahay, si weyna waa loo ogolyahay xoogna

waa loo xayeysiiyaa. Tan macnaheedu wuxuu yahay dad badan

ayaa khamaaraya, waxayna u khamaaraan si joogto ah.

Badankood ma oga khatarta khamaarka ama calaamadaha

dhibaatooyinka khamaarka. Sababtan darteed, dad badan

ayaa yeesha dhibaato khamaar iyagoo aan ogeyn waxa ku

dhacay.

Dad badan ayaa dhibaato la’aan u khamaara. Waxay u arkaan

khamaarka madadaalo ama hab saaxiibada loola qaato waqti.

In aay guuleystaan ayeey rajeeyaan, laakiin ma filaan in aay

guuleystaan.

Dadka yeesha dhibaatooyinka khamaarka laga yaabee in aay

sidan ku bilaabaan. Laakiin badanaa waxay leeyihiin sababo

kale oo aay u khamaaraan, oo aay ka mid tahay:

• rajo guul weyn

• isku dayid soo cesasho lacag ka luntay

• ku reyn-reyn ka qeybgalidda arrimaha khatarta weyn leh

• laablakac (qofka sameeya wax isagoo aan ka fikirin)

• isku dayid in aay naftooda farxad-geliyaan

14
Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh

• cidlo

• ka baxsasho dhibaatooyinka nolosha

• isaga qaadid xanuun jireed ama mid caadifadeed

• walaac iyo diiqad (depression) la tacaalid.

Noocyada khamaarka weey kala dhibaatooyin badanaan

karaan. Tusaale, makiinadaha lacagta lagu rido waxay dabinka

ku soo gelin karaan dadka ku ciyaara qaabka joogtada ah ee

loo ciyaaro, soo-noq-noqoshada ku guuleysiga waxyaabaha

yar-yar, fursadda ku guuleysashada wax ka sii waaweyn iyo

waxa u eg sigitaan joogto ah. Laakiin, nooc walba oo khamaar

ah dhibaato ayuu noqon karaa.

Sheeyada Khatarta Keena

Waxaa jira sheeyo badan oo keena khatar dhibaato khamaar.

Sheeyada khatarta keena waa waxyaabaha u keena dadka in

aay yeeshaan dhibaatooyin khamaar. Qofka wuxuu ku jiraa

khatar dheeraad ah haddii:

• uu wax weyn ku guuleystay waqtiyadii uu bilaabay

khamaarka

• uu leeyahay dhibaato lacageed

• mar dhow khasaaro ama isbedel soo gaaray, sida dhibaato

xigto, furitaan, shaqo waayid, howlgab ama dhimasho qof uu

jecel yahay

• uu u khamaarayo si uu ula tacaalo welwel caafimaad iyo/ama

xanuun jireed

• uu badanaa cidlo dareemayo

• uu leeyahay hiwaayado ama waxyaabo uu daneeyo oo tiro yar,

ama uu dareemayo in noloshiisa aaysan jaho lahayn

• uu badanaa dareemayo xiiso-la’aan, uu khatar u bareero ama

isagoo aan ka fikirin uu wax ku dhaqaaqo

• uu isticmaalo khamaar, ama aalkolo ama daroogo kale, si uu

ula tacaalo dareemo ama dhacdooyin xun

• uu badanaa dareemo walaac ama diiqad

• la soo xumeeyey ama aay jug soo gaartay

• uu leeyahay ama uu lahaa dhibaatooyin aalkolo ama daroogo,

khamaar ama si dheeraad ah lacagta u isticmaalo

15

Waxaa jira

sheeyo badan

oo qofka u

keeni kara in

uu yeesho

dhibaato

khamaar.
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

• uu ka tirsan yahay qoys leh qof dhibaato aalkolo leh ama

daroogo kale, khamaar ama lacag dheeraad ah in uu

isticmaalo

• uu u maleeyo in uu leeyahay hab khamaar oo kordhinaya

fursadda uu ku guuleysanayo.

Sheeyada liiskan ku jira ee qofka uu leeyahay marka aay sii

bataan, daryeelka uu qofka u baahan yahay si uu wax uga

qabto khamaarka wuu sii bataa.

Dadka

dhibaatada

khamaarka leh

waxaa dhici

karta in aay

qariyaan ama

been sheegaan

marka la

weydiiyo halka

aay jireen ama

lacagta halka

aay ka baxday.

Calaamadaha Sheegaya in Khamaarka uu

Dhibaato Yahay

Maadaama aad akhrineyso buuggan-yar, waxay u badan tahay

in aad ka welwelsan tahay in khamaarka uu waxyeelo u

geysanayo qoyskaaga. Dareenadaada aamin. Qoysaska

badanaa weey og yihiin in aay wax khaldan yihiin – laakiin

waxa khaldan ayeeysan garaneyn. Dadka leh dhibaato

khamaar laga yaabee in aay qariyaan ama been ka sheegaan

marka aad weydiiso meesha aay jireen, ama lacagta halka aay

ka baxday. Arrintan ayaa adkeyneysa in dhibaatada

khamaarka la tilmaamo.

tilmaamaha lacageed

• Lacag ayaa ka maqan guriga ama xisaabaha bangiga.

• Xubin qoyskaaga ah ayaa qariya ama ka carooda wax lacag ku

saabsan. Wuxuu qariyaa warqadaha bangiga iyo kaarka

kareditka ee la soo diro.

• Qofka wuxuu deyn ka qaataa kaararka kareditka, bangiga,

ama qoyska iyo saaxiibo.

• Biilalka waa raseysan yihiin, lacagaha lama bixiyo dadkii

deynta bixiyeyna weey soo wacayaan.

• RRSP-yada iyo qorshooyinka ceymiska ayaa la sariftay, ama

lacagihii lama bixin.

• Waxyaabo qiimo leh ayaa la waayaa ama dib-loo-arkaa.

• Xubin qoyskaaga ah ayaa shaqo dheeraad ah bilaaba, laakiin

wax lacag dheeraad ah ma aragtid.

16
Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh

• Qofka mar walba lacag ayaa ka dhiman.

• Khamaarka iyo deyn bixinta ayuu qofka lacagaha u kala

wareejiyaa.

tilmaamaha caadifadeed

Xubinta qoyskaaga:

• oo ka go’a qoyska iyo saaxiibada

• oo u eg in uu walaacsan yahay ama meel fog ku maqan yahay,

ama aay ku adag tahay in uu soo jeediyo maskaxdiisa.

• oo caadifad ahaan isbedela ama si dhaqso ah u carooda

• oo mararka qaar wanaagsan (mararka qofka uu guuleysanayo)

• oo ka cabanaya xiiso-la’aan ama deganaan-la’aan

• oo diiqadeysan iyo/ama raba inuu is-dilo.

tilmaamaha waqtiga

Xubinta qoyskaaga:

• oo badanaa ka daaha shaqada ama dugsiga

• oo maqan waqti dheer, muddo aan la sharixin.

isbedelada dabeecadaha

Xubinta qoyskaaga oo:

• joojiya waxyaabo uu ku raaxeysan jiray

• bedela dabeecadihii hurdada, cunto cunidda ama galmada

• aan sameyn waxa uu yiraahdo wuu sameynayaa, ama cudurdaar

sameysta

• aan naftiisa daryeelin, ama iska indhatira shaqada, dugsiga

ama howlaha qoyska

• badanaa isticmaala aalkolo ama daroogo kale

• aan sidii ku habooneyd u daryeelin caruurta

• ka maqnaada dhacdooyinka qoyska

• mar walba ka fikira ama ka hadla khamaar

• saaxiibada bedela (gaar ahaan dhowr-iyo-toban-jirada)

• leh dhibaatooyin caafimaad ama culeys-maskaxeed (tusaale,

madax-xanuun, dhibaatooyin caloosha iyo mindhicirada ah)

• been ka sheega khamaarka

• aan rabin in uu lacag geliyo wax aan ka ahayn khamaar

• khiyaameeya ama xada lacag si uu ugu khamaaro ama deyn

ugu bixiyo

17
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

• xurguf lacageed dadka kale kala dhaxeyso

• leh dhibaato sharci oo khuseysa khamaar.

ComSida Gargaar Loo Helo

Haddii aay kula tahay in saaxiib ama qof qoyskaaga ah uu

leeyahay dhibaato khamaar, waxaad heli kartaa gargaar. Cutubka

5 ayaa sida lagu helo kuu sheegi doona.

18
3

Saameynta Khamaarka

Maxaysan Isaga Joojin Karin

Dadka dhibaatada khamaarka leh badankood tartiib-tartiib

ayeey u lumiyaan xukunka inta waqti iyo lacag ee aay

geliyaan khamaarka. Waxay diiradda saaraan khamaarka

waxayna iloowaan waajibaadka kale iyo waxyeelada

khamaarkooda uu keenayo. Dadka qaar oo u khamaara si xad

dhaaf ah khamaarkooda lama xiriiriyaan dhibaatooyinka

noloshooda. Qaar kalena hore ayey isugu dayeen in aay

yareeyaan ama joojiyaan, laakiin weey ku fashilmeen. Hadda

mar walba oo aay isku dayaan in aay is-bedelaan waxay

dareemaan caro-fudud ama xanaaq.

Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badankood dareen

isku dhaf ah oo khamaarka ku saabsan ayeey leeyihiin. Weey

og yihiin in aay dhibaato u geysanayaan dadka aay jecel yihiin.

Laga yaabee in aay noqdaan kuwo walaacsan ama aan

faraxsaneyn, oo badanaa naftooda karha. Laakiin rabitaanka

xoogga leh (urge) ee khamaarka waa wax aad u weyn oo aan

la iska celin karin. Waxay dareemaan in aaysan ka hari karin

wixii waqti, lacag iyo caadifad ee aay geliyeen khamaarka. Ma

qaadan karaan in aaysan weligood dib ugu guuleysan doonin

lacagta aay khasaareen.

Dadka qaar kale ayaa balan-qaada in aay joojinayaan, laakiin

aan awoodin. Waxay ka baqaan in dadka aay jecel yihiin aay

19
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

og=aadaan. Tan ayaa ku sii fogeysa in aay dhuuntaan oo

deynta gudaha u sii galaan. Waxay sii rajeeyaan in guusha

weyn aay soo afjari doonto dhibaatooyinkooda. Talaabada

koowaad ee dadka leh dhibaatooyin khamaar waa in aay ka

daba-haraan khasaarahooda iyo rajadooda guusha weyn. Ka

dib ayeey bilaabi karaan in aay dib u helaan xukunka

khamaarkooda iyo noloshooda.

Saameynta Qoyska

Waxay u badan tahay in aad hore u ogeyd inta aay la eg tahay

waxyeelada khamaarka qoysaska u geysan karo. Qoysaska

laga yaabee in siyaabo kala duwan aay u saameyso.

Dhibaatooyinka khamaarka waxaa la qarin karaa waqti dheer,

qoysas badan ayeey naxdin ku noqotaa marka aay ogaadaan

inta aay la eg tahay lacagta la khasaaray.

Dadka weey

ka bogsoon

karaan weeyna

ka bogsoodaan

khamaarka

dhibaatada leh,

laakiin waqti

iyo samir ayeey

u baahan yihiin

in arrimahan

oo dhan wax

laga qabto.

Qoysaska qaarkood kama kabsadaan dhibaatada khamaarka.

Qoysas kalena halgan ayeey kaga gudbaan dhibka oo si

wadajir ah ayeey ugu sii xoogeystaan. Dadka weey ka bogsoon

karaan weeyna ka bogsoodaan khamaarka dhibaatada leh,

laakiin waqti iyo samir ayeey u baahan yihiin in arrimahan oo

dhan wax laga qabto.

Ha gaarin go’aano muhiim ah oo ku saabsan xiriirada aad

dadka la leedahay adigoo culeys-maskaxeed ku saaran yahay.

Qaado waqti aad kaga fikirto waxyaabaha, oo tixgeli

dareenada iyo baahida qoyska oo dhan. La-talin ayaa kaa

caawini karta in aad sahmiso doorashooyinkaaga oo dhan oo

aad go’aan ka gaarto waxa adiga iyo qoyskaaga idiin wada

fiican. (eeg Cutubka 5)

sidee ayeey qoysaska u saameysaa

Dhibaatooyin Lacageed

Dhibaatada ugu badan oo dadka ka wada dhaxeysa waa

khasaaridda lacagta. Keyd, hanti ama alaab laga yaabee in isla

20
Saameynada Khamaarka

markiiba la waayo. Dhibaatadan lacageed ee xoogga leh waxay

qoyska u keentaa in aay dareemaan cabsi, xanaaq iyo in la

qiyaamay.

Dhibaatooyinka Caadifadeed iyo Go’doonka

Dhibaatooyinka khamaarka waxay keenaan caadifado xoog

leh. xubnaha reerka laga yaabee in aay ceeb, xanuun, baqdin,

jahawareer iyo aaminaad-xumo dareemaan. Dareenadan

waxay sii adkeeyaan in la xaliyo dhibaatooyinka. Qofka

khamaara laga yaabee in uu xitaa dafiro in aay dhibaato jirto.

Go’doonka waa dhibaato kale:

• Lamaanayaal badan ma doonayaan in aay caadifad ahaan ama

jir ahaan u dhowaadaan qofkii xanuunka u geystay.

• Dad badan ee aay saameeyeen dhibaatooyinka khamaarka

weey iska dhowraan dadka kale, sababtoo ah waxay

dareemaan ceeb. Tan waxay sii adkeyneysaa in qofka helo

jaceyl iyo taageero.

• Deymaha aan la bixin awgood ayaa saaxiibtinimada ku

dhamaan kartaa.

Caafimaadka Jirka iyo Maskaxda

Culeyska-maskaxeed ee dhibaatooyinka khamaarka mararka

qaar wuxuu qofka khamaara iyo qoyska labadaba, u keenaa

dhibaatooyin caafimaad. Waxaa ka mid ahaan kara walaac,

diiqad iyo dhibaatooyin la xiriira culeyska maskaxda sida

hurdo xumo, nabaro caloosha ah, dhibaatooyin mindhicirada,

madax-xanuun iyo murqo xanuun.

Daal-xoogan

Qoysas badan oo culeys-maskaxeed heysto dhib wuxuu ka

heystaa la tacaaliddiisa. Xubin ka mid ah ayaa waxaa dhici

karta in uu isku dayo in uu wax isku toosiyo isagoo howlo

dheeraad ah qabanaya. Tan waxay keeni kartaa daal-xoogan.

Xubnaha qoyska badanaa waxay diiradda saaraan qofka

dhibaatada khamaarka leh, waxayna iloobaan in aay naftooda

daryeelaan ama madadaalo helaan.

21

Xubnaha qoyska

badanaa waxay

diiradda saaraan

qofka

dhibaatada

khamaarka leh,

waxayna

iloobaan in aay

naftooda

daryeelaan ama

madadaalo

helaan.
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Saameynta Caruurta Aay ku Leedahay

Marka waalidka ama xanaano-bixiyaha uu leeyahay dhibaato

khamaar, caruurta waxay dareemi karaan in la ilooway, diiqad

iyo xanaaq. Laga yaabee in aay rumeystaan in aay iyaga

dhibaatada keeneen, oo haddii aay “fiicnaadaan,” dhibaatada

istaagi doonto. Caruurta qaar waxay daryeelaan walaalahood

ka yar iyaga, ama waxay isku dayaan in aay taageeraan

waalidkood. Mas’uuliyaddan caruurta waxay u keentaa culeysmaskaxeed.

Caruurta waxaa dhici karta in aay rumeystaan in aay ku

khasban yihiin in aay waalidiintooda hal dhinac la jiraan.

Laga yaabee in aay aamini waayaan waalidka balan qaada wax

ee ka soo bixi waaya. Laga yaabee in aay wax ka xadaan

waalidka ama dugsiga aay dadka iska horyimaadaan.

Caruurta qaar waxaa dhici karta in aay isku dayaan in aay

waalidka dhibaatada khamaarka leh ka sii jeestaan, iyagoo:

• isticmaala aalkolo ama daroogo kale

• khamaara

• sharciga jabiya.

Waa muhiim in caruurta aay fahmaan dhibaatooyinka qoyska

in aaysan khaladkooda ahayn. Caruurta waxay u baahan

yihiin in aay ku noqdaan nolol aqal amaan ah oo dheelitiran

iyo caruurnimo caadi ah. la-talin qoys ama shaqsi ayaa

caruurta ka caawini karta in aay isbedeladan wax ka qabtaan

(eeg Cutubka 5).

Xadgudub Jireed iyo Caadifadeed

Rabshadaha qoyska waxay caadi ahaan dhacaan marka reerka

uu ku jiro dhib xoog leh. dhibaatooyinka khamaarka waxay

keeni karaan xadgudub jireed ama mid caadifadeed oo lagula

kaco lamaanaha, waalid waayeel ah ama ilmo. Caruurta laga

yaabee in aay la xanuunsadaan caro ku noqotay. Haddii waxan

aay ka dhacayaan qoyskaaga, isla markiiba kaalmo raadso

(eeg Cutubka 6).

22
Saameynada Khamaarka

Walaaca iyo Diiqadda

Culeys-maskaxeed, walaaca iyo diiqadda weey ku badan yihiin

dadka leh dhibaatooyinka khamaarka iyo qoysaskooda

labadaba. Tan waxay sii dhib badneyn kartaa hurddada,

fikirka iyo xalinta dhibaatooyinka.

Haddii aad leedahay calaamadaha soo socda qaar ka mid ah

wax ka badan laba toddobaad, oo nolol maalmeedkaaga aay ka

dhigayaan wax dhib badan, waxaa laga yaabaa in aad leedahay

diiqad xoog badan:

• Waxaa kaa lumay daneyntii howlaha caadiga ah.

