12.06.2014 Views

From Report to Court - Somali - Rights of Women

From Report to Court - Somali - Rights of Women

From Report to Court - Somali - Rights of Women

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Ashtakada Ilaa Maxkamadda

Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka

galmada

Cathy Halloran

1

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Xuquuqda Dumarku waa urur sal adag oo kobcaya faa’iido doona ahayn una shaqaynaya

wargelinta, waxbaridda iyo awoodgelinta dumarka dhinaca sharciga iyo xuquuqdooda sharciyeed.

Ururku wuxuu ku bixiyaa telefoonka adeeg talobixin sharciga ah oo bilaasha, wuxuu kaluu soo

saaraa qoraalo ku saabsan xuquuqda sharci ee dumarka. Xuquuqda Dumarku waxay khabiir ku

tahay sharciga qoyska, burburka xiriirada, xadgudubyada galmada iyo qoyska waxayna

qabanqaabiyaan shirar iyo tababaro looga hadlayo arimahan. Ururka waxaa maalgeliya Xiriirka

Dawladda London iyo Sanduuqa Big Lottery.

Sharciga lagu soo bandhigay Warbixintani waa sax ilaa iyo taariikhda 1da December 2004.

Rights of Women

52-54 Featherstone Street

London

EC1Y 8RT

Khadka caawinada Guud 020 7251 6577

(wuxuu furan yahay Talaado - Khamiis 2-4pm and 7-9pm,

Jimcaha 12-2pm)

Khadka caawinada Xadgudubka Galmada 020 7251 8887

(wuxuu furan yahay Isniin 11am-1pm iyo

Talaado 10am-12noon)

Khadka Maamulka 020 7251 6575/6

Telefoonka qoraalka 020 7490 2562

Fakiska 020 7490 5377

Email info@row.org.uk

© Rights of Women, 2004

Xuquuqda daabacaadu way xifdisan tahay. Dib looma soo saari kari qayb ka mida daabacaadan,

lama gelin karo nidaamka wax lagu kaydiyo qaabna looma gudbin karo, iyadoon fasax laga helin

daabacaha.

Si aad u hesho nuqulo daabacaadan ah, fadlan la xiriir Xuquuqda Dumarka.

Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsan Xuquuqda Dumarka, riix www.rightsofwomen.org.uk

2

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Ashtakada Ilaa Maxkamadda

Buug loogu talagalay dadka ka

badbaada xadgudubka galmada

Cathy Halloran

3

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

TUSMADA

1. HORUDHAC...................................................... 6 5. MARKAAD GARANAYSID QOFKA KU

1. 1 HORUDHAC....................................................... 6 FARAXUMEEYEY ................................................ 21

1.2 DHIBAATOOYINKA KUFSIGA ............................ 6 5.1 XADGUDUBKA GALMADA QOFKA AAD RAFIIQA

TIHIIN................................................................21

1.3 XAFIISKA ARIMAHA GUDAHA........................... 6

1.4 XUQUUQDA DUMARKA ..................................... 7

1.5 UNUGA BAARISTA XADGUDUBKA CARUURTA

IYO DUMARKA (CWASU).................................. 7

1.6 QORAAGA .......................................................... 7

1.7 SHARCIGA.......................................................... 7

1.8 BUUGAN ............................................................. 7

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

2. ASHTAKADA..................................................... 9

2.1 GO’AANSO.......................................................... 9

2.2 QOF KU TAAGEERA .......................................... 9

2.3 XUQUUQDAADA INAAN LAGU SHEEGIN....... 10

2.4 SABABAHA ASHTAKADA QAARKOOD........... 10

2.5 TALAABADA U HORAYSA ............................... 10

2.6 SI LOO ILAALIYO CADAYMAHA ISKUDAY

INAADAN ......................................................... 11

5.2 XADGUDUBKA GALMADA QOFKA AAD

GARANAYSID ..................................................21

5.3 HADDAAD TAHAY DHILO/SHAQAALE GALMO21

5.4 XADGUDUBKA GALMADA LALA KAASHADO

DARAAGADA IYO/AMA KHAMRADA ..............22

5.5 XADGUDUBKA GALMADA UU KUGU SAMEEYO

XUBIN QOYSKAAGA AH .................................23

6. NOOCYADA KALA DUWAN EE

BADBAADAYAASHA ........................................... 24

6.1 BADBAADAYAASHA LABKA AH.......................24

6.2 BADBAADAYAASHA AH DUMARKA ISUTAGA,

NIMANKA ISUTAGA, LABEEBKA AMA

NIMAWNAAGA .................................................24

6.3 BADBAADAYAASHA MADOWGA IYO DADKA

LAGA TIRADA BADAN YAHAY........................24

6.4 BADBAADAYAASHA LIXAADKA LA’ IYO KUWA

WAAYEELKA AH..............................................25

2.7 HADDII QOF AAD GARANAYSID FARAXUMAYN 6.5 HADDII XADGUDUB GALMO LAGUU GAYSTAY

GALMO LOO GEYSTAY .................................. 11

WAQTI KA HOR ...............................................25

3. ARIMAHA CAAFIMAADKA.............................. 12 6.6 GO’AANKA EEDEYNTA ....................................26

3. 1 GARGAAR CAAFIMAAD OO DEGDEGA ........ 12 Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

3.2 MARKA DHAKHTARKU WARGELIN KARO

7. DEMBI OOGISTA............................................ 27

BOLIISKA ......................................................... 12

7.1 GO’AANKA DEMBI OOGISTA ...........................27

3.3 HELISTA CADAYMAHA .................................... 12

7.2 SIDA GO’AANKA LOO GAARO.........................27

3.4 CADAYMUHU WAA NOOCMA ......................... 12

7.3 GO’AANKA JOOJINTA ......................................28

3.5 QALABKA CADAYMAHA HORE....................... 13

7.4 DEMBI OOGISTA KHAASKA AH.......................28

3.6 SABABAHA RAADSASHADA GARGAAR

CAAFIMAAD .................................................... 13

3.7 XARUMAHA GUDBINTA FARAXUMAYNTA

GALMADA (SARCS) ........................................ 13

3.8 ISBEDEL DHAQAMEEDKA DHAKHAATIIRTA IYO

BOLIISKA ......................................................... 14

7.5 MARKA UGU HORAYSA EE UU HORYIMAADO

MAXKAMADDA QOFKII KU FARAXUMEEYEY28

7.6 DAMAANAD MA HELAYAA...............................29

7.7 MARXALADA XIGTA .........................................30

7.8 DEMBIYADA MAXKAMADDII LA DOONO LAGU

QAADI KARO....................................................30

3.9 BAADHITAANKA FOREENSIGA CAAFIMAAD. 14

3.10 SABABAHA BAADHITAANKA FOREENSIGA

7.9 KA NOQOSHADA EEDEYNTA..........................31

CAAFIMAAD .................................................... 14 7.10 DEMBI QIRASHADA IYO JIHAYNTA ..............31

3.11 WALAACAAGA ............................................... 15 7. 11 DEMBIYADA HALISTA AH .............................31

3.12 DHAAWACYADA JISMIGA ............................. 15 7.12 JOOJINTA EEDEYMAHA ................................32

3.13 SAWIRADA IYO CADAYMAHA KALE............. 16 7.13 DACWAD LAGA JAWAABAA MA JIRTO.........32

4. NIDAAMADA BOLIISKA ................................. 17

4.1 BOLIISKA .......................................................... 17

4.2 XEERKA DHIBANAYAASHA............................. 17

8. KA QAYBQAADASHADAADA MARXALADA

MAXKAMADDA................................................... 33

8.1 SUGITAANKA ....................................................33

4.3 U YEEDHISTA BOLIISKA ................................. 18 8.2 TEGISTA MAXKAMADDA .................................33

4.4 BAYAANKA SHAKHSI AHAANEED EE

8.3 MARKHAATI NOQOSHADA ..............................33

DHIBANAHA .................................................... 18 8.4 ISU DIYAARINTA MAXKAMADDA ....................34

4.5 MARKA LAGU WARAYSANAYO ...................... 18

4.6 DOODAADA ...................................................... 19

4.7 KA NOQOSHADA DACWADDA........................ 20

8.5 DAAH KA QAADISTA ........................................34

8.6 WARBAAHINTA.................................................34

8.7 DEMBIILAYAASHA GALMADA EE YARYAR ....35

4.8 AQOONSASHADA QOFKA KU FARAXUMEEYEY 8.8 YAA GO’AAMIYA SIDEESE LOO GO’AAMIYAA35

......................................................................... 20 8.9 WAA LAGULA DOODAYAA...............................35

4

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

9. QAADISTA MAXKAMADDA............................. 37

9.1 QAADISTA MAXKAMADDA KA HOR ............... 37

9.2 OGOLAANSHAHA DEMBI QIRASHADA .......... 37

9.3 QAADISTA MAXKAMADDA .............................. 38

9.4 TALAABOOYINKA GAARKA AH EE LOO

SAMEEYO MARKHAATIYAASHA BAYLAHAD

AH 38

9.5 KU BIXINTA CADAYMAHA MAXKAMADDA..... 39

9.6 WAYDIINTA SU’AALAHA.................................. 40

9.7 TAARIIKHDA GALMOOYINKAAGII HORE ....... 40

9.8 DIB U EEGIS ..................................................... 42

9.9 SU’AALAHA XAAKIMKA ................................... 42

9.10 MARKAAD BIXISID CADAYMAHA.................. 42

9.11 CADAYMAHA KALE........................................ 43

9.12 GUDOONKA.................................................... 43

9.13 SAAMAYNTA GUDOONKA DEMBI KU

WAAYISTA....................................................... 44

9.14 DEMBI KU HELISTA ....................................... 44

10. QAADISTA MAXKAMADDA KA DIB .............. 46

10.1 XUKUNKA ....................................................... 46

10.2 KA SIIDAYNTA XABSIGA ............................... 47

10.3 XEERARKA CUSUB EE XUKUMISTA............ 47

10.4 TALAABOOYINKA LAGAAGA ILAALINAYO

DHIBAATOOYINKA KALE ............................... 48

10.5 RAFCAAN KA QAADASHADA DEMBI KU

HELISTA ...........................................................48

10.6 XUKUMADA SIDA XAD-DHAAFKA AH U

DEBECSAN ......................................................49

10.7 ADEEGYADA XUKUNKA KA DIB....................49

10.8 MAGDHOW......................................................50

10.9 DACWADDA GASHIGA DHIBAATOOYINKA ..50

Qaybta C - Sharciga

11. SHARCIGA ................................................... 51

11.1 XEERKA DEMBIYADA GALMADA 2003 .........51

11.2 EREYADA SHARCIGA QAARKOOD OO LA

SHARAXAY ......................................................51

11.2.1 ‘GALMO’ .......................................................... 51

11.2.2 ‘OGOLAANSHO’.............................................. 51

11.2.3 KUFSI .............................................................. 52

11.2.4 MAQNAANSHAHA OGOLAANSHAHA ........... 53

11.2.5 FARAXUMAYNTA WAX LAYS GELIYEY ....... 54

11.2.6 FARAXUMAYNTA GALMADA......................... 55

11.2.7 QOFKA OO LAGU KALIFO INUU SAMEEYO

FICILKA GALMADA........................................ 55

Qaybta D - Lifaaqyada

12. LIFAAQA MACNAHA EREYADA..................... 57

12.1 MACNAHA EREYADA MAGAC BIXINTA ........57

12.2 MACLUUMAADKA – HALKAAD CAAWIMO U

DOONAN LAHAYD...........................................61

5

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

1. HORUDHAC

1. 1 HORUDHAC

Buugan waxaa loogu talagalay dadka qaangaadhka 1 ah ee ka badbaaday xadgudubka galmada 2

iyo kuwa taageera. Waxaa soo saaray Dhibaatooyinka Kufsiga (Rape Crisis), 3 maalgeliyayna

Unuga Kalsoonida iyo Dhibanayaasha ee Xafiiska Arimaha Gudaha (Home Office) iyo Xuquuqda

Dumarka (Rights of Women) oo wax ku darsatay, waxaana taageeray Unuga Baarista xadgudubka

Caruurta iyo Dumarka, Adeega Xeer Ilaalinta Boqortooyada iyo Taageerada Dhibanayaasha.

Xuquuqda Dumarka ayaa tafatirtay, dib u eegtay daabacdayna. Shaqsiyaad dhowra oo ka socda

ururadan iyo meela kaleba ayaa waqti weyn ku geliyey dib u eegista iyo akhrinta: waxaa mahad

gaara iska leh Sara Maguire, U Cadaalad Falidda Dumarka London; Prof. Liz Kelly, Unuga

Baarista xadgudubka Caruurta iyo Dumarka (CWASU); Ranjit Kaur, Nadine Sime, Emma Scott,

Sofia Jasani, Sharon Persaud, Saraka Keating, Gita Patel iyo Sarah Atugonza oo ka tirsan

Xuquuqda Dumarka; Kate Cook, Jaamacadda Metroboolitant ee Manchester/Ololaha Xaqiiqda

Kufsiga; Dr. Helen Jones, Ololaha Ciribtirka Kufsiga/Xaqiiqda Kufsiga; Sandra McNeil, U Cadaalad

Falidda Dumarka West Yorkshire/Ololaha Ciribtirka Kufsiga; Sheila Coates, Xarunta

Dhibaatooyinka Kufsiga ee Koonfurta Essex (SERICC); iyo Yvonne Traynor, Xarunta Xadgudubka

Galmada iyo Kufsiga Croydon (RASASC).

1.2 Dhibaatooyinka Kufsiga

Dhaqdhaqaaqa Dhibaatooyinka Kufsigu wuxuu ka abuurmay nidaam hawleed iyo falsafad ku

salaysan sinaanta dumarka, iyadoo arimaha dumarka saamaynta ku lehna ka eegaysa dhinaca

dumarka. Kooxaha ka shaqeeya dhibaatooyinka kufsigu ama Xarumuhu waxay si madax banaan u

jireen in ka badan labaatan sanadood. Waxaa ku yaala xarumo magaalooyin iyo tuulooyin badan

oo ku baahsan England iyo Wales. Waxaa dhamaantood wada dad tabaruc ku shaqeeya oo gaar

loogu tababaray bixinta taageero bilaasha oo qarsoodiya, la talin iyo akhbaar loogu talagalay

dumarka iyo gabdhaha 4 kuwaasoo soo maray kufsi ama faraxumayn waqti noloshooda ka mida.

Kooxaha ka shaqeeya dhibaatooyinka kufsigu waxay kaloo taageero siiyaan asxaabta iyo

qoysaska ka badbaadayaasha kufsiga iyo faraxumaynta galmada. Qaar badani waxay bixiyaan

adeeg caawimo ah oo khadka telefoonka iyo /ama mid waji ka waji ah oo ku salaysan qaabka

awoodsiinta qofka. 5

1.3 Xafiiska Arimaha Gudaha (HOME OFFICE)

Xafiiska Arimaha Guduhu waa Waaxda Dawladda mas’uulka uga ah arimaha gudaha ee England

iyo Wales. Xafiiska Arimaha Guduhu wuxuu u shaqeeyaa sidii loo dhisi lahaa bulsho dul, cadaalad

iyo amaan leh, iyo xoojinta fursadaha dhamaan, amaanka iyo ilaalinta bulshada. Xafiiska Dib u

Habaynta Cadaalada waa koox Waaxo isku dhafan ah oo taageera dhamaan wakaaladaha

cadaalada si ay u hormariyaan adeegyada ay siiyaan bulshada. Laga bilaabo July 2004, waa hanti

la wadaago, iyagoo si siman ugu warbixin doona Xafiiska Arima Gudaha, Waaxda Arimaha

Distuurka iyo Waaxda Saraakiisha Sharciga. Shaqada uu ka dhex wado Unuga Kalsoonida iyo

Dhibanayaashu waa inuu xiriiriyaa shaqooyinka Waaxaha Dawladda (nidaamka cadaalada

1 Dadku England iyo Wales sharci ahaan waxay qaangaadhaan 18. Da’da guud ee sharci ahaan ficilka galmadu waa

16.

2 'Xadgudubka galmada' ama / iyo 'faraxumaynta galmada' ee buugan waxaa ku jira dembiyadan soo socda ee laga

galo qaangaadhka: Xeerka Dembiyada Galmada 2003 Qorymooyinka (1)Kufsiga; (2) faraxumayn Galmo leh; (3)

Faraxumaynta Galmada; iyo (4) qofk oo lagu kelifo inuu ficil galmo sameeyo isagoon raali ahayn. Eeg Qaybta C.

3 Isutaga Dhibaatooyinka Kufsiga ee England iyo Wales waxaa la xidhay dayrtii 2003 laakiin Dhaqdhaqaaqa

Dhibaatooyinka Kufsigu wuu badbaaday. Kooxaha ka shaqeeya Dhibaatooyinka Kufsigu weli waxay u shaqeeyaan

heer degmo ah waxaana la rajaynayaa urur xiriiriya oo cusub in dhakhso loo sameeyo.

4 Kooxaha ka shaqeeya Dhibaatooyinka Kufsiga qaarkood waxay taageero siiyaan dhibanayaasha kufsiga ee ragga ah.

5 Heerka taageeradu wuxuu ku xidhan yahay hadba dhaqaalaha ay haysato Kooxdaa Dhibaatooyinka Kufsigu.

6

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

dembiyada iyo kuwa kaleba) iyagoo qaadaya talaabooyin lagu hormarinayo adeegyada taageera

dhibanayaasha iyo markhaatiyada iyo ku kalsoonaanta nidaamka cadaalada dembiyada.

1.4 XUQUUQDA DUMARKA (RIGHTS OF WOMEN)

Xuquuqda Dumarku waa urur sal adag oo kobcaya faa’iido doona ahayn una shaqaynaya

wargelinta, waxbaridda iyo awoodgelinta dumarka dhinaca sharciga iyo xuquuqdooda sharciyeed.

Ururku wuxuu ku bixiyaa telefoonka adeeg talobixin sharciga oo bilaasha ah ayna ku siinayaan

garyaqaano oo sir ah. Wuxuu kaloo soo saaraa qoraalo ku saabsan xuquuqda sharci ee dumarka.

Xuquuqda Dumarku waxay khabiir ku tahay sharciga qoyska, burburka xiriirada, xadgudubyada

galmada iyo qoyska waxayna qabanqaabiyaan shirar iyo tababaro looga hadlayo arimaha sidii

dumarka sharciga loogu fududayn lahaa. Ururka waxaa maalgeliya Xiriirka Dawladda London iyo

Sanduuqa Big Lottery. Telefoonka talabixinta sharciga ee xadgudubka galmadu waa: 020

7251 8887, kan talada guudna: 020 7251 6577 websaytkuna www.rightsofwomen.org.uk

waxaa ku jira waxyaabaha dhowaan ku soo kordhay sharciga iyo siyaasada.

1.5 UNUGA BAARISTA XADGUDUBKA CARUURTA IYO DUMARKA

Waxaa la aasaasay Unuga Baarista Xadgudubka Caruurta iyo Dumarka 1987 si loo sameeyo

daraasad, aragti iyo hawlgelin indhaha dumarka wax ku eegaysa gaar ahaan xiriirka ka dhaxeeya

galmooyinka xadgudubka ku salaysan. CWASU waxay ku yeelatay sumcad heer qaran iyo mid

caalamiya baaris cilmiyeedka, tababarada iyo shaqooyinka talobixinta, oo isugu jira mashaariicda

daraasadaha waaweyn iyo kuwo yarba, tababarka, horumarinta nidaamada iyo isku xirka, isu soo

dhowaynta cilmi baadhista, nidaamka, dhaqangelinta iyo ololaynta; unugu wuxuu dhamaystiray

saddex cilmi baaris ku saabsan kufsiga, taasoo lagu waraystay ka badbaadayaasha kufsiga.

1.6 QORAAGA

Cathy Halloran waa qareen sare (barrister) oo fadhiisata Tooks Chambers oo ku taal London. Waxay kaloo ka

dhigtaa cadaymo danbiyeedka iyo difaacista iskuulka sharciyada ee BPP. Waxay ku takhasustay

difaaca dembiyada iyo rafcaanka dumarka wax dila, waxayna matashay dhowr ka badbaaday kufsi

daraago lala kaashaday oo rafcaan lagu doonayo magdhow dhaawacyada dembiga. Waxay la

shaqaysay ururada sida Isutaga Dhibaatooyinka Kufsiga ee Wales iyo England iyo Ololaha lagu

Ciribtirayo Kufsiga, si loo bedelo sharciga dembiyada galmada. Waxay u doodaa dumarka xubina

ka tahay kooxda ololaynta ee U Cadaalad Falida Dumarka.

1.7 SHARCIGA

Xeerka Dembiyada Galmada 2003 wuxuu hawlgalay May 2004. Buugan waxaa loogu talagalay

dadka ka badbaaday dembiyada Qormooyinka 1 ilaa 4 ee Xeerkan: dembiyada galmada ee

ogolaansho la’aanta dhaca sida kufsiga – uu ku jiro kufsiga afka laysaga galmoodo – gelinta

waxaan gus ahayn, faraxumaynta galmada iyo qofka oo lagu kalifo inuu sameeyo ficil galmo ah

isagoon ka raali ahayn.

1.8 BUUGAN

Buugani wuxuu ka warbixinayaa nidaamka loo marayo sheegista iyo dacwo ku qaadista

xadgudubka galmada. Waxaa loogu talagalay inuu u noqdo hage dadka la kulmay xadgudubka

galmada inta badana, badbaadayaasha ayuu la hadlayaa. Sidoo kale, waxaa loogu talagalay

qoysaska, asxaabta iyo taageerayaasha dadka ka badbaada xadgudubka galmada.

Haddii adiga ama qof aad garanayso la kufsaday amaba la faraxumeeyey buugani wuxuu kaa

caawinayaa inaad fahamtid marxaladaha kala duwan ee sharciga laga soo bilaabo dacwadda

markaad boliiska gaadhsiisid ilaa laga tegayo maxkamadda. Wuxuu kaloo kaa caawinayaa sidaad

sharciga u fahmi lahayd.

Wuxuu u qaybsan yahay 3 qaybood: Qaybta A waxay faahfaahin ka bixinaysaa taageerada

caafimaad, sharci ee uu heli karo qofka badbaadaha ah. Waxay ka hadlaysaa go’aanka soo

7

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

sheegista; sharaxaysaana siduu u shaqeeyo nidaamka sharcigu marka go’aanka la gaadho iyo

guudmarka arimaha caafimaadka ee jira.

Qaybta B waxay ka hadlaysaa nidaamka maxkamaddaha, ooy ku jirto cida gaadhaysa go’aanka

dembi oogista, waxa dhici doona marka maxkamadda la qaadayo iyo guddoonka. Ujeedadu waa in

la isticmaalo af cad oo sahlan si looga caawiyo akhristaha iyo wuxuu ka filan karo qofka ka

badbaaday xadgudubka galmadu hay’adaha kala duwan ee khuseeya. Buugani wuxuu kaa

caawinayaa sidii aad u fahmi lahayd sharciga maahana in loo arko mid bedelaya talooyinka sharci

ama caafimaad ama la talinta xasaasiga ah.

Qaybta C ee buugu waxay ka hadlaysaa sharciga khuseeya dembiyada ogolaansho la’aanta ku

dhaca (a) kufsiga, (b) faraxumaynta gelinta waxaan gus ahayn, (c) faraxumaynta galmada iyo (d)

qofka oo lagu kalifo inuu sameeyo ficil galmo ah isagoon raali ka ahayn. 6 Sharcigaasi wuxuu ku

salaysan yahay Qormooyinka 1-4 ee Xeerka Dembiyada Galmada 2003, oo la hirgeliyey May 2004;

wuxuu khuseeyaa England iyo Wales waana sax taariikhda daabacaadan la sameeyey. Buugani

kaama siinayo tilmaan dhamaystiran xaga sharciga Dembiyada Galmada laakiin waa guudmar

dembiyada galmada kuwa ugu daran ee laga galo qaangaadhka.

Dhibanayaasha/badbaadayaasha Qoraagu wuxuu ku sheegayaa ‘iyada’ inay yihiin dhedig halka

dembiiluhu uu yahay ‘isaga’. Tan waxaa loola jeedaa in la aqoonsado inta badan dhibanayaasha

xadgudubka galmadu inay yihiin dhedig dembiilayaashuna lab. Sidoo kale, akhbaarta buugan

waxay khusaysaa dhibanayaasha/badbaadayaasha ragga ah ee xadgudubka galmada. Dhamaan

buuga qoraagu wuxuu si iswaydaara u isticmaalayaa ereybixinta ‘dhibane’ iyo ‘badbaade’ iyadoo

ku xidhan hadba meesha ay kaga jirto qoraalka, guud ahaan ‘badbaade’ waxay muujinaysaa qofku

inuu hore uga gudbay dhibaatadii ku dhacday.

Xadgudubka Galmada

Xadgudubka galmadu waxay saamaysaa dumarka iyo ragga 7 meelkastooy ka yimaadaan, da’

kastooy yihiin, dhumucdooda ama ciday u galmoodaan; hadday yihiin kuwa lixaad qaba iyo haddii

kaleba. Xadgudubka galmadu ujeedadeedu waa in lagu cabsi geliyo si ay u dhantaasho

amaankaaga iyo jismigaaga. Dhibgaystayaasha xadgudubka galmadu waxay rabaan inay ku

muquuniyaan – kuumay soo weerarin waxaad samaysay ama samayn wayday awgeed. Kuuma

soo weerarin inaad adigu dareen ahaan soo jiidatay awgeed; xadgudubka galmadu maaha galmo

ee waxay tahay xukumis, awood sheegasho iyo muquunis. Inta badan xadgudubka galmadu

waxay ka dhacdaa goob dhibanuhu uu yaqaano, caadiyan gurigeeda, weeraraha gurigiisa ama

meel kale oo ay booqato. Qaar badan oo ka mida badbaadayaashu waxay hore u yiqiineen

dembiilayaasha.

6 Qormooyinka 1 ilaa 4 ee Xeerka Dembiyada Galmada 2003. Qaybta C.

7 Iyo dabcan caruurta, inkastoo buugan aan loo qorin caruurta.

8

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

2. ASHTAKADA

2.1 GO’AANSO

Go’aanka ashtakada xadgudubka galmadu waa mid adag had iyo goorna shakhsi ah. Haddaad

garanayso qof galmo ahaan la faraxumeeyey, ku taageer xuquudeeda ah inay doorato inay

dacweeyso dembiilaha, haddaad tahay badbaade weli la legdamaya go’aanka, waad doonan

kartaa talo laakiin yaan lagugu qasbin qaadashada go’aankan ama mid kale. Akhbaarta halkan

lagugu siinayo waxaa loogu talagalay inaad adigoo xogogaal ah wax dooratid. Buugan xagiisa

danbe waxaad ka helaysaa cinwaanada ururo taageero ah si aad ugala hadashid waxa kuu furan

inaad yeeshid.

Xusuusnow waxkastoo kaa joojinaya ashtakada inay dadka kalena sidaas oo kale dareemaan.

Baadhitaanada tirakoobyada ayaa muujinaya in kufsiga iyo xadgudubka galmadu ay yihiin

dembiyada ugu ashtakada yar. Sababa badan ayaa keenaya inaan dembiyada xadgudubka

galmadu noqon kuwo markasta laga ashtakoodo. Kuwan waxaa ku jira duruufta qofka badbaadaha

ah, inay taqaan qofka faraxumeeyey iyo inkale, naxdin, rumaysan waa, cabsi aargoosi, filashada

in la canaanto ama la rumaysan waayo, xishood iyo fadeexad. Xadgudubka galmadu waxay kaa

dhigi kartaa inaad amaan daro dareentid, dareen gubatid, sharaf dhacdid, ceebowdid iyo kuwo

kale. Dhakhso u ashtakoodka ka dib markay dhibaatadu dhacdo way kugu adkaan kartaa. Haddii

taasi jirto waa inaanay kaa joojin inaad ka ashtakootid dembiga haddaad dooratid sidaas.

Haddaadan isla markiiba soo ashtakoon maaha micnaheedu inaadan waqti danbe ashtakoon

karayn. Waqti u xadidani ma jiro dacwadda dembiyadan halista ah hadana waxaaba jira faham la

gartay sababaha qaar ka mida badbaadayaasha xadgudubka galmadu aanay isla markiiba uga

soo ashtakoon dhibaatada ku dhacday.

Xadgudubka galmadu waa galmo looga gol leeyahay awood sheegasho iyo muquunis, oo

micnaheedu yahay in inta badan kuwa dhibaatada gaystaa ay sidaas u yeelaan doonis ay wax ku

xukumaan iyo inay muquuniyaan dhibanaayashooda. Layaab maaha, in xadgudubka galmadu

guud ahaan ka yeelo dhibanayaasha inay dareemaan awoodoodu inay yaraato talada noloshuna

ka fara baxdo. Waa mid la fahmi karo in dhibanayaal badan oo xaaladan ku jiraa aanay ka soo

ashtakoon dembiga. Go’aan ka qaadashada waxaad yeeli lahayd ayaa kuu noqon karta mid kuu

soo celisa awoodaada, go’aan qaadashada iyo iyadoo laguula dhaqmo inaad tahay qof u qalma

ixtiraam iyo daryeel. Xuquuqda Dumarku waxay ku siinaysaa aqoonta nidaamka sharciga ee

la marayo haddaad go’aansatid inaad ashtakootid. Markaa kadib ayaad go’aansan doontaa

inaad boliiska u dacwootid ama la xiriirtid ururada kale ee taageerada ay kuu gudbiyaan.

2.2 QOF KU TAAGEERA

Dadka badankiisu waxay u haystaan in xadgudubka galmadu cid kale ku dhaco, aanay iyaga ku

iman karin markaa markay ku timaado, waxay ku noqotaa naxdin iyo wareer. Waxaa jira

wakaalado talo bixina oo dhowra iyo ururada taageerada ood u tagi kartid, kuma qasbanid inaad

keligaa noqotid. Haddaadan sidaas yeelin, la xiriir saaxiib aad aamini kartid ama qaraabo aad la

hadashid, sidoo kale la xiriir qof loo tababaray inuu wax la qabto badbaadayaasha xadgudubka

galmada. Waxaa ka jira magaalooyin iyo tuulooyin badan wakaaladaha taageerada kufsiga iyo

xadgudubka galmada, oo ku siinaya taageero iyo talo bilaasha oo sira. Xarumada Dhibaatooyinka

Kufsigu waxaa loogu talagalay dumarka keliya halka Taageerada Dhibanahu ay siiso akhbaar,

caawimo wax ku ool ah iyo taageero dareenka ah dhamaan dadka la kulma dembiyada. Kuwan iyo

ururada la midka ahi waxay kaa caawinayaan inaad ka kabatid dareenka eedaynta naftaada, la

keentid cabsida, ka hadashid lana qaybsatid dadka khibradaa ku soo martay. Muhiim maaha

goortuu weerarku dhacay, waxaa jiraya qof ku dhegaysan doona kaalana talin doona siyaabaha

kala duwan eed yeeli kartid iyadoon culays lagugu saarayn inaad go’aan gaara qaadatid. haddaad

go’aansatid inaad ashtakootid, waxay kaa caawini doonaan hawsha oo dhan. Inaad qof la

hadashid, lagu maqlo laguna rumaysto (sida dadka badankiisu maalmahan rumaysan yihiin)

waxay kaa caawinaysaa inaadan gooni u bax noqonin dadkana la qaybsatid dhibaatada go’aankaa

culus. Ha dareemin inaad ku keliyaysatid.

9

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

2.3 XUQUUQDAADA INAAN LAGU SHEEGIN

Dacwaddaha inta badan sharcigu England iyo Wales wuxuu dhigayaa inaan weligood la sheegin

dhibanayaasha kufsiga iyo faraxumaynta galmada kuwooda halista ah. 8 Tan micnaheedu waxa

weeye haddaad go’aansatid inaad ashtakootid, lama daabici doono faahfaahintaada shaqsi

ahaaneed ama sawirkaaga intaad nooshahay. Lama baahin karo dembiga ama dembiilaha adiga

kuu muujin kara inaad tahay dhibanihii. Xaaladu sidaas ayay ahaanaysaa xitaa haddii, aad ka

noqotid dacwadda ama godoonku noqdo ‘in dembiga lagu waayo’. Laakiin magacaaga

maxkamadda waa la siinayaa. Sharciga uma ogolaanayo inay isqariyaan eedaysanayaasha

maxkamadda u taagan dembiyada galmada, marka laga reebo sheegista magacoodu haday

muujinayso aqoonsiga dhibanaha.

2.4 SABABAHA ASHTAKADA QAARKOOD

Sababa badan oo fiican ayaa jira oo kugu xambaaraya inaad sheegtid xadgudubka galmada,

waxaana laga yaabaa qaarkood inaad ka fikirtay.

• Ashtakadu dareen ahaan waa faa’iido haddaad u aragtid inaad wax iska celinaysid aadna

xoojinaysid xuquuqdaada in dacwaddaada si dhab ah loo dhegaysto.

• Ashtakadu waxaa laga yaabaa inay ka joojiso dembiiluhu inuu qof kale weeraro: qaar badan oo

dembiilayaasha galmadu way ku celiyaan dembiga ilaa laga qabanayo.

• Ashtakada xadgudubka galmadu haday ka mid tahay hab dhaqameed faraxumayn iyo

xadgudub uu kugu sameeyo rafiiqaagu way kaa joojin kartaa noloshaadana badbaadin kartaa.

• Ashtakadu waxay kuu sahlaysaa inaad heshid daawayn lagaa baadhayo in dhaawacyo gudaha

ahi ku gaadheen, cudurada galmada lagu kala qaado iyo uur. 9

• Ashtakadu waxay kaa caawini kartaa inaad wax ka qabatid werwerka ammaankaaga.

• Ashtakadu, gaar ahaan marka loo sameeyo si dhakhso leh weerarka ka dib, waxay kaa

caawinaysaa in cadaymihii la ilaasho, cadaymahaas oo hadhowto la isticmaali karo haddii

dacwaddu maxkamadda tagto.

• Ashtakadu waxay noqon kartaa talaabadii ugu horaysay dacwad lagu guulaysto

• Ashtakadu waxay kuu suurtagelin kartaa inaad codsatid magdhow.

• Ashtakada oo isla markiiba la sameeyo ama sida ugu dhakhsaha badan waxay kordhinaysaa

fursada in dacwaddu maxkamadda gaadho iyo natiijo fiican oo ku saabsan magdhowga.

• Ashtakadu waxay boliiska ogaysiinaysaa qofka ku faraxumeeyey iyo dhaqankiisa – waxaa laga

yaabaa inay ka caawinto inay xaliyaan dacwadda kale haday haystaan tilmaamihiisa iyo

aqoonsiyada kale.

• Ashtakadu waxay u xaqiijinaysaa dawladda inay helaan tiro saxa oo kufsiga iyo faraxumaynta

galmada ku saabsan – oo sahlaysa waxka bedelista sharciga iyo qorshayaasha ka hortaga.

2.5 TALAABADA U HORAYSA

Ashtakada faraxumayntu waa talaabada u horaysa eed ku dacwaynaysid qofka ku faraxumeeyey,

culayska dacwaddaaduna waa sii badanaysaa haddaad ashtakada hore u samaysid. Dhaqsaha

aad u ashtakootaa, wuxuu wanaajinayaa inay boliisku ka helaan cadaymo iyo baadhitaanka

8 Qarinta lagu ogolaaday Xeerka Dembiyada Galmada (Saxid) 1992 ayaa hadda daboolaysa dembiyada hoos imanaya

Xeerka Dembiyada Galmada 2003, ee buugan lagaga hadlayo.

9 Uurka iyo cudurada galmada lagu kala qaado qaarkood hore kama muuqan karaan sidaas darteed badbaadayaashu

waa inay baadhitaan caafimaad sameeyaan waqti danbe.

10

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

foreesiga goobtii weerarka ka dhacay. Haddaad la talinaysid qof markaas la soo faraxumeeyey oo

doonaya inuu ashtakoodo, kula tali inaanay isdhaqin, ku qubaysan saxanka ama tuubada sare.

Haday suurtagal tahay hayska dayso inay kaadido ilaa laga qaado kaadi. Badbaadayaasha

damacsan inay ashtakoodaan ha iska jireen inay wax u dhimaan, dhaqaajiyaan, dhaqaan ama

burburiyaan waxkastoo u noqon kara cadaymo. Kuwan waxaa ku jira dharka, gogosha, galaas

ama koob uu wax kaga cabay dembiiluhu, dabada sigaarka uu ka tegay, banbiirada guska la

gashado ama shay kasta oo uu taabtay. Xusuusnow, goobta weerarku waa goob dembi. Waa

muhiim in qof walba ogaado sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo cadaymaha xaaladan

degdega ah.

2.6 SI LOO ILAALIYO CADAYMAHA ISKUDAY INAADAN

• Ku qubaysan saxanka, tuubada sare ama isdhaqin

• Cadayan ama luqluqan

• Cidiyaha xoqin

• Wax cunin, cabin, xanjo calashan

• Sigaar cabin

• Khamri cabin/ Dawo qaadan

• Dharka iska bedelin

• Kaadin

• Iska saarin ama xiran suufka caadada

• Tirtirin ama nadiifin saxaaxa (xubinta taranka)

2.7 HADDII QOF AAD GARANAYSID FARAXUMAYN GALMO LOO GEYSTEY

• Taageer

• Dhegeyso

• U sheeg inaanay mas’uul ka ahayn/khaladkeeda ahayn

• Hubso inay haysato meel amaan ah ooy tagto/la joog haday u baahan tahay

• Ku caawin inay go’aankeeda gaadho

• U sheeg inaad u raacaysid dhakhtarka/isbitaalka/boliiska/maxkamadda

• Ku caawi inay nafteeda caawinto

• Adigu taageero raadso haddaad dareentid culays, wareer, garan waydidna waxaad samaysid

ama tiraahdid

11

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

3. ARIMAHA CAAFIMAADKA

3. 1 GARGAAR CAAFIMAAD OO DEGDEGA

Haddaad ka badbaaday xadgudubka galmada, xitaa haddii aadan hubin inaad ashtakootid iyo

inkale, waa inaad gargaar caafimaad raadsataa sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaa dhakhaatiirka ka saaran xil inay xaqdhowraan kalsoonida bukaan socotada, tan oo

micnaheedu yahay inaad faraxumaynta u sheegi kartid dhakhtarka, lagu daweeyo talona lagu siiyo

iyadoon boliiska la soo gelin haddaad sidaa adigu jeclaysato.

3.2 MARKA DHAKHTARKU WARGELIN KARO BOLIISKA

Sidoo kale, duruufaha qaarkood, dhakhturku wuxuu wargelin karaa boliiska, tusaale ahaan haddii

dhakhtarka rumaysan yahay in xadgudub galmo loo geystey qofka, isla markaana sabab kastaa ha

jirtee qofku ogolayn in boliiska loo sheego iyo inkale, dhakhtarka xil baa ka saaran inuu

faraxumayntan sheego. Waxaa kaloo dhakhtarku ashtakada gudbinayaa haddii qofka loo geystey

xadgudubka galmadu uu miyir beelo ama caqli ahaan go’aanka gaadhi karin. Haddii kale,

dhakhtarku wuxuu u sheegi karaa boliiska xadgudubka galmadu haday danta bulshada u tahay ma

huraan in la sheego, tusaale ahaan haddii boliiska loo sheegi waayo inay badbaadaha ama qof

kale khatar gelin karto. Xaaladahan ba’an dhakhtarku wuu ku qasban yahay inuu ugu sheego

boliiska sida u dhakhsaha badan. Waxaa fiican, dhakhtarku marka hore inuu kula hadlo, kuuna

sheego inay ma huraan tahay kuguna qalqaaliyo inaad la fikir noqotid. Xusuusnow, xitaa haddii

dhakhtarku u arko inay tahay lama huraan in la wargeliyo boliiska, micnaheedu maaha inaad

dacwadda wadid ama isla markaaba go’aan gaadhid. Waxa micnaheedu yahay in boliisku kula

hadli doonaan.

3.3 HELISTA CADAYMAHA

Haddii weerarku dhowaan dhacay, boliisku waxay ku waydiisan doonaan inuu ku baadho

Dhakhtarka Baadhitaanka Foreensiga si cadaymaha loo helo. Kani waa dhakhtar loo tababaray

ururinta cadaymaha: ‘foreensiga’ waxaa loola jeedaa ‘sharci’. Haddii aadan go’aansan inaad

dacwadda sii wadid, cadaymaha oo lahayaa waxay fududayn doontaa dacwadda waqtiga danbe,

haday kula noqoto inaad dacwadda wadatid. Haddii aad ka walaacsan tahay, waxaa kuu

wanaagsan inaad haysatid cadaymaha caafimaadka, haddii aad u dhowdahay Xarunta Gudbinta

Faraxumaynta Galmada 10 waxaad u tegi kartaa toos.

3.4 CADAYMUHU WAA NOOCMA

DNA waxay u taagan tahay Deoxyribo-Nucleic Acid: waa kiimiko laga helo unug kastoo jirkeena ka

mida. Waxay sidaan akhbaarta ku saabsan qaab jismiyeedkeena sida midabka timaheena iyo

indhaheena. Qof kastaa wuxuu leeyahay DNA u gaara – waxaynu ka qaadanaa nus DNA hooyada

nuska kalena aabaha marka laga reebo mataanaha isku midka ah, xitaa walaaluhu ma laha DNA

isku mida. Maadaama DNA unugyo badan oo jirkeena ka mida laga helo sida dhiiga, shahwada,

candhuufta iyo timaha, waxaa si guul leh laysugu halayn karaa in lagu aqoonsado dembiilaha

xadgudubka galmada. Isbarbardhigida DNA laga helo dheecaanada jirka ama xabadaha timaha

uu ka tegay dembiilaha xadgudubka galmada, iyo tan laga qaado qofka la tuhunsan yahay,

boliisku waxay ku xiriirin karaan qofka la tuhunsan yahay dembiga ama waa laga reebayaa. Tani

waxay gaar ahaan muhiim ugu tahay weerarka aan la garan karin qofka geystay. Waxaa kaloo jira

cadaymaha dhaawacyada, gudaha iyo debeduba inay u taageeraan dacwadda dhinaca

badbaadaha si aanay u taageerin qofka la tuhunsan yahay.

10 Xarumaha Gudbinta Faraxumaynta Galmada waxaa lagaga hadlayaa bogga 11.

12

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

3.5 QALABKA CADAYMAHA HORE

Dhamaan saldhigyada boliiska ee UK waxay hadda haystaan waxa loo yaqaan qalabka

cadaymaha hore oo loo isticmaalo dacwaddaha xadgudubka galmada. Waxaa loo isticmaala in

lagaga qaado cadaymaha muhiimka ah badbaadaha qaabkoodana waxaa loo sameeyey inaad

adigu isticmaali kartid. Waxaad iskaga qaadi karaysaa kaadi, taasoo muhiim u ah inay sheegto

haddii lala kaashaday daraago samaynta dembiga. Maandooriyayaasha qaarkood waxaa laga heli

karaa kaadida waqti yar gudihiis ka dib markii la qaatay, markaa aad bay muhiim u tahay haddaad

u malaynaysid in lagu daraageeyey, inaad sida ugu dhakhsaha badan isaga qaado kaadi. Haddii

afka lagaaga galmooday sidoo kale waxaad isticmaali kartaa qalabka cadaymaha hore si afka aad

u mariso cudbi lagu baadhayo shahwad, taasoo ku jiri karta afka labo maalmood ka dib waqtiguu

dhacay weerarku. Habkani ma bedelayo baadhitaan caafimaad oo dhamaystiran laakiin wuxuu kaa

caawinayaa in la helo cadaymahan hore ee muhiimka ah. Sababta ugu muhiimsani arintan waa

inaad musqusha geli kartid ama wax cabi kartid adigoon wax u dhimayn cadaymihii.

3.6 SABABAHA RAADSASHADA GARGAAR CAAFIMAAD

Haddaad isbitaalka tagtid adigoo ah badbaade xadgudubka galmada waxaa kuu suurageli karta

inaad aragtid dhakhtar dumar ah laakiin waxaa dhici karta inaad daahdid. Yaanay kugu xanbaarin

inaadan raadsan caawimo caafimaad sababtoo ah ma lihid dhaawacyo muuqda ama isuma aragtid

inaad u baahan tahay daawayn. Nooca talada iyo gargaarka caafimaad eed heli kartaa wuu

dhaafsiisan yahay dhayista dhaawacyada jismiga iyo ururinta cadaymaha: waxaa dhici karta inuu

jiro walaac ah inaad uur leedahay iyo/ama caabuq. Sidoo kale, waxaa ka mida saamaynta

xadgudubka galmada niyadjab, werwer, baqdin, ceeb, iyo walaacyada la xiriira. Kuwan way dhici

kartaa inay noqdaan/noqonin halis laakiin waxay si walbaba ugu yeelan karaan raad dareenkaaga

guud iyo hankaaga. Daryeelka caafimaad, talada iyo niyad qaboojintu waxay kaa caawini karaan

inaad xamishid dhakhsana uga kabatid xitaa haddaadan u baahnayn daawayn. Haddaadan tegi

karin ama dareemaysid inaadan u baahnayn inaad tagtid isbitaalka isku day inaad tagtid

dhakhtarkaaga xaafadda (GP). Ugu yaraan sheegista aad dhakhtarka xaafadda u sheegtaa waxay

ka reebaysaa dhacdada rikoodh; waa fikrad wanaagsan inaad sida ugu dhakhso badan weerarka

ka dib ugu tagid dhakhtarka weliba haddii aad leedahay dhaawacyo jismiyana hubso in dhakhtarku

ku qoro faylkaaga. Waxay xoojin kartaa dacwadda haddaad go’aansato mustaqbalka waxayna kaa

caawinaysaa codsiga magdhowga dhaawacyada dembiyada. 11

Xusuusnow dhakhtarka waxaa saaran waajib inuu ku daweeyo kuulana dhaqmo si daryeel iyo

xaqdhowr mudan. Sii kaxayso qof aad ku kalsoon tahay oo kuu hadla kuna taageera: xadgudubka

galmadu badbaadayaasha qaar way jilcisaa mana karaan inay xuquuqdooda u istaagaan waqtiga

dhibtu dhacday ka dib, marmarka qaarkoodna waqti intaa ka dheer.

3.7 XARUMAHA GUDBINTA FARAXUMAYNTA GALMADA (SARCS)

Magaalooyinka qaar ayaa leh Xarumaha Gudbinta Faraxumaynta Galmada, halkaasoo laga helayo

talo iyo taageero ay weheliyaan daryeel iyo daawayn caafimaad faraxumaynta galmada ka dib.

Xarumahani waxay bixiyaan adeeg 24ka saacadood waxaana gaar loogu sameeyey inay

daryeelaan dhibanayaasha faraxumaynta galmada; inta badan waxaad toos u arkaysaa dhakhtar

dumar ah. Waxaad mari kartaa baadhitaanka dhakhtarka ee cadaymaha adigoon gaadhin inaad

ashtakootid haddaad go’aansatidna waxaa lagugu xidhayaa sarkaal askari oo gaar loogu

tababaray hawshan. Adeegu waa bilaash sirna ah kumana xidhna go’aankaaga ashtakada.

SARCS waxaa bixiya iskaashiga xaafadda ee boliiska, adeega caafimaadka qaranka, iyo ururada

tabaruca.

Waqtiga qoraalkan (September 2004) waxaa shaqeeya sagaal xarumood oo khaasa iyo lix kale oo

shaqa geli doona dhamaadka 2004. Bishii March 2004, iyadoo daba socotay eegis mudo sanad ah

lagu eegayey sida Nidaamka Cadaalada gudihiisa dumarka loola dhaqmo, ayaa Gudiga Dumarka

iyo Nidaamka Cadaaladu codsadeen in laga sameeyo dhamaan qaybaha boliiska Xarumaha

11 Lagaga hadlayo 10.8.

13

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

Gudbinta Faraxumaynta Galmada loona diyaar gareeyo saraakiil loo carbiyey dhamaan

badbaadayaasha kufsiga. Xoghayaha Xafiiska Arimaha Guduhu wuxuu ku dhawaaqay 28ka bishii

April 2004 in lacag gaadhaysa £4m oo ka soo gasha dembiyada lagu shubo Sanduuqa

Dhibanayaasha si loogu hormariyo adeegyada la siinayo dhibanayaasha. Qaar ka mida lacagtan

waxaa loo isticmaali doonaa in lagu kordhiyo tirada Xarumaha SARCS (iyo in sidoo kale la

sameeyo adeegyo degaanka ku salaysan ooy inta badan bixiyaan ururada jamciyaduhu si ay uga

qayb qaataan doorka muhiimka ah ee taageerida badbaadayaasha).

3.8 ISBEDEL DHAQAMEEDKA DHAKAATIIRTA IYO BOLIISKA

Waxaa jira talaabooyin wax ku ool ah oo loo qaaday sidii loo horumarin lahaa baadhitaanka

dacwooyinka kufsiga. Horumarkan waxaa qayb ka ah in la siiyo saraakiisha boliiska tababaro iyo

haggis fiican oo ku saabsan siday ula dhaqmi lahaayeen badbaadayaasha; sidoo kale tababar kaa

la mida in la siiyo xeer ilaaliyayaasha dacwaddaha kufsiga; iyo in si wanaagsan loola dhaqmo

badbaadayaasha iyo markhaatiyada dacwaddaha ku taxaluqa kufsiga iyo faraxumaynta galmada

ee halista ah. Taasoo jirta hadana waxaa jiraya shakhsiyaad jecel inay rumaystaan sheeko quraafi

(myths) iyo wax suuraysiga khaladka ah (stereotypes).

3.9 BAADHITAANKA FOREENSIGA CAAFIMAAD

Hadaanay kuu dhowayn Xarunta Gudbinta Faraxumaynta Galmada baadhitaanka foreensiga

caafimaad wuxuu ku xidhnaanayaa inaad u ashtakootid boliiska – oo markaas kuu balaminaya

Dhakhtarka Baadhitaanka Foreensiga, haddii loo baahdo. Waxaa suurageli karta inaad u safartid

goobta dhakhtarka markaa shaqada ku jira ama xarunta baadhitaanka kufsiga kuugu dhow.

Dhakhtarka ku baadhayaa wuxuu kaa waraysan doonaa faahfaahinta faraxumaynta inkastoo

akhbaarta qaar boliisku u soo gudbiyeen. Dhakhtaradu waxay ku buuxinaysaa warbixintaada tii ay

ka heshay boliiska. Markaas ka dib ayay qaadaysaa baadhitaanka ugu haboon dembiga, hadba

meesha laga galmooday sida siilka, futada ama afka tusaale ahaan. Baadhitaankan caafimaad

wuxuu ka dhici karaa saldhiga boliiska ama meel u dhow, xarunta baadhitaanka kufsiga ama

xarunta dhakhtarka hadaanay jirin xarun SARC oo dhowi.

Xiriirka Hogaamiyayaasha Boliiska ayaa waydiistay dhamaan xoogaga boliiska inay dib u eegaan

qalabkooda baadhitaanka badbaadayaasha xadgudubka galmada. Ujeedadu waa in la hormariyo

heerka daryeelka la siiyo badbaadayaasha lana kordhiyo isku halaynta cadaymaha. Mustaqbalka

waa in laga helaa qalab baadhitaan oo khaasa wadanka oo dhan. Waxaa dumar ah 18% keliya

Dhakhaatiirta Baadhitaanka Foreensiga waxaa dhici karta inta shaqada ku jirtaa inay aad u

yaraato taasoo kugu xanbaaraysa inaad sugtid dhakhtar dumar ah, hadaan lagugu baadhin xarun

khaas ah. Qorshuhu wuxuu yahay in la kordhiya tirada dumarka xilalkan haya. Baadhitaankaaga

foreensiga caafimaad waxay u dhowdahay inuu ka horeeyo waraysiga: waxaa laga yaabaa in

su’aalo dhowra lagaa waydiiyo dhacdada ka dibna laguu gudbiyo dhakhtarka forensiga caafimaad.

3.10 SABABAHA BAADHITAANKA FOREENSIGA CAAFIMAAD

In baadhitaanka foreensiga caafimaad lagugu sameeyaa waxay ku xidhan tahay waqtiga lagu

faraxumeeyey. Waqtigu markuu sii dheeraadaba sababtu way sii yaraanaysaa. Haddii dhowaan

lagu faraxumeeyey boliisku waxay kugula talin doonaan inaad baadhitaanka samaysid si laguu

daaweeyo isla markaana loo helo cadaymaha dheecaanada jirka, haraaga haragga ama timaha uu

ka tegay dembiiluhu, ka hor intaanay lumin: haday dhowaan faraxumayntu dhacday, in lagu

dhakhsado waa muhiim. Baadhitaanka foreensiga caafimaad lama samayn karo adigoo ogolaada

maahee. Sharcigu guud ahaan, wixii dawo ama daryeel ah, xitaa waxyar haday yihiin, lama

samayn karo iyadoo ogolaansho lagaa helo maahee. Dhaqanka wanaagsani waa marka

dhakhtarka foreensigu uu kuu sharaxo talaabo kasta kuna waydiisto ogolaanshahaaga. Haddaad

ogolaatid baadhitaanka foreensiga caafimaad waxaad ogolaatay natiijadu waxay noqon

doonto – cadaymaha la ururshay – in loo gudbiyo boliiska.

Haddii aad isdhaqday baadhitaanka ka hor, u sheeg dhakhtarka – waa laga yaabaa in weli

waxyaalo cadayma ah la helo. Waxaa kaloo lagaa baadhayaa dhaawacyada ku soo gaadhay sida

nabarada gudaha iyo meelaha ku jeexan, waa la rikoodh garaynayaa dhaawacyada. Baadhitaanku

14

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

wuxuu noqonayaa mid ku dhiba oo kaa khajiliya si kastoo dhakhtarku isugu dayo inuu kuu sahlo;

laakiin waa muhiim inaad martid haddaad doonaysid inaad dacwaysid qofkii ku faraxumeeyey,

weliba haddii lagu kufsaday. Waxaad waydiisan kartaa saaxiib ama taageere inuu kula joogo

marka lagu baadhayo, inkastoo haddii meeshu cidhiidh tahay laga codsan doono inay debedda

kugu sugaan.

Wixii sanbal lagaa qaado, dharkaaga ama goobta weerarku ka dhacay waxaa loo diri doonaa inuu

baadho saynisyahanka foreensiga. Waxay noqon kartaa cadayn muhiim ah haday ku jirto DNA

qofkii ku faraxumeeyey maadaama ay ku xiriirinayso dembiga dacwaduna xoog yeelanayso.

Dhakhtarka wax baadhayaa waa inuu qoraa warbixin ku saabsan sanbalada uu kaa qaaday

markuu ku baadhayay. Aakhirataanka, haddii dacwaddu maxkamadda gaadho dhakhtarka iyo

saynisyahanka foreensiguba waa inay bixiyaan bayaan qoraal ah waxaana suurtowda inay

markhaati bixiyaan.

3.11 WALAACAAGA

Waxaad xaq u leedahay in laguula dhaqmo si ixtiraam iyo daryeel leh. Haddii aad wax walaaca

qabtid waydii dhakhtarka inuu kuu sharaxo waxa u sameeynayo iyo sababta. Haddaad cabsi ka

qabtid inaad uur yeelatid waydiiso dhakhtarka talo iyo/ama dawo kuu haboon – sida ‘kiniiniga

subaxda ka danbaysa’ – hadaan laguba siin. Waxaad kaloo kala hadli karaysaa dhakhtarka

khatarta cudurada lagu kala qaadho galmada. Dhakhtarku waa inuu ku siiyaa dhamaan talooyinka

aad u baahan tahay ee ku saabsan halkaad iyo goortaad isbaari lahayd haday jirto khatar in wax

lagu qaadsiiyey.

Waa inaad u diyaar garowdid dhakhtarku inuu ku waydiiyo su’aalo khaas ah sida waqtigii caadada

kuugu danbaysay ama inaad isticmaashid wax uurka lagaga hortago. Su’aalahani waxay ka

caawinayaan in la ogaado khatarta uurka. Waxaa laga yaabaa in lagu waydiiyo goortii wasmo

kuugu danbaysay – su’aalaha noocan ah waxaa laguu waydiinayaa sidii xaqiiqda loo heli lahaa

marka cadaymaha la baadhayo, sida shahwadda. Ha u qaadin in dhakhtarku su’aalahan kugu

qiimaynayo – ma ogaan karayo inaad wasmo samaysay miridho, saacado ama maalmo ka hor

intaan lagu faraxumayn: xitaa haddaad la samaysay qofka ku faraxumeeyey. Ha qarinin faahfaahin

muhiim ah adigoo khajilaya ama u malaynaya in akhlaaqdaada lagu qiimaynayo. Qaar ka mida

badbaadayaasha xadgudubka galmadu way iscanaantaan iyagoo isu arkaya dembiilayaal:

dhakhtar si fiican u tababarani wuu garan karaa sidaad dareemayso wuxuuna isku deyi doonaa

inuu baadhitaanka kuu sahlo. Inay ku waydiiyaan maaha taariikhdaada caafimaad oo dhan laakiin

haday dhacdo ha sheegin faahfaahinta wixii aan khusayn arinta.

3.12 DHAAWACYADA JISMIGA

Waa laga yaabaa lagamana yaabo in dhaawac kaa soo gaadhay weerarka. Dhaawacyada

qaarkood waa gudaha waxaana keliya oo la ogaan karaa marka lagu baadho. Badbaadayaasha

qaarkood way ka baxsadaan inay wax dhaawac ahi soo gaadhaan. Jiritaanka dhaawacu uma

noqon karo cadayn in lagugu qasbay galmo ama lagugu faraxumeeyey xadgudub. Khibradaadu

ma noqonayso midaan qiimo lahayn hadaanu dhaawac jismiyi jirin: uma arkayaan dhakhtarka,

boliiska, ama sharcigu calaamad inaan lagugu qasbin faraxumaynta galmada ama kufsiga. Waxaa

hadda jira faham ku saabsan cabsida ay kalifto xadgudubka galmadu inta badan inay dhacdo in

dhibanuhu aanu samayn wax isdifaac ah dhaawacna soo gaarin. 12 Qaar badan oo ka mida

badbaadayaashu waxay ku baxsadeen inaanay dagaalamin. Waxaad yeeshay wax alaaliyo

waxaad ku baxsan lahayd, haddaad ku baxsatay inaad ‘is dhiibtidna’ maqnaanshaha dhaawacu

maahan inuu adiga lid kugu noqdo.

12 Baadhitaanka Dembiyada Biritishka 2002 waxaa lagu ogaaday in in ka yar kala badh dembiyadii la rikoodhgareeyey,

ay isticmaaleen awood; iyo inkastoo 3/4 (74%) kufsadayaashu ay awood isticmaaleen hadana waxaa dhaawac jismiyi

soo gaadhay 37% ka mida dhibanayaasha.

15

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

3.13 SAWIRADA IYO CADAYMAHA KALE

Haddaad leedahay dhaawacyo jismiya dhakhtarku wuu dawaynayaa dhaawacyada muuqdana,

sida jugaha nabarada iyo meelaha ku jeexana waa la sawirayaa. Shaqadaas waxaa iska leh sawir

qaadaha boliiska waxayna noqon doontaa markaad dhakhtarka aragtid ka dib ama; haddaad

doontid, waxaad codsan kartaa sawir qaade dumar ah. Waxaa dhici karta inay boliisku dharka

ula hadhaan baadhitaanka foreensiga, markaa waxaa wanaagsan inaad sii qaadatid dhar

aad ku bedelatid. Waxaa laga yaabaa boliisku inay u arkaan dharkaad sidatay marka weerarku

dhacay cadayn, waxaa laga yaabaa inaadan dib u arag haddii dacwaddu maxkamadda gasho, ilaa

xukunku ka dhaco. Waxaa kaloo dhici karta in boliisku ay booqdaan goobta weerarka; sawiro ka

qaataan alaabtana qaar ka qaataan – sida gogosha iyo galaasyada sharaabka – cadaymo ahaan.

Waa laguu soo celin doonaa dharkaaga iyo alaabtaba marka dacwaddu dhamaato.

16

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

4. NIDAAMADA BOLIISKA

4.1 BOLIISKA

Dhamaan xoogaga boliiska waxaa dhowaan laga codsaday inay dib u eegaan habkay ula

dhaqmaan badbaadayaasha xadgudubka galmada waxaana lagu adkeeyey, waqtiga qoraalkan la

samaynayey, inay yeeshaan saraakiil gaar loo tababaray oo la shaqeeya dhamaan dhibanayaasha

xadgudubka galmada. Horumarka xoogaga boliisku ay dhowaanta sameeyeen waxaa ka mida

diyaarinta ‘ilaaliyaha dhibanaha kufsiga (rape victim chaperones)’ – kuwani waa saraakiil boliisa oo

shaqadoodu tahay ilaalinta daryeelkaaga iyo inaad heshid adeeg tayo sare leh inta baadhitaanku

socdo. Maadaama xoogaga boliisku kala duwan yihiin, mid walibina gaarkiisa u shaqeeyo, waxaa

dhacaysa in adeegyo kala duwan ay u bixiyaan siyaabo kala duwan. Sidoo kale, saraakiisha

boliisku waa shakhsiyaad waxaana dhici karta in la hadalka qaarkood kaaga sahlanaado qaarka

kale. Xusuusnow dhamaan xoogaga boliisku waxaa saaran mas’uuliyad inay kuula dhaqmaan si

cadaalad ah.