• Waxaa dareemeysaa in aad diiqadeysan tahay, niyad jabsan

tahay ama caro-fududahay.

• Hurddadaada weey is bedeshay (tusaale, waxaad dhibaato ka

qabtaa in aad gama’did ama aad sii hurudid, ama wax aad u

badan ayaad huruddaa).

• Niyadda aad cuntada u heyso weey is bedeshay. Culeys ayaa

kaa dhacay ama ku fuulay.

• Waxaad dareemeysaa kaalmo la’aan, rajo la’aan ama niyadjab.

• Weey adag tahay in aad fikirto oo aad xusuusato sheeyada,

fikradahaadana waxay u eg yihiin kuwo sii gaabinaya.

• Waxaad ku noqnoqotaa dareen ah in aad godobta adiga

leedahay. Ma joojin kartid in aad ka fikirto dhibaatooyinka.

• Waxaa kaa lumay daneyntii galmada.

• Waxaad dareentaa in jir ahaan aad daalan tahay, gaabiso oo

aad culus tahay; ama waxaad dareemeysaa deganaan la’aan

iyo caro-la-soo-boodid.

• Waxaad dareentaa xanaaq.

• Waxaad ka fikirtaa in aad is-disho.

Culeyskamaskaxeed,

walaaca iyo

diiqadda weey

ku badan yihiin

dadka leh

dhibaatooyinka

khamaarka iyo

qoysaskooda

labadaba.

Haddii aad leedahay dhibaatooyinkan wax ka mid ah, la hadal

dhaqtarkaaga qoyska ama qof kale oo mihinad u leh daryeel

caafimaad. Sidoo kale u sheeg dhibaatada khamaarka.

Daaweynta laga yaabee in aay ka mid noqoto daawooyin

iyo/ama la-talin iyo taageero kale.

23
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Khatar Is-dilid

Tirada isdilidda dadka sida xad dhaafka ah u khamaara iyo

xubnaha qoysaskooda weey ka sareysaa dadka kale. Dadka eey

u badan tahay in aay isku dayaan in aay is-dilaan waa kuwa

sidoo kale leh dhibaato caafimaadka maskaxda ah (sida diiqad)

ama isticmaala aalkolo ama daroogo kale. Dadka hore ugu

hanjabay is-dilid ama dhaawacay naftooda mar hore ayaa sidoo

kale khatar dheeraad ah ku jira.

Haddii aad dareemeyso in aad is disho ama aad sameysaneyo

qorshooyin aad naftaada ugu dhameyneyso, isla markiiba

kaalmo raadso. Ma aha in aad adiga kaligaa dhibaatooyinkaaga

wax ka qabato.

waxa la sameeyo haddii aad dareemeyso

in aad is-disho

Haddii aad ku fekereyso in aad noloshaada soo gabagabeyso:

• Tag waaxdaada xaaladaha deg-degga ah isla markiiba.

• Ka qaad meesha wixii aad isku dili karto oo dhan (tusaale,

bastoolado, daawooyin).

• La socodsii qoyskaaga iyo saaxiibadaa sida aad dareemeyso.

• Wac Xarunta Dadka Tabaaleysan wixii kaalmo iyo warar ah (eeg

bogga 49).

• La socodsii dhakhtarkaaga waxa jira, oo aay ku jirto

khamaarkaaga.

• Ha cabin aalkolo ama ha qaadan daroogo kale – arrimaha weey

sii xumeynayaan.

• La xiriir Khadka-kaalmada Khamaarka Dhibaatada Leh ee

Ontario (1 888 230-3505) ooqabanqaabso in aad aragto la-taliye

sida ugu dhaqsaha badan ee suuragalka ah (eeg bogga 47).

Caadi ahaan maalmo gudahood ayaa lagu arki doonaa.

• La hadal qof aad aaminsan tahay, sida saaxiib ama la taliye ruuxi ah.

24
Saameynada Khamaarka

waxa la sameeyo haddii xubin qoyska ah

uu yahay qof is dili raba

Xubin qoyska ah laga yaabee in uu leeyahay fikrado is-dilid ah

haddii uu:

• bedelo dabeecadda, muuqaalka ama dareenka niyadda

• u egyahay qof diiqadeysan, murugeysan ama dadka-ka-dhexbaxay

• dhiibayo alaabo qiimo weyn leh

• ka hadlayo is-dilid iyo haddii uu yiraahdo wuxuu leeyahay

qorshe is-dilid

• sameeyo dardaaran qoraal ah ama uu ka hadlo waxa ugu

dambeeya ee uu jeclaan lahaa.

Haddii tan aay dhacdo, waa in aad:

• deganaataa oo si taxadar leh u dhegeysataa

• u ogolaataa qofka in uu ka hadlo dareenkiisa

• aqbashaa waxa uu qofka leeyahay. Ha qiimeyn ama ha isku

dayin in aad xaliso dhibaatada.

• weydiisaa qofka in uu rabo in uu is-dilo ama uu leeyahay

qorshe is-dilid

• ka qaadaa wax alla wuxuu qofka isku waxyeeleyn karo

(tusaale, hub-gacmeed, daawooyin)

• u qaadataa dhamaan hanjabaadaha is-dilidda kuwo dhab ah

• ka caawisaa qofka in uu helo kaalmo dad mihinad u leh

(tusaale, xarun dadka tabaaleysan, la-taliye, dhaqtar, waaxda

gargaarka deg-degga ah ama wadaad)

• la socodsii dhaqtarkaaga waxa meesha ka jira

• ogolaanin in aad sir ahaan u qariso fikradaha is-dilka ee

qofka. U sheeg qof gacan ka geysan kara.

25
4

U dhaqaaqidda Dhinaca

Isbedelka

Sideen Uga Joojin Karaa Qofka

Khamaarka

Nasiib xumo, kama joojin kartid. Dadka iyaga ayaa go’aansada

in aay khamaaraan iyo in kale. Qofka waa in niyadda loo

dhisaa si uu isu bedelo. Haddii aad u hanjabtid, laaluushtid

ama ciqaabtid, waxyeelada aad u geysaneyso ayaa ka badnaan

karta wanaagga.

Qoysaska waxay ku noqon kartaa madax-wareer in aaysan

lahayn awood aay wax-kaga-qabtaan. Laakiin, weli door

muhiim ah ayaad ka ciyaari kartaa in aad ku dhiirigeliso qofka

in uu isbedelo. Dadka dhibaatooyinka khamaarka leh

badankood waxay u raadsadaan gargaar sababtoo ah

khamaarka qoyskooda ayuu waxyeelo u geysanayaa. U sheeg

qofka sida khamaarka uu kuu saameynayo, oo isku day in aad

isbedelo fiican noloshaada ku sameyso. Tan waxay ka caawini

kartaa qofka in uu arko isagana sidoo kale in uu is-bedeli

karo.

Laga yaabee in aad dareento caro ama xanuun. Tan waxay

kugu adkeyn kartaa in aad gacan siiso qofka xanuunka intaas

la eg kuu keenay. Qoysaska oo dhan kama gudbi karaan

dhibaatooyinkan. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad

27
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

La-taliyaha

wuxuu kaa

caawini karaa

in aad gacansiiso

qofka

dhibaato

khamaar leh,

iyo in aad

qoyska ku soo

celiso

dheelitirnaan

caafimaad leh.

* Adapted from

Makarchuk, K. &

Hodgins, D. (1998).

Helping Yourself: A

Self-help Manual for

Concerned Significant

Others and Problem

Gamblers. Calgary:

Addictive Behaviours

Laboratory,

University of Calgary;

and Prochaska, J.,

Norcross, J. &

Diclemente, C.

(1994). Changing for

Good. New York:

William Morrow.

kala shaandheyso fikradahaada iyo dareenadaada, oo aad

eegto doorashooyinkaaga. Tan waxay noqon kartaa talaabo

muhiim ah oo ka caawineyso qoyska in uu bogsoodo (eeg

Cutubka 5).

sida qoysaska aay uga caawini karaan

qofka in uu isbedelo

Qoysaska waa kala duwan yihiin oo mid walba wuxuu

leeyahay fikradahiisa ku saabsan waxa ka caawini doona qofka

in uu isbedelo. Kuwan waa qaar ka mid ah fikrado qoysas

badan caawiyey. Waxay kaa caawini karaan in aad gacan-siiso

qofka dhibaato khamaar leh, iyo in aad qoyska ku soo celiso

dheelitirnaan caafimaad leh. Adigoo gacan ka helaya la-taliye,

waxaad baran kartaa in aad:

• fahamto heerarka isbedelada oo aad la shaqeyso

• u sheegto qofka sida khamaarkiisa uu adiga iyo qoyska idiin

saameeyey (laakiin xusuusnow, qeylo waxay u badan tahay in

aaysan hore waxba u tarin, marka waqti aadan careysneyn

arrintan sameey. Waa muhiim in aad deganaataa marka aad

hadleyso.)

• u sameyn cudur-daar qofka, oo aadan ka difaacin qofka

falalkiisa

• daryeel ku haboon siiso naftaada oo aad noloshaada

dheelitirnaanta ku soo celisaa

• maaliyadaada aad nadaam ku soo celiso

• aaminaadda soo ceshato

• kaalmo hesho.