4.2 XEERKA DHIBANAYAASHA

Markaad u ashtakootid boliiska waxaa jira waxyaabo aad filan karayso inay si toos ah u dhacaan.

Kuwani waxay ku cad yihiin dokumeentiga la magac baxay Xeerka Badbaadayaasha, 13 kaasoo

oranaaya in boliisku:

• Uga jawaabaan ashtakadaada sida ugu dhakhsaha badan

• Soo diraan sarkaal ku arka haddaad ashtakada telefoonka ugu sheegtay

• Ku siiyaan magaca iyo telefoonka sarkaalka ama ‘miiska dembiyada’ mas’uulka ka ah

dacwaddaada

• Ku siiyaan warqad kuu sharaxaysa baadhitaanka iyo waxa dhici doona haddii la qabto

eedaysanaha – tan waxaa loogu yeedhaa ‘Dhibanayaasha Dembiyada’ waxayna ku siin

doonaan boliisku markaad ka soo ashtakooto saldhiga boliiska ama kuugu soo diri doonaan 5

maalmo shaqo gudahood ah.

• Ku siiyaan ikhtiyaar (fursad) haddaad doonaysid aad ku samaysid ‘Bayaanka Shakhsi

ahaaneed ee Dhibanaha’ 14

• Baadhaan dembiga sida ugu dhakhso badan, isku dayaan inay soo qabtaan qofka mas’uulka

ka ah kuguna wargeliyaan wixii cusub ee dacwaddaada ku soo kordha.

• Kuu sheegaan haddii cid la qabtay, loo digay ama dembiga lagu oogay.

• Wax kaa waydiiyaan cabsidaada iyo in markale lagu soo weeraro iyo dhaawacyadaada

• Ku siiyaan foomka codsiga Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada

Waxay kaloo boliisku ku waydiin doonaan inaad doonaysid in lagula socodsiiyo dacwaddaadu

halkay marayso haddaad doonaysidna, waa in laguu sheegaa go’aankaaga aad ku joojin kartid

ama wax wayn kaga bedeli kartid eedaymaha. Waxaa kaloo qasab ku ah Adeega Xeer Ilaalinta

Boqortooyada inay ku wargeliyaan dhibanaha qoraal, shirna qabtaan, haddii dacwadda la joojiyo

13 Eeg Lifaaqa A, Xeerka Dhibanayaasha. Ogow in Qormada 13 Rabshadaha Qoyska, Qodobka Dhibanayaasha iyo

Dembiyada ee hadda horyaala Baarlamanku, ka doonayso Xoghayaha Arimaha Gudaha inuu daabaco xeer

dhaqameed u ogolaanaya dhibanayaashu inay u dacwoodaan Xubinta Gudiga Barlamaanka ee Maamulka

( Ombudsman). Xeerka waxaa lagu qotominayaa waajibaadka wakaaladaha Nidaamka Cadaalada Dembiyada ee ku

qoran Xeerka Dhibanayaasha. Waxay sharaxaysaa faahfaahinta waajibaadka ku saabsan adeegyada ay siiyaan

dhibanayaasha.

14 Eeg 4.4 sharaxaada 'Bayaanka Shakhsi ahaaneed ee Dhibanaha'

17

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

ama la dhimo. Waa in laguu sheegaa taariikhaha maxkamadda laguuna sheegaa natiijada, xitaa

haddii adigu aanad markhaati bixinayn. Maadaama dacwaddaadu ay tahay xadgudubka galmada,

waa in laguu sheegaa taariikhda iyo natiijada rafcaanka laga qaato xukunka.

Boliiska waxaa xira xeer nidaam, waxaadna xaq u leedahay inaad cabatid haddaad u malaynaysid

in aan laguula dhaqmin si cadaalad ah. La hadal sarkaal sare ama waxaad tagtaa xarun boliis oo

kale haddaad u baahan tahay inaad dacwootid. Haddii boliiska degaankaagu leeyihiin ‘ilaaliyaha

dhibanaha kufsiga’ waxaad kala hadli karaysaa wixii walaac aad qabtid ama dacwad ee ku

saabsan arintaada ama saraakiisha baadhista. Waxaad xaq u leedahay in laguula dhaqmo si

sharaf iyo ixtiraam leh.

4.3 U YEEDHISTA BOLIISKA

Haddii boliiska aad u yeedhatid ka dib markii laguu geystey faraxumayn galmo saraakiishu waa

inay soo qaadaan qalabka cadaynta hore. Ugu yaraan mid ka mida saraakiisha kuu imanaysaa

waa inuu khibrad u leeyahay la shaqaynta badbaadayaasha xadgudubka galmada ogaadaana

baahiyahaaga degdega ah. Waqtiga qoraalkan tani waa talada guud ee loo jeediyey dhamaan

xoogaga boliiska. Saraakiishu waa inay kaa codsadaan inaad isticmaashid qalabka si loo helo

cadaymaha muhiimka ah sida kaadida iyo dheecaanka afka; isticmaalkoodu adigay kula jirtaa,

iyadoo ku xidhan sidaad u kari kartid, waa muhiim inaad la shaqaysid haddaad doonaysid inaad

dacwaysid weerarahaaga. Hore u qaadista sanbaladu cadayn ahaan way wanaagsan tahay.

Boliisku waxay ku waydiin doonaan haddaad doonaysid inaad la hadashid cid ka socota

Taageerada Dhibanayaasha ama Xarunta Dhibaatooyinka Kufsiga. Xusuusnow, dadkan ururadan

ka socda waxaad ula hadli kartaa si kalsooni leh; waxaad ku tiraahdid taageeraha/la taliyaha

looma gudbin doono boliiska ama cid kale oo ka baxsan ururkaas adigoo ogolaansho lagaa helo

maahee waxaana loo haynayaa si khaasa, oo idinka idiin dhaxaysa.

4.4 BAYAANKA SHAKHSI AHAANEED EE DHIBANAHA

Bayaanka shakhsi ahaaneed waxaa weeye war dheeraada ood siin kartid boliiska. Maaha in lagu

khaldo bayaanka aad siinaysid maxkamadda, oo loogu talagalay dembi ku oogista weerarahaaga.

Bayaanka shakhsi ahaaneed waa waxaad ikhtiyaar u leedahay: kuma qasbanid inaad samaysid

mana aha in lagugu dirqiyo inaad samaysid. Haddaad dooratid inaad samaysid waxay ku

siinaysaa fursad aad ku sheegayso sida faraxumayntu kuu taabatay, weli inaad u baqaysid

amaankaaga, in lagu cabsi geliyey iyo inkale ama u jilicsan tahay, sida

caafimaadkaaga/noloshaada/shaqadaada ay u saamaysay iyo wixii kaleed jeceshahay inaad ka

sheegtid khibradaada. Intaad doontid ayaad oran karaysaa sidaad doontidna u oranaysaa.

Bayaanka waxaa lala gelin doonaa fayl waraaqaha kale. Haddii dacwaddu maxkamadda gasho,

boliisku, Adeega Xeer Ilaalinta Boqortooyada, Xaakimka, Majistraytka iyo qareenka Difaacuba way

akhriyayaan. Looma isticmaalayo sidii loo xukumi lahaa weerarahaaga laakiin waxtar bay u

yeelanaysaa maxkamadda waayo saamaynta dembiyadu ku leeyihiin dhibanayaasha way ku

taxaluqdaa raadna ku yeelanaysaa xukunka. Waa muhiim in la ogaado inuu qareenka difaacu

isticmaali karo akhbaarta ku qoran bayaanka, waxna kaa su’aali karo, inkastoo ilaa iyo

hadda waxyar taasi dhacday. Boliisku way tixgelinayaan akhbaarta ku jirta bayaanka waxayna ku

shaqa gelayaan akhbaarta aad siisid, tusaale ahaan haddaad ku qortid inaad doonaysid in lagu

wargeliyo wixii ku soo kordha dacwaddaada ama laguu sheego marka weerarahaaga la soo qabto.

4.5 MARKA LAGU WARAYSANAYO

Haddaad go’aansatid inaad ashtakootid waa inaad u diyaar garowdaa boliiska inaad u siisid

akhbaarta sida ugu badan uguna faahfaahsan. Waxaa laguu waraysan doonaa si gaara – waxaa

lagugu waraysan karaa saldhiga boliiska ama gurigaaga ama isbitaalka, hadba xaaladaadu siday

tahay. Maalmahan waxaa si toosa laguu siinayaa ikhtiyaarka ah in sarkaal dumar ahi kula

shaqayso waana in laguu sheegaa inaad keensan kartid saaxiib ama taageere marka lagu

waraysanayo. Haddii sidani aanay dhicin, waydiiso saaxiib aad ku kalsoon tahay ama taageere

xirfadle ah inuu kuu waydiiyo.

18

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

Maadaama boliisku u baahan yihiin inay kaa helaan faahfaahin badan oo ku saabsan

faraxumaynta waxaa laga yaaba in waraysigu dheeraado, mar waxka badan lagu waraysto, taasoo

ku xidhan hadba sidaad u hadli karaysid. Haddii aad saxariirsan tahay waxaa macquula in dib loo

dhigo waraysiga inta xaaladaadu degayso. Haddii af Ingiriisidu aanay afkaaga koowaad ahayn

ama aad dhibaato maqalka ah leedahay, boliisku waxay kuu balaminayaan turjumaan. Haddii aad

u akhriyeysid badbaade qaba dhibaatooyinka aqoonta (learning difficulties), u hubi inay haysato

‘qaangaadh quman’ 15 marka la waraysanayo, qof diyaar u ah inuu soo dhexgalo si uu u hubiyo

inay si buuxda u fahamtay su’aalaha iyo nidaamka.

Bilowga waraysiga, waxaa lagu waydiin doonaa faahfaahintaada shakhsi ahaaneed, sida

meeshaad ku nooshahay, da’daada iyo taariikhdaada dhalashada, shaqadaada iyo inaad

guursatay ama caruur leedahay. Waxaad kaloo sheegaysaa meesha weerarku ka dhacay iyo

goorta; bixinaysaana faahfaahint siduu u dhacay iyo, haddaad taqaanid qofka ku faraxumeeyey,

qofkuu yahay iyo sidaad u taqaanid. Boliisku waa inay ogaadaan in waraysigu kugu adag yahay.

Waa inay ogaadaan inaad u baahan tahay in laguu tartiibiyo iyo inaad nasasho qaadatid haddaad

u baahatid. Haddaad u baahan tahay inaad nasasho qaadatid – u sheeg. Qof walba dan baa ugu

jirta inaad nafis dareento inta lagu jiro waraysiga. Haddii kalese waxa laga yaabaa in doodaadu

daciifto adigoo dhaafaya faahfaahin muhiima – sarkaalka waraysigu waa inuu tan fahmaa. Mid ka

mida ujeedooyinka tababarka boliiska gaarka ah ee dhowaan lagu taliyey in laguula dhaqmo si

taxadir leh oo xirfadaysan inta waraysiga lagu jiro.

Xusuusnow, boliisku xaq kuuguma leh inay kuu waydiiyaan inaad u sheegtid faahfaahinta

xidhiidhaddaadii hore iyo taariikh galmeedkaaga ama in hore laguu kufsaday laakiin waxaa laga

yaabaa inay muhiim tahay in lagu waydiiyo goortii kuugu danbaysay wasmo aad ogoshahay; ama

xidhiidhkaad la leedahay qofka ku faraxumeeyey, haddaad la leedahay. Su’aasha noocan ah

looguma talagelin in lagugu ceebeeyo ama lagu dhimo waxaad ka sheegaysid faraxumaynta

laakiin waxa weeye inay kaa caawinto sharaxaada natiijooyinka DNA kala duwan. Waa muhiim

inaad boliiska runta u sheegtid waayo beenta aad ka sheegtid xitaa arimaha dheeraadka ah sida

dhacdooyinada kale, ayaa waxa lagu weerari karaa aaminimadaada haddii arintu maxkamadda

gasho.

4.6 DOODAADA

Boliisku waxaad u sheegtid way qorayaan, ama marmarka qaarkood cajalad ayay ku duubayaan.

Waa in markasta lagu siiyaa fursad aad ku akhridid ama laguugu akhriyo waxaad tiri laguuna

ogolaadaa inaad wax ka bedeshid ka hor intaadan saxiixin qaybtaada sidii wax u dhaceen.

Dukumeentigan aad saxiixday ayaa noqonaya dacwaddaadii haddii/markii ay dacwaddu gasho

maxkamadda, nuqul ayaa laga siinayaa qareenka difaaca. Su’aalaha waxaa loola jeedaa in lagula

soo baxo qodobada muhiimka u ah sidii loogu sameeyn lahaa dacwad adag qofka ku

faraxumeeyey. Marmarka qaarkood waxaa dhici karta inaan su’aaluhu kuula muuqan muhiim ama

ay aad shakhsi u yihiin; markaa waa inaad waydiisaa waxa su’aalahan looga gol leeyahay – ama

sababta laguu waydiiyey iyo siday u caawini karaan dacwadda. Tani waxa laga yaabaa inay kaa

caawinto inaad dareento inaad tahay qof tiisa maamulanaya.

Ha ka gaabsan sarkaalka inaad waydiisid inuu kuu sharaxo waxii aad fahmi waydid. Hubso inaad

qaadatid magaca iyo nambarka sarkaalka/saraakiisha baadhaya dacwadda haddii aanay lahayn

adeega ilaaliyaha dhibanaha kufsiga ‘chaperone’ boliiska xaafadaadu, si ay kuugu fududaato

helida sarkaalku markaad u baahatid inaad kala hadashid dacwaddaada. Waxaa dhici karta inaad

dib ka xusuusatid waxyaalo aadan xusuusnayn markii lagu waraysanayey. Markiiba qor

waxyaalahan aad xusuusatay una sheeg sarkaalka boliiska dacwaddaada haya, sida ugu

dhakhsaha badan ee kuu suurtagalka ah. Waa muhiim inaadan waraysiga sii wadin culays lagu

saarayo darteed, marka aad daalan tahay iyo markaad saxariirsan tahayba.

15 Qofkani waa inuu ka waynaadaa 18, ka caawini karaa dhibanuhu inuu la hadlo boliiska hubsadaana su’aaluhu inay

19

sax yihiin lana fahmay.

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

4.7 KA NOQOSHADA DACWADDA

Haddaad waydiisatid boliiska inaanay sii wadin dacwaddaada ama aad dib uga noqotid, talaabada

labaad waxay ku xidhnaanaysaa halka ay dacwaddu gaadhsiisan tahay, ama marxaladda ay ka

gaadhay nidaamka sharciga. Haddii aanay jirin cid dembi lagu soo oogay waxay u muuqataa inay

halkaa ku ekaanayso. Haddiise cid lagu soo oogay waraaqahana loo diray Adeega Xeer Ilaalinta

Boqortooyada, waxaa dhici karta inuu xeer ilaaliyuhu ku waydiiyo sababtaad uga noqotay

dacwadda, weliba haddii ay jirto culays ama cabsi ka imanaysa qofkii ku faraxumeeyey. Xeer

ilaaliyuhu wuxuu weydiin doonaa sarkaalka askariga kula shaqaynaya inuu taageero iyo talo ku

siiyo waana inuu tixgeliyaa sababta aad uga noqotay, isagoo la kaashanaya culayska cadaymaha

la hayo intay le’eg yihiin iyo aragtida sarkaalka boliiska. Marka la go’aansanayo in dacwadda la sii

wado iyo inkale waxaa tixgelinta kowaad la siinayaa amaankaaga.

Dacwaddaha qaarkood aad bay halis u yihiin lamana joojinayo – tusaale ahaan marka ay jirto

khatar dhaba (oo ku iman karta dhibanaha ama dadka kale) adeega xeer ilaalintu waxay

go’aansanaysaa in danta bulshadu ku jirto in dacwadda la sii wado kana culustahay doonista

dhibanaha. Tan micneheedu waxa weeye inaadan lahayn xuquuq aad dacwadda kaga noqotid

duruufaha qaarkood. Haddii la go’aansado in dacwadda la sii wado waa inaad bixisaa markhaati

xitaa haday ka hor imanayso doonistaada. Go’aanka waxaa qaadi doona xeer ilaaliye gaar ah

isagoo la tashanaya boliiska. Duruufaha qaarkood waxaa suurtageli karta in la isticmaalo

bayaankaaga oo aan loo baahan inaad markhaati ka bixisid maxkamadda horteeda. Tani waxay

dhici kartaa duruufo kooban keliya marka ay maxkamaddu u aragto inay danta cadaaladu sidaas

ku jirto. Dhab ahaan, way adag tahay inay sidaasi dhacdaa haddaad tahay markhaatiga keliya

waayo waxay noqonaysaa inaan qareenka difaacu wax ku su’aali karin.

4.8 AQOONSASHADA QOFKA KU FARAXUMEEYEY

Haddaanu ahayn qofka ku faraxumeeyey qof aad garanayso, waxaa lagu waydiin doonaa inaad ka

caawintid boliiska siday u heli lahaayeen adigoo eegaya buuga lagu kaydiyo sawirada

dembiilayaasha galmada ee la yaqaan bal inaad ka dhex garatid. Waxaa laga yaabaa in lagu

waydiiyo inaad caawintid inay boliisku sawir gacmeed ku sameeyaan qof qofka u eg; waxaa lagu

daawidsiin karaa cajalad fiidiyow ah inaad ka dhex garatid; ama in lagu waydiiyo inaad eegto dad

la soo safay ama iyadoo dad la soo safay fiidiyow lagu daawidsiiyo. Kuwa ugu badani waa dad la

safay oo fiidiyowga lagaa tuso ama meel aanay kaa arkayn la soo safo. Aqoonsiga safka

fiidiyowga waa hab cusub oo lagu duubayo wajiga qofka la tuhunsan yahay iyo 8 nin oo kale oo

isaga u muuqaal dhow oo lagala soo baxay kaydka sawirada. Markaas ayaa laga samaynayaa

layn ka kooban nimanka oo dhan. Marka aad u timaadid inaad eegtid fiidiyowga waxaa dhici karta

inuu joogo wakiil ka socda qofka la tuhunsan yahay. Sarkaalka boliiska ayaa waydiin doona

wakiilka halka/booska uu doonayo kelyentigiisu inuu safka ka galo. Markaas ka dib ayaa lagu

waydiin doonaa su’aalo dhowra oo nidaamsan si loo ogaado inaad ka aqoonsan kartid qofkii ku

faraxumeeyey. Aqoonsiga fiidiyowga waxaa laga isticmaali karaa meelkastoo London ah.

Nidaamka aqoonsiga dadka la soo istaajinaya waa la isticmaalaa. Laynkan/safkan, inta badan 8

nin ka kooban, mid ka midina yahay qofka la tuhunsan yahay iyo kuwa kale oo nasiib lagu soocday.

Markastay suurtagal tahay waxaad ka eegaysa laynka/safka muraayad adigu aad wax ka arkaysid

laakiin adiga aan lagaa arag. Haddii aadan si fiican u arag wajiga qofkii ku faraxumeeyey, laakiin

aad codkiisa maqashay, nimanka safka taagan waxaa la waydiin doonaa mid mid inay u

yiraahdaan kelmedii aad ka maqashay qofkii ku faraxumeeyey waxaana lagu waydiin doonaa

inaad sidaa ku aqoonsan kartid qofka ku faraxumeeyey.

20

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

5. MARKAAD GARANAYSID QOFKA KU FARAXUMEEYEY

5.1 XADGUDUBKA GALMADA EE QOFKA AAD RAFIIQA TIHIIN

Maaha run sheekada caanka noqotay ee oranaysa weerarada galmada waxaa inta badan ku

sameeya luuq madow dad aan la garanayn. Laakiin waxay raad ku yeelatay dadka

badbaadayaasha ah oon kari karin inay soo ashtakeeyaan marka qof ay garanayaan uu mas’uul

ka yahay weerarka galmada. Waxaa tan ugu wacan iyagoo ka baqaya in la rumaysan waayo iyo

marka qofka xadgudubka galmada sameeyey yahay qof ay garanayaan uma arkaan xadgudubkaa

dembi. Laakiin waxay u badan tahay inuu faraxumaynta galmada kugu sameeyo qof aad

garanaysid; inta badan rafiiqaaga hadda ama rafiiqaagii hore. 16

Xadgudubka qoyska waxaa ku jira faraxumaynta galmada iyo magac isugu yeedhista; dhaqaalaha

oo lagaa cuna qabateeyo; inaad baxdid oo laguu diido ama saaxiibadaa aragtid; xanaaqa

hinaaska; qaylada; riixida, dharbaaxada, cayda iyo hanjabaada. Marka uu mas’uul ka yahay qof

aad garanaysid xadgudubka galmada, waxay u dhowdahay in mar wax ka badan lagu

faraxumeeyo. Xadgudubka galmada noocan ah ee uu kugu sameeyo rafiiqaagu haddaad

isqabtaan iyo haddii kaleba waa mid qaracan leh maadaama is aaminidii lagu tuntay. Waxaa laga

yaabaa inaad u aqbasho inuu qayb ka yahay nolosha guurka ama wada noolaanshaha: ha aqbalin!

Xusuusnow, cidii doontaa ha ku soo weerartee, xadgudubka galmadu waa dembi –

sharcigu u arki maayo kufsiga ninka ku qaba ama aad taqaanid inuu ka sahlan yahay ka

aadan aqoon. Waa jirkaagii qofna xaq uma laha inuu kugu qasbo inaad la galmooto adigoon

ogolaan. Haddii xadgudubkani socday muddo dheer, hadda ayay kuu tahay waqti wanaagsan ood

joojisid. Dhaqanka iyo tababarka boliisku aad bay u horumareen waqtiyadan danbe; tusaale ahaan

xeer dawaladdu dhigtay ayaa oranaya in loo xagliyo xadhigga iyo dembi ku oogista dhamaan

dacwaddaha xadgudubyada qoyska.

5.2 XADGUDUBKA GALMADA QOFKA AAD GARANAYSID

Dumarka waxay u dhowdahay inay galmo ahaan ku xadgudbaan qof ay isyaqaanaan, wada

shaqeeyaan, madax u ah, saaxiib, ama saaxiibka saaxiibadaa ee aanu ahayn qof aan la aqoon.

Waxaa laga yaabaa inaad ka baqdid inaad soo ashkatootid ama u sheegtid saaxiibadaa ama

dadka aad wada shaqaysaan adigoo ka cabsanaya inay ku rumaysan waayaan; waxaa la arkaa

inaad dareento inay jecel yihiin ama ixtiraamayaan qofka kugu xadgudbay – waxaa dhici karta inuu

u muuqdo qof soo jiidasho badan. Ha ogolaanin inay tani kaa joojiso inaad soo ashkatootid ama

raadsato taageero. Waxaa laga yaabaa inuu taas isku halaynayo, rajaynayana inay kaa joojiso

inaad soo ashkatootid. Dadka kale inay soo ashkatoodaan inay ka joojisay ayaa dhici karta:

waxaad dhici karta inaad soo ogaatid inaadan ahayn qofkii ugu horeeyey ee uu faraxumeeyey.

Waxaa dhici karta kuwa kalena inay soo baxaan markay maqlaan ashtakadaada: waxaa laga

yaabaa inaad qaaday talaabadii ugu horaysay ee lagu muujinayey inuu yahay dembiile falkan

caadaystay. Ugu yaraan, waxaad ka joojinaysaa inuu dembi danbe sameeyo. Tani loolama jeedo

inaad dareento inaad adigu mas’uul ka tahay dembiyada uu sameeyo mustaqbalka haddaad soo

ashkateyn waydid.

5.3 HADDAAD TAHAY DHILO/SHAQAALE GALMO

Haddaad tahay shaqaale galmo (dhilo) waxaa laga yaabaa inaad dareentid sida aad u shaqaysatid

darteed, inaan lagu rumaysan doonin. Dhilooyinku waxay la xuquuq yihiin dumarka kale markaasi

yaanay tani kaa joojin inaad ashkatootid ama heshid taageero. Xitaa haddaad u malaynaysid inuu

u qaatay adigu inaad hogaamisay: cid xaq kuugu lihi ma jirto inay kugu qasabto ficil galmo adigoon

ogolaan – waa inaad ogolaataa waqtiga ficilka galmadu dhacayo xusuusnowna, inaad

ogolaanshaha ka noqon kartid waqti kasta. 17

16 Baadhitaanka Dembiyada Biritishka 2002, ayaa lagu ogaaday inay rafiiqyadu ka mas’uul yihiin 45% dacwaddaha

halka dadka aan la garanaynin ka yihiin 8% keliya.

17 Eeg ‘ogolaanshaha’ xagga hoose.

21

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

5.4 XADGUDUBKA GALMADA LALA KAASHADO DARAAGADA IYO/AMA

KHAMRIGA 18

Waxa laga yaabaa inaad maqashay dembiyada noocan ah ama aad aragtay iyagoo laga

waramayo inay yihiin ‘kufsiga-balanta’: isticmaalka khamriga iyo/ama daraagada, si ay kaaga xoog

bataan kuuguna galmoodaan, marmarka qaarkood iyagoo dhowr dembiile ah. Khamrada ayaa ah

tan ugu badan ee arintan loo isticmaalo. Sheeko quraafi ayaa ah dumarka la kufsado iyagoo

cabsan inay mas’uuliyada qayb ku leeyihiin: tani run maaha. Tani waxay la mid tahay adigoo

rumaysta wax suuraysiga khaladka ah ee oranaya dumarka khamriga cabaa inay kaga sahlan

yihiin galmada dumarka aan cabin. Ha ogolaanin in sheeko xariirtani saamayso sidaad uga jawaab

bixin lahayd waxa dhacay. Qofka ku faraxumeeyey waxaa dhici karta inuu iskula saxsan yahay

inuu kugu qasbo galmada maadaama uu dhowr sharaaba kuu iibiyey: waxaa dhici karta inay

dareensan yihiin adigana ku dareensiinayaan inay kugu ‘leeyihiin’: kani waa dhaqan aan la aqbali

karin. Haddii uu ku jujuubo ama ku qasbo inaad la galmooto adigoo diidan ama aan awoodi karin

inaad ogolaansho bixiso – hadday ugu wacan tahay khamradu iyo hadday tahay waxkale ood

qaadatay – wuxuu noqonayaa kufsi.

Marka ujeedada daraagada loo isticmaalayaa tahay sababtaas inta badan waxaa lagu shubaa

sharaab, siiba khamriga, adigoon u warhayn. Haddaad rumaysan tahay inay tani kugu dhacday u

doono caawimo caafimaad si dhakhso leh adigoo raacaya hagista ku qoran buugan ee ku saabsan

ilaalinta cadaymaha. Calaamaadka ku shaki gelin karaa waxaa ka mida:

• Waxaad dareentay sakhrad ka badan taad caadiyan dareemi jirtay marka loo eego cadadka

khamrigaad cabtay ama waxaad dareentay sakhrad ama dawakhsanaan adigoo cabay

cabitaan fudud keliya.

• Waxaad soo kacday adigoo dawakhsan, waxyar ama waxba xusuusan iyo/ama ay ku jiraan

xusuustaada meelo banaan.

• Qolka aad ka soo kacday wuxuu leeyahay isku dhexdaadsanaan aadan aqoon ama ma

garanaysid meeshaad joogtid iyo sidaad ku timi toona.

• Waxaad xusuusan kartaa inaad wax cabtay – hadduu khamri ahaa iyo haddii kaleba – mana

xusuusan kartid wixii intaa xigay.

• Waxaad si aan cadayn u dareensan tahay inaad galmootay laakiin xusuus caddi ma jirto;

waxaa laga yaabaa inaad keliya aragtid dib u milicsi galmo ah.

Waxaa kaloo laga yaabaa inaad aragto:

• Lalabo

• Matag

• Dawakh

• Miyir la’aan/jiifka ka kici kari waydo/socodka oo adag

Waxaa kaloo laga yaabaa inaad:

• Sidan hoosgashigaagii ama dharkii kale aanadna xusuusan karin adigoo iska saaray

• Ka damqato saxaaxa ama nabaro ku yaaliin meela kalena ku damqanayaan adigoon garanayn

18 Xeerka Dembiyada Galmada 2003 Qormadiisa 76(2)(f) ayaa hadda amraysa dacwaddaha qofku uu wax siiyey ama

sababay in wax la qaato kuwaasoo ka dhigay dhibanaha xadgudubka galmada inaanu wax dareemin ama laga

xoogbadiyo, in loo qaadanayo inaan dhibanuhu ogolaan qofka faraxumeeyeyna aanu rumaysnayn inay ogolaatay; ilaa

uu ka keeno qofka faraxumeeyey cadaymo waafiya. Tani waxaa si dheeraada loogaga hadlayaa Qaybta C.

22

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

Waa muhiim haddii aad u malaynaysid in lagu maandooriyey kadibna faraxumayn galmo laguu

gaystay, inaad tagtid meel amaan ah raadsatidna gargaar caafimaad sida ugu dhakhsaha badan.

Wac boliiska; la xiriir saaxiib aad aamini kartid ama xarunta dhibaatada kufsiga degaankaaga.

Waqtiga hayska luminin: cadaymaha muhiimka ah – sida daroogada – waxaa laga yaabaa inay

jirkaaga ku jirto waqti kooban: kaadi iska qaad; isbitaalka tag, Xarunta Gudbinta Dembiyada

Galmada ama dhaktarkaaga degdeg ahaan u arag. Ha isdhiqin ama tubada lagu hoos qubaysto ha

gelin ilaa lagu baadho.

Haddii aad u qaadanaysay daraago madadaalo waqtiga ay arintani dhacday, yaanay tani kaa

joojin inaadk ka soo ashkatootid dembiga. Boliisku waxay xiisanayaan sidii ay u ururin lahaayeen

cadaymaha dembiiluha, waa inaanay adiga farta kugu soo fiiqin si ay kuu canbaareeyaan. Boliisku

waxay cadeeyeen qofkastoo ka soo ashkatooda kufsi iyagoo daraageeysan inaan lagu eedayn

doonin daraagada ee loola dhaqmi doono inuu yahay dhibane kufsi: markaa u sheeg daraagada

aad adigoo og qaadatay. Xusuusnow, kumaad martigelin ama sababin inuu qofna kugu sameeyo

xadgudub galmo daraagadaad madadaalada u qaadatay awgeed; maad codsan in faraxumayn

galmo laguu geysto; cidina xaq kuuguma leh inay faraxumayn galmo kuu geysato adeegsi ama

adeegsi la’aan maandooriyaha – khamrigu ku jiro.