Heerarka Isbedelada *

Dadka leh dhibaatooyinka balwadda, sida khamaarka, waxay

maraan heerar is shabaha marka aay aqbalayaan in aay u

baahan yihiin in aay isbedelaan. Qofka sida xad-dhaafka ah u

khamaara laga yaabee in uu ka laab-laabto go’aanka isbedelka.

Waxaad ku yeelan kartaa saameyn dheeraad ah haddii aad la

beegsato taageeradaada heerarkan isbedelada. Weey adkaan

kartaa tan waxayna qaadan kartaa xoogaa ku celcelin ah. Kuwo

28
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

badana waxaa kaloo laga yaabaa in aay ogaadaan in aay u

baahan yihiin kaalmo la-taliye.

heerka 1: qofka ma daneynayo in uu

isbedelo

Marka hore, qofka ma arko wax dhibaato ah mana tixgelin

doono la-talin. Qofka wuu inkiraa dhibaatooynka khamaarka.

Qofka laga yaabee in uu eedeeyo dad kale ama u maleeyo

dhibaatada keliya ee jirto in aay tahay lacag la’aan.

Waxaad sameyn kartaa in aad:

• u sheegto qofka sida khamaarka uu kuu saameeyo

• bedesho dhaqdhaqaaqyada caawiya khamaarka

• ka caawin qofka khamaara in uu ka baxsado in uu qaato

mas’uuliyadda falkiisa

• hubiso lacagta qoyska in la ilaaliyo (la-taliye sharci, la-taliye

maaliyadeed ama la-taliye khamaarka dhibaatada leh ayaa kaa

caawini kara in uu ku hago.)

• barato wax ku saabsan khamaarka dhibaatada leh oo aad la

wadaagto warka qofka dhibaatooyinka khamaarka leh

• naftaada taageero u hesho oo aad bilowdo in nolosha

qoyskaaga aad ku soo celiso mid dheelitiran

• ku biirto koox taageero oo loogu talagalay qoysaska aay

saameyesay khamaarka dhibaatada leh

• iska ilaaliso muran – waxba ma tarayo.

heerka 2: qofka ma hubo isbedelka

Qofka wuxuu bilaabaa in uu arko in khamaarka uu leeyahay

khasaaro. Laakiin qofka ma joojin doono weli. Qofka wuxuu

ka fikiri doonaa isbedelka muddo ka hor inta uusan talaabo

qaadin. Laga yaabee qofka in uu:

• qabsado maalin uu isbedel sameeyo

• noqdo qof si ka badan sidii hore u doonaya in uu ka hadlo

dhibaatooyinka

• noqdo qof kaalmadaada si ka badan sidii hore ugu furan.

Qalalaase weyn markuu dhaco ka dib ayaa laga yaabaa qofka

in uu soo ogolaado in uu wax ka qabto dhibaatooyinka. Waxay

29
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

noqon kartaa khasaare khamaar oo weyn, isku dayid isdilid

ama marka shaqada looga soo eryo khamaar dartii ka dib.

Waxaad sameyn kartaa in:

• aadan la khamaarin qofka

• aad raadiso sida qofka uu kaalmo ku heli karo

• aad u gudbiso warka hagahan oo aad ku dhiirigeliso in uu

qofka kaalmo helo

• aad u soo bandhigto qofka in aad u raacdo la-talin

• aad la wadaagto qofk waxa aad ka ogaatay khamaarka

dhibaatada leh iyo sida warkaas uu kuu caawiyey

• aad ku amaanto qofka in uu doonayo in uu isbedelo

• aad ka ilaaliso xaaladaha soo kicin kara khamaaridda

• aad taageero caadifadeed u hesho naftaada

• aad xuduud cad sameeyso oo aad u sheegto qofka waxa aad

sameyn doonto haddii uu qofka sii wado khamaarka.

heerka 3: qofka wuxuu isu diyaarinayaa

isbedel

Qofka laga yaabee in uu bilaabo talaabooyin yar-yar oo uu ku

bedelayo khamaarkiisa, sida sameynta xuduud waqti iyo

lacageed. Qofka laga yaabee in uu ka hadlo in uu sameeyo

isbedelo ka weyn mar dhow. Qofka laga yaabee in uu doonayo

in uu ka hadlo wax dheeraad ah oo ku saabsan abaalmarinada

iyo khatarada khamaarka marka uu ka nasanayo.

Waxaad sameyn kartaa:

• in aad taageerto isbedelada qofka iyo in aad ku dhiirigeliso

qofka in uu ka helo kaalmo la-taliye khamaarka dhibaatada leh

• in aad kula taliso in qof aamin ah uu maamulo lacagtiisa

• in aad xaddido lacagta uu heli karo qofka. Tan waxay meesha

ka saari kartaa mid ka mid ah waxyaabaha waaweyn ee

khamaarka kiciya (waxyaabaha kiciya waa sheeyada kuu keeni

kara in aad khamaarto.)

• in aad kula taliso howlo kale si uu ugu bedelo khamaarka.

heerka 4: qofka wuxuu qaadayaa

talaabo

Qofka wuu yareeyey ama si buuxda ayuu u joojiyey

khamaarka. Qofka si dhab ah ayuu wax uga qabanayaa

dhibaatada.

30
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Marka aay dadka isku dayaan in aay isbedelaanba, laga yaabee

in aay dib ugu laabtaan. Caadi ahaan weey ka soo kabsan

karaan ku laabashadan, oo xitaa cashar ayeey u noqon kartaa.

Waxaad sameyn kartaa in aad:

• taageerto qofka markuu khamaarka ku bedelayo howlo kale

• taageerto qofka la-talinta markuu ku jiro

• tixgeliso la-talin lamaane ama qoys si loo hagaajiyo

isgaarsiinta iyo aaminaadda

• joogto wax uga qabato dhibaatooyinka lacageed

• diiradda saarto baahidaada iyo ku soo celinta nolosha qoyska

mid dheelitiran (eeg bogga 37)

• aqbasho in qofka uu dib ugu laaban karo khamaarka.

heerka 5: qofka xukunka gacant ayuu

ugu jiraa

Qofka wuu joojiyey khamaarka ugu yaraan lix bilood oo

wuxuu ka sii shaqeynayaa in uu guusha ku dheganaado. Sida

aan hore u soo niri, dad badan ayaa dib ugu laabta khamaarka

dhibaatada leh. ku laabashadan waxay ku noqotaa bur-bur

qofka dhibaatada khamaarka leh, iyo xubnaha qoyskaba.

Laakiin ku laabashada waxay sidoo kale ka caawini kartaa

qofka in uu si ka fiican u fahmo dhibaatada. Ugu dambeyn,

waxay xoojin kartaa go’aanka qofka ee ah in uu isbedelo.

Waxaad sameyn kartaa in aad:

• sii taageerto isbedelada nolosha qoyska dheelitirnaan

dheeraad ah u keena

• isku daydo in aad hagaajiso isgaarsiinta qoyska

• ka sii shaqeyso in lacagta qoyska aay xafidnaato

• ka caawiso qofka in uu garto oo iska ilaaliyo waxyaabaha

kiciya khamaarka

• abaalmariso naftaada marka isbedel ku dhaco naftaada iyo

qofka aad jeceshahay

• aqbasho in qofka uu dib ugu noqon karo khamaarka.

wax ka qabashada dib-ugu-noqoshada

Xusuuso, dhibaatada khamaarka laga yaabo in aay sii xumaan

karto ka hor inta aaysan soo wanaagsanaan. Dadka qaar oo

leh dhibaatooyin khamaar aad ayeey ugu adkaataa in aay

31

Ku laabashada

waxay ka

caawini kartaa

qofka in uu si

ka fiican u

fahmo

dhibaatada,

waxayna xoojin

kartaa go’aanka

qofka ee ah in

uu isbedelo.
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

dhibaatadooda khamaarka faraha ku qabtaan ama joojiyaan.

Haddii qofka uu wax weyn ku guuleysto isagoo isku dayaya in

uu joojiyo khamaarka, dhibaatada waxay ugu ekaan kartaa

mid sidii hore ka deg-deg yar. Dadka qaar weey joojiyaan

khamaarka, laakiin waxay ku bedelaan khamri cabid ama

daroogooyin kale. Dabeecaddan weey soo degtaa marka qofka

barto in uu ku raaxeysto nolosha khamaar la’aan.

Dadka qaar weey ku adag tahay in aay rumeystaan in la-talin

eey caawineyso muddadan heerka dhibka badan lagu jiro.

Laakiin, dadka badankood, weey caawisaa.

* Adapted from

Addictions Services

Kenora problem

gambling materials.

Si Cad War Ugu-Sheegid

Waa muhiim in qofka loo sheego sida dabeecaddiisa u

saameysay qoyska. Dadka dhibaatada khamaarka leh badanaa

xubin qoyska ah oo ku dhiirigelisay awgeed ayeey u tagaan latalin.

Laga yaabee adiga naftaada in aad dooneyso in aad

hesho kaalmo la-taliye ka hor inta aadan tan sameyn.

talooyinka isgaarsiinta ee qoysaska

loogu talagalay*

• Diiradda saar siyaabaha gaarka ah ee khamaarka idiin

saameeyey. Toos u abaar oo isticmaal ooraahda “Aniga” si aad

ula wadaagto dareenada iyo xaqiiqooyinka. Tusaale:

“Aniga waan ka damqadaa marka aad iman weydo guriga

waqtigii aad tiri waan iman.”

“Aniga waan careysanahay marka aanan heysan lacag aan

isaga bixino biilalka khamaarkaaga dartii.”

“Aniga waxaan ka naxsanahay deyntaada khamaarka.”

• Is deji. Isku day in aadan eedeyn, u khudbeyn ama caqiido

uga dhigin qofka. Waxba ma tareyso. Qofka la socodsii in aad

naftaada war iyo taageero u raadsaneyso.

• Iska ilaali hanjabaadyada – la socodsii qofka waxa aad

sameyneyso haddii qofka uu sii wado khamaarka. Isu diyaari

in aad ka dhabeyso. Qofka laga yaabee in uu hore u maqlay in

aad hanjabaadyo u sameysay, oo waxaa laga yaabaa in uusan

rumeysneyn in aad ku dhaqaaqi doonto.

32
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

• Sii warar waxtar leh. U soo bandhig qofka in aad gacan ka

siineyso kaalmo helidda. Baro wax ku saabsan adeegyada latalinta

ee khamaarka dhibaatada leh, oo sii qofka ilaha

wararka laga helo sida warka uu qofka iskii isugu caawini

karo, buugaag iyo fiidiyow.

• Samir lahoow. Isbedelka waqti buu qaadan karaa. Ha ka filin

in uu qofka qirto dhibaatada, ama uu ogolaado in uu u

baahan yahay kaalmo, isla markiiba. Sii wad in aad abuurto

miraha isbedelka. U sheeg qofka in qaadidda talaabo waxqabasho

aay keeneyso in aay yaraato xurgufta iyo culeyska

maskaxda ee qoyska.

• Eeg diiqadda iyo fikradaha isdilka ee qofka khamaara, adiga

iyo xubnaha qoyska (eeg bogga 24).

Ka Caawinidda in uu Qofka Mas’uuliyadda

Dabeecadahiisa iyo Go’aanadiisa Qaato

Dadka waxay u badan tahay in aay wax ka qabtaan

dhibaatooyinkooda khamaar marka aay dhab u dareemaan

xanuunka uu keenayo khamaarkooda. Dabcan, kaalmadaada

iyo taageeradaada muhiim beey u yihiin qofka leh dhibaato

khamaar. Laakiin, weli waa mas’uuliyadda shaqsiga in uu

saxo dhibaatadiisa. Qofka oo keliya ayaa go’aansan kara in uu

joojiyo ama yareeyo khamaarka.

Taageeradaada

iyo

gargaarkaaga

waa u muhiim

qofka

dhibaatada

khamaarka leh,

laakiin waa

mas’uuliyadda

qofka in uu

xaliyo

dhibaatada.

Habka ugu wanaagsan ee loo caawiyo qof waa in la taageero

laakiin mowqif adaga laga qaato. U sheeg qofka haddii uu

helo kaalmo, waa suuragal in uu isbedelo oo uu xukunka

gacanta u gelo. La socodsii qofka in aaysan ahayn in uu keli

ku noqdo dhibaatadan.

Qoysaska qaar waxay dareemaan in aay ku khasban yihiin in

aay bixiyaan deynka khamaarka ee qofka si aay u difaacaan

sharaftooda. Laga yaabee in aay doonayaan in aay caawiyaan

xubnaha kale ee qoyska ee dhibka ka soo gaaray falalka qofka.

Haddii aad bixiso deymaha qofka, waxaa dhici karta qofka in

uu u qaato in laga bixinayo deynta haddii uu dhibaato galo.

33
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Tan mararka qaar waxay u keentaa qofka in uu mar kale

bilaabo khamaarka.

Haddii aad siiso kaalmo dhaqaale, ku adkeyso in qofka uu

sidoo kale helo kaalmo la-talin. Haddii aad deyn siiso, u sheeg

qofka in uu soo celiyo – xitaa haddii aay noqoto toddobaad

walba lacag yar. Qoysas badan ayaa dhib ka qaba in aay tan

sameeyaan, oo u baahan kaalmo la-taliye aamin ah. Iska ilaali

lacag si toos ah in aad u siiso qofka, tan waxay keeni kartaa

khamaar dheeraad ah. (Waxaad ka heli kartaa talooyin

dheeraad ah oo ku saabsan sida wax looga qabto

dhibaatooyinka lacagta bogga 35)

“Jaceylkaaga

adag” wuxuu

qofka ka

caawini karaa

in uu wajaho

kharashka

khamaarkiisa.

“Jaceylkaaga adag” wuxuu qofka ka caawini karaa in uu

wajaho kharashka khamaarkiisa. Tusaale:

• Qofka ha kala xaajoodo madaxdiisa meesha shaqada wixii ku

saabsan daahid ama shaqo ka maqnaasho.

• Ku adkeyso qofka in shaqada guriga uu qabto.

• Been ha sheegin si aad u difaacdo qofka.

• Cudur daar ha u sameyn khamaarka qofka.

• Madaxa ha u salaaxin qofka wixii ku saabsan khasaare

khamaar ama dhibaatooyin kale ee uu keenay khamaar.

• Qofka ha geyn ama ha ka soo qaadin meelo khamaar lagu

ciyaaro.

• Hala khamaarin qofka.

Kiisaska qaar, waxaa dhici karta in aaysan suuragal ahayn in

sidan la sameeyo sababtoo ah marka sidan la sameeyo waxay

keeni kartaa in qofka uu waxyeelo u geysto naftiisa, ama uu

rabshado ku sameeyo dadka kale. Haddii aay sidan tahay,

raadso talo qof mihinad u leh isla markiiba inta aadan talaabo

qaadin.

Isku Habeynta Lacagta Qoyska

Dhibaatooyinka lacagta laga yaabee in aay culeys-maskaxeed

ku heyso qoyskiina. Qofka dhibaatada khamaarka leh ayaa

mas’uul ka ah in uu gacan ka geysto xalinta howlahan adag.

Laakiin haddii qofka uu doonayo, in laga wada shaqeeyo

34
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

dhibaatada waa waxa ugu fiican. Tusaale, helidda lacagta ama

deynta ayaa badanaa kicin karta khamaarka. Waxaad gacan ka

geysan kartaa cadadka lacagta uu qofka heli karo.

Haddii uu ka shaqeynayo in uu isbedelo, waxaad ka wada shaqeyn

kartaan in aad:

• sameysaan miisaaniyadda qoyska

• si taxadar leh oo furan u raad-raacdaan dhamaan

kharashyada qoyska

• isla wadaagtaan dhamaan diiwaanada maaliyadeed iyo

resiityada

• isku raacdaan lacagta ama deynta qofka aay tahay in uu

heysto, si uusan u damcin in uu khamaaro.

Waa kuwan talaabooyin dheeraad ah ee wax ka qabashada

lacagta:

• Si taxadar leh uga fikir maaliyaddaada inta aadan faraha la

gelin deymaha qofka.

• Haddii aad deyminyeyso lacag lagu bixiyo biilal, toos ha u

siin qofka. Wuxuu damci karaa qofka in uu dib ugu laabto

khamaarka. Bedelkeeda, adigaba bixi biilalka.

• U bandhig qofka in aad u raacdo la-talinta deynta iyo

khamaarka dhibaatada leh.

• Samee miisaaniyad qoys oo caqli gal ah si uusan qofka u

dareemin baahi ah in uu khamaaro si uu ugu xaliyo

dhibaatooyin lacageed.

• Ka hel talo khabiir la-taliye deyn, maareeye bangi ama

qareen inta aadan bixin jeegag xun, ama aadan la-saxiixin

deyn ama warqado dhaqaale oo kale.

• U hel qof mas’uul ah oo aamin ah oo maamula lacagta

qofka muddada dhow.

• Isla qorsheeya sida loo xaddidayo lacagta uu heli karo qofka,

ilaa laga xakameynayo khamaarkiisa.

Xitaa haddii qofka khamaara uu kula shaqeyn waayo, waxaad

weli xaq u leedahay in aad ilaaliso lacagta qoyskaaga.

35
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

talooyinka ilaalinta lacagtaada

Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha aad uga ilaalineyso lacagta

qoyskaaga khamaar faraha ka baxay:

• Raadso talo sharci si aad u ogaato xuquuqdaada iyo talaabooyinka

sharciga ee aad u baahan tahay in aad qaado.

• Sameyso xisaab bangi oo kuu gaar ah.

• Sheeyada qiimaha kuu leh dhigo keydka amaanka ah ee bangiga.