5.5 XADGUDUBKA GALMADA UU KUGU SAMEEYO XUBIN QOYSKAAGA AH

Waxaa dhici karta inaad tahay qaangaadh caruurnimadiisii loo geystey xadgudub galmo haday

taasi jirto waa inaad akhridaa qormada hoose ‘haddii waqti hore laguu geystey xadgudubka

galmada’, ama uu – xitaa hadda adigoo qof weyna – weli kugu sameeyo xadgudub galmo qof ka

tirsan qoyskiina – wuxuu noqon karaa walaal, hooyo, aabe, adeer ama ciduu doono. Waxa

muhiima inaad ogaatid inaadan keligaa ahayn ee xadgudubyada caynkani nasiib daro aad u

badan yihiin. Qaar badani waxay dareemaan awood daro dhibaatada sheegisteedu ay leedahay

awgeed; inaad ka gadoodaa waxay kaa caawinaysaa inaad noqotid qof noloshiisa maamulanaya –

xitaa haddii ay tahay inaad la hadashid ururada taageerada oo fahmi doona dhibaatada aad qabtid.

Xadgudubka galmadu waa dembi, si kastaad isugu dhowdihiin dembiilaha. Xadgudubka qoysku

wuxuu yeelan karaa qaabab badan ooy ku jirto taabashadu, hortaada oo lagu siigaysto, xubnaha

taranka oo la muujiyo, wasmo, afka ama wasmo futada ah. Waxaa laga yaabaa inaad ka baqdid

inaad sheegtid ama wax ka qabatid waayo wax waliba debeda waxay uga muuqdaan ‘caadi’

waxaadna u malaynaysaa inaan cidina ku rumaysanayn; xubintan xadgudubka samaynaysaa

waxaa laga yaabaa inay tahay qof qoyskiinu aad u aaminsan yihiin loona jecel yahay waxaadna ka

baqaysaa sida ay u saamayn doonto dadka aad aadka u jeceshahay haddaad sheegtid; waxaa

laga yaabaa inaad naftaada canaanato maadaama aanad hore uga hadlin; waxaa laga yaabaa

inaad isleedahay waa khaladkaaga ama adigaa dhiirigeliyey maadaama aad ogolaatay inay sii

socoto.

Dareemadani waa kuwa ay dareemaan badbaadayaasha xadgudubka galmada qoysku. Waa

inaad maskaxda ku haysaa inuu iyadu/isagu awooda lahaa; iyadu/isagu ogaa inay khalad tahay;

adiguna aadan codsan ama suurtagelin. Iskuday inaad isticmaashid awoodaad ugu adkaysatay

xadgudubka inaad hadana ku gebagebayso: inaad cid u sheegto ayaa noqon karta talaabo isbedel

wayn ku samaysa noloshaada. Haddii ashkataynta xadgudubkani uu hadda aad kuugu adag

yahay waqtigan la joogo, la xiriir mid ka mida wakaaladaha taageerada ku qoran buugan xagiisa

danbe si aad u isticmaashid khadka caawimaadda telefoonka adigoo is qarinaya.

23

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

6. NOOCYADA KALA DUWAN EE BADBAADAYAASHA

6.1 BADBAADAYAASHA LABKA AH (RAGGA)

Inteena badani waxaynu kufsiga u aragnaa nin naag kufsaday, iyo guud ahaanba xadgudubyada

galmada, in raggu dumarka ku sameeyaan. Inta badan aragtidani waa sax laakiin raggana waxaa

xadgudub galmo ku sameeya ragga kale iyagoo wiilal yaryar ah ama qaangaadh ah. Ragga aad

bay ugu adagtahay inay soo ashkatoodaan waayo raggu maaha inuu dhibane noqdo, weliba kan

dembiyada galmada. Badbaadayaasha labka ah waxay u baahan yihiin in la taageero sida

badbaadayaasha dhedig ugu baahan yihiin, si ay go’aankooda u gaadhaan inay ashkateeyaan

dembiilayaasha. Qaar ka mida badbaadayaasha lab ma ogola inay sheegaan iyagoo ka baqaya in

loo arko inay yihiin nimanka isutaga iyo kuwa nimanka isutaga ah oo ka baqaya inay

dhibaateeyaan kuwa neceb dadka isku jinsiga ah ee isutaga.

Lab ahow ama dhedig, maaha in laguu geysto xadgudubka galmada. Inta badan xiriir lama laha

jinsigaaga, cidaad la galmooto, ninimadaada ama wax kaleba: waa dembi xadgudub iyo awood

sheegasho ah.

6.2 BADBAADAYAASHA AH DUMARKA ISUTAGA, NIMANKA ISUTAGA,

LABEEBKA AMA NIMOWNAAG

Maadaama xadgudubka galmadu ku saabsan yahay awood iyo xukun wuxuu ka dhexdhici karaa

xiriir kasta: wuxuu ka dhici karaa kana dhacaa bulshada dumarka isutaga iyo nimanka isutaga.

Haddii aad kala kulantay xadgudubka galmada rafiiqaaga ama xubin qoyskaaga ka tirsan waxaad

heli kartaa taageero iyo caawimo adigoon ashkatoon. Waa laga yaabaa inaad doonaysid inaad

soo ashkatootid si aad u joojiso. Talada buugani xaaladaadan waxay kuu khusaysaa sida

badbaadayaasha kale – xitaa haddaad soo ashkatootid, kuma qasbanid inaad maxkamad la

gashid haddaadan doonayn.

Si kastoo xaaladaadu tahay ahaanshaha aad tahay nimanka isutaga, dumarka isutaga, labeeb

ama nimownaag ayaa dhici karta inay kugu adkaato inaad sheego xadgudubka laguu gaystay.

Waxaa dhici karta inaad dareento inay kugu xanbaarto inaad soo dibad baxdo adigoon diyaar u

ahayn ama aad ka baqaysid inaad la kulantid nacaybka dadka aan jeclayn dadka isutaga iyagoo

isku jinsi ah (homophobia).

Xadgudubka galmada ee laguu geystey ayaa dhici karta inuu yahay nooc ka mida nacaybka.

Haddaad u malaynaysid in faraxumayntaada ay ku timid nacaybka dadka isku jinsiga ah ee

isutaga iskuday inaad ashkatootid: isbedelkaad samaynaysaa waxaa laga yaabaa inuu dhiirigelin

kuugu noqdo inaad dareento awood iyo caawinida sidii loo tirtiri lahaa dembiyadan nacaybka.

6.3 BADBAADAYAASHA MADOWGA IYO DADKA LAGA TIRADA BADAN

YAHAY

Iyadoo ku xidhan waxaad dhaqan ahaan rumaysan tahay waxaa laga yaabaa inay kuu saamayso

si ka duwan badbaadayaasha kale. Waxaa dhici karta cabsi dheeraada inaad ka qabtid in

qoyskiinu ku ogaado; weliba haddii dhaqankiinu yahay xitaa dumarka la kufsaday in lagu

canbaareeyo inay ‘ceeb’ qoyska u soo jiideen. Waxa laga yaabaa inaad dareento inaan lagu

rumaysan doonin, laguula dhaqmin si dareen dhowr leh, lagu fahmin ama taageerin – weliba

markaad ku dhexnooshahay bulsho cadaan u badan. Waxaa dhici karta inaad cabsi dheeraada

qabtid haddii dembiiluhu yahay cadaan; sidoo kale, waxaa dhici karta inaad ka werwertid

dhibaatooyinka cunsuriyada markaad ashkatoonaysid haddii dembiiluhu qof madow yahay. Haddii

ay jiraan arimahan khaaska u ah dhaqankaaga waxaa suurtagal ah inay ku caawinayso inaad la

hadashid qof fahmi kara dhaqankaaga. Dabcan waxaa suurtagal ah inaad taageero ka raadsato ka

baxsan bulshaddaada, taasi waa arin adiga ku khusaysa. Waxaa ku qoran buuga xaggiisa danbe

ururo aad la xiriiri kartid oo si sir ah kuula hadli doona. Haddii afka Ingiriisigu aanu ahayn afkaaga

kowaad, kooxaha taageerada khaaska ah waa inay yeeshaan dad laba af ku hadla.

24

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

6.4 BADBAADAYAASHA LIXAADKA LA’ IYO KUWA WAAYEELKA AH 19

Haddaad tahay qof lixaad la’ ama waayeela ugana baahan gargaarka daryeelka shakhsiga ah

dadka kale, waxaa dhici karta in qofka daryeelkaaga ka mas’uulka ahi uu noqdo qofka ku

faraxumeeyey – qofkani wuxuu noqon karaa ama noqon karin xubin qoyskiina ka mida.

Xusuusnow, cidina xaq kuuguma leh inay ku salaaxdo ama ku qasabto ama ku cabsi geliso ama

kuugu hanjabto inaad galmo samaysid. Qofka kaa caawinya daryeelka shakhsiga ahi xaq

kuuguma leh inuu sameeyo waxaadan ka raali ahayn ama kuu taabto si kaa khajilsiisa ama ku

cabsi gelisa. Waxaa laga yaabaa inaad isleedahay kama caban karaysid waayo adigu maad joojin

ficilka galmada in lagugu sameeyo sidaas darted dadka kalena u arkaan inaad ogolaatay:

isdhiibistu lama micna aha ogolaanshaha. Waxaa laga yaabaa inuu dembiiluhu sidaas u yeelo

duruufta aad ku sugan tahay awgeed: isagoo ka faa’iidaysanaya jilicsanaantaada.

Haddii qofka ku faraxumeeyey uu yahay shaqaalaha daryeelka, waa muhiim inaad ka fekertid

inaad ashkatayso – waa tan koowaade waxaad qaaday talaabo muhiima ood ku joojinaysid

xadgudubka tan labaadna waxaa suurtagal ah inaad ka badbaadisid inay qof kalena ku dhacdo.

Dembiilayaasha galmadu dembiga way sii wataan ilaa la joojiyo. Haddaad dawladda u sheegtid –

ha ahaado boliis ama dhakhtar ama adeega bulshada waa in laguula dhaqmaa si naxariis leh: waa

in la aqoonsadaa baahiyahaaga khaaska ah laguna siiyaa wixii kaalmo aad u baahan tahay;

tusaale ahaan, haddaad dhega culustahay waa in laguu keenaa turjumaan faraha ka hadla.

Waxaad kaloo kaxaysan kartaa saaxiib aad aaminsan tahay ama shaqaalaha taageerada.

6.5 HADDII XADGUDUB GALMO LAGUU GEYSTAY WAQTI KA HOR 20

Waxaa laga yaabaa in waqti dheer ka soo wareegay markii lagu kufsaday ama xadgudub galmo

laguu geystey waxaana laga yaabaa inaad adkaysatay adigoo qarinaya sanado badan, laakiin

hadda aad adkaysan kari wayday wixii doonaa ha sababaane. Xanuunka faraxumaynta galmadu

lama yaraado dhererka waqtiga ilaa aad wax ka qabato. Waxaa laga yaabaa inaad ku wareertay

waxaad uga murugoonayso xusiistiisa; waxaa lagaa yaabaa inaad isu aragto nacas inaad weli

dareen xoog leh qabtid iyadoo waqti dheeri ka soo wareegay. Malaha waxaad isleedahay dadku

way kugu gacan sayrayaan waayo waa wax waqti dheer ka hor dhacay. Waa caadi inay weli

saamayn kugu leedahay, murugadan waxaa sababi kara inaad dareemaysid ceeb iyo dembi.

Waqtigii doonaa ha ka soo wareegee, waxaa dhici karta inaad dareemeysid inaad qof kala

hadashid si aad wax uga qabatid. Waqtigay doonto ha qaadatee, hadduu yimaado waqti aanad

intaa in ka badan dulqaadan karin, maaha inaad ku keliyeysatid: waxaa jira dad ku dhegaysan

doona kuna taageeri doona. 21

Waxaa dhici karta xubin qoyska ka mida ood aamintay inay ku faraxumaysay aadna dareentay

inaadan cidna u sheegi karin adigoo ka baqaya burbur qoyska ku yimaada iyo/ama inay damaqdo

xubnaha kale ee qoyska. Waxaa dhici karta inaad adigu iscanaanatid welina ka baqaysid inaad

wax u dhinto xubnaha kale ee qoyska ama in laguba rumaysan waayo. Waxaa laga yaabaa inaad

aad u yarayd markay dhibaatadu dhacday aadana fahmin, markaad dib ka ogaatay inay khalad

ahaydna waxaad dareentay inay waqti danbe tahay in aad ka hadashaa.

Sababa badan ayaa kugu xanbaari kara inaadan ka hadal kana ashkatoonin faraxumaynta laguu

gaystay. Xadgudubka galmadu waa wax noloshaada bedeli kara waqti kastuu kugu yimaado;

dareemada u kiciyaana waa kuwo khatar ah weliba markaad cubudhisid ama isku daydid inaad is

ilowsiisid. Tan micneheedu maaha mar alaale iyo markaad qof kale u sheegtid xanuunkeedii waad

ka bogsatay; waxaad qaaday talaabadii ugu horaysay eed ku fahmi lahayd sababtaad sidan u

dareemaysid iyo in dadka kalena dareenka kula qabaan. Waxkastoo kalifay inaanay adiga ku

dhaafin, maaha waqti danbe haddaad doonaysid inaad hadda ka hadashid ama ashkatootid.

19 Xeerka Dembiyada Galmada 2003 qormooyinka 30 ilaa 41 ayaa samaynaya dembiyo khaas ah marka dhibanuhu uu

leeyahay xanuunada maanka iyo lixaad li’ida aqoonta ee daran; kuwan lagagama hadlayo buugan.

20 Sharcigii hore weli wuu khusaynayaa kuwa ka badbaaday faraxumaynta galmada intii ka horaysay dhaqangelinta

Xeerka 2003.

21 Eeg Lifaaqa B.

25

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta A - Nidaamada Boliiska

6.6 GO’AANKA EEDEYNTA

Marka la waraysto qofka la tuhunsan yahay lana eego cadaymaha la hayo, boliisku waxay qaataan

go’aanka inay ku eedeeyaan dembiga qofka iyo inkale. Waxay ka bilaabayaan iyagoo eegaya ‘in

qofka dembiga lagu heli karo’. Isbedelada sharciga lagu sameeyey dhowaan ayaa dhigaya inuu la

wareego Adeega Xeer Ilaalinta Boqortooyada (CPS) go’aaminta dhamaan noocyada eedeynta

dembiyada marka laga reebo dembiyada yaryar. Xaqiiqdii Xeer Ilaalintu hadda aad bay qayb uga

noqotay go’aaminta eedeynta dembiyada. Waxaa la rajaynayaa in wada tashiga balaaran oo ay

yeeshaan boliiska iyo Xeer Ilaalintu dhimi doonto eedeymaha dembiyada la joojiyo ama la dhimo.

Hadday uu muuqan kari waydo bilowga ‘in qofka dembiga lagu heli karo’, boliisku way sii

daynayaan iyagoon ku eedeyn qofka wax dembi ah isla markaana sii wadanaya dembi baadhista.

Waxaa jira sharciyo dhigaya inta boliisku hayn karaan qofka la tuhunsan yahay inta aan lagu

eedeyn dembi. Marka la gaadho waqtiga la xadiday 22 waa in la sii daayo ama lagu soo eedeeyo

dembi. Haddii boliisku haystaan cadaymo ugu filan eedeynta dembiga , waxaa qofka la haynayaa

habeen, haddii dembigu mid halisa yahay, maalinta xigtana maxkamadda ayaa la soo taagayaa

ama maalinta xigta ee maxkamaddu fariisanayso, si uu uga jawaabo dembiyada lagu soo

eedeeyey. Dembiyada aan halista ahayn waxaa dhici karta in qofka la tuhunsan yahay lagu sii

daayo damaanad loona sheego inuu yimaado maxkamadda Majisteryatka waqti loo qabtay

maalinta xigta ee maxkamaddu fariisanayso.

22 Haddii qofka loo soo qabtay dembi halis ah waqtiga ugu badan ee la haynayaa iyadoon dembi lagu eedeyn waa 96

saacadood, iyadoo si joogto ah dib u hubin loogu samaynayo loona eegayo sababaha.

26

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

7. DEMBI OOGISTA

7.1 GO’AANKA DEMBI OOGISTA

Waa Xeer Ilaalinta (CPS) ee maaha boliiska waxa leh mas’uuliyadda dembi oogista. Ka dib marka

qofka la tuhunsan yahay la soo eedeeyo, waxaa waraaqaha dacwadda loo dirayaa Xeer Ilaalinta,

halkaasoo qareen ku eegi doono cadaymaha kuna go’aansan doono in dacwadda maxkamadda la

geeyo iyo inkale. Xeer Ilaalintu waxay dhowaan ogolaatay in dhamaan dacwaddaha kufsiga uu

eego qareen gaar ihi – waa xeer ilaaliye tababar gaar ah ama khibrad gaara u leh dacwaddaha

kufsiga. Xeer Ilaalintu waxay hadda meelkasta ku leedahay khuburo kufsiga aqoon u leh.

Haddii xeer ilaaliyuhu go’aansado inaan eedeyntu mid macquula ahayn wuxuu joojinayaa

dacwadda ama u bedelayaa eedeynta dembi kii hore ka yar. Xeer Ilaalintu waa inay warqad kuu

soo qortaa ay kugula socodsiinayso go’aanka, iyadoo kaa siinaysa faahfaahin sababta loo gaaray

go’aanka; kuguna martigelinaysa kulan aad kaga hadlaysid go’aanka iyo cirib dambeedkiisa.

Waajib kuma aha xeer ilaaliyuhu markuu joojinayo dacwadda ama dhimayo eedeynta inuu la

tashado dhibanaha ka hor intaanu go’aanka gaarin. Xeer ilaaliyuhu wuxuu tixgelinayaa fikradaha

dhibanaha ee ku qoran faylka iyo tan sarkaalka boliiska ee ka shaqaynaya dacwadda laakiin lama

tashanayo lamana kulmayo dhibanaha go’aanka ka hor.

7.2 SIDA GO’AANKA LOO GAARO

Inkastoo Xeer Ilaalintu si dhow ula shaqayso boliiska haddana way ka madax banaan tahay,

iyadaa gaaraysa go’aanka in la sii wado dacwadda iyo sidii loo wadi lahaa. Waxay ku shaqaysaa

xeer shaqo oo u tilmaamaya go’aanka in dembiga la oogo iyo inkale. Waa inay marka hore ku

qancaan inay jiraan cadaymo ugu filan ‘in qofka dembiga lagu heli karo’. Tan waxaa loo yaqaan

‘tijaabinta cadaymaha’. Maadaama dembiyada galmadu inta badan ay ka dhacaan meel gaar ah

oo aanay joogin markhaatiyaal way dhibaato badnaan kartaa marmarka qaarkood in maxkamadda

lagu cadeeyo. Waa in la helaa cadayn ku filan in lagu muujiyo xadgudubka galmadu inuu dhacay,

iyo inuu eedaysanuhu ka mas’uul yahay. Qareenka Xeer Ilaalinta ayaa eegaya dacwadda

qareenka difaaca iyo tan xeer ilaalilnta. Su’aasha uu iswaydiin doonaa waxay tahay: ‘xeer beegtida

ama majisteraytka, oo tilmaan sharciga ah la siiyay, ma ku heli doontaa eedaysanaha dembiga

lagu soo eedeeyey?’ si sahlan haddii loo dhigo, ‘cadayntu ma noqon doontaa mid maxkamaddu

ogolaato’? Xeer Ilaalintu waa inay tixgelisaa nooca cadaynta iyo inta laysku halayn karo: waa inay

noqotaa cadayn sax ah oo loo isticmaali karo maxkamadda, waa in markaa qareenku go’aansadaa

inaanay qayb ka mida cadayntu ka horimanaynin xeerarka. Xaqiiq ahaan qareenku wuxuu qiimayn

doonaa aaminaadaada marxaladaas, haddii aadan sheegin runta markii boliisku baadhitaanka

wadeena waxaa dhici karta inay taasi wax kuu dhinto.

Haddii la helo cadayn ku filan in dembiga la oogo, Xeer Ilaalintu waxay hadana tixgelin doontaa in

‘danta bulshadu ku jirto’ in la sii wado dacwadda. Waxaa sidan loo yeelayaa Adeega Xeer Ilaalinta

Boqortooyadu dembiga uma oogto oo keliya qofka dhibanaha dembiga, ee waxay metelaysaa

dhamaan bulshada guud ahaan. Fikaradahaagu ma noqonayaan kuwo aan muhiim ahayn

sababtan awgeed, markaa haddii aadan ku qanacsanayn go’aanka joojinta ama dhimista eedeynta

waxaad codsan kartaa inaad kulan la yeelatid qareenka adeega xeer ilaalinta si aad ugala

hadashid. Waxaad kaxaysan kartaa qof haddaad doonaysid.

Go’aansashada dembi oogista in bulshada dani ugu jirto iyo inkale waxaa ku jira in la eego

waxyaalaha taageeraya dembi oogista iyo waxyaalaha ka horimanaya in la sii wado. Midba midka

uu ka sii halisan yahay xadgudubyada galmada, waxay danta bulshadu ku jirtaa in dembiga la

oogo. Waxyaalaha dhiirigelin kara qareenka adeega xeer ilaalintu inuu oogo xadgudubka galmada

halista ah waxaa ku jira:

• Suurtagalnimada xadhig waqti dheer ah haddii dembiga lagu helo

• Isticmaalka ama ku hanjebidda xoog muquunis ah

• Dhibanaha oo cabsi lagu beeray iyo isagooy soo gaadhay weerar/dhibaato shakhsi ah

27

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

• Suurtagalnimada in dembigu dib u dhaco

Go’aanka lagu gaadho inuu ka soo horjeedo ‘danta bulshada’ haddii dembiga la oogo waa in loo

hayaa sababo cadcad iyo dood culus. Iyadoo ku xidhan halisnimada dembiga, waxaa laga yaabaa

in la go’aansado inaanay ku jirin danta bulshadu in dembiga la oogo haddii taasi saamayn xun ku

yeelanayso caafimaadka jismiga iyo kan maskaxeed ee dhibanaha. Mar labaad, iyadoo ku xidhan

halisnimada dembiga, haddii eedaysanuhu yahay qof aad u weyn waxaa la go’aansan karaa

inaanay danta bulshadu ku jirin in dembiga la oogo; ama haddii dembiilaha la soo eedeeyey uu

yahay ama ahaa waqtigii dembigu dhacay, mid la liita xanuunka maanka oo daran ama xanuun

jismiga ah, waxaa go’aanku noqon karaa inaanay danta bulshadu ku jirin in dembiga la oogo –

dhamaan arimahan oo dhan waxaa lagu miisaamayaa hadba halista dembigu intay le’egtahay.

7.3 GO’AANKA JOOJINTA

Adeega Xeer Ilaalinta Boqortooyadu waxay dhowaan ogolaatay in dhamaan go’aanada lagu

joojinayo dacwaddaha kufsiga, ama lagu dhimayo eedeynta si looga dhigo mid tii hore ka sahlan,

ama lagula taliyo boliisku inaanay wax ficil ah oo danbe qaadin, marka hore ay ka tashadaan labo

qareeno khaas ah ka hor intaanay go’aanka gaadhin. Haddii, ka dib markay tixgeliyaan dhamaan

waxyaalaha ay haystaan, Adeega Xeer Ilaalintu go’aansato inaanay jirin cadaymo kaga filan

dembiga in la oogo, cadayntuna tahay mid aan maxkamaddu ogolaanayn 23 ama danta bulshadu

kuma jirto in dembiga la oogo, dacwadda waa la joojinayaa. Waxaad filan kartaa:

• In lagula tashado lana tixgeliyo fikradahaaga

• Inay toos qoraal kuugu soo wargeliso Adeega Xeer Ilaalintu

• In aad la kulantid Qareenka Adeega Xeer Ilaalinta haddaad codsatay

7.4 DEMBI OOGISTA KHAASKA AH (PRIVATE PROSECUTIONS)

Dacwaddaha qaarkood dhibanayaasha dembiyada halista ah ama qoysaskoodu waxay bilaabaan

dembi oogis khaas ah waayo waxay aad u diidan yihiin go’aanka Adeega Xeer Ilaalintu ku joojisay

dacwadda. Ma jirayso kaalmo dhaqaale oo dawladdu kugu siinayso dembi oogista khaaska ah,

haddii dacwaddu maxkamadda gashana waxay noqonaysaa inaad qabsatid qareen/qareen sare.

Waa laga yaabaa inaad heshid mid bilaash kugu metela haddii kale kharashku aad ayuu kuugu

badanayaa. Agaasimaha Xeer Ilaalinta Bulshadu, hadaanu si aan macquul ahayn u shaqayn, ayaa

la wareegi kara oogistaada khaaska ah joojinna kara. Tani waxay ku imanaysaa markaanay jirin

cadaymo kaafi ah uuna u arko Agaasimuhu inaanu jirin dembi uu eedaysanuhu jawaab ka bixin

karo. Haddii ay jirto cadayn kaa taageeraysa oogista waxay u dhowdahay inaan Agaasimuhu joojin

dacwadda laakiin inuu ula wareego sidii caadiga ahayd, dawladuna bixiso kharashka. Waxaa jira

dhowr oogista khaaska ah oo lagu guulaysta caana noqday laakiin si ay kuugu shaqayso waxaad

u baahan tahay inaad kala kaashato wakaaladaha taageerada iyo koox sharci yaqaan ah oo kuu

jajaban.

7.5 MARKA UGU HORAYSA EE UU HORYIMAADO MAXKAMADDA QOFKII KU

FARAXUMEEYEY

Marka dembiga lagu eedeeyo qofka ku faraxumeeyey wuxuu noqonayaa ‘eedeeysane’. Inkastoo

kuwa ugu yaryar dembiyada faraxumaynta galmada maxkamadda Majisteraytka lagu qaado

bilowga ilaa dhamaadka, dhamaan eedaysanayaashu waxay marka ugu horaysa horyimaadaan

maxkamadaha Majisteraytka. Caadi ahaan lagaagama baahna inaad tagtid markan ama

dhegisiyada hore oo dhan. Xeer Ilaalinta waxaa la siinayaa waqti ay dacwadda ku diyaariso;

tusaale ahaan in la garaaco bayaanada oo la saxiixay, iyo in baadhitaanadii foreensiga la helay

(sida DNA laga soo ururinayey goobta dembigu ka dhacay iyo baadhitaankaagii caafimaad).

23 Tusaale ahaan inay wax u dhimayso xeerarka cadaymaha mid ka mid ah.

28

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Eedeysanuhu wuxuu qabsadaa qareen u diyaariya difaacistiisa. Majisteraytku waxay qabanaysaa

maalin kale haddii aanu eedaysanuhu ku qiran dembiga fursada ugu horeysa. Haddii taasi dhacdo

dacwadda dib ayaa loo dhigayaa si maxkamaddu u soo urursato akhbaaraha dheeraadka ah ee ku

saabsan qofka ku faraxumeeyey xukumidiisa. Cid kastoo lagu soo eedeeyey xadgudub galmo oo

halis ah waxaa loo gudbinayaa maxkamadda Karawnka xitaa haddii uu dembiga qirto, waayo

waxaa xukumi kara keliya xaakimka maxkamadda Karawnka. 24 Haddii eedaysuhu aanu qiranin

dembiga marxalada xigtaa waxay ku xiran tahay in dembigu yahay mid lagu qaadi karo

maxkamadda Karawnka keliya iyo in Karawnka iyo Majisteraytka tii la doono lagu qaadi karo. Si

kastay ahaato, waxaa jiraya waqti ‘dib loo dhigayo’, oo noqon kara ilaa asbuuc haddii eedeyntu

kufsi tahayna bilo – iyadoo ku xiran dacwadda iyo marxalada baadhitaanka boliisku marayo.

7.6 DAMAANAD MA HELAYAA

Maxkamadda Majisteraytku waxay tixgelin doontaa in lagu sii daayo eedeysanaha damaanad iyo

in lagu hayo xabsiga waqtiga maxkamadda ‘dib loo dhigay’. Xuquuqdiisa xoriyadeed ayaa la

barbardhigayaa tixgelinada kale: sida xuquuqdaada inaan intaa ka badan wax lagu yeelin ama

lagu cabsi gelin iyo inaanu dadka kale dembi ka gelin iyo/ama baxsan. Waa in laysu miisaama

halka haddii la sii daayo ay wax u dhimayso xuquuqdaada (xoriyadaada ‘inaan laguula dhaqmin si

bini’aadanimada ka baxsan’ iyo xoriyadaada inaad ku raaxaysatid noloshaada khaaska ah iyo tan

qoys ahaaneed).

Cidkastoo lagu soo eedeeyo kufsi haddii hore loogu helay dembi kan la mida wadankan UK,

waxaa loo ogolaanaya damaanada markay jiraan duruufo khaasa oo keliya. Waxaa sidoo kale la

mid ah cidkastoo lagu soo eedeeyo kufsi ama iskudayis kufsi horena xadhig ugu gashay dil ama dil

aan ulakac ahayn.

Eedeysanaha wuxuu yeelanayaa wakiil sharciya (garyaqaan ama garyaqaan sare) oo magaciisa

ku samaynaya codsiga damaanadda. Wakiilkiisu waxaa dhici karta marxaladan inuu sheego waxa

uu isku difaacayo. Hadaanu inkirayn dembiga, isdifaaciisu waxay u dhowdahay inuu noqon doonaa

inaad ogolaatay. Tani waa inta badan waxay isku difaacaan dembiilayaasha aad taqaanid, tusaale

ahaan rafiiqaaga hadda ama mar hore, saaxiib saaxiibkiis, dadka aad wada shaqaysaan ama dadk

aad istaqaanaan kuwaasoo gooni ugu helay dhibanaha iyagoo u iibinay sharaab ama xaafadda u

sii dhoweynayaan.

Dadka aydinaan is aqoon waxay u dhowdahay inay dafiraad cad la yimaadaan 25 . Marka la qabto

dacwaddaha noocan ah waxaa aad muhiim u noqonaya helitaanka ama waayitaanka DNA.

Jawaabta baadhitaanada cilmiyeysan ee lagu sameeyey cadaymihii la helay intii baadhitaanka la

waday ayay u dhowdahay inaan la heli karin inta lagu jiro marxaladan hore.

Majisteraytku waxay tixgelinayaan cadaymaha ay markaas hayaan markay go’aansanayaan inay

ku sii daayaan eedeysanaha damaanad iyo inkale. Damaanada waxay xeer ilaalinta kaga soo

horjeedsanaysaa dhowr arimood ooy ku jirto wixii rikoodh dembiyo hore uu lahaa; cabsida laga

qabo inuu baxsado; cabsida laga qabo inuu dhibo markhaatiyaasha; iyo amaankaaga. Haddaad

amaankaaga u baqaysid waa muhiim inaad u sheegtid boliiska si xeer ilaaliyuhu ugu sheego

maxkamadda: tan waa la tixgelinayaa marka la go’aansanayo damaanada. Xitaa haddii

eedeysanaha lagu sii daayo damaanad, shuruudo ayaa lagu xiri karaa ka joojinaya inuu la xiriiro

ama u soo jirsado intaas oo mayl guriga dhibanaha ama halka uu ka shaqeeyo. Haddii la jebiyo

shuruudahan damaanada ama layska dhega tiro lana soo sheego, dib ayaa loo soo qabanayaa

maxkamadduna damaanadii ayay kala noqonaysaa waana la xidhayaa.