• Keydkaaga gasho keyd bond ah oo aadan kala soo bixi karin.

• Bangiga weydiiso in uu kaa jaro deynta aad heli karto, oo uusan kuu

ogolaan in gurigaaga dib loo geliyo qaan.

• Haddii xubinta qoyska uu ogol yahay, ka qaado awoodda saxiixidda

(power of attorney) taasoo kuu ogolaaneyso in aad mas’uul ka

noqoto go’aanada hantida oo dhan.

• Biilalka oo dhan adiga bixi.

• Magacaaga ka saar kaararka kareeditka aad wadaagtaan iyo

xisaabaha bangiga.

• Ka jooji wixii lacago dheeraad ah (overdrafts) ee lagala bixi karo

xisaabaha bangiga.

• Ha la wadaagin lambarka qarsoodiga ah (PIN), ama ha uga tegin

meelaha kaarkaaga kareeditka iyo lacago.

• Tuur codsiyada kaararka kareeditka ama deymaha ee ku yimaada

boostada.

• Mushaaraddaada iyo lacagahaaga u habeyso in si toos ah

xisaabtaada bangiga laguugu soo shubo.

• Uga dig qoyskaaga, saaxiibadaa iyo dadka uu la shaqeeyo in aaysan

wax lacag ah deymin qofka.

• Sii qofka gunno lacageed oo toddobaadle ah oo la isku raacay.

Talaabada koowaad waa in la qiimeeyo xaaladdaada dhaqaale.

Lacagta la khasaaray intee ayeey la eg tahay Deyntee la

wadaagaa iyo tee u gaar ah qofka khamaara Talaabadan

caadifad ahaan weey adag tahay.

Haddii aad leedahay deyn fara badan, ama haddii aay ku

dhibeen deyn-bixiyayaasha, u tag la-taliye deyn. La-taliyaha

deynta wuxuu kaa caawini karaa in aad maamusho deyntaada

36
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

oo aad miisaaniyad sameysato. La-taliye sharci wuxuu kaa

caawini karaa in aad kala saarto deymaha aad wadaagtaan

(sida deymaha aad wada saxiixdeen) iyo kuwa aadan

wadaagin. La-taliyayaasha la socodsiiya dhibaatooyinka

khamaarka.

Ku-soo-celinta Noloshaada

Dheelitirnaanta

Marka aad diiradda saarto dhibaatooyinka khamaarka oo

keliya, nolosha qoyskaaga waxaa ka dhumaya dheelitirnaanta.

Ku soo noqoshada nolol-maalmeedka caadiga ah waa qeyb

muhiim ah oo ka mid ah bogsashada. Waa kuwan qaar ka

mid ah fikradaha aay tahay qoyska oo dhan in aay tixgeliyaan:

Soo celi nolol-maalmeed caafimaad leh:

• Cun cuntooyin dheelitiran, oo joogto ah, xitaa haddii aadan

gaajeysneyn.

• Waqtiyada cuntada ka dhig waqti qoyska uu leeyahay.

• Joogto u jimicso.

• Seexo kana soo kac hurdada waqtiyo joogto ah.

• Baar caafimaadkaaga, una sheeg dhaqtarkaaga khamaarka

xubinta reerkaaga.

• Sameyso maalin toddobaadka ka mid ah oo aad raaxeysato,

joogteyna.

Ku noqoshada

nolosha

caadiga ah ee

qoyska waa

qeyb muhiim

ah ee

daaweynta.

Taageero raadso si aad naftaada wanaag u dareento:

• Welwelkaaga la wadaag saaxiibadaa iyo qoyskaaga aad

aaminsan tahay. Taageero weydiiso, ee talo ha weydiisan.

• Sameyso liis dadka aad ka naxeyso. Wac qof saaxiib ah oo israaca.

• Arag la-taliye kaa caawiya in aad la qabsato oo aad u soo

ceshato kalsoonidaada.

• Raadso koox is-caawisa. Waxay kuu ogolaaneysaa in aad

taageero hesho aadna taageerto dad kale.

• Beeshaada ku howlanow; tusaale, iskaa-wax-u-qabso samee.

37
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Si fiican wax uga qabo culeyska-maskaxda:

• Iska ilaali aalkolo iyo daroogooyin kale –weey kaaga sii

darayaan dhibaatooyinka.

• Isu ogolow in aad ka nasato welwelka.

• Baro in aad garato dareenka niyaddaada, oo aad u sheegto

dadka waxa aad uga baahan tahay.

• Baro siyaabo aad ku yareyso culeyska-maskaxeed; tusaale,

yooga ama daryeel-niyadeed (meditation).

• Daryeel baahidaada diimeed iyo ruuxi

• Samee liis ah waxyaabaha aad jeclaan lahayd in aad sameyso.

Toddobaadkiiba ugu yaraan mid ka mid ah sheeyadaas

samee.

Wanaajinta Xiriirka Qoyska

Waa muhiim in la soo celiyo aaminaaddii ka dhaxeysay

xubnaha qoyska. Laga yaabee arrintan in aay u eg tahay mid

aan suuragal ahayn hadda. Xiriir kasta kama soo waaqsado

dhibaato khamaar.

Laakiin, qoysaska qaarkood, xiriirkooda ayaa ku sii xoogeysta

si wadajir ah wax uga qabashada dhibaatooyinka. La-talin

lamaane ama qoys ayaa qoyska ka caawini karta in uu ku soo

noqdo jidkiisii.

Si aad gacan uga geysato soo celinta aaminaadda, waxaad

kaloo sameyn kartaa:

• In aad tilmaanto siyaabaha aad weli u aaminto qofka.

• In aad ku dhiirigeliso qofka in uu daacad ka noqdo waxa ku

saabsan qabashada khamaarka, oo aad aqbashaa waxa aad

maqasho. Fahmid, taageero iyo in aad ka caawinto xalinta

dhibaatooyinka ku abaalmari daacadnimada qofka.

• In aad weydiisato qofka in uu kaa caawiyo yareynta

welwelkaaga. Tusaale, haddii aad ka baqeyso in uu qofka

khamaarayo halkii uu ka shaqeyn lahaa, weydiiso in aad wici

karto si aay kaaga baxdo baqdinta.

• In aad ku dhiirigeliso qofka in uu sameeyo shaqooyinka qoyska

wax ka mid ah. Markuu sidaas sameeyo u wanaagsanow.

38
U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

• Toddobaadkiiba mar, in aad kawada hadashaan xanuunadii

hore ama welweladaada mustaqbalka. Daacad ka noqo

dareenadaada. Markaas ka dib toddobaadka inta ka hartayna,

waxa hadda jira wax ka qabta.

• In aad waqti fiican wada-qaadataan, idinkoo aan ka hadlin

dhibaatooyinka khamaarka.

• In aad xusuusato in aay waqti qaadaneyso si loo soo celiyo

aaminaadda.

• Haddii aad u baahan tahay waqti dheeraad ah oo aad kaga

hadasho dhibkaaga iyo dareenada carada leh, tixgeli in aad u

tagto koox taageero ama la-taliye.

39
5

Gargaar Helidda

Haddii xubin qoyskaaga ka mid aay leedahay dhibaato

khamaar, gargaar ayeey heli kartaa. Adigana waa sidoo kale.

Dowladda Ontario waxay meel dhigtaa qeyb ka mid ah

lacagaha laga qaado makiinadaha lacagta lagu rido ee yaala

kasiinooyinka saddaqada ah iyo tartamada fardaha meelaha

lagu qabto. Lacagtan waxay bixisaa:

• khadka taleefanka khamaarka dhibaatada leh

• la-talinta dadka leh dhibaatooyin khamaar

• cilmi-baaris ku saabsan dhibaatada khamaarka

• waxbarasho ku saabsan khamaarka oo loogu talagalay

dadweynaha iyo dadka mihinadda u leh caafimaadka

dadweynaha.

Daaweyn lacag la’aan ah, oo aay ku jirto la-talin, ayuu heli

karaa qof walba oo uu khamaar saameeyey. Oo aay ku jiraan

xubnaha qoyska. La-talinta waxay adiga iyo xubnaha

qoyskaaga idinka caawini kartaa in aad dib u soo dhistaan

dareenada xumaanta kala gaartay oo aad dib isu aamintaan.

Waa Maxay La-talin

La-talin waa meel looga hadlo waxa ka socda noloshaada. Waa

meel aamin ah oo qarsoodi ah, mana lagu qiimeyn doono. Lataliyayaasha

khamaarka dhibaatada leh waxaa si gaar ah loogu

tababaray in aay fahmaan dhibaatooyinkaaga. Adiga iyo la-

41
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

taliyahaada ayaa isla go’aaminaya inta jeer ee aad badanaa u

baahan tahay kaalmo iyo waxa laga hadlayo.

Ceeb ma aha in aad raadsato kaalmo. Waa talaabada koowaad

ee aad faraha ugu dhigeyso dhibaatooyinka khamaarka uu kuu

keenay.

Ontario la-talin

lacag la’aan ah

ayuu heli karaa

qof walba ee

aay dhibaato

khamaar

saameysay.