24 Kufsiga iyo Faraxumaynta wax lays geliyey waa in lagu qaadaa ama xukumaa maxkamadda Karawnka;

Faraxumaynta Galmada iyo qofka oo lagu kalifo ficil galmo waxaa lagu qaadayaa maxkamadda Majisteraytka ama

Karawnka go’aankana waxaa iska leh Majisteraytyada hadaanu eedaysanuhu dooran in lagu qaado maxkamadda

Karawnka.

25 Tan waxaa la mida marka dembiilayaashu ay yihiin xubnaha qoyska. Maadaama dhibanayaashu yihiin kuwo yaryar

ayna wax isu yihiin, dacwaddaha noocan ah ogolaanshuhu uma noqdo isdifaac.

29

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Waa inaad boliiska u sheegtid haddii ka hor ama ka dib maxkamadda ay kuu hanjabaan ama ku

dhibaan isaga, qoyskiisa iyo asxaabtiisu. Taas lafteeda ayaa dembi ah haddii cidina isku daydo

inay kaa joojiso inaad markhaati ka noqotid maxkamadda. 26 Waxaa jira wadooyin uu boliisku kugu

ilaalin karo markaa waa inaad si taxadar leh ugu fekertaa inaad u sheegtid.

Eedaysanaha waxaa xabsiga lagu hayn karaa 8 maalmood keliya ka hor intaanu maxkamadda dib

ugu soo noqon. Haddii aanay Majistreydyadu damaanad ku sii dayn maqalka kowaad, waxay

noqonaysaa inuu asbuuc gudihiis maxkamadda ku soo noqdo; intaas ka dib wuxuu aqbali karaa

waqtiyada in la dheereeyo ilaa 28 maalmood. Hadduu diido waqtiga dheer dacwaddu waxay ku

soo noqonaysaa maxkamaddda asbuuc walba ilaa xukunka laga ridayo. Dhibane ahaan waxaad

xaq u leedahay inaad timaadid laakiin waxay u badan tahay inaan laguu yeeri doonin.

Eedaysanuhu inta lagu hayo xabsiga wuxuu yeelanayaa mid ama labo fursadood uu ku codsado in

lagu sii daayo damaanad ka hor intaan maxkamadda wayn la qaadin haddaanay wax cusubi soo

kordhin oo saamayn kara ku haynta xabsiga. Haddaad boliiska u sheegtay inaad ka werwersan

tahay damiinka lagu sii daynayo xabsigana laga soo daayo isbedelo duruufaha ku saabsan

awgood, waa in boliisku degdeg kuugu soo sheegaan – 24 saacadood gudohood waqtiga

maxkamaddu wargelisay.

Haddii eedaysanaha lagu sii daayo damaanad iyadoo Xeer Ilaalinta Boqortooyadu ka soo horjeedo

damaanada waxaa suurtagal ah in xeer ilaaliyuhu rafcaan ka qaato go’aanka lagu sii daynayo.

Tani waxay dhici kartaa tusaale ahaan haddii cadaymaha – sida jawaabaha baadhitaanka

cilmiyaysan – la helo kuwaasoo aan lahayn waqtigii la sii daynayey.

7.7 MARXALADA XIGTA

Dhamaan dacwaddaha xadgudubka galmada ee lagaga hadlayo buugan waxay ka bilaabmaan

maxkamadda Majisteraytka. Kuwooda halista ah waxaa loogu yeedhaa “indictable only” waa

dembiyo halis ah (nooc eedayn gaar ah) oo lagu qaadi karo keliya maxkamadda Karawnka. 27

Majisteraydku waa inay u dirtaa dembiyadan halista maxkamadda Karawnka si ay xeerbeedgtidu u

gudoonshaan xaakimkuna u xukumo. Kuwa aan halista ahayn keliya ayaa mar wax ka badan lagu

dhegaysanayaa maxkamadda Majisteraytka.

Adeega Xeer Ilaalintu waxay horay u siisaa wakiilka eedaysanaha warbixinta eedeynta, bayaanka

markhaatiyada (oo gacan ku qoran), guudmarka dacwadda xeer ilaalinta iyo dembiyadii hore loogu

xukumay. Eedaysanuhu waa inuu ku horyimaado maxkamadda Karawnka 8 maalmood gudahood

hadduu xiran yahay, ama 28 maalmood gudahood hadduu damaanad ku joogo. Laga soo bilaabo

dhegeysiga ugu horeeya ee maxkamadda Karawnka Xeer Ilaalintu waxay haysataa lix asbuuc inay

ku keenaan waxa saldhiga u ah dacwadda lagu haysto eedeysanaha. Taa micnaheedu maaha

dacwaddu inay diyaar noqonayso. Dib u dhacyada aan la gefi karin ee ku imanaya helitaanka

akhbaarta iyo in labada dhinac midkood dalbado in waqtiga loo kordhiyo loona ogolaado.

Xaqiiqadii, waxaad sugi kartaa dhowr bilood inay maxkamddu ku dhacdo.

7.8 DEMBIYADA MAXKAMADDII LA DOONO LAGU QAADI KARO

Dembiyada aan halista ahayn ee lagaga hadlayo buugan 28 waxaa loo yaqaan dacwaddaha “eitherway”

– waa dacwado lagu qaadi karo maxkamadda Karawnka ama maxkamadda Majisteraytka.

Dacwaddahan eedaysanaha ayaa xaq u leh inuu codsado maxkamadda Karawnka. Laakiin,

hadduu doonayo in lagu qaado maxkamadda Majisteraytka waa inuu qanciyaa Majisteraytyada

inay sidaasi haboon tahay. Si ay u go’aansadaan maxkamaddii lagu qaadi lahaa dacwadda,

26 Ka fakir inaad ururisid rikoodh dhaqankiisa ah, kaasoo burinaya shuruudihii damaanada, adigoo qoraya taariikhda uu

kuu soo diray telefoonada hanjabaada ah ka dibna waxaad siisaa boliiska oo u adeegsan doona maxkamadda.

27 Qaybta C. Kufsi - Qormada 1; Faraxumayn la galmooday - Qormada 2; Qofka oo lagu kalifo ficil galmo ah isagoon

raali ka ahayn - Qormada 4: haddii farac hoosaadka 4 uu khuseeyo.

28 Qaybta C. Faraxumaynta Galmada - Qormada 3 iyo qofka oo lagu kalifo ficil galmo ah isagoon raali ka ahayn -

Qormada 4 – haddii farac hoosaadka 4 aanu khusayn.

30

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Majisteraytyadu waa inay dhegaystaan dooda labada dhinacba. Waa inay tixgeliyaan halisnimada

dembiga iyo awoodooda ciqaabta ka hor intaanay go’aansan maxkamadda ku haboon qaadista. 29

Wax kastoo la go’aansado, isla markiiba dacwadda lama qaadayo ee dib ayaa loogu dhigayaa in

lagu eego xukumidda ka hor maxkamadda Majisteraytka ama haddii go’aanka yahay in loo diro

maxkamaddda Karawnka, waxa loogu yeedho ‘committal’ – oo ah marka dembiilaha loo diro

maxkamadda Karawnka. Waqtiga u dhexeeya waxaa dhici karta inuu eedaysanuhu xabsi ku jiro

ama damaanad banaanka ku joogo.

Intan oo dhami waa marka aan dembiga la qiran. Haddii eedaysanuhu dembiga maxkamadda la

doono lagu qaadi karo qirto, Majisteraydyadu waa inay tixgeliyaan awoodooda ciqaabta marka ay

maqlaan dhamaan xaqiiqaha. Haddii awoodoodo ay ka yartahay halista dembiga, markay maqlaan

faahfaahinta, waxay dacwadda u dirayaan maxkamadda Karawnka si ay u xukunto.

7.9 KA NOQOSHADA EEDEEYNTA

Majistreydyadu marmarka qaarkood waxay ka noqdaan eedeeynta dacwadda haday u arkaan

cadaymuhu inay yihiin kuwo daciifa. Tani lama mid aha marka qofka la sii daayo (marka dembiga

lagu waayo). Maaha sida siidaynta, marka laga noqdo eedeynta, xeer ilaalintu waxay dib u soo

celin kartaa isla eedeyntii lagu haystay dembiilaha, haday soo helaan cadaymo dheeraada.

Majistereydyadu waxay kaloo eedeynta ka noqdaan iyagoon aan dhegaysan cadaymaha haddii ay

jiraan waxa loogu yeedho ‘ku xadgudubka nidaamka’, sida dib u dhac wayn oo ku yimaada hab

nidaameedka, oo ay sababto xeer ilaalintu. Inta badan ma dhacdo Majistreydyadu inay ka

noqdaan eedeynta dembiyada galmada – waxaa caadiyan la qabtaa taariikh (waqti) si fiican loogu

baadho lana dhegaysto cadaymaha.

7.10 DEMBI QIRASHADA IYO JIHAYNTA

Waxaa dhici karta in dhegaysiyo kale lagu qabto maxkamadda Majisteraytka ka hor intaan la

go’aansan in maxkamaddii la doono lagu qaban karo, ama haddii la go’aansado in loo diro

maxkamadda Karawnka, ka hor intaan la dirin. Marka ay gaadho dacwaddu “ maxkamaddii la

doono lagu qaban karo” maxkamadda Karawnka, wuxuu samaynayaa eedeysanuhu inuu ama

dembiga qirto ama qiran waayo oo loo yaqaano Dhegeysiga Dembi Qirashada iyo Jihaynta, tanoo

fursad u siinaysa xaakimku inuu amaro kala duwan siiyo (jiheeyo) labad dhinac waxyaabaha loo

baahan yahay xukumidda ka hor. Codsiga loo samaynayo talaabooyinka gaarka ah ee loo

samaynayo markaatiyada baylahda ah 30 halkan ayaa lagu dhegaysan karaa iyadoo noqonaysa

ahmiyadda jihaynta xaakimka.

7. 11 DEMBIYADA HALISTA AH

Majisteraydyadu waa inay dembiyadan halista ah toos ugu diraan maxkamadda Karawnka. Haddii

eedaysanuhu xiran yahay wuxuu maxkamadda ku horimanayaa sideed maalmood gudahood

waqtigaa dacwadiisa loo gudbiyey maxkamadda Karawnka hadduu damaanad banaanka ku

joogana 28 maalmood gudahood. Marka ugu horaysa ee uu maxkamadda horyimaado

(gogolxaadhka dhegeysiga) waxaa laga yaabaa inaanu maxkamadda u sheegin inuuu dembiga

qiran doono iyo inkale. Dhamaan arimaha, sida xanuunada maanka ee iman kara ayaa

maxkamadda lala socodsiinayaa ka dibna taariikh loo qabanayaa lagu dhegaysto Dembi

Qirashada iyo Jihaynta. Waqtigani wuxuu noqonayaa lix asbuuc ka dib markii ugu horaysay ee uu

horyimaado maxkamadda Karawnka. Waqtigaa u dhexeeyaa wuxuu fursad u siinayaa xeer

ilaalintu inay ku urursato cadaymaha iyo inay nuqulo siiso qareenka difaaca. Haddii dembiga la

qiran waayo waxaa waqti loo qabanayaa fadhigii waynaa ee maxkamadda. Haddii weli boliisku

29 Xadhiga ugu dheer oo maxkamadda Majisteraytku bixin karto waa lix bilood halkii dembi iyo ugu badnaan 12 bilood

(labada dembi), halka maxkamadda Karawnku ay ka bixin karto xadhig kasta oo ka hooseeya kan ugu sareeya

dembiga.

30 Hoosta waxaa looga hadlayaa 'Talaabooyinka gaarka ah ee loo samaynayo markhaatiyada baylahda ah'. 31. Waa

caadi in dacwaddaha kufsigu qaataan in ka badan sannad waqtiga xukunka ugu dambaysta ahi ku dhaco.

31

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

wadaan baadhitaan ama eedaysanuhu u baahan yahay inuu helo warbixino caafimaad, waxaa loo

qabanayaa maqalka kale (oo loo yaqaan ‘mention’) maxkamadda wayn ka hor.

7.12 JOOJINTA EEDEEYMAHA

Waxaa dhici karta in Xeer Ilaalintu ay joojiso dacwadda markay gaadho maxkamadda

Majisteraydka ama Karawnka ka hor intaan loo sheegin eedaysanaha. Eedaysanuhu wuxxu

codsan karaa xaakimku inuu joojiyo eedaynta Ka hor intaan eedeeymaha la horgeyn maxkamadda

Karawnka. Waxaa laga yaabaa inuu dhegaysto xaakimka maxkamadda Karawnku haddii danta

cadaalad sidaas ku jirto wuxuuna keliya oo joojinayaa eedaymaha hadduu qaato go’aanka inaanay

jirin cadaymo kaafiya oo xeerbeegtidu dembiga ku xukunto.

7.13 DACWAD LAGA JAAWAABAA MA JIRTO

Tan yaan lagu khaldin dooda ah ‘dacwad laga jawaabaa ma jirto’. Doodan noocan ah waxaa lagu

sheegaa inay tahay ‘talo soo jeedinta kala badhka’ waayo waxaa inta badan la sameeyaa kala

badhka maxkamadda wayn inta lagu jiro. Waxaa dhici karta in qareenka difaaca sameeyo talo soo

jeedintan waqtiga maxkamadda Majisteraytku ay dacwadda gudbinayso isagoo ku salaynaya

inaan dacwadu ahayn mid xoog badan.

Talo soo jeedintan ‘dacwad laga jawaabaa ma jirto’, natiijadeedu haddii lagu guulaysto waa siidayn.

Maxkamadda Majisteraytka waxaa lagu salaynayaa inaanay jirin wax lagu cadaynayo dembiga

ama cadaymaha laysku halayn karin. Maxkamadda Karawnka, xaakimku, ka dib markuu

dhegeysto dacwadda, ayuu go’aansan karaa inaan dacwad laga jawaabaa jirin haddii uu qaato

aragtida in xeerbeegtidu aanay cadaymaha dembi ku helayn. Xaakimka ama qareenka difaaca

ayaa soo jeedin kara dembiga marka la soo oogo ka dib. Si kastaba ha ahaatee, xeer ilaaliyaha iyo

qareenka difaacuba doodooda ayay dhiibanayaan xaakimkaana go’aanka iska leh. Haddii

xaakimku go’aansado inaan dacwad laga jawaabaa jirin wuxuu u yeerayaa xeerbeegtida isagoo u

sheegaya inay eedaysanaha dembiga ku waayaan. Tan waxaa marmarka qaarkood loogu

yeedhaa ‘sii daynta uu jiheeyey xaakimku’.

32

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

8. KA QAYB QAADASHADAADA MARXALADA MAXKAMADDA

8.1 SUGITAANKA

Waa muhiim inaad ogaatid inay qaadan karto dhowr bilood ama ka badan ka hor intaan

dacwaddaada maxkamaddu qaadin. 31 Tani waxay dhacaysaa iyadoo weliba laga dhigay xeerar

lagu dedejinayo nidaamka si markhaatiyadu aanay dhacdooyinka u ilaawin marka maxkamadda la

qaadayo. Waxay noqonaysaa inay maxkamadda Karawnku waqti u qabato hawlaha iyo/ama

warbixinadda, haddii waqtigan lagu dhamayn kari waayana inay labada dhinac ku soo noqdaan

maxkamadda iyagoo u sharaxaya sababaha; caadiyan, haddii sharaxaadu macquul tahay, waxaa

la siiyaa waqti kale oo lagu soo dhameeyo hawlaha iyo warbixinada. Nidaamkani wuxuu ka

caawinayaa in dacwadu u socoto sida ugu dhakhsaha badan laakiin xaqiiqo ahaan waxaa jira dib u

dhacyo aan la baajin karin waana inaad sugtaa waqti dheer ka hor intaan dacwadda la dhegaysan.

Xeer Ilaalintu waa inay ku soo wargeliso sida wax u dhacayaan iyo waqtiga ay dhacayaan.

8.2 TEGISTA MAXKAMADDA

Waxaa waraaq laguugu soo sheegayaa waqtigaad imanaysid maxkamadda, sidaas darteed waa

muhiim inaad boliiska la socodsiiso haddaad bedeshid cinwaankaaga. Waxay kugu noqon kartaa

wareer iyo niyadjab marka dacwadda marwalba dib loo dhigo weliba haddaad maxkamadda ugu

lug go’aysid inaad cadaymo bixisid waxay kugu noqonaysaa wareer; laakiin waa muhiim inaad

markasta oo laguu yeedho tagtid maxkamadda. Haddaad tahay dhibanaha dembiga, waxaad xaq

u leedahay inaad fadhiisato marka maxkamadda la qaadayo laakiin haddaad u tahay markhaati

xeer ilaalinta laguuma ogola ilaa aad ka dhiibatid cadaymahaaga, oo dhici karta maadaama aad

tahay markhaatiga ugu muhiimsan xeer ilaalinta horaanta maxkamadda. Markaad dhiibato

markhaatigaaga waad joogi kartaa maxkamadda inta ka hadhsan haddaad doontid. Waa fikrad

fiican inaad kaxaysato saaxiib ku taageera.

8.3 MARKHAATI NOQOSHADA

Haddaad bixisay bayaan waxaa lagaa codsan karaa inaad maxkamadda tagtid. Haddaad qabtid

wax walaac ah ama aad u malaynaysid inay kugu adkaanayso inaad maalintaa tagtid

maxkamadda, waa inaad ugu sheegtaa sida ugu dhakhsaha badan qofka kaa codsaday. Haddii ay

dhacaan waxaanad filayn maalinta maxkamadda la qaadayo aanadna tegi karin waa inaad la

xiriirtaa sarkaalka boliiska ee dacwadda qaabilsan ama maxkamadda. Haddaadan adigu sidaa

yeeli karin waydiiso qofka ku taageeraya ama saaxiibkaa. Waa inaad hubsataa warkani inuu

gaadho maxkamadda – ha kaga hadhin in saaxiibkaa fariin ku dhaafo xarunta telefoonadu ugu soo

dhacaan maxkamadda (switchboard).

Haddaad ku qasban tahay inaad maxkamadda tagtid laakiin maxkamaddu u malaynayso inaadan

iskaa u imanayn waxaa laga yaabaa in laguu jaro amar maxkamadeed inaad ku tagtid (witness

summons). Haddaad imanwaydid, adigoon haysan sabab macquul ah, maxkamaddu waxay kugu

heli kartaa dembiga amardiido waana lagu soo xidhayaa.

Haddii lagugu qasbay inaadan maxkamadda tegin u sheeg boliiska – waa dembi inuu qofna isku

dayo inuu kaa joojiyo inaad cadayn bixisid; boliisku waxay ku siin karaan talooyin iyo/ama ilaalin

dheeraada.

Haddaad dhibane ahaan bixinaysid cadaymo ka soo horjeeda dembiilaha, faahfaahintaada

maxkamadda lagama akhriyi doono ama laguma qori doono faylka maxkamadda – sidan waxaa

loo yeelayaa in aqoonsigaaga la qariyo oon lagu garan. Haddaad bixinaysid cadaymo waxaad u

noqonaysaa markhaati xeer ilaalinta, dacwadda ‘qayb’ kama tihid. Tani macnaheedu waxa weeye

xaq uma yeelanaysid wakiil sharci. Waxaad ka heli kartaa taageero bilaasha Adeega

Markhaatiyada, oo qayb ka ah Taageerada Dhibanaha, oo caawina dhibanayaasha,

31 Waa wax caadiya inay dacwaddaha kufsigu qaataan inka badan sannad in lagu qaado maxkamadda.

33

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

markhaatiyada, saaxiibadood iyo qoysaskooda markay tegayaan maxkamadaha dembiyada ee ku

yaal England iyo Wales.

Adeega Markhaatiyadu waxay ku siinayaan:

• Markhaatiyada in la geeyo maxkamadda ka hor intaanay bilaaban dacwad qaadistu, si ay ula

sii qabsadaan maxkamadda iyo doorarka dadka kala duwan ka hor intaanay bixin cadaymaha

• Taageero dhinaca dareenka ah oo ku saabsan raadka khibrada tegista maxkamadda

• Akhbaar ku saabsan maxkamadda iyo nidaamka sharciyada

• Qolalka sugitaanka oo gaara hadday maxkamaddu bixiso

• Caawimo wax ku ool ah, tusaale ahaan foomamka kharashka

• Taageero gudaha maxkamadda haddii loo baahdo, maalinta maxkamadda la qaadayo iyo ka

dib marka dembiilaha la xukumo

Wuxuu kaloo adeegu ku siinayaa qof aad si sir ah ula hadashid, laakiin kuma saabsana

cadaymaha, kaana caawini kara sidaad u heli lahayd akhbaarta natiijada dacwadda.

8.4 ISU DIYAARINTA MAXKAMADDA

Waa muhiim inaad isu diyaarisid maxkamadda. Ka fakir sidaad isu muujin lahayd, dharkaad xiran

lahayd – dembiilaha waxaa lagula talinayaa inuu isqurxiyo, oo soo xirto suudh. Hadaanu sidaa

hore ugu lebisan jirin iyo haddii kaleba, way qurxinaysaa muuqaalkiisa maxkamadda. Waxaa kaloo

fiican inaad saaxiibadaa iyo taageerayaasha kala hadashid sidaad uga jawaabi lahayd su’aalaha

qareenka difaaca uu kuugu muujinayo inaadan runta sheegayn. Ka sii feker sidaad uga jawaabi

lahayd su’aalahan adigoo isxusuusinaya inaanay xeerbeegtidu eegayn waxaad tiraahdid keliya ee

ay eegayaan sidaad u tiraadidna. Ka feker taageerada aad rabtid/u baahan tahay: miyay kugu filan

tahay keliya caawimadaTaageerada Markhaatiyadu? Haddaad xiriir la leedahay adeeg khaas ah

oo taageero isku day inaad waydiisatid in cid iyaga ka midi ku raaci karto haddaad sidaa

jeclaysanayso. Ka feker inaad doonaysid saaxiibada iyo/ama qaraabadaadu inay yimaadaan

maxkamadda (dembiilaha waxay u dhowdahay kuwiisu inay yimaadaan). Haddaad doonaysid in

saaxiibadaa iyo qaraabadaadu ay yimaadaan hore uga sii feker inaad u diyaariso waxyaalaha ay

maqli doonaan. Gaar ahaan, haddaad doonaysid inaad hubsatid inaanay ka nixin ama la yaabin

waxaad ka tiraahdid maxkamadda, isku day inaad u sii sheegtid waxyaalahan oo dhan

maxkamadda ka hor.

8.5 DAAH KA QAADISTA

Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in maxkamaddu si cadaalad ah u dhacdo, tan micneheedu

waxaa weeye in xeer ilaalintu u muujiso (daaha uga qaado) qareenka difaaca cadaymaha ay isaga

ku haystaan iyo weliba wixii cadayma kale ah oo kaalmaynaya. Tusaale ahaan, haddii

baadhitaanka foreensigu uu soo helo shahwad aan ahayn tan dembiilaha, laga yaabee inaad

saaxiibkaa la galmootay faraxumaynta ka hor, xeer ilaalintu waa inay u sheegaan qareenka

difaaca. Qareenka difaacu su’aalo kaama waydiin karo arintan ama waxkastoo ku saabsan

dhaqamadaada galmada ee hore isagoon fasax ka helin xaakimka: waxaa ka yaala xeerar adag

goorta xaakimku ogolaan karo su’aalaha oo kale. 32

8.6 WAR BAAHINTA

Maxkamadduhu marka la qaadayo way furan yihiin, tanoo micneheedu yahay dadwaynuhu way

soo geli karaan, warbaahintuna way ka warami kartaa dacwaddu siday u socoto. Waa mabda’

muhiima u ah bulshooyinka dimiqraadiga ah inay u muuqato in la falay cadaalad. Maxkamadduhu

32 Eeg xagga hoose meesha lagaga hadlayo 'Taariikhda Galmooyinkaagii Hore'.

34

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

waxay awood u leeyihiin inay joojiyaan tan si khaasana dacwadda loo qaado laakiin tani waxay

dhacdaa keliya markay jiraan duruufo khaasa sida haddii:

• Maxkamadda furani ay keenayso qalalaase

• Markhaatigu diido inuu dadka hortooda cadaymaha ka dhiibo

• Furaanshaha maxkamaddu uu khatar gelinayo dembi oogista mustaqbalka

• Xeerka Qarinta Sirta Dawladda uu khuseeyo dacwadda

Kuma xambaarayso maxkamadda in si gaara loo qabto haddii adigu aad ka xishoonaysid inaad ku

bixisid cadaymaha dadka hortooda; sababtu waa inay noqotaa mid khatar gelinaysa nidaamka

cadaaladda. Laakiin, haddaad ka badbaaday xadgudubka galmada aqoonsigaaga ma sheegi

doonaan saxaafadu. Waxay noqonaysaa dembi cidii baahisa faahfaahintaada lagugu aqoonsan

karo ooy ku jiraan magacaaga, cinwaankaaga, sawirkaaga iyo wixii kaloo sheegi kara qofkaad

tahay.

8.7 DEMBIILAYAASHA GALMADA EE YARYAR

Inkastoo nidaamka cadaaladda dembiyadu uu isku dayo inuu ka leexiyo dembi oogista

dembiilayaasha yaryar dembigooda ugu horeeya iyagoo si kale wax uga qabanaya, waa lagu soo

oogi karayaa dembiyada ‘halista’ ah ee kowaad, ooy ku jiraan ficilada xadgudubka galmadu.

Dembiilaha yar waxaa lagu xukumi karaa maxkamadda Dhalinyarada, iyadoo ku xidhan halista

dembiga; haddii lagu soo eedeeyey kufsi waa in lagu xukumaa maxkamadda Karawnka. 33 Haddii

lagu qaado dacwadda maxkamadda Dhalinyarada dadwaynaha looma ogola laakiin saxaafadu

way iman kartaa. Ma sheegi karaan magaca, cinwaanka, sawirka ama waxkaloo qofka

aqoonsigiisa lagu garan karo iyadoon fasax laga helin maxkamadda. Hal sabab oo maxkamadda

Dhalinyaradu ay uga qaadi karto diidmada in la sheego dembiilaha yar waxaa weeye iyadoo u

aragta in danta bulshadu sidaa ku jirto. Markaas ayay maxkamaddu ogolaanaysaa in la baahiyo

faahfaahinta dembiilaha yar. Diidmo noocan oo kale ah xaga saxaafadda ayay bixiyaan

maxkamadaha Majisteraytka iyo Karawnku marka ay xukumayaan dembiile yar.

8.8 YAA GO’AAMIYA SIDEESE LOO GO’AAMIYAA

Haddii dembiilaha la soo taago maxkamadda Dhalinyarada, Xaakim Degmo oo keligiis ah ama

labo Majisteraydyo ahi la fadhiyaan ayaa xukumaya. Maxkamadda Majisteraydka Xaakim Degmo

ama saddex Majisteraydyo ah oo shacab ah ayaa xukumaya; maxkamadda Karawnkana Xaakim

iyo xeerbeegti ka kooban laba iyo toban qof oo dadwaynaha laga soo xulay.

8.9 WAA LAGULA DOODAYAA

Dacwaddaada, hadduu ka doodo dembiiluhu, maxkamaddu aad ayay baadhitaan ugu

samaynaysaa. Dacwado badan waxa arintu isugu soo biya shubataa weedhaada iyo tiisa

maadaama ficilada galmadu ka dhacaan meel gaar ah oon markhaatiyaal jirin. Si kastoo si fiican

laguula dhaqmo, dhowaanahan dambena waxaa jira talaabooyin la qaaday in si dareen leh laguula

dhaqmo, ugu danbaynta waxay tegaysaa in xeer ilaaliyuhu dacwadda ku cadeeyo dembiilaha.

Waxay u badan tahay in aaminaadaada iyo in lagu ‘rumaysan karo’, adiga iyo dembiilahaba la

imtixaamo. Dembiilaha qareenka difaacayaa wuxuu kuu soo bandhigayaa dooda uu ku difaacayo

taasoo laga yaabo inay ku dhibto. Wax ka joojin karaa ma jiraan dembiiluhu inuu tusaale ahaan

yiraahdo, inaad ogolaatay ama uu rumaysnaa inaad ogolayd xitaa markuu isticmaalayey xoog –

33 Tani waa aragtidii ay ka qaadatay maxkamadda Rafcaanku dacwadii R v Billam [1986] 1 WLR 349. waxay u

dhowdahay in tanna lagu dabakhayo XDG 2003 Qormada 1 – Kufsi, Qormada 2 – faraxumayn la galmooday iyo

Qormada 4 – Qofka oo lagu kalifo ficil galmo isagoon raali ka ahayn – haddii farac hoosaadka 4 khuseeyo. Muhiim

looma arag in laga faaloodo inuu khuseeyo dembiyada kale ee hoos imanaya Xeerka, maadaama aan buugan lagaga

hadlin.

35

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

inkastoo isticmaalka xooggu ay wax u dhimayso dembiilaha dacwadiisa. 34 Waxaa kaloo dhici karta

inuu isku dayo inuu isticmaalo cadaymo uu ku muujinayo inaad tahay qof aan la rumaysan karin.

Waa inaad isusii diyaarisaa adigoo degan inaad daacadnimo taada ku gudbisid tiisana ku beenisid.

34 Xeerka Dembiyada Galmada 2003 wuxuu dhigayaa in isticmaalka xoogga loo fasiranayo inaan dhibanuhu bixin

36

ogolaansho.

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

9. QAADISTA MAXKAMADDA

9.1 QAADISTA MAXKAMADDA KA HOR

Caado ahaan qareenada sare laguma dhiirigeliyo inay markhaatiyada kala hadlaan

cadaymahooda si aanay ugu muuqan inay hagayaan. Laakiin, Xeer Ilaalintu hadda waxay ka

fiirsanaysaa inay qabato kulano ay isku arkaan xeer ilaaliyayaasha iyo markhaatiyadu ka hor

intaan maxkamadda la qaadin si ay iyagu u qiimeeyaan markhaatiyada halkii ay isku halayn

lahaayeen bayaanada qoran iyo/ama aragtida sarkaalka boliiska ee dacwadda haya – taasoo ah

ama ahaan jirtay waqtiga qoraalkan dhaqan caadiya. Maadaama hadda la aqoonsaday

muhiimadda ay leedahay xiriir inay yeeshaan markhaatiyada iyo xeer ilaaliyayaashu, waxaa la

rajaynayaa in kulamada markhaatiyada iyo xeer ilaaliyayaasha ka hor intaan maxkamadda la

qaadin ay noqdaan kuwo joogto ah.