Ontario dhexdeeda, la-talinta waa u lacag la’aan qof walba ee

uu saameeyey khamaar – ma ahan oo keliya dadka khamaara.

Meelaha badankood, hey’ad bixisa la-talin takhasus leh ee

khamaarka dhibaatada leh ayaa laga heli karaa guriga meel u

dhow. Guryo degaan ah iyo meel maalintii daaweyn loo tago

ayaa sidoo kale laga heli karaa meelo ka mid ah gobolka. Intaa

waxaa dheer, in la-talin taleefan ah, daaweyn guryaha

dhexdooda ah iyo hage gargaar oo iskaa ah sidoo kale la heli

karo. Sidoo kale waxaad ka faa’iideysan kartaa adeegyada latalinta

dhinaca deymaha, la-talin qoys iyo ilo kale. Khadka

Gargaarka Khamaarka Dhibaatada leh (1 888 230-3505) ayaa

kugu xiri kara taageerada iyo ilaha aad u baahan tahay. Wuxuu

furan yahay 24 ka saac maalintii.

Hey’adaha qaarkood waxay bixiyaan balamo fiidkii iyo

weekend ah oo loogu talagalay la-talin waji-ka-waji ah. Latalinta

waxay noqon kartaa hal-hal, ama lamaane iyo qoys

iyagoo aay kula socdaan. Laga yaabee in la heli karo la-talin

kooxeed.

La-talinta waa qarsoodi, ilaa xadka sharciga ogol yahay. Lataliyaha

waa in uu kuu sharaxaa xudduudahan inta uusan

bilaabin ka hor. Qofka la-taliyaha ah waa in uu kuu sheegaa

wax aad ka fili karto la-talinta iyo waxa adiga lagaa filayo.

Sidee La-talinta Kuu Caawini Kartaa

Marka xubin ka mid ah qoyskaaga uu leeyahay dhibaato

khamaar, weey dhib badnaan kartaa in mustaqbalka aad rajo

wanaagsan yeelato. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad

42
Gargaar Helidda

aragto in waxyaabaha aay isbedeli karaan. Waxay kaloo kaa

caawini kartaa in aad garato xoogga qoyskaaga iyo

talaabooyinka wanaagga ah ee aay dhici karto in aad hore u

qaaday.

La-talinta waa hab waxbarasho. Go’aano fiican ayaad gaari

kartaa, marka aad hesho war cusub. La-taliyayaasha waxay kaa

caawini karaan in aad xaliso dhibaatooyinkaaga waaweyn.

Waxaa ka mid noqon kara saxidda xaaladdaada dhaqaale,

hagaajinta xiriirka qoyska iyo soo celinta aaminaadda adiga iyo

lamaanahaada.

La-talinta sidoo kale waxay:

• kaa caawini kartaa in aad fahamto waxyaabaha u eg in aay

faraha ka baxeen

• kaa caawini kartaa in aad go’aansato falka aad sameyneyso

• ku siin kartaa war waxqabad leh oo ku saabsan sida wax looga

qabto dhibaatooyinka lacageed

• kugu xiri kartaa la-talin deymeed, adeegyo sharci iyo ilo kale

• kaa caawini kartaa in aad fahamto oo aad yareyso waxyaabaha

kiciya khamaarka xubinta qoyskaaga

• kuu heli kartaa warar ku saabsan adeegyada beeshaada

dhexdeeda ah

• kaa caawini kartaa in aad maareyso culeyska-maskaxeed,

walaaca iyo diiqadda

• kaa caawini kartaa in aad aragto in aadan keligaa ahayn.

Sidee Ayeey La-talinta u Caawini Kartaa

Qofka Khamaara

La-talinta ma bedeli karto qofka dhibaatooyinka khamaarka

leh. Qofka uun baa sameyn kara taas.

Marka hore, dad badan ma rabaan in aay joojiyaan ama

bedelaan khamaarkooda. Taa bedelkeed, laga yaabee in aay u

tagaan la-talinta in aay kaalmo uga helaan dhibaatooyinka

lacagta iyo qoyska. La-talin inta lagu guda jiro, ayeey ka ogaan

karaan in dhibaatadu tahay khamaarkooda.

43
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

La-taliyaha ayaa siin doona warar, talo iyo taageero. Tan waxay

ka caawini kartaa qofka in uu arko in khamaarka uu keeno

waxyeelo, iyo in uu go’aan ka gaaro wuxuu ka sameynayo. Lataliyaha

waxay u badan tahay in uu ku dhiirigeliyo qofka in uu

ka nasto khamaarka, si qofka uu khamaarkiisa faraha ugu

qabto una arko waxyeelada uu la imanayo

La-talinta waxay ka caawini kartaa xubinta qoyskaaga in uu:

• helo khamaarka wax u bedela oo caafimaad leh

• garto waxyaabaha kiciya khamaarkiisa

• garto waxyaabaha beenta ah ee uu rumeysan yahay oo keeni

kara dhibaatooyin

• helo habab uu u la tacaalo qabashada khamaarka.

La-talinta

waxay sida ugu

fiican u

shaqeysaa

marka qoyska

oo dhan uu isu

yimaado oo uu

midba midka

kale taageero.

La-talinta waxay sida ugu fiican u shaqeysaa marka qoyska oo

dhan uu isu yimaado oo uu midba midka kale taageero. Waa

sababtan waxa gargaarka loola diyaar yahay dhamaan

xubnaha qoyska.

Wixii war dheeraad ee ku saabsan sida la-talinta u caawini

karto qofka khamaara, fadlan arag buugga yar ee Problem

Gambling: Arrimaha, iyo Doorashooyinka.

Khamaarka Khatarta-Yar

Dadka qaar waxay go’aansadaan in aay tahay in aay

khamaarka si buuxda u joojiyaan. Kuwo kalena waxay

qabsadaan lacag iyo waqti xaddidan oo khamaarka loogu

talagalay, ama waxay ka fogaadaan howlaha khamaarka ee

keena dhibaatooyinka ugu badan.

Haddii xubinta qoyskaaga aay go’aansato in aay sii wado

khamaarka, hubi in qofka uu yareeyo khatarta. Khamaarka

khatarta-yar macnahiisu waa dadka:

• waxay xaddidaan lacagta iyo waqtiga aay geliyaan khamaarka

• waxay ogolaadaan khasaarahooda, iskumana dayaan in aay

dib u soo ceshadaan

44
Gargaar Helidda

• waxay ku raaxeystaan guulahooda, laakiin weey og yihiin in

aay nasiib ku dhacday

• waxay khamaarka ku dheelitiraan howlo kale oo madadaalo ah

• uma khamaaraan in aay lacag ku shaqeystaan ama deymo

isaga bixiyaan

• ma khamaaraan marka aalkolo ama daroogo kale aay

garashadooda wax u dhinto

• marna uma soo deynsadaan lacag ama uma isticmaalaan

maalgelin shaqsiyeed ama keydka qoyska in aay ku

khamaaraan

• uma khamaaraan in aay kaga baxsadaan dhibaatooyin ama

dareemo

• khamaarka kuma waxyeeleeyaan shaqadooda,

caafimaadkooda, maaliyaddooda ama qoyskooda.

45
6

Halka Laga Helo

Gargaar

Adeegyada Deegaanka

Ka eeg bogga dambe ee jaldiga buuggan magaca iyo cinwaanka

hey’adda deegaankaaga.

Adeegyada laga helo Gobolka iyo Qaranka

Ontario Problem Gambling Helpline (opgh)

1 888 230-3505

www.opgh.on.ca

Adeeg lacag la’aan ah, qarsoodi ah oo aan loo baahneyn in aad

magacaaga sheegto. Waxaad wici kartaa 24 ka saac maalintii,

toddobada maalmood ee usbuuca. OPGH waxay warka ku

bixisaa 140 luqadood. Sidoo kale waxay u dirtaa dadka:

• adeegyo la-talin iyo daaweyn loogu talagalay khamaarka dhibaatada

leh

• adeegyada la-talinta deymaha

• adeegyo la-talin oo lagu sameeyo taleefan haddii laga heli

karo beeshaada

• ururo iskaa-aad-isku-caawineyso sida Gamblers Anonymous

iyo Gam-Anon.

47
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Ontario Association of Credit Counselling Services (oaccs)

1 888 746-3328

www.oaccs.com

Urur aan-faa’iido-doon-ahayn oo gobolka ah oo siiya wararka

una gudbiya dadka 24 xubin oo ah ururada bixiya adeegyada

la-talinta deymaha.

Adeegyada waxaa ku jira:

• miisaaniyad u sameynta

• la xiriiridda deyn-bixiyayaasha

• deyntaada in aad ku bixiso si aad ka bixi karto

• in aad soo ceshato aaminaadda ah in deyn lagu siin karo.

Haddii aadan adeegyada beeshaada ka heli karin, adeeg latalin

oo taleefan ah ayaad heli kartaa adigoo wacaya 1 888

204-2221.