Xeer Ilaalintu waa inay kuugu qabataa taariikhda maxkamadda sida kuugu haboon. Haddaad

tahay qof waayeela ama lixaad la’ ama aad ku dhibaatoon kartid imaatinka maxkamadda ama

safarka, waa in la wargeliyaa Xeer Ilaalinta ama boliiska si ay kaaga kaalmeeyaan imaatinka

maxkamadda: caadiyan boliiskaa ku soo qaadaya. Markaad timaadid maxkamadda waa in lagu

fariisiyaa meel ka durugsan markhaatiyada qareenka difaaca. Adeega Markhaatiyada ayaa tan kuu

qalqaalin kara ama cid kastoo ka mida shaqaalaha taageerada ee maxkamadda kuu soo raacay;

ama waxaad waydiisan kartaa shaqaalaha maxkamadda; boliiska; ama qareenka Xeer Ilaalinta

haddii aanay jirin qolalka sugista oo gaar ah, adiguna ka walaacsan tahay.

Haddaadan hore ula kulmin xeer ilaaliyaha waa inay iskaa baraan markaad maxkamadda tagtid.

Waa inay ku dejiyaan, intii la ogolyahay, iyagoo kaaga jawaabaya su’aalahaaga kuuna sharaxaya

sida wax u dhici doonaan. Waxay akhristeen faylka boliiska iyo akhbaarta kugu saabsan oo dhan

laakiin haday jiraan wax walaac ama cabisiyi waad kala hadlaysaa. Waa muhiim in la fahmo

waqtiga xeer ilaaliyayaashu haystaan inuu kooban yahay xilka ka saaran qaadista maxkamadda

awgeed. Waxay isku deyayaan inay isku habeeyaan arimaha kale ee muhiimka ah si maxkamaddu

si qumaati ah ugu dhacdo. Xitaa sidaas ooy tahay, waa inay ku tixgeliyaan; ayna dareemaan inaad

ka werwersan tahay dhiibista cadaynta iyagoo si naxariis leh kaagala hadlaya werwerkaaga

waqtiga ay haystaan. Kaalama hadli karaan cadaymaha.

Xeer Ilaalintu waa inay hubsataa intii suurtagal ah inaan laysaga kaa yeerin maxkamadda adigoo

cadayn bixinaya maahee. Waxaa dhici karta inaad sugtid inta laguu yeerayo; ujeedadu waa

inaadan sugin waqti ka badan laba saacadood maxkamadda Karawnka iyo saacad maxkamadda

Majisteraytka. Haddii dib u dhac uu yimaado Xeer Ilaalintu waa inay kuu sharaxdaa sababta kuuna

sheegtaa waqtiga aad sugi doontid. Sababo dhowr ah ayaa keeni kara dib u dhaca, tusaale ahaan

waxaa laga doodi karaa sharci ahaan cadaymaha.

9.2 OGOLAANSHAHA DEMBI QIRASHADA

Marmarka qaarkood Xeer Ilaalintu waxay go’aan ku gaari kartaa inay ka aqbasho eedaysanaha

qirashada eedeyn kale ama mid ka yar tii hore. Tani waxay dhici kartaa markaad diido inaad

cadaymaha bixiso ama dembiiluhu qirto qaar ka mid dembiyada, ama cadaymo cusubi ay soo

baxaan. Dembi qirashada eedeyn tii hore ka yar waa in la yeelaa keliya haddii maxkamaddu ay

bixin karayso xukun u dhigma halista dembiga. Weliba markay jiraan dhibaatooyin dhaafsiisan

dembiga, tusaale ahaan marka la isticmaalo muquunis dheeraada aan samaynta dembiga u

baahnayn. Arigtidaada iyo waxaad rabtid waa la tixgelinayaa marka la eegayo dembi qirashada

haddii la ogolaadana waxaa lagugu soo wargelinayaa qoraal iyadoo lagugu martigelinayo kulan

aad la yeelato Xeer Ilaalinta. Waa suurtagal in dembiiluhu iskabedelo dembigii uu markii hore qiran

waayey isagoo qiranaya haddeer markuu la taliyey qareenkiisu. Eedaysanayaasha qaar ayaa ku

bedela qirashada eedaynta ‘albaabka maxkamadda’ hortiisa markay arkaan in markhaatiyadii

yimaadeen. Eedaysanayaashu waxay helaan saamaxaad markay dembiga qirtaan – waqtiba

waqtiguu ka horeeyo saamaxaadu way ka weyntahay – ilaa saddex meelood meel ayaa laga

daynayaa xukunka.

37

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

9.3 QAADISTA MAXKAMADDA

Qaadista maxkamaddu wadankan waxay u shaqaysaa dhinac keliya – xeer ilaalinta, ood

markhaati u tahay; iyo dhinaca kale – difaaca, uu ku jiro dembiiluhu, oo ka doodaya cadaymaha.

Majisteraydyadu, ama xeerbeegtida maxkamadda Karawnka ayaa go’aansada doodaha

markhaatiyada iyagoo dhegaysanaya daawanayana markhaatiyaashu markay dhiibayaan

cadaymaha.

Xeer Ilaalintu waxay ilaalinaysaa dantaada inta qaadista maxkamaddu socoto. Haddaad u timaadi

inaad cadaymaha bixisid laakiin aan laguu yeedhin sabab kastoo jirta, waa inuu kuu sharaxaa

(xeer ilaaliyuhu). Haddii wax sababaan in maxkamadda dib loo dhigo, xeer ilaalintu waxay hubin

doontaa inay taariikhdaasi kuu haboon tahay. Haddii sida marmar dhacda markaad maxkamadda

timaadid dacwadda la joojiyey waa in gudaha laguugu yeedhaa xaakimkuna kuu sharaxaa.

Waxay u dhowdahay in marka ugu horaysa laguu yeedho, waxaa kula wadi doona cadaymaha

xeer ilaaliyaha kadibna waxaa ku su’aali doona qareenka difaaca. Xeer ilaaliyaha ayaa dabadeed

su’aalo ku waydiin doona, tani had iyo jeer ma dhacdo waxayna dhacdaa uun marka qareenka

difaacu arimo wax kaa su’aalo laakiin aanu ku siin fursad aad si fiican ugu sharaxdid. Waxaa

iyaguna su’aalo ku waydiin kara Majisteraydyada iyo Xaakimka. Marmarka qaarkood maxkamadda

Karawnka, xeerbeegtidu waxay ku waydiinayaan su’aalo ay qoraal ahaan ugu gudbinayaan

xaakimka. Xaakimku wuxuu banaanka u diraa xeerbeegtida isagoo kala hadlaya qareenada sidii

wax looga qaban lahaa qoraalka xeerbeegtida. Waxaa laga yaabaa inay doonayaan in loo

cadeeyo sharciga ama arin aanay hubin waxay ka yeeli lahaayeen oo ay caawino uga baahan

yihiin.

Marka laysku raaco sidii laga yeeli lahaa su’aasha, xaakimku wuxuu soo celinayaa xeerbeegtida

iskuna deyayaa inuu su’aashoodii uga jawaabo. Haday tahay su’aal xaqiiqada ku saabsan inay

banaan tahay in lagu waydiiyo, xaakimku ayaa ku waydiin doona ama iyadoo ku xiran meesha aad

markaa ka maraysid bixinta cadaymaha wuxuu u ogolaan doonaa xeer ilaaliyaha ama qareenka

difaaca.

Haddii maxkamaddu istaagto – qado loo baxo ama beri la soo noqonayo – adigoo ku guda jira

cadaymaha, waxaa xaakimku ku waydiin doonaa inaadan cidna kala hadal, xitaa xeer ilaalinta ama

boliiska. Tani waa in la hubiyo cadaynta aad bixinaysaa inay noqoto mid aanay aragtida dadka

kale saamayn ku yeelan. Cadayntu waa waxaad maxkamadda ka tiraahdid adigoo lagu dhaariyey.

Hore ayaad boliiska bayaan u siisay, taasoo qareenka difaacuna hore u soo akhriyey. Waxaa lagu

siinayaa fursad aad ku akhridid bayaankaaga ka hor intaanad bilaabin, laakiin laguuma ogolaan

doono inaad ka akhridid maxkamadda.

9.4 TALAABOOYINKA GAARKA AH EE LOO SAMEYNAYO MARKHAATIYADA

BAYLAHDA AH

Bixinta cadayntu waa khibrad ku dhib badan qof walba laakiin qofka ka badbaada xadgudubka

galmada way ku sii adag tahay marka aad ka baqaysid dembiilaha (oo loogu yeedho ‘eedaysane’

maxkamadda) aadna ka werwersan tahay ceebta ka hadlida dadka hortooda arimo aad khaas u ah.

Hadda waxaa la aqoonsaday in cabsidani ay ka joojin karto ama ka horistaagi karto inay

badbaadayaashu bixiyaan cadaymaha. Talaabooyin gaara ayaa la bilaabay in loo sameeyo

markhaatiyada baylahda ah ama baqaya; kuwan waxaa loogu talagalay inay dhimaan werwerka

una sahlaan siday u bixin lahaayeen cadaymaha. Waxaa ku jira: 35

• Daahyo kaa celinaya inaad aragtid eedaysanaha

35 Talaabooyinkan gaarka ah lagama wada helayo maxkamadaha oo dhan waqtiga qoraalkan (may 2004); qaarkood

sida bayaanada lagu sii duubay fiidiyowga tartiib tartiib ayaa loo bilaabay iyadoo la eegayo waxtarkooda ka hor intaan

meelkasta laga hirgelin.

38

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

• Cadaynta inaad qol kale ka dhiibtid iyadoo la isticmaalayo shaashado 36

• Cajalad fiidiyow ah oo lagaaga duubayo meel kaaga diiqad yar maxkamadda, adigoo bixinaya

cadaymaha iyo/ama su’aalo lagu waydiinayo

• Inay iska bixiyaan xaakimka iyo qareenada timaha madaxa la saarto iyo marada dheer ee

dusha laga gashado

• Qof kaa taakuleeya inaad cadaynta bixisid haddii dhibaato kaa haysato fahamka ama hadalka

• Xaakimka oo ka saara dadka qaybta loogu talagalay dadwaynaha

Waxaad kaloo codsan kartaa turjumaan haddii Ingiriisidu aanay ahay afkaaga kowaad.

Maxkamaddu way tixgelin doontaa aragtidaada bixinta cadaymaha markaa waa muhiim inaad hore

ugu sii sheegtid boliiska iyo xeer ilaalinta sababtaad ugu malaynaysid inay wax u dhimayso

cadaymaha; gaar ahaan haddii lagu cabsi geliyey aadna ka baqaysid inaad kula kulantid

eedaysanaha maxkamadda. Xaakimku, ka dib markuu la tashado boliiska, xeer ilaalinta iyo

qareenka difaaca, ayuu go’aansanayaa wixii talaabooyin gaara oo la dabakhayo: 37 talaabooyinkan

looma ogola eedeysanaha.

9.5 KU BIXINTA CADAYMAHA MAXKAMADDA 38

Inta badan dacwaddaha kufsiga waxaa idiin dhexeeya daah adiga iyo eedeysanaha. Haddii kale,

iyadoo talaabooyinka sare lagu soo sheegay ay ku khuseeyaan maahee, waxaad cadaymaha ka

bixin doontaa sanduuqa markhaatiyada sida markhaatiyada kale, ee uu ku jiro eedeysanuhu. 39 Ka

hor intaanad cadaynta bixin waxaa lagugu dhaarin doonaa kitaabkaad doontid ama waxaad

samaynaysaa balanqaad – inaad runta sheegi doontid. Haddaad ku gudbinaysid cadaymaha

adigoo la kaashanaya turjumaan ama aad u baahan tahay fara ka hadle, maxkamadda ayaa tan

hore kuugu sii qorshaynaysa. Turjumaanku waa inuu noqdaa mid fahamsan nidaamka

maxkamadda iyo ereyada sharciga lahjadaadana ku hadli kara.

Ka hor intaanad maxkamadda gelin waxaa lagu xusuusinayaa waxaad ku tiri bayaankaad siisay

boliiska – xeer ilaaliyuhu wuxuu hubinayaa in nuqul lagaa siiyay bayaanka markaad maxkamadda

timaadid. Laguuma ogolaanayo inaad sanduuqa markhaatiyada ka akhridid bayaankaaga. Waxaa

laguu ogolaan karaa inaad isticmaashid bayaankaaga si uu u caawiyo xusuustaada intaad ku jirtid

sanduuqa markhaatiyada, shuruuduna tahay inay ku dhoweeyd waqtigii faraxumayntu dhacday.

Laakiin xeerka guud waa in lagu qiimeeyo dhamaan markhaatiyada cadaymaha ay bixiyaan iyo

siday u bixiyaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku bilaabanaya hadalkiisa furitaanka, isagoo u soo koobaya dacwadda iyo

eedeynta xeerbeegtida. Qareenka difaacu inta badan ma bixiyo hadal furitaan ah markaa waa

laguu yeedhaya si aad u bixisid cadayntaada. Xeer ilaaliyuhu wuxuu ku waydiin doonaa su’aalo

kaa caawiya bixinta cadaymaha. Tan waxaa loogu yeedhaa ‘gudoonka waraysiga’. Ujeedadu waa

in lagugu hago doodaada sidii wax u dhaceen. Xeer ilaaliyuhu kuma horseedi karo – waxaa loo

jeedaa kuma waydiin karo su’aal jawaabta kuu sheegaya. Tusaale ahaan haddii dacwaddaada aad

siisay boliiska mid ka mid ahi tahay in dembiiluhu ku taabtay naaska ama barida adigoon ogolaan,

xeer ilaaliyuhu kuma waydiin karo “Miyuu Mr X ka dibna ku taabtay naaska/barida?” waa inay ku

waydiiyaan su’aalo aan ku horseedeyn sida, “Muxuu Mr X ka dib sameeyey?” xusuusnow inaad

su’aalaha si fiican u dhegaysato waqtigaagana qaadato – adigoo hubsanaya inaad fahamtay waxa

lagu waydiiyey – intaadan ka jawaabin ka hor.

36 Qareenada qaarkood ayaa qaba xiriirinta fiidyowgu inay dhimi karto saamaynta ay leedahay cadaynta toos loo bixiyaa

waayo waxay yaraynaysaa isku xirkii u dhexeeyey markhaatiyada iyo xubnaha xeerbeegtida.

37 Codsiga talaabooyinka gaarka ah waxaa inta badan lagu sameeyaa dhegaysadka ka horeeya qaadista maxkamadda.

38 Hadaan la sheegin tani waxay khusaysaa maxkamadaha Majisteraydka iyo Karawnka labadaba.

39 Marka laga reebo qof yar oo lagu xukumayo maxkamadda Dhalinyarada, oo loo ogolaaday inuu waalidkii ama

mas’uuliyiintiisa la joogo iyo wakiilkiisa markuu cadaynta bixinayo iyo dhamaan inta maxkamadda la qaadayo..

39

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Markaad jawaabta bixinaysid sare u hadal si ay kuu maqlaan xaakimka iyo xeerbeegtidu. Qodobka

ku ekow lagu waydiiyey sida ugu saxsanna u bixi faahfaahinta. Haddaadan waxa garanayn, sheeg.

Haddaadan xusuusan karin faahfaahin gaar ah, sheeg. Tan ugu muhiimsana waa inaad runta

sheegtid. Xeerbeegtidu way aqoonsanayaan runta sidaas darteed markaad bixinaysid cadaymaha

toos u eeg xeerbeegtida kana dhigo inaad la hadlaysid saaxiib adigoo u sheegay wixii dhacay.

Gaar ahaan isku day inaad daacad ka noqotid dhacdooyinka ku xiriirsan sida waxaad cabtay ama

daraago aad qaadatay. Haddaad is ilaaliso amaad qariso faahfaahintan xeerbeegtidu way

dareemayaan inaad leexleexanaysid waxaana dhici karta qareenka difaacu inuu ka faa’iidaysto

isagoo kuu muujinaya inaad tahay qof aan la aamini karin. Haddaad gaar uga werwersan tahay la

xiriir ururada sharciga sida Xuquuqda Dumarka inay kaa siiso fikrad waxaad ka filan karto

maxkamadda. Waxaad la soo xiriiri kartaa Xuquuqda Dumarka meelkasta oo dacwaddu marayso

iyagoo ku siinayo talo/akhbaar sharci oo khuseysa su’aalahaad qabtid.

9.6 WAYDIINTA SU’AALAHA

Markaad dhamayso dhankaaga sida wax u dhaceen qareenka eedaysaha ayaa ku waydiin doona

su’aalaha. Eedaysanaha looma ogola inuu wax su’aala ku weydiiyo ama toos kuula hadlo. Waxaa

dhici karta inaad maqashay inuu eedaysanuhu wax su’aali karo markhaatiga dacwaddaha

galmada: sidaasay ahaan jirtay laakiin hadda lama ogola. Haddii eedaysanuhu yahay

dhalinyaro laguna qaado maxkamadda Dhalinyarada 40 waalidkii ama mas’uuliyintiisa ayaa loo ogol

karaa inay ku su’aalaan haddii aanu lahayn qareen metela.

Faham in shaqada qareenka difaacu tahay inuu baadho cadaymaha lagu haysto eedeysanaha

markaa su’aalihiisu waxay noqonayaan dooda eedeysanaha ama cadaymo kale, oo sheegaya in si

kale wax u dhaceen, ama cid kale dembiga ka mas’uul tahay. Waydiinta su’aalaha ma jiraan

xeerar reebaya weydiinta su’aalaha ku horseedaya. Qareemada difaaca waxaa jira xeer

akhlaaqeed xiraya mana aha inay ku waydiiyaan su’aalo cay ah, ku sharif ridaya ama kaa

caraysiiya. Haddii qareenka difaacu ku waydiiyo su’aal shakhsiyadaada ku saabsan ama

aaminimadaada, waa inay rumaysnaadaan inay taasi run tahay ee aanay ahayn keliya in lagugu

weeraro ama wax lagugu yeelo. Xaakimku ama Majistreydyadu waa inay hubsadaan dhamaan

su’aaluhu inay yihiin kuwo akhlaaq ku dheehan khuseeyana arinta markaa dacwadda lagaga

hadlayo.

Taasoo jirta, hadana waxaa dhici karta in lagu waydiiyo su’aalo kuu muujinaya inaadan run

sheegayn ama khaldan tahay ama aan laysku kaa halayn karin. Isdhaafka cadaymaha aad

maxkamadda siisay iyo bayaanka aad boliiska siisay ayaa wax lagaa waydiinayaa waxaana lagu

waydiin karaa inaad sharaxdo.

9.7 TAARIIKHDA GALMOOYINKAAGII HORE

1999 waxa Baarlamaanku wax ka bedelay sharciga ku saabsan isticmaalka cadaymaha taariikhda

galmada: Xeerka Cadaymaha Dembiga iyo Cadaalada Dhalinyarada 1999 wuxuu ahaa iskudayid

in laysu miisaamo baahida in la soo bandhigo cadaymaha khuseeya dacwaddaha kufsiga iyo in

laga ilaasho markhaatiyada baylahda ah jahawareerka su’aalaha xanuunka badan ee ay

waydiinayaan eedaysanayaasha iyo qareenadoodu. Isbedelka sharcigu wuxuu xadiday awooda

qareenka difaacu wax ku waydiin karo badbaadaha iyadoo la xadaynayo marka su’aalaha ku

saabsan taariikhda galmadeeda la waydiinayo.

Xeerka guud waqtigan wuxuu yahay inaan loo ogolayn qareenka difaaca inuu caadi ahaan kuu

waydiiyo su’aalo ku saabsan khibradda galmo aad dad hore ula yeelatay, uu ku jiro eedaysanuhu.

Xaqiiqa ahaan sharcigu wuxuu saarayaa diidmo guud in wax lagaa su’aalo dhaqankaaga galmada

iyadoon xaakimka fasax laga haysan. Xaakimku inuu bixiyo fasaxa maaha ilaa cadayntu ay

buuxinayso shuruudo keeni kara haddii la diido in xeerbeegtida gudoonkoodu noqdo mid aan la

aamini karin. Su’aal kastoo la waydiiyo ama cadaynta la helo natiija ahaan waa inay ku xiran tahay

40 Kuma jiraan xadgudubyada dembiyada halista ah ee laysaga galmooday futada ama siilka iyadoo la isticmaalay guska

ama sheeyo kale ama guska oo la geliyey afka – waayo xaaladahaas waxay noqonaysaa qofka dhalinyarada ah in

lagu xukumo maxkamadda Karawnka.

40

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

tusaale gaara oo dabeecadaada ah. Laguma waydiin karo su’aalo kala duwan si loo helo cadaymo

guud oo ku saabsan caadooyinkaaga galmada.

Xeerkani ma khuseeyo xeer ilaalinta sidaas darteed kama joojinayo xeer ilaaliyuhu inuu tibaaxo

xiriirkii hore eed la lahayd eedaysanaha; tusaale ahaan furitaanka wuxuu u sheegi karaa

xeerbeegtida inaad adiga iyo eedaysanuhu waqti xiriir lahaydeen ama is arki jirteen, si uu muuqaal

uga bixiyo dembiga. Xeer ilaaliyuhu waa inuu iska jiraa inuu ku waydiiyo su’aalo kugu ambiya

xiriiradaadii galmada ee hore haday u sahlayso qareenka difaacu inuu arinta halkaa ka sii wado

markuu ku su’aalayo.

Haday werwer kugu hayso in xeer ilaaliyuhu hadalkiisa ku sheego taariikhdaada galmada ee hore

ama soo debed dhigida waqtiga cadaymaha waxaa suurtagala inaad kala hadashid xeer ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyuhu waa inuu go’aansadaa sida ugu wanaagsan ee dacwadda loo wadayo kaalamana

hadlayo waxaad ka oran lahayd cadaymaha laakiin waa inuu si dareen leh kuu dhegaystaa

tixgeliyaana arigtidaada.

Xaakimka mas’uuliyad ayaa ka saaran inuu hubsado in qareenka difaacu aanu xeerka dhaafin

kuna waydiin su’aalo guud oon shaqo ku lahayn arimaha dacwadda. Maxkamaduhu waxay ku

adkaysteen inaan laguula dhaqmin si cadaalad daro ah markay yimaadaan su’aalaha

taariikhdaadii hore ku saabsan.

Way ku caawinaysaa inaad ogaatid marka su’aalahan la ogol yahay iyo marka kale.

Maxkamaduhu waxay yiraahdeen waxay ku xiran tahay siday u khuseeyaan (oo micneheedu

yahay hadba inta muhiimad ay u leedahay arimaha dacwadda); wixii intaa dhaafsiisan, aad bay u

adag tahay in la xariiqo barta wax kala qaybinaysa. Aakhirataanka waxay ku xidhnaanaysaa

xaqiiqaha gaarka ah ee dacwaddaada iyo sida xaakimkaa gaarka ahi u qiimeeyo. 41 Kuwo soo

socdaa waa tilmaamid:

Kuwa ay u dhowdahay in aan la ogolaan:

• Micneheedu maaha hore haddaad u ogolaatay inaad markalena ogolaanaysid. Haddii

qareenka difaacu isku dayo inuu isticmaalo mar hore ood galmo ogolaatay labadiina ah si uu u

cadeeyo inaad markana ogolaatay, in taas qareenka difaaca loo ogolaado maaha.

• Haday jiraan dhowr mar ood wasmo samayseen, xitaa haday tahay waqti dhow, iyadoo aanu

jirin xiriir kalgacal, waxay u dhowdahay inaan la ogolaan in su’aalo layska waydiiyo.

• Halka dabeecada galmada ee wax lagaa waydiinayaa aanay isla waqti la dhicin dembiga lana

mid ahayn laguna sharixi karin inay isku soo beegmeen, waxay u dhowdahay inaan loo

ogolaan inuu wax kaa su’aalo.

La ogolaan karo:

• Hadduu eedeysanuhu ku doodo inaad ogolaatay uuna cadeeyo inuu idinka dhexeeyey xiriir

hore oo ogolaansho galmo ah labadiina, su’aalaha waa la ogolaan karaa si loo muujiyo

sababahaa dartood, inuu rumaysnaa inaad markana ogolaatay.

• Hadduu jiray xiriir waqti dhowaa oo lahaa kalgacal iyo isu dhowaansho labadiina adiga iyo

eedeysanaha, su’aalaha waa la ogolaan karaa si loo muujiyo inuu rumaysnaa inaad markana

ogolaatay.

• Hadduu eedaysanuhu yiraahdo waad ogolaatay dabeecada galmada uu rabo in wax lagaa

waydiiyaana dhacday (qasab maaha inaad isaga la samaysay) isla waqtigaa faraxumaynta –

su’aalaha waa la ogolaan karaa.

• Hadduu eedaysanuhu yiraahdo waad ogolaatay dabeecada galmada uu rabo in wax lagaa

waydiiyaana ay la mid tahay waxa markan dhacay - ama

41 Eeg R v A (no 2) [2002] 1 A.C; R v R (CA (Crim Div), [2003] EWCA Crim 2754

41

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

• …ay la mid ahayd dabeecadahaaga kale ee galmada (waa sida uu leeyahay) inay dhacday isla

waqtiga dembiga – su’aalaha waa la ogolaanayaa hadaanay isku mid ahaanshuhu aan lagu

sharixi karin inuu iska dhacay.

Liistadu waxay muujinaysaa inaan la ogolaan guud ahaan su’aalaha ku saabsan ficilada galmada

eed la yeelatay eedaysanaha (ama cid kale) waqtigooduna dhowayn iyo/ama aan la mid ahayn

faraxumaynta. Sidaas ka sokow, maxkamadaha waxaa saaran waajib inay u akhriyaan sharciga

inuu la jaanqaado xuquuqda eedaysanahu inuu helo maxkamad cadaalad ah markastay suurtagal

tahay. 42 Xaakimadu islamay ogolaan siday u turjuman lahaayeen sharcigan. Waxaa wanaagsan

inaad isu sii diyaariso inaad ka jawaabtid su’aalaha adigoo waqti hore qorshaysana sidaad uga

jawaabi lahayd.

Shuruudaha Xeerka 1999 ee ku saabsan taariikhda galmadu islama bedelin Xeerka Dembiyada

Galmada 2003 laakiin isbedelka Xeerka cusub ayaa faraya in eedeysanuhu noqdo ‘macquul’

rumaysashaddiisa ogolaanshaha. Waxaa la rajaynayaa inay tani xaddido xaaladaha uu xaakimku

ku ogolaan karo in wax lagaa waydiiyo taariikhdaada hore ee galmada.

Waa muhiim in la ogaado in xaakimku ogolaado su’aalaha ku saabsan dhacdooyin gaara.

Qareenka difaacu kaama waydiin karo su’aaluhuu doono taariikhdaada hore; xaakimku maaha

inuu ogolaado wax su’aalo ah hadaan qareenka difaacu u muujin inay noqonaysa khalad in

dacwadda la sii wado la’aanta cadaynta su’aashu ay soo debed dhigayso.

Waxaa jira codsi uu samaynayo qareenka difaacu hadduu rabo inuu soo geliyo dacwadda

taariikhdaada galmada. Tani waxay bilaabaysaa dood sharciya oo xaakimku go’aankeeda u

dambeeya leeyahay. Xeer Ilaalintu mas’uul bay ka tahay inay ku sheegto go’aanka xaakimka inuu

ogolaaday in su’aalaha lagu waydiiyo iyo inkale, waxaa suurtagal ah inaad xaq u yeelato mid ama

ka badan talaabooyinka gaarka ah 43 aadan hore xaqa ugu yeelan; maadaama su’aaluhu yihiin

kuwo shakhsiya ooy suurtagal tahay inay kugu adkaadaan qaadashadoodu.

Waqtiga qoraalkan waxaa Xafiiska Arimaha Guduhu eegayaa qaybtan sharciga siday u

shaqaynayso iyo inay gaarayso ujeedooyinkii laga lahaa in lagu horumariyo sida loola dhaqmo

maxkamadda gudaheeda markhaatiyada baylahda ah ama baqaya iyo inkale.

9.8 DIB U EEGIS

Marka la dhameeyo su’aalahii lagu waydiinayey xeer ilaaliyuhu waxuu ku waydiin karaa su’aalo

dheeraada. Kuwan waxaa loo yaqaan “dib u eegis” danta laga leeyahayna waa in la waadixiyo

arimihii su’aalaha lagaa waydiiyey. Xeer ilaaliyuhu ma isticmaali karo su’aalo ku horseeda.

9.9 SU’AALAHA XAAKIMKA

Marmarka qaarkood xaakimku wuxuu ku waydiin karaa su’aalo inta lagu jiro cadaymaha si aad u

waadixisid arin.

9.10 MARKAAD BIXISID CADAYMAHA

Markaad bixisid cadaymaha xeer ilaaliyaha ayaa codsi u gudbinaya maxkamadda. Haddii la

aqbalo, waxaad noqonaysaa fasax inaad ka baxdid daarta maxkamadda. Haddaad rabtid, waad

joogi karaysaa adigoo ka daawanaya dacwadda halka dad waynaha loogu talagalay.

Waa in laguu siiyay foomka codsashada kharashka safarka iyo kharashyada kale sida daryeelka

caruurta ama dakhli aad ku wayday imaatinka maxkamada. Kharashyadan waa in lagugu siiyaa 5

ilaa 10 maalmood gudahood markaad dhiibtid foomka ood si fiican u soo buuxisay.

Waa in xeer ilaaliyuhu kuu sharaxaa, intii suurtagal ah haddaad sugaysid gudoonka maxkamadda,

natiijada dacwadda.

42 Xeerka Xuquuqda Bini’aadninimo 1998 (HRA), Qormada 3.

43 Eeg faalada ku saabsan talaabooyinka gaarka ah.

42

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

9.11 CADAYMAHA KALE

Markhaatiyada kale caadiyan adiga ka dib ayay bixinayaan cadaymahooda. Haddaad u sheegtay

qof faraxumaynta waqti yar ka dib tusaale ahaan, qofkaa waxaa loo yeedhi karaa si uu sheego

waxaad ku tiri. Tan waxaa loo yaqaan cadaymaha dacwadda dhow waxayna caawini kartaa

aaminimadaada. Waxay ka mid tahay mararka qura ee maxkamaddu muhiimad siiso waxa

dhibanaha dembigu u sheego qof saddexaad oo aan ahayn dhakhtar ama sarkaal boliisa oo

baadhaya dacwadda. Haddii qareenka difaacu aanu diidin qaybta markhaatiga, bayaanka qoran

ayaa loo akhriyi karaa maxkamadda. Tani waxay dhacdaa marka cadaymaha cilmiga ah (sida

helitaanka DNA eedaysanaha) aanu diidanayn difaacu ama cadaymaha caafimaadka (tusaale

ahaan markay jiraan dakharo) aan la diidanayn. Habka kale ee cadaymaha aan la diidanayn loogu

sheegi karo maxkamaddu waa ‘ogolaansho’. Ogolaanshuhu waa heshiis dhexmaray difaaca iyo

xeer ilaaliyaha oo qoraal ah maxkamadana loo akhriyo. Waxuu ku saabsan yahay xaqiiqooyin lagu

heshiiyey.

Dhamaadka dacwadda, marka la dhegeysto dhamaan cadaymaha lagu hayo eedaysanaha, xeer

ilaaliyaha ayaa maxkamadda u sheegaya in dhamaadkii dacwadda la soo gaaray. Xaakimku

marxaladan wuxuu go’aansan karaa inay jirto dacwad adag oo loo dhiibo xeerbeegtida iyo inkale. 44

Haddii kale, hadaanay jirin wax ogolaansho ah dhinaca difaaca xaakimkuna ku faraxsan yahay

inay dacwaddu socoto, waxaa bilaabmaya dacwadda difaaca isla marka ay dhamaato tan xeer

ilaaliyuhu. Dacwadda difaacu waxay ku bilaabantaa cadaymaha eedaysanaha ooy ku xigaan

markhaatiyaal taageeraya dacwaddiisa, hadaanu eedaysanuhu diidin inuu cadaymaha bixiyo. 45

Waqtiga su’aalaha la waydiinayo eedeysanuha waxaa laga ilaaliyaa su’aalaha muujinaya inuu

shakhsiyad xun leeyahay. Xitaa markuu leeyahay dembiyo hore, wax lagama waydiin karo

arimahan, xaakimkoo ogolaada maahee. Ilaalintan waxaa loo yaqaan ‘gaashaan’. Marmarka

qaarkood wuxuu ogolaanayaa su’aalaha, oo ka dhigaysa inuu eedaysanuhu waayey

‘gaashaankiisii’ laakiin duruufaha ay tani ku dhacdaa aad baa sharcigu u xadiday. 46 Eedaysanuhu

wuxuu khatar ugu noqonayaa inuu waayo ‘gaashaankiisa’ hadduu ku eedeeyo (shakhsi ahaan

markuu cadaymaha dhiibanayo ama qareenkiisa) waxyaalo aad wax ugu dhimaya aaminaada

markhaatiga.

Dhamaadka dacwadda difaaca, xeer ilaaliyaha iyo difaacuba waxay siiyaan xeerbeegtida

‘khudbadii xiritaanka’, iyadoo midkastaaba uu carabka ku adkaynayo nuqdadihiisa culus iyo kuwo

liita ee kan kale. Waxay la yeelan karaan faalo xaakimka, xeer ilaaliyaha iyo difaacu ku saabsan

arimaha sharciga, ka hor intaan xaakimku guudmar ugu samayn xeerbeegtida dacwadda.

9.12 GUDOONKA

Majisteraydyadu uma baahna inay isku raacaan dhamaantood gudoonka.

Markay 3 yihiin Majisteraydyadu 2 ay isku raacdo hal aragti, aqlabiyadaas ayaa yeelanaysa

gudoonka. Haday yihiin Majisteraydyadu 2 aynu isku raaci waayaan, dib ayaa loo dhigayaa

waxaan markale dhegaysan doona dacwadda Majisteraydyo kale.

44 Eeg 'Dacwad laga jawaabaa ma jirto' xagga sare.

45 Eedaysanaha laguma qasbi karo inuu bixiyo cadaymaha (eeg Xeerka Cadaymaha Dembiyada 1898, Qormada 1)

hadduu bixiyo cadaymaha iyo haddii kaleba, waxaa laysku halaynayaa kuwa kale inay ka bixiyaan cadaymaha

arimaha lagu muransan yahay ama in laga hadlo shakhsiyadiisa.

46 Ogolaanshaha cadaymaha eedaysanaha shakhsiyada xun waxay saamaysaa Xeerka Cadaaladda 2003,

qormooyinkiisa 101 ilaa 108, kuwanoo dhaqangeli doona ugu dambayn April 2005 iyo December 2004. Nidaamka

hadda in laga saaro shakhsiyada xun ilaa ay xaaladaha gaari khuseeyaan, waxay isu bedeli doontaa nidaam in lagu

daro shakhsiyada xun haddii, waa haddii keliya xaaladaha gaari khuseeyaan. Xaaladahaa gaarka ah waxaa ku jira

marka eedaysanuhu weeraro shakhsiyada qofka kale. Isbedelkani wuxuu keeni karaa in eedaysanaha dembiyadiisii

hore la soo hordhigo xeerbeegtida, ooy weheliso cadaymaha anshax xumada xagiisa ah, hadduu cadayn ku bixiyo

inaad adiga (ama markhaati kale) gashay dembi ama u dhaqantay (doonaysay inaad u dhaqanto) hab, aragtida

maxkamadda, loo arki karo midaanu qaadan karin ‘qofka macquulka ahi’.

43

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Maxkamadda Karawnka, waxaa la waydiiyaa xeerbeegtidu inay gaadhaan gudoon loo dhan yahay

– waa gudoon ay dhamaantood isku raaceen. Marka waqti cayimani dhamaado 47 iyagoon gaadhin

gudoon loo dhan yahay waxaa loo sheegaya inay gaadhi karaan gudoon aqlabiyad ah, sidaas waa

marka 11 ogolaato 1 diido ama 10 ogolaato 2 diido.

Marmarka qaarkood xeerbeegtidu kuma heshiin karaan inay gaadhaan gudoon, waa in markaa

xaakimku kala diraa. Tani lama mid aha sii daynta – xeer ilaalintaa go’aansanaysa inay dib u

xukunto eedaysanaha xeerbeegti cusub, duruufo gaara keliya ayaa laga joojinayaa inay sidaas

yeesho. 48

Waxay dhici kartaa waxyar iyo xaalado aan caadi ahayn inuu xaakimku su’aal ka keeno gudoonka

xeerbeegtida; 49 inta badan, xaakimku waa inuu aqbalaa gudoonka xeerbeegtida xitaa hadduunun

ku raacsanayn.

9.13 SAAMAYNTA GUDOONKA DEMBI KU WAAYISTA

Haddii eedaysanaha dembiga lagu waayo (la sii daayo) dib looguma saari karo maxkamad isla

dembigii marka laga reebo siidaynta ‘madowgu ku jiro’ (si u barxan) tusaale ahaan, waxaa la cabsi

geliyay xeerbeegti ama markhaati. Haddii taasi dhacday xeer ilaalintu waxay ka codsanaysaa

maxkamadda Sare inay bixiso amar ay ku masaxayso gudoonka waxaana dib loo furayaa

maxkamaddii. Xeer ilaalintu waxay dib u bilaabaysaa maxkamad iyadoo ku salaynaysa cadaymo

cusub laakiin tani caadi maaha.

Haddii eedaysanaha dembiga lagu waayo micneheedu maaha laguma faraxumayn. Dembiga oo

lagu waayaa (sii deynta) uma ahay cadayn eedaysanuhu inuu dembi laawe yahay laakiin waxay

tahay in xeer ilaalintu ku cadayn kari wayday dembiga heerka sareeya ee layska rabo awgeed –

inay dhaafsiisan tahay shaki macquula. Iskuday inaadan ogolaan sii dayntani inaanay burin

khibradaada xadgudubka galmada. Dabcan waxaad dareemaysaa niyad jab laakiin xitaa haday

tani jirto badbaadayaashu waxay yiraahdeen kamay qoomamoon sii wadida dacwadda. Ma fiicna

inaad u macnaysatid siidaynta in lagu rumaysan waayey oo isaga la rumaystay. Waxay tahay xeer

ilaalinta oo cadaymo ku filan u wayday intii looga baahnaa.

9.14 DEMBI KU HELISTA

Marka eedaysanaha dembiga lagu helo 50 waa in la xukumaa. Maxkamaddu isla markiiba way

xukumi kartaa ama dib ayay u dhiganaysaa si ay u eegto taariikhdiisa, xukunadii hore iyo

taariikhda xanuunada nafsada. 51 Majistreydyadu inta badan dib ayay u dhigaan si ay wax badan

uga ogaadaan eedaysanaha ka hor intaanay xukumin, xaakinada maxkamadda Karawnka lama

malayn karo. Waxay haystaan ikhtiyaar balaaran ooy kaga maarmaan warbixinada xukunka ka

horeeya ee dembiilayaasha qaangaarka ah iyagoo u arka warbixintu inaanay muhiim ahayn –

tusaale ahaan marka xadhigu lama huraan yahay warbixintuna waqti lumis ay tahay. Haddii

dembiiluhu ka yar yahay 18 iyo/ama warbixinta loo arko lama huraan difaacu wuxuu

waydiisanayaa maxkamadda in dib oo dhigo inta warbixinada laga diyaarinayo. Waxaa jiri kara

arimo gaara oo difaacu doonayaan inuu xaakimku tixgeliyo, sida eedaysanaha xaaladiisa

maskaxeed ama caafimaad, oo adag in la qiimeeyo aragtida qof khabiira la’aantii. Warbixinada

caynkani waxay ku yeeshaan raad wayn go’aanka xukunka.

47 Ugu badnaan 2 saacadood iyo 10 miridh; xaakimkaa go’aansan kara inuu siiyo waqti intaa ka badan xeerbeegtida

wuuna samaynayaa gaar ahaan dacwaddaha dhaadheer, halista ah ama adag.

48 Tusaale ahaan marka ay jirtey daahid waqti dheer qaadatay dembiguna aanu ahayn mid halisa.

49 Tusaale ahaan haddii xeerbeegtidu ay xukumaan dembi aan la oogin; haddii go’aanka xeerbeegtidu uu caddaan

waayo; ama haddii xeerbeegtidu ay ka sameeyaan labo gudoon eedeeyno kala duwan oo aan isku mid ahayn isna

dhaafsanaa, marka cadaymaha loo eego.

50 Isla nidaamka ayaa loo raacayaa qirashada dembiga.

51 Qirashada dembiga ka dib waxaa kaloo la eegi doonaa dembiga, tusaale ahaan siduu iyo sababtuu u dhacay.

44

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

Haddii warbixini jirto, adeega asluubta ayaa wardoonista samaynaya waxayna qaadataa ilaa 4

asbuuc. Warbixint dhakhtarku waxay qaadan kartaa waqti intaa ka badan haday noqoto inay

arkaan eedeysanaha. Eedaysanaha waxaa lagu sii dayn karaa damaanad waqtigan xitaa haddii

xukunku uu noqonayo xadhig laakiin waa inuu ka qanciyaa maxkamadda inuu u soo noqon doono

xukunka. Dacwadda halista ah ee maxkamadda Karawnka, ee la filanayo in eedaysanaha loo diro

xabsi, waxay u badan tahay in lagu sii hayo xadhiga inta la diyaarinayo warbixinada.

45

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

10. QAADISTA MAXKAMADDA KA DIB

10.1 XUKUNKA

Maxkamadda waxaa u furan dhowr arimood inay ka yeesho dembiilaha marka lagu helo dembiga.

Xabsiga ayaa loogu diraa dembiyada kuwooda halista ah. Majisteraydyadu waxay bixin karaan

ugu badnaan 6 bilood dembiga keliya ama ugu badnaan 12 bilood markay jiraan dembiyo dhowri.

Majisteraydku waxay u diri karaan dembiilaha maxkamadda Karawnka haday u arkaan in dembigu

u qalmo xadhig ka badan 6 bilood. Maxkamadda Karawnka xaakimka ayaa iska leh xukunka.

Maxkamada kastoo xukumaysa, waad tegi kartaa xukunka haddaad rabtid. Xaakimka

maxkamadda Karawnku, sida Majistreydyada, wuxuu haystaa siyaabo badan oo uu u xukumi karo,

xadhiga ka sokow. Kuwan waxaa ka mid ah xukunka u adeegista bulshada 52 ama ganaax.

Ganaaxa waxay u badan tahay inay xukunto maxkamadda Majisteraydku waxaana la raacin karaa

xukunka bulshada. 53

Kufsiga iyo xadgudubyada galmada halista ah waxaa lagu xukumaa maxkamadda Karawnka oo

xukunkeedu ka khatarsan yahay kan Majisteraydka. Dembiyadani waxay soo jiitaan xukun waqti

dheer, halka ugu saraysaa ay tahay xabsi daa’im – sida kufsiga iyo faraxumaynta wax gelinta.

Xitaa kan ugu badan ee xabsi daa’imka micnihiisu maaha inuu dembiiluhu noloshiisoo dhan

xabsiga ku dhamaysanayo. Dacwaddaha qaar xabsi daa’imku waa daa’im noloshiisa oo dhan uu

ku qaadanayo xabsiga umana qalmayo inuu qaato siidaynta akhlaaqda iyo dhaqanka laysku sii

daayo.

Xukunka xabsi daa’imku wuxuu leeyahay saddex qaybood; qaybta koowaad waa xariga ugu yar

( waqtiga inuu xidhnaado ay tahay ka hor intaanu u qalmin in loo aqoonsado ogolaansho in lagu

soo daayo). Qaybta labaad waa waqtiga maxbuusku ku jiro xabsiga markay u dhamaato xariga

ugu yar waayo waxaa aad u saraysa khatarta uu gelinayo bulshada haddii lagu soo daayo. Inta

badan qaybtan labaad ma jirto waayo maxbuusyadu marka la qiimaynayo ma jiraan wax khatar ay

ku keenayaan bulshada ama aad ayay u yartahay. Qaybta saddexaad waxay bilaabanaysaa

marka la soo daayo ilaa dhamaadka noloshiisa. Ama wuxuu ku joogayaa ogolaansho bulshada

dhexdeeda ama, haddii dabeecadiisu werwer keento, waxaa lagu celinayaa xabsiga ilaa waqti

danbe inta looga aqoonsanayo in lagu sii dayn karo ogolaansho.

Xukunada ugu dheer waxaa loo sameeyey dembiyada kuwooda ugu xun. Maxkamaddu markay

xukumayso waxay talada ku darsanaysaa duruufaha kale ee wax lagu khafiifiyo, oo la xiriira

dembiga iyo/ama eedaysanaha, uu u suurtagelinaya maxkamaddu inay bixiso xukun gaaban.

Tusaale ahaan inuu eedaysanuhu qabo kansar oo kale ama uu qabay dhibaatada daraagada oo

ba’an waqtiguu dembiga galay, laakiin hadda joojiyey. Kuwan waxaa lala miisaamayaa

waxyaabaha daran ee dembiga ka sii dhigaya halis. Kufsigu marwalba waa dembi halis ah oo u

qalma xadhig degdeg ah 54 hadaanay jirin duruufo khaasa oo daran.

Markay go’aansanayso dhererka xadhiga maxkamaddu waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta

bulshada wayna eegaysaa muquunis aan loo baahnayn hadduu isticmaalay dembiiluhu; wixii hub

uu u isticmaalay inuu kugu cabsiiyo ama wax kugu yeelo; hadduu ahaa dembi la sii qorsheeyey

ama lagu celiyey; inuu hore u lahaa dembiyo kuwaa la mid ah; inuu kugu sameeyey sharaf rid;

da’daada – haddaad tahay waayeel ama qof lixaad la’ way sii cuslaynaysaa dembiga. Ugu

danbayn, Bayaanka Dhibanaha ee Gaarka ah ayuu xaakimku tixgelinayaa markuu xukunka

go’aansanayo: gaar ahaan wuxuu xaakimku eegi karaa dembigu siduu kuu saameeyey jismi

52 Tusaale ahaan amarka dhaqan celinta, amarka ciqaabta, bandowga, ilaalinta, amarka xarumaha layska xaadiriyo,

amarka dawaynta iyo baadhitaanka daroogada.

53 Waxaa jira xukuno kala duwan oo ay ku jirto fasaxiddu, maadaama aan kan loo isticmaalayn xitaa dacwaddaha ugu

yaryar faraxumayna galmada, buugan lagagama hadlayo.

54 Dembiiluhu wuxuu ka yaryahay 21 jir dembiguna wuxuu u yahay xabsi daa’im qofka wayn, waxaa lagu xukumayaa

inuu ku xidhnaado daa’imkiis xarumaha dembiilayaasha yaryar. Haddii kale, iyadoo ku xiran da’diisa saxa ah waxaa

lagu haynayaa xarumaha dembiilayaasha yaryar waqti inta ka gaaban ama waxaa la siinayaa xadhig iyo amarka

tababarka.

46

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

ahaan, maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, noloshaada iyo tan qoyskaagaba. Hadaanay jirin

duruufo gaari, marka tani tahay kufsigii labaad ama isku daygii labaad, waa in lagu xukumaa xabsi

daa’im intii doontaa ha u dhaxayso labada xukun. 55

10.2 KA SII DAYNTA XABSIGA

Dembiilaha waxaa lagu sii daynayaa – ogolaansho, micneheedu yahay inay siidayntu ku

xidhnaanayso shuruudo lagu qeexay ogolaanshaha, ooy ku jirto inuu ilaasho sarkaalka asluubtu.

Haddii lagu qabto dembi lagu xidhi karo inta uu ogolaanshaha ku joogo ama jebiyo shuruudaha loo

dhigay siidaynta ogolaanshaha, waxaa lagu celin karaa xabsiga si uu u dhamaysto xukunka.

Waqtiga uu xidhnaanayo ka hor intaan la soo dayn, iyo in soo dayntiisu ay ogolaansho tahay

waxay ku xidhnaanaysaa dhererka xadhiga: haddii dembiilaha lagu xukumay in ka yar 12 bilood

wuxuu xidhnaanayaa kalabadh waqtigaa lagu xukumay waxaana lagu sii daynayaa shuruud li’i.

Inta waqtiga lagu jiro dib baa loogu yeedhi karaa inuu xabsiga dhamaysto hadduu galo dembi lagu

mudan karo ciqaab xadhig ah.

Haddii dembiilaha lagu xukumo inta u dhaxaysa 12 bilood ilaa 4 sanadood wuxuu dhamaysanayaa

kala badh xukunka ka dibna waxaa lagu soo daynayaa ogolaansho ay la socoto ilaalin.

Dembiilayaasha galmadu way ku qasban yihiin ilaalinta ilaa ay ka dhamaysanayaan waqtiga

ogolaanshahooda. Mar labaad, tani waxay ku xidhan tahay inaanu gelin dembi lagu xidhi karo

waqtigaa gudihiisa. Haddii dembiilaha lagu xukumay 4 sanadood, wuxuu dhamaysanayaa inta u

dhaxaysa 1/2 iyo 2/3 meelood xukunkiisa, iyadoo ku xidhan in Gudiga Ogolaanshaha Siidayntu

soo jeediyo in lagu sii daayo ogolaansho. Haddii xabsi daa’im lagu xukumay, Xoghayaha Arimaha

Gudaha ayaa ku siin dayn kara ogolaansho haddii Gudiga Ogolaanshaha Siidaynta soo jeediyaan.

Waa inuu la tashadaa Gudoomiyaha cadaalada iyo xaakimka maxkamadda ka hor intaanu

go’aanka gaadhin.

10.3 XEERARKA CUSUB EE XUKUMISTA

Xeerka Cadaalada Dembiyada 2003 wuxuu wax ka bedelay awooda xukumista ee maxkamadaha,

taasoo ku yeelan doonta saamayn wayn dembiyada galmada. Xeerku wuxuu sameeyey hab cusub

oo shacabka loo ilaalinayo iyo siidaynta ogolaanshaha. Siidaynta ogolaanshuhu maxaabiista

qaarkood waxay u ogolaatay inay xabsiga ka soo baxaan, iyadoo weli ay jiraan xadidaad la

saarayo xoriyadooda. Tani waxay ka caawinaysaa maxaabiistu inay bulshada dib u dhexgalaan

iyagoo la ilaalinayo iyo inay si dhakhso ah shaqo u helaan.

Nidaamkan cusub ee Xeerka, maxaabiista lagu xukumay sanadka ama inta ka badan waxaa lagu

sii daynayaa ogolaansho markay dhamaystaan kalabadh xukunkooda, hadaan loo arag inay

bulshada khatar u yihiin. Haddii loo arko inay bulshada khatar u yihiin, waxay helayaan waqti

dheeraada oo lagula socdo ama xadhig lagaga badbaadinayo bulshada. Si kaystooy tahay, sii

dayntoodu ma noqonayso toos marka la marayo kala badhka xukunkooda. Waxay ka codsan

karaan Golaha Ogolaansho in lagu sii daayo kalabadhka xukunkooda, waxaana Golaha

Ogolaanshuhu eegi doonaa in khatartoodu tahay mid lagu maamuli karo bulshada dhexdeeda.

Mustaqbalka maxaabiista lagu qiimeeyo inaanay wax khatar ah keeneyn waxaa lagu soo

deynayaa ogolaanshaha ilaa inta xukunkoodu ka dhamaanayo, halka ay hadda ka tahay ¾

meelood – amaan-sugidda awgeed. Tan micneheedu waxaa weeye in dib loogu yeedhi karo haday

jebiyaan shuruudaha ogolaanshaha.

Xukunka la dheereeyey iyo xukunka bulshada lagu ilaalinayo waxaa loogu talagalay

dembiilayaasha galmada oo maxkamaddu ku qiimayso inay yihiin khatar. Dembiilayaasha

sameeya dembiyada galmada iyo ku rabshadaha waxaa la siin karaa xukun la dheereeyey, laguna

dari karo ilaa sideed sanadood oo ilaalintood ah; xadhigana si buuxda ayay u dhamaysanayaan,

haddii Golaha Ogolaanshuhu dembiilaha u arki waayo mid ku haboon hore in loo sii daayo.

Dembiyada halista ah waxay heli karaan xukun xadhig ah oo bulshada lagaga ilaalinayo, taasoo

ogolaanaysa in la xidho waqti aan la cayimin.

55 Eeg Xeerka Awooda (Xukumista) Maxkamadda Dembiyada 2000 Qormada 109.

47

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

10.4 TALAABOOYINKA LAGAAGA ILAALINAYO DHIBAATOOYIN KALE

Waxaa lagu xoojiyey Xeerka 2003 waxyaabaha lagaga rabo dembiilaha galmadu inuu is sheego.

Waxaa loo yaqaan diiwaanka dembiilaha galmada. Waa talaabooyin dheeraada oo loogu talagalay

in adiga iyo dadweynahaba laga ilaasho iyadoo loo sheegayo boliiska meesha uu joogo

dembiiluhu. Boliisku way kuu sheegayaan haday tani khuseeyso dembiilahaaga. Haddii taasi jirto,

boliisku waxay haynayaan faahfaahinta dembiilaha waana inuu u sheego boliiska degaankiisa

cinwaankiisa iyo hadduu bedelo magaciisa; waana inuu boliiska la socodsiiyaa hadduu damacsan

yahay inuu debedda u dhoofo. Waa dembi hadduu faahfaahintaa soo sheegi waayo, isagoon

haysan cudur daar macquula. Dembiiluhu waxaa kaloo dhici karta inuu ku jiro amarka ka

hortegista dembiyada galmada (SOPO), kaasoo ka joojinaya waxkastoo ku xusan amarkan.

Amaradan waxaa loogu talagalay in lagaga ilaasho adiga iyo dadwaynahaba waxyeeladiisa halista

ah ee galmada.

Haddii dembiilaha lagu xukumay in ka badan 4 sanadood boliisku waa inay ku waydiiyaan inaad

doonaysid in lagu wargeliyo marka la soo deynayo ayna ku siiyaan fursad aad ku sheegtid

walaacaaga ku saabsan waxa dhici doona markuu soo baxo.

Haddaad naftaada u baqaysid waa inaad u sheegtaa boliiska: waxaa suurageli karta inaad heshid

amarka duruufaha qaarkood. Kani waa amar maxkamadeed oo u sheegaya qofka inuu joojiyo

samaynta walax.

Wuxuu noqon karaa ku meelgaadh – tusaale ahaan ilaa maxkamadda laga qaado ka dib – ama

wuxuu noqon karaa joogto. Waa suurtagal inaad heshid amar aad ku joojisid dembiilaha inuu ku

dhibo ama ku weeraro ama aad gurigaaga kaga fogaysid. Haddaad isqabteen ama wada

nooleeydeen markii uu kugu xadgudbay, amarka maxkamaddu wuxuu yeelan karaa awooda

xidhista. Waxaad u baahan tahay inaad muujisid inuu hore kuugu sameeyey xadgudub uuna

kuugu samayn doono. Awooda qabashadu waxay boliiska siinaysaa inay qabtaan qofka iska

dhega tira ama jebiya amarka. Markay boliisku qof ku soo qabtaan amarka awoodan waa inay ugu

gudbiyaan maxkamadda 24 saacadood gudohood.

Marka aanu amarku wadan awooda qabashada boliisku waxay u baahanayaan inay helaan fasax

ka hor intaanay ku soo qaban jebinta amarka. Waa inaad maxkamadda tagtaa si aad ugu

sharaxdid sida loo jebiyey amarka adigoo codsanaya in xabsiga loo diro. Maxkamaddu waa inay

bixisaa fasax si boliisku u soo qabtaan.

Waa dembi haddii qofku sameeyo wax amarka lagu yiri ha samaynin, isagoon haysan cudur daar

macquul ah. Maxkamaddu waxay ku xukumaysaa xabsi 56 kuna rogaysaa amar xanibaad ah,

taasoo lagu amrayo inuu joojiyo dhaqanka qaarkii ilaa muddo la cayimay ama ilaa amar kale. Waa

dembi, aad ku mudanaysid xukun xabsi, 57 inaad iska maahiso ama jebiso amarka xanibaada.

Waxaa suurtagal ah inaad heshid gargaarka kharashka sharciga aad ku codsanaysid amarka.

Haddaad u baahan tahay war dheeraada oo ku saabsan amarada la xiriir Hay’adda La talinta

Wadaniyiinta, Xuquuqda Dumarka ama qareen.

10.5 RAFCAAN KA QAADASHADA DEMBI KU HELISTA

Haddii dembiiluhu aanu qiran dembiga laakiinse ay ku hesho maxkamadda Majisteraydku waxaa

dhici karta inuu rafcaan u qaato maxkamadda Karawnka; cadaymaha ayaa mar kale ay eegayaan

xaakim iyo labo Majistreydyo ah.

Haddii dembiiluhu ka qaadanayo rafcaan dembiga ay ku heshay xeerbeegtida maxkamadda

Karawnka waa inuu helaa ‘leave’ 58 – waa fasaxa maxkamadda Rafcaanka – taasoo caadiyan uu

bixiyo ama diido hal xaakim. Haddii xaakimka qudhi ogolaado fasaxa rafcaanka, dacwadda waxa

56 Inta ugu badan 5 sanadood maxkamadda Karawnka iyo 6 bilood maxkamadda Majisteraytka.

57 Inta ugu badan 5 sanadood maxkamadda Karawnka iyo 6 bilood maxkamadda Majisteraytka.

58 Hadaanay maxkamadda Karawnku siinin shahaadada rafcaanka – tani oo inyar dhacda loona sameeyo sababo gaara

sida qodob sharciga ka mid ah oon cadayn.

48

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

qaadaya saddex xaakim oo fadhiya maxkamadda Rafcaanka. Rafcaanka waxaa la ogolaanaya

keliya haddii maxkamadda Rafcaanku go’aansato in dembi ku helistu tahay ‘mid aan aamin ahayn’.

Waxaa jira arimo dhowra oo ka dhigaya dembi ku helist midaan aamin ahayn; tan ugu badani waa

guudmarka gebagebada uu xaakimku ka sameeyo sharciga ama khaladaadka uu sameeyo

qareenka sare marka la qaadayo maxkamadda, kuwani markay saamayn ku yeeshaan amaanka

dembi ku helista. Tusaale ahaan haddii xeer ilaaliyuhu uu u sheegi waayey akhbaar qareenka

difaaca akhbaartaasoo wax ka bedeli lahayd habka qareenka difaacu u qaabilay dacwadda. Haddii

maxkamadda Rafcaanku u aragto gudoonka mid aan aamin ahayn way qaadacaysaa dembi ku

helista. Hadaanay maxkamaddu amrin in dib loo qaado maxkamadda dembiilaha waxaa loola

dhaqmayaa sidii isagoo dembiga lagu waayey waana la sii daynayaa. Maxkamadda waxaa dib loo

qaadaya keliya haday maxkamaddu u aragto inay danta bulshadu sidaa ku jirto; arimo dhowra

ayaa saamayn ku leh go’aanka uu ku jiro waqtiga ka soo wareegay; intuu dembiiluhu xidhnaa; iyo

in saxaafadu ka hadashay maxkamaddii hore iyo rafcaanka. Haddii maxkamadda qaadisteeda dib

loo amro, dembiilaha waxaa dhici karta in lagu hayo xabsiga ama lagu sii daayo damaanad, haddii

dib loo saaro maxkamadda laguna helo dembiga, laguma xukumayo xadhig ka dheer kii xaakimkii

hore ku xukumay.

Dembiiluhu wuxuu kaloo rafcaan ka qaadan karaa xukunka markay jiraan duruufo gaara sida

haday aad u dheer tahay ama haddii xaakimku uu tixgeliyey arimo aan ku luglahayn markii

xukunka ridayay. Maxkamaddu waxaa dhici karta inay qaadacdo xukunkiisa kuna bedesho waqti

kii hore ka yar ama xukunto mid ku haboon..

10.6 XUKUMADA SIDA XAD-DHAAFKA AH U DEBECSAN

Xeer llaaliyaha Guud, isagoo fasax ka haysta maxakamadda Rafcaanka, ayuu maxkamadaa u

gudbin karaa xukumada kufsiga, 59 ee ula muuqda inay xad-dhaaf u debecsan yihiin. Waa inuu

sidan ku sameeyaa 28 maalmood gudahood xiligii xukunka la riday. Nidaamku wuxuu yahay in ay

marka hore Xeer Ilaalintu ay u eegto heer laan ahaaneed. Arintu halkanay ku joogsanaysaa haddii

xeer ilaalintu markaa u aragto inaanu xukunku xad-dhaaf u debecsanayn. Haddiise ay u aragto

inuu xad-dhaaf ahaan debecsan yahay waxaa loo gudbinayaa Waaxda Dacwaddaha si uu u eego

qareen kale. Haddii qareenkaa kale u arko in xukunku ka baxsan yahay xukunada kala duwan ee

xaakimku u arki kari lahaa kuwo ku haboon, iyadoo la tixgelinayo waxyaabaha kale ee dacwadda

khuseeya iyo hagista xukunada ee ay bixiso maxkamadda Rafcaanku. Arintu halkanay ku

dhamaanaysaa hadaanu u arkin qareenkani in xukunku ka mid yahay noocyadan hore. Hadiise uu

u arko in xukunku debecsan yahay, waraaqaha waxaa loo dirayaa golaha sare ee loo yaqaan

‘Treasury Counsel’ si uu uga talo bixiyo. Marka Xeer Ilaalintu hesho tala bixinta golaha ‘Treasury

Counsel’ qareenka Waaxda Dacwaduhu wuxuu go’aansayaa inuu u gudbiyo dacwadda Xeer

Ilaaliyaha Guud iyo inkale.

Dhibanayaasha, qoysaskooda ama qaar ka mid ah dadwaynaha ayaa marmar u cawda laanta

Xeer Ilaalinta, taasoo haday u aragto inuu xukunku dabacsan yahay, ka dib marka baadhitaan ku

haboon lagu sameeyo, u gudbisa Xeer Ilaaliyaha Guud. Waxaa sidoo kale dacwaduhu u soo mari

karaan Xeer Ilaaliyaha Guud Xubinta Baarlamanka ama xubnaha dadwaynaha ayaa toos ugu

qoraya Xeer Ilaaliyaha Guud.

Marka uu Xeer Ilaaliyaha Guud codsado in xukunka dib loo eego, waxaa go’aanka yeelanaysa

maxkamadda Rafcaanka inay ogolaato rafcaanka iyadoo qaadacaysa xukunka iyo inkale. Haday

ogolaato, waxaa dhici karta inay bixiso xabsi kii hore ka dheer shardiga oo ah inaanay dhaafin

awooda maxkamaddii hore (maxkamadda Karawnka) u leedahay xukumista dembigaas. Tusaale

ahaan, ma xukumi karto xabsi ka dheer kan ugu badan ee lagu xukumi karo dembigaas.

10.7 ADEEGYADA XUKUNKA KADIB

Adeega Asluubta Qaranku wuxuu sameeyaa nidaamka xiriirinta dhibanayaasha oo loogu talagalay

dhibanayaasha dembiyada galmada iyo dembiyada kale ee halista ah marka dembiilaha lagu

59 Iyo qaar dembiyada galmada ay ku jiraan caruurtu iyo sawirada qaawan oo ay ku jiraan caruur.

49

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta B - Nidaamada Maxkamadda

xukumo laba iyo toban bilood ama wax ka badan. Nidaamka waxaa loo sameeyey in lagu hubsado

dhibanayaashu, haday doonaan, inay la socdaan marxaladaha uu marayo dembiiluhu inta uu ku

jiro nidaam cadaalada dembiyada (tusaale ahaan marka laga fikirayo in ku meelgaar ahaan lagu

soo daayo ama hore loo soo daayo) iyo inay siiso dhibanayaasha fursad lagula tashado ayna ku

darsadaan ra’yi shuruudaha lagu xiri doono dembiilaha marka la soo daynayo. Tan waxaa ku jira in

lagu daro shuruudo dheeraada marka lagu sii daynayo ogolaanshaha. Tusaale ahaan in laga

reebo dembiiluhu inuu tago degaan cayiman marka la sii daayo si loo ilaasho dhibanaha, ama

shuruudo lagaga reebayo in dembiiluhu la xiriiro dhibanaha ama dadka kale ee la magcaabay

marka la sii daayo. 60

10.8 MAGDHOW

Maadaama aad tahay badbaade xadgudub galmo waxaa dhici karta inaad codsan kartid

magdhowda dhaawacyada dembiga: uma baahnid in dembiga la oogo si aad u codsatid

magdhowda laakiin waa inaad boliiska u ashkatootid lana shaqaysid; looma baahna in dembiga cid

lagu helo si aad magdhowda u codsatid; uma baahnid inaad qabtid dhaawacyo jismiga ah sida lafo

jabay iyo meelo lagu gooyey/jeexay; dhaawacu wuxuu noqon karaa mid nafsiyan ah – sida

werwerka iyo jahawareerka la xiriira faraxumaynta galmada; waxaad caadiyan ku codsan kartaa

ilaa labo sanno gudohood dhibaatada ka dib; waxaa jira qaar laga reebayo labada sanno ee la

xadiday haddii loo arko ‘macquul’ ayna ku jirto ‘danta cadaaladdu’ in la ogolaado codsiga – tusaale

ahaan haddii xusuustaada xadgudubka galmadu wax u dhimay.

Waxaad samaynaysaa codsiga adigoo buuxinaya foomamka loo baahan yahay, oo ay ku siin

doonaan boliisku markaad u ashkatootid. Laakiin waxaa laga yaabaa inaad doonaysid in aad ka

fikirtid in lagaala taliyo xaaladahan soo socda: haddii dhaawacyadaadu halis yihiin – sida

dhaawaca nafsiga ah, oo u baahan inuu dhakhtar cadeeyo; haddii aad shaqada waqti ka maqnayd

ama dhaawacu wax kuu dhimay in ka badan 28 maalmood; haddii ay ka soo wareegtay in ka

badan 2 sanno waqtigii lagu faraxumeeyey; haddii codsigaaga la diiday aadna jeceshahay inaad

rafcaan ka qaadatid. 61

Waxaad talo ka heli kartaa xarumaha taageerada ama wakaaladaha talo bixinta ku taxan buugan

xaggiisa danbe ama waxaad la xiriiri karta Hay’adda Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada. 62

10.9 DACWADDA GASHIGA DHIBAATOOYINKA

Dacwadda gashigu waa ‘ficil madani ah,’ oo ka duwan ficilka dembiga ah. Si aad ugu guulaysatid

ficilkan madaniga ah waa inaad muujisaa inay dhibaato ku soo gaadhsiisay ficilkii faraxumayntu:

muhiim maahan inaad cadaysid iyadoo aanu jirin wax shakiya oo macquula oo ah sida laga rabo

dacwaddaha dembiyada. Waad keensan kartaa wixii cadayma ah ood markhaati gashanaysid, ooy

ku jiraan kuwii aad u isticmaashay maxkamadda dembiyada iyo cadaymaha kale een ku

haboonayn maxkamadda dembiyada. Xukunka dacwadda madaniga ahi wuxuu ku saabsan yahay

inaad ka heshid gashi iyo inkale qofka ku faraxumeeyey dhaawacyadii kugu soo gaaray ficilkiisa

darteed. Gashiga lagu siiyaa wuxuu noqon karaa mid yar ama mid badan waxaana goynay

xaakimka iyadoo ku xidhnaanaysa siduu u arko duruufahaaga ooy ku jirto akhlaaqdaada iyo inta

halis uu yahay dhaawacaagu. Dhaawacyadaadu waxay noqon karaan jismi ama nafsi laakiin

waxaa loo baahanayaa cadaymo caafimaad oo taageera. Waxaa suutagala in dawladdu

kharashka bixiso si aad dacwadda u samaysid laakiin aad bay u adag tahay; waxay ku

xidhnaanaysaa dakhliga ku soo gala. Haddii aad u dacwoonaysid gashi waxaa fiican marka hore

inaad la tashatid qareen. Xusuusnow ficilka madanigu waa arin khaas ah oo u dhexeeysa adiga

iyo qofka ku faraxumeeyey, dawladdu iyo/ama Adeega Xeer Ilaalintu shaqo kuma leh.

60 Eeg Lifaaqa B.

61 Dacwaddaha intooda badan aan dembiga lagu helin iyo xitaa kuwo lagu helay, waxaa dhici karta in marka ugu

horeysa laguu diido magdhowda. Waa inaadan toos uga hadhin laakiin aad raadsaataa talo kana qaadataa rafcaan.

62 Criminal Injuries Compensation Authority, Tay House, 300 Bath Street, Glasgow G2 4JR. tel: 0141 331 2726.

50

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

11. SHARCIGA

Xeerka Dembiyada Galmooyinka 2003 wuxuu hirgalay May 2004. Buugan waxaa loo qoray dadka

ka badbaada dembiyada Qormooyinka1 ilaa 4 ee Xeerka: dembiyada galmada aan la ogolaan ee

kufsiga – uu ku jiro kufsiga afku – faraxumaynta waxaan gus ahayn lagu galmoonayo,

faraxumaynta galmada iyo ku kalifada qofku inuu sameeyo ficil galmo aanu raalli ka ahay.

Dembiyada gaar baa xagga hoose loogu sharaxayaa:

11.1 XEERKA DEMBIYADA GALMADA 2003

Xeerkan Baarlamaanku waa sharci cusub oo daboolaya dembiyada galmada. Wuxuu keenay

isbedeladii ugu dhaadheeraa ee sharciga qaybtan ee la sameeyo sanado aad u badan. Sharcigii

hore waxaa laga qaadanayey Xeerar Baarlamaan dhowra oo la qoray xiliyadii Victoria, kuwaasoo

kolba in wax laga bedelayey waqti dheer si wax looga qabto dhibaatooyinka waqtigu la yimaado.

Ka sokow luqada qadiimka ah ee uu ku qornaa oo adkayd in la fahmo, sharciyadaas hore waxay

ahaayeen kuwo waqtigoodii dhaafey, eexanaya, aad u debecsan marka loo eego xukunka, meey

lahayn bajin iyo ka hortegis lagu samaynayo dembiyada galmada.

Xeerka 2003 waa dukumeenti balaaran oo ka kooban in ka badan 50 dembiyada galmada ah.

Qaar ka mida sharciyadii hore weli way shaqeeynayaan. Buugani wuxuu ka hadlayaa 4 dembi oo

ay waxka bedeshay, ama ku cusub, Xeerka 2003. Xeerku aad buu u balaaran yahay in lagaga

hadlo buugan. 4 ta dembi ee laga hadlayo waxay yihiin kuwa ugu halisan ee laga galo qaangaarka

waxaana laga heli karaa Qaybta 1, Qormooyinka 1-4. 4 dembi waa dembiyo aan la ogolaan taasoo

ah inay dhamaantood u baahan yihiin inuu dhibanuhu cadeeyo inaan ogolaansho jirin dhankeeda;

mid waliba wuxuu keensan karaa xukun xabsi daa’im ah.

Akhbaaro iyo waraaqo ku saabsan dembiyada kale ee ku jira Xeerka Dembiyada Galmada, oo ay

ka mid yihiin kuwo ilaalinta caruurta iyo dadka waaweyn ee baylahda ah, waxaad ka heli kartaa

websaytka Xafiiska Arimaha Gudaha www.homeoffice.gov.uk

11.2 EREYADA SHARCIGA QAARKOOD OO LA SHARAXAY

11.2.1 ‘Galmo’

Wasmada, taabashada ama ficilka kale waa galmo haddii qof macquuli uu u arkayo galmo noocay

tahay awgeed. 63 Tusaalayaal iska cad cad ayaa jira oo ku leg leh taabashada ama wasmada

xubnaha taranta oo cadaan ugu muuqanaya galmo noocay yihiin awgood. Laakiin xitaa kuwa aan

dhabta u cadayn, oo qofka macquulka ahi aanu u arkayn inay tahay galmo, tusaale salaaxida

timaha, lugta ama gacanta, waxaa dhici karta inay tahay galmo duruufaha awgood; ama ay tahay

galmo danta laga leeyahay ee ka danbaysa awgeed; dant qofka samaynaya ama qof kale oo ku

dhiirigeliyey inuu sameeyo. Tusaale ahaan qof ka caawinaya daryeelka shakhsiga ah qof waayeel

ah, ayaa laga yaabaa inuu dharka ka saaro si uu sariirta u seexiyo – caadiyan tani ma noqonayso

ficil galmo. Haddiise ay tahay bartamaha subaxda oo aan ahayn waqti ay sariirta tagto inay ku

nasato – duruuftu waxay ka yeeli kartaa galmo. Sidoo kale, haddii danta qofka dharka ka saaray

ay ahayd inuu waso ama faraxumeeyo, ficilkaasi wuxuu noqonayaa galmo.

11.2.2 ‘Ogolaansho’

Dhamaan dembiyada lagaga hadlayo buugan ayaa u baahan inaanay jirin ogolaansho ka timid

dhibanaha. Dembiyadan iyo kuwa kale dartood Xeerka 2003 ogolaansho waxaa lagu qeexay

markii ugu horeysay

“…qofku wuu ogolaaday haddii uu aqbalay isagoo doorashada leh, uuna leeyahay xoriyadda iyo

garaadka uu ku samaynayo doorashadaa.”

Waxa micneheedu yahay inaanu dembiiluhu ku doodi karin inaad hore u ogolaatay inuu kuu

galmoodo. Waa in heshiis lagu yahay waqtiga ficilku dhacayo. Tan loolama jeedo inaad wax

63 Eeg Qormada 78 ee SOA 2003.

51

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

tiraahdid ama qortid. Dhaqankaaga ayaa laga garan karaa heshiiska. Cadaynta inaad ogolaatay

waxay noqon kartaa waxyaabihii aad tiri ama samaysay waqtigaa ama xili ka horeeyey ama

xiliyadii. Sharcigu wuxuu garwaaqsan yahay inaad ka noqon kartid ogolaanshaha waqti kasta ka

hor iyo inta lagu jiro ficilka galmada.

Heshiiskaagu waa inuu yahay midaad adigu dooratay: dhowr arimood oo saamayn ku leh

xoryidaada aad ku dooraynaysid ayaa jira laakiin midka ugu muhiimsani waa muquunis/xoog ama

ku hanjabkooda. Ma noqonayso inaad haysatay xoriyad aad ku dooranaysid haddii lagu

muquuniyey waqtigaa ama xoogaa ka hor; ma noqonayso inaad haysatay xoriyad aad ku

dooranaysid haddii laguugu hanjabay muquunis ama cid kale ood danaynaysid ayaa loo hanjabay

waqtigaa ama xoogaa ka hor. Hanjabaadu uma baahna inay noqoto muquunis dhow ood ku

baabi’inaysid doorashadaada xorta ah mana aha inay noqoto mid la sameeyey xoogaa ka hor

ficilka galmada: waxay noqon kartaa hanjabaad la sameeyey waqti ka hor ficilka galmada laakiin

waa inay noqotaa mid aad weli maskaxda ku haysay waqtigaa. Sidoo kale, waxay noqon kartaa

hanjabaad in rabshad lagu samayn doono adiga ama cid kale, taasoo markaa aad maskaxda ku

haysay baabi’isay ama daciifisay xoriyadaada doorashada. Midba midkuu uga dhowaansho badan

yahay isticmaalka muquuniska, hanjabaada iyo siyaabaha kale ee laysku qasbo waqtiga ficilka

galmada wuu kaga xoog badan yahay inuu baabi’iyo xoriyadaada doorashada xagga indhaha

sharciga laakiin tani waxay ku xidhnaanaysaa duruufaha gaarka ah ee dacwaddaada.

Waa inaad kaloo haysataa caqligii aad ku dooran lahayd: waxaa dhici karta inaadan kaa lahayn

tusaale ahaan haddaad xanuunsanaysid, xumadaysan tahay aadna u xanuunsanaysid inaad ku

fahamtid waxa jira; ama waa lagu daraageeyey kaasoo kaa dhigaya inaad kari karin inaad

go’aansatid ogolaanshaha; ama aad qabtay xanuunka maanka waqtigaa. 64

11.2.3 Kufsi 65

Kufsiga hadda waxa ku jira galmo aan la ogolaan oo laga galmoodo siilka, futada ama afka; isla

markaana lagu galmoonayo guska. Inkastoo ninka keliya dembigan kufsiga samayn karo dumarka

iyo nimankuba waxay noqon karaan dhibanayaal kufsi. Dembiga waxaa wax ka bedelay Xeerka

2003, 66 wuxuuna hadda noqday haddii:

(u akhri ‘A’ inuu yahay eedaysanaha ‘B’ dhibanaha)

• A ula kac u dhexgeliyo guskiisa siilka, futada ama afka B

• B aanay ogolayn gelinta iyo

• A aanu macquul ahaan u rumaysnayn in B ogolaatay

Ogolaansho la’aan qofka oo afkiisa guska la dhexgeliyaa hadda waa kufsi halkii ay ka ahaan jirtay

faraxumayn foolxun. Sababta isbedelkani waxaa weeye afka oo qofka qasab guska looga geliyaa

waxay kala mid tahay dhinaca walaaca iyo sharafdilka galmooyinka kale ee qasabka ah.

Dhexglinta inta ugu yar ayaa kaaga filan waxayna noqonaysaa kufsi waqti yar xitaa haday tahay,

shuruudu waxa tahay inay dhacday adigoon ogolayn. Waxaa dhici karta inaad ogolaatay siilka in

lagaaga galmoodo laakiin aadan ogolaan futada in lagaaga galmoodo – tani waxay noqonaysaa

kufsi. Galmadu waa ficilka la bilaabaya guska oo la geliyo lana dhamaanaya marka la soo saaro.

Biya bixidu qasab maaha. Dembiiluhu waa inuu ula kac kuu geliyay, tanoo micneheedu yahay inay

ahayd qasdigiisa ama ujeedadiisa ee aanay ku iman khalad tusaale ahaan. Waa inuu kuu

galmooday adigoon ogolaan ama sii watay galmada ka dib markaad la noqotay ogolaanshahaagii.

Tan aad bay kuugu adkaan kartaa inaad cadayso marka aad dembiilaha hore u tiqiinay. Laakiin

xusuusnow waa inaad ogolaatay nooc gaar ah galmada. Qasab maaha inaad tustid cadaymo (sida

64 Haddii dhibanuhu aanu karin inuu ogolaado xanuunka maanka oo uu qabo awgeed eedeyntu waxay hoos imanaysaa

dembiyada gaarka ah ee Xeerka 2003 Qormada 30 – ficil galmo oo lala yeeshay qof qaba xanuunka maanka oo

xayiraya doorashada.

65 Dacwadda waxaa lagu qaadayaa maxkamadda Karawnka xukunkiisa ugu badanina waa xabsi daa’im.

66 Sharciga qadiimka ah waxaa laga helayaa Xeerka Dembiyada Galmada 1956, Qormada 1.

52

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

dhaawac jismiya iyo nabaro) inaad iska caabiday oo cadaynaysa inaadan ogolaan laakiin way

sahlanaanaysaa in la muujiyo inaan ogolaansho jirin markuu dhaawacu jiro.

Si loogu helo dembiga kufsiga waa inaanu dembiiluhu macquul ahaan rumaysan inaad ogolaatay:

xitaa haddaad muujisid inaadan ogolaan hadduu macquul ahaan rumaysnaa, waxaa dhici karta

inaan lagu helin kufsiga.

Qaybta macquul ahaanta rumaysashadiisa waa isbedel cusub oo uu sameeyey Xeerka 2003.

Sharcigii hore 67 xitaa rumaysashadiisa aan macquulka ahayn inaad ogolaatay ayaa u keenaysay in

dembiga lagu waayo. Waxaa kaga filayd rumaysashadiisa inaad ogolaatay inay daacad ka ahayd.

Sharcigu wuu isbedelay waayo waxaa loo arkay inay tahay mas’uuliyadiisa inuu muujiyo xaqiiqada

ogolaanshaha. Ninka ayay hadda la jirtaa inuu hubiyo inaad ogolaatay intaanu hawsha bilaabin

ama sii wadan galmada waayo waxay noqonaysaa inuu muujiyo sababtuu u rumaystay inaad

ogolaatay isagoo sheegaya talaabooyinkuu qaaday inuu hubsado xeerbeegtida ayaan

go’aansanaysa in rumaysashadiisu macquul ahayd iyo inkale.

Su’aasha in rumaysashadiisu macquul ahayd waxaa looga jawaabayaa marka la eego dhamaan

duruufaha dacwadda oo ay ku jirto talaabooyinkuu qaaday si uu u hubsado inaad ogolaatay. Waa

la arki doonaa in maxkamadduhu u micnaystaan ‘dhamaan duruufaha’ inay ku jirto dembiilaha

sifadiisa shakhsiyeed oo saameyn kartay siduu xaaladda u fahmi lahaa ama u qiimayn lahaa.

Xaqiiqdii, sharcigu ma dhigayo gaar ahaan in sifada shaqsiga la tixgeliyo.

11.2.4 Maqnaanshaha ogolaanshaha

Xeerka 2003 waxaa ku jira xaalado ay ku adkaanayso dembiiluhu inuu ku doodo in dhibanuhu

ogolaaday. Kuwan sharci ahaan waxaa looga yeedhaa ‘ismoodsiin’. Waxaa Xeerkan ku jira labo

ismoodsiin. ‘ismoodsiin lagu qanci karo’ waxay ka dhigaysaa wax aan macquul ahayn in loo

isticmaalo ogolaanshaha is difaacis sidaas darteed waxay u dhowdahay in dembiilaha dembiga

lagu helo. ‘ismoodsiin la beenin karo’ waxaa loola jeedaa in dembiiluhu keeno cadayma dheeraada

hadduu doonayo inuu ku doodo in ogolaansho jiray.

Xeerku wuxuu dejiyey liistada duruufaha 68 (ismoodsiinta la beenin karo) kuwaasoo, markay jiraan,

loo qaadanayo inaadan ogolaan dembiiluhuna rumaysnayn inaad ogolaatay, haddaanu keenin

cadaymo ku filan oo uu kaga horimanayo jiritaaanka duruufahan. Liistada duruufahani waxay

daboolayaan marka:

• La isticmaalay muquunis waqtigaa ama ficilka ka hor muquunintana waxaa isticmaalay

dembiilaha ama cid kale oo ku samaynaysa adiga ama cidkale

• La sameeyey hanjabaad waqtigaa ama ficilka ka hor ka timid dembiilaha ama cidkale iyo

• Inay hanjabaadu kugu kaliftay inaad ka baqdo in muquunis laguu geysto adiga ama

• Loo geysto ama loo geystey cidkale (ilmahaaga ama xubin kale oo qoyska ah ama saaxiib)

• Si sharci darro ah laguu haystay – adigoon raali ka ahayn ayuu ku haystay dembiiluhu

• Adigoo hurda ama miyir la’

• Waqtigaa umaad muujin karin dembiilaha inaad ogolaatay iyo inkale lixaad li’ida jismiga

awgeed

• qof (qasab maaha inuu noqdo dembiilaha) ayaa ku daraageeyey ama ku siiyey maandooriye

adigoon ogolaan taasoo ku dawikhisay ama kaa awood badisay waqtiga ficilka galmada

dhamaan xaaladahan waxaa laga doonayaa dembiilahu inuu keeno cadaymo ku filan inuu ka

qanciyo xaakimku inuu ogolaado arinta ogolaanshahaaga iyo rumaysashadiisa ogoIaanshaha

67 Dpp v Morgan [1976] AC 182.

68 Qormada 75 ee Xeerka 2003.

53

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

xeerbeegtidu inay arkaan. Haddii xaakimku taas ku qanci waayo, waxaa loo qaadanayaa inaadan

ogolaan dembiiluhuna macquul ahaan u rumaysan inaad ogolaatay. Lagama filayo dembiiluhu inuu

si heer sare ah u cadeeyo inuu beeniyo. Waxaa laga yaabaa inuu sidaa yeelo isagoo leh tusaale

ahaan inkastuu ku afduubay adigoon raali ka ahayn, inaad waqtigii danbe xiriir dhow yeelateen

adigoo ogol. Xaakimka ayaa go’aansanaya inay tahay ‘cadayn ku filan’ – haddii ay sidaas tahay

arinta ogolaanshahaaga iyo/ama rumaysashadiisu waxaa eegi doona xeerbeegtida; haddii kalese

waxaa xaakimku ku talinayaa in lagu helo dembiga kufsiga.

Liistada labaad ee duruufaha 69 loo yaqaan ismoodsiin lagu qanci karo waxay daboolayaan

xaaladaha sida marka dembiiluhu ulakac kuugu khiyaaneeyo inaad u qaadatid in ficiladiisu qasdi

kale leeyihiin – sida baadhitaan caafimaad; ama si ulakac ah isaga kaa soo dhigo qof aad

garanaysid – sida rafiiqaaga ama ninkaaga – si uu kuugu qalqaaliyo ogolaanshaha.

Haddii xaaladahan la cadeeyo waxaa loo qaadanayaa inaadan ogolaan isagana waxaa loo

arkayaa inaanu si macquul ah u rumaysan inaad ogolaatay. Maadaama kuwani yihiin ‘ismoodsiin

lagu qanci karo’, marka la cadeeyo, wuxuu noqonayaa dembiile kufsi. Wixii ka baxsan

xaaladahan, 70 ee arintu ogolaanshaha tahay, waxay noqonaysaa xeer ilaalintu inay cadayso inaan

ogolaansho la bixin dembiiluhuna aanu macquul ahaan rumaysan in la bixiyey ogolaansha.

11.2.5 FARAXUMAYNTA WAX LAYS GELIYEY 71

Xeerka 2003 wuxuu bilaabay dembi cusub oo ah isgelinta shayaasha ama qaybo jirka ka mid ah

oo aan ahay guska. Nimanka iyo dumarkuba dembigan way galaan waxaana laga geli karaa nin

ama naag. Dembigani wuxuu xanbaarsan yahay xukunka ugu badan sida kufsiga: xabsi daa’im.

Sababtu waxa weeye wuxuu leeyahay dhibaatada uu u geysto dhibanaha marka lagu galmoodo

guska oo kale – marka laga reebo uurka iyo cudurada laysqaadsiiyo waxuu xanbaarsan yahay

khatarta dhaawaca jismiga iyo /ama nafsada.

Faraxumaynta wax lays geliyey waxay dhacaysaa marka:

• A si ulakac ah u geliyo siilka ama futada B qayb jirkiisa ka mid ah ama waxkastoo kale

• Wax isgelintu tahay galmo

• B aanay ogolaan waxa la gelinayo iyo

• A aanu macquul ahaan rumaysnayn in B ogoshahay

Waxa la gelinayaa wuxuu noqon karaa qayb jirka ka mid ah sida far ama waxkastoo kale,

xayawaan, khudaar, macdan ama shaykasta wuxuu doono ha ahaadee. Tan micneheedu wuxuu

noqonayaa mar haday cadaato in lagu geliyey muhiim maaha inaad cadayso wixii la isticmaalay:

waxaa dhici karta inaadan garanayn, ee aad garanayso keliya in wax lagu geliyey: gaar ahaan

haddaad aragtida ka daciif tahay ama dawakhsanayd, wareersanayd ama indhaha lagaa xiray.

Waxgelintu waa inay noqotaa siilka ama futada, afka waxa layska geshaa kuma jiraan dembigan. 72

Sida kufsiga, waa in ulakac loo sameeyey adigoon ogolaan. Waxgelintu waa inay tahay ‘galmo’

tanoo reebaysa baadhitaanka caafimaad ee lagu sameeyo ogolaanshaha bukaan socodka ama

bukaan miyir la’, oo loo sameeyanayo caafimaadkeeda darteed. Sida kufsiga, waa in xeer ilaalintu

cadaysaa inaadan ogolaansho bixin dembiiluhuna macquul ahaan rumaysan inaad ogolaatay.

Waxaa lagu go’aansanayaa dembiilaha macquul ahaanta rumaysashiida sida tii dembiga kufsiga

ismoodsiinta ogolaanshuhuna isla si ayuu u khuseeyaa dembigan.

69 Qormada 76 ee Xeerka 2003.

70 Labada Qormaba 75 iyo 76.

71 Qormada 2 ee Xeerka 2003, dacwadda waxaa lagu qaadayaa maxkamadda Karawnka xukunka ugu badanina waa

xabsi daa’im sida kufsiga oo kale.

72 Carabka oo afka qasab lagu geliyaa ogolaansho la’aan wuxuu noqon karaa faraxumayn galmo; dembi hoos imanaya

Qormada 3.

54

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

11.2.6 FARAXUMAYNTA GALMADA 73

Tani waxay bedeshay dembiyadii qadiimka ahaa ee faraxumaynta xushmad darada ah. Nimanka

iyo dumarkuba dembiyadan way galaan waana laga geli karaa labka ama dhediga.

Waxaa la sameeyey dembiga haddii:

• A si ulakac ah u taabato B

• Taabashadu galmo tahay

• B aanay ogolaan taabashada iyo

• A aanu macquul ahaan rumaysan in B ogoshahay

Faraxumaynta galmadu wuxuu xambaarsan yahay 10 sanadood oo xarig ah. Sidaas darteed waa

dembi ka halis yar labadii hore hase yeeshee sida ka muuqata xabsiga dheer waxay ku noqon

kartaa dhibanaha dembi argagixis leh. Taabashadu waa inay galmo tahay, 74 laysku taabanayo

shay kasta iyo qayb kastoo jirka ka mid ah (haday kan dembiilaha tahay iyo haday cid kale

tahayba) waxayna dhici kartaa adigoo dharkaaga sita (tusaale ahaan barida oo lays qabtaa waa

faraxumayn galmo); waxay noqon kartaa mid fudud iyo mid culus (oo ay ku jirto gelintu).

Taabashada waa inay dhacdaa ogolaansho la’aan dembiiluhuna macquul ahaan rumaysan inaad

ogolaatay. Habka loo go’aaminayaa iyo waxyaalaha la eegayaa waxay la mid yihiin sida kufsiga

iyo faraxumaynta wax lays geliyo. Ismoodsiinta ogolaanshuhuna isku si ayuu u khusaynayaa

dembigan.

11.2.7 QOFKA OO LAGU KALIFO INUU SAMEEYO FICILKA GALMADA 75

Kani waa dembi cusub; nin ama naag ayaa dembigan geli kara nin iyo naagna waa laga geli karaa.

Waxaa la sameeyey dembiga haddii:

• A si ulakac ah ku kalifo B inay samayso ficil galmo

• Ficilku galmo yahay

• B aany ogolaan inay samayso ficilka iyo

• A aanu macquul ahaan rumaysnayn in B ogoshahay

Dembigani wuxuu leeyahay labo heer oo mid waliba xukun gaara leeyahay.

Haddii ay ficilka galmada ku jirto:

• Gelinta futada ama siilka B (wax kasta oo uu ku jiro gusku)

• Gelinta afka B guska qofka (qasab maaha inuu noqdo kan dembiilaha)

• Gelinta futada ama siilka qofka jirka B waxkastoo kale oo B isticmaalo ama

• Gelinta afka qofka guska B

Dembigu wuxuu xanbaarsan yahay ugu badnaan xabsi daa’im sida kufsiga iyo faraxumaynta wax

lays geliyo, waa in lagu qaadaa maxkamadda Karawnka. 76 Xaaladaha kale, ee aanay jirin galmo

wax lays geliyey, dembigu wuxuu xanbaarsan yahay 10 sanadood oo xariga waxaana lagu qaadi

73 Qormada 3 ee Xeerka 2003, waxaa lagu qaadi karaa maxkamadaha Majisteraydka iyo Karawnka ciqaabta ugu

badanina waa 10 sanadood.

74 Xagga sare ku qeexan.

75 Qormada 4 ee Xeerka 2003.

76 Qormada 4(4) ee Xeerka 2003.

55

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta C - Sharciga

karaa maxkamadaha Majisteraydka iyo Karawnka. 77 Qof qof kale xoogaya ama ku jujuubaya inuu

sameeyo ficil galmo iyadoon ogolaansho jirin ayaa wuxuu gelayaa dembiga ‘kalifida’; laakiin

xoogga iyo jujuubku liistada dembiga qayb kama aha. Khiyaanaynta qof way noqon kartaa kalifaad,

haddii ficil qof sameeyey natiijadiisu noqoto inuu qofka kale sameeyo ficil galmo. Kalifaadu waa

inay noqotaa ulakac xeer ilaalintuna waa inay cadaysaa inaadan samayn ficilka galmada adigoo

ogol dembiiluhuna macquul ahaan rumaysan inaad ogolaatay