Community Information Centres (CICs)

U garaac 0 shaqaalaha taleefanka qeybiya ama isku day in aad

garaacdo 211.

www.211Ontario.ca

CICs waa koox aan-faa’iido-doon-ahayn oo ururiya wararka

adeegyada dowladda hoose, adeegyada beesha iyo adeegyada

bulsho. Kuwan waxaa ka mid ah adeegyada dhibka-xoogga leh,

hooyga iyo la-talinta. Wac shaqaalaha taleefanka qeybiya si aad

u ogaato in agagaarkaaga aay ka jirto CIC.

Kids Help Phone

1 800 668-6868

www.kidshelp.sympatico.ca

khad war iyo taageero ah oo loogu talagalay caruurta iyo dhalinyarada

oo 24 ka saac ah, oo lacag la’aan ah. Oo aad Ingiriis

iyo Faransiis warka ku heli karto.

Parent Help Line

www.parentsinfo.sympatico.ca

Website-ka Parent Help Line wuxuu ku siinayaa war guud oo

loogu talagalay waalidka oo ku saabsan arrimo kala duwan.

48
Halka Laga Helo Gargaar

Waxaa ku jira Maktabad Xiriirin ah (Link Library) oo soo

bandhigaysa website-yada barbarbaarinta ah oo leh cilmi-baaristii

ugu dambeysay ee mowduucyada sida ku amar taagleen

(bullying), qofka oo aan maskaxdiisa soo jeedin karin waxa uu

qabanayo (attention deficit disorder), dhalaanka cusub, cadaadiska-maskaxda

ee barbaarinta ilmaha iyo waxyaabo kale oo

badan.

Khadadka Gargaarka iyo Xarumaha Dhibka-culus

Wixii ku saabsan xarumaha dhibka-culus iyo khadka gargaarka

ee agagaarkaaga ah, wac shaqaalaha taleefanka qeybiya,

ama eeg liiska lambarada gargaarka deg-degga ah ee ku

yaala buugaaga taleefanka dushiisa.

Gamblers Anonymous (ga)

416 366-7613

www.gamblersanonymous.org

ga waxaa laga heli karaa beelo badan. ga waxaa lagu saleeyey

Alcoholics Anonymous, waxay isticmaalaan wajahaad 12-

talaabo ah si uu qofka u bogsoodo.

Gam-Anon and Gam-Ateen

416 366-7613

www.gam-anon.org

Gam-Anon waa taageero jiileed oo loogu talagalay xubnaha

qoyska iyo saaxiibada ee leh dhibaato khamaar. Waxay ka

caawineysaa in aay la qabsadaan, oo joojiyaan in aay naftooda

ku eedeeyaan dhibaatooyinka khamaarka ee qofka, iyo in aay

diiradda saaraan caafimaadkooda iyo wanaagooda.

Responsible Gambling Council

www.responsiblegambling.org

urur aan-faa’iido-doon-ahayn oo la shaqeeya shaqsiyaadka iyo

beelaha si aay wax uga qabtaan khamaarka hab mas’uuliyad leh

oo caafimaad qaba. Golaha wuxuu mas’uul ka yahay barnaamijyada

cilmi-baarista iyo war-gaarsiinta dadweynaha ee loogu

talagalay in looga hortago dhibaatooyinka khamaarka la xiriira.

49
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Ilaha Sharciga

Lawyer Referral Services (lrs)

General Referral: 1-900-565-4577

www.lsuc.on.ca/public/a/finding/lrs/

lrs waxay ku siin doonaan magacyada qareenada (oo aay ku

jiraan kuwa aqbala kaalmada sharciga) ee agagaarkaaga ah ee

bixiya nus-saac wadatashi lacag la’aan. Lacag $6 ayaa taleefankaaga

lagu soo dalici doonaa. Khadka dhibka-xoogga leh

lacag la’aan baad ku isticmaali kartaa haddii aad ka soo waceyso

cisbitaal ama xabsi, haddii aad ka yar tahay 18, ama haddii

aad guri la’aan tahay ama dhib-xoog leh ku heysto.

Community Legal Education Ontario (cleo)

416 408-4420

www.cleo.on.ca

cleo waa rug sharci beeleed oo soo saara qoraalo luqad fasiix

ah ku qoran oo loogu talagalay dadka dakhliyada hoose.

Mowduucyada waxaa ku jira kaalmada bulshada, sharciga

mulkiilaha iyo kiraystaha, sharciga qaxootiga iyo soogalootiga,

ceymiska shaqaalaha, arrimaha dumarka, sharciga qoyska,

ceymiska shaqada iyo xuquuqda aadanaha.

Legal Aid Ontario

1 800 668-8258

www.legalaid.on.ca

Legal Aid wuxuu kaa caawini karaa in uu kaa bixiyo kaalmo

sharci haddii dakhli hoose aad leedahay. Haddii aad xaq u leedahay,

waxaad heli kartaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay

dhibaatooyin sharci oo noocyo kala duwan ah, oo aay ku jirto

arrimo dambi, sharciga qoyska, iyo sharciga qaxootiga iyo

soogalootiga. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in aad kaalmo u

heshid kiisaska madaniga ah qaarkood iyo rafcaanada kama

dambeysta ah.

50
Halka Laga Helo Gargaar

Buugaagta Lagu-taliyey in La-aqriyo

Berman, L. & Siegal, M.-E. (1999). Behind the 8 Ball: A Guide

for Families of Gamblers. New York: Simon & Schuster.

Blaszczynski, A. (1998). Overcoming Compulsive Gambling: A

Self Help Guide Using Cognitive Behavioural Techniques. London,

England: Constable & Robinson.

Federman, E., Drebing, C. & Krebs, C. (2000). Don’t Leave It

to Chance: A Guide for Families of Problem Gamblers. Oakland:

New Harbinger.

King, A. (1999). Diary of a Powerful Addiction. Tyndall, MB:

Crown Publishing.

Little, D. (2002). Losing Mariposa: The Memoir of a Compulsive

Gambler. Toronto: ecw Press.

Little, M. (c. 1999). The Other Woman Was Lady Luck: True

Stories from Monte Carlo to Casino Windsor. Manitoulin Island,

ON: Lady Luck Enterprises.

Makarchuk, K. & Hodgins, D. (1998). Helping Yourself: A Selfhelp

Manual for Concerned Significant Others and Problem

Gamblers. Calgary: Addictive Behaviours Laboratory, University

of Calgary.

Prochaska, J., Norcross, J. & Diclemente, C. (1994). Changing

for Good. New York: William Morrow.

Raabe, T. (2001) House of Cards: Hope for Gamblers and Their

Families. Carol Stream, IL: Focus on the Family/Tyndale

House.

51
Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Website-yo Faa’iido leh

Centre for Addiction and Mental Health

www.problemgambling.ca

Websitekan balaaran oo loogu talagalay dadka mihinadaha

leh iyo dadweynaha wuxuu siiyaa warar iyo ilo ku saabsan

khamaarka dhibaatada leh, wuxuuna albaab laga galo u yahay

boggaga web-ka ee khuseeya arrimahan.

Compulsive Gamblers Hub

www.cghub.homestead.com

koox iskood isu caawiya oo internetka ah oo ku saleysan

Gamblers Anonymous.

GamBlock

www.gamblock.com

GamBlock waxay dadka hor-istaagtaa helitaanka aagaga khamaarka

internetka helitaankooda. Ddka leh dhibaatooyin khamaar

waxay ka caawisaa in aay iska ilaaliyaan khatarada khamaarka

internetka. US$74.95.

Journal of Gambling Issues

www.camh.net/egamblingdaabacaad internetka ah oo sahmiya

cilmi-baaris khamaar, daaweyn, nadaam iyo waayoaragnimo

dad khamaar leh, oo leh wax xun iyo wax wanaagsan

labadaba.

Mood Disorders Society of Canada

www.mooddisorderscanada.ca

Niagara Multilingual Problem Gambling Program

www.gamb-ling.com

website afaf badan ah oo 11 luqadood oo kala duwan ku qoran:

Carabi, Shiinees, Ingiriis, Faarsi, Hindi, Talyaani, Boortuqiis,

Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Urduu, oo leh warar af ahaan

iyo dhaqan ahaanba ku haboon, madal email oo su’aal/jawaab

ah, iyo ku xirid website-yo kale oo la xiriira.

52
Problem Gambling: The Issues, the Options

Ontario Problem Gambling Research Centre

www.gamblingresearch.org

Hey’ad bixisa maaliyad oo maalgelisa cilmi-baaris ku saabsan

khamaarka dhibaatada leh, kordhisana awoodda Ontario ee

lagu sameynayo cilmi-baaris ku saabsan dhibaatooyinka khamaarka,

oo faafisa natiijooyinka cilmi-baarista.

YouthBet

www.youthbet.net

ymca Youth Gambling Program

www.ymcatoronto.org/gambling

Sidoo kale arag website-yada ku taxan adeegyada Gobolka iyo

Qaran, bilowga bogga 47.

53
Ontario Problem Gambling Helpline

1 888 230-3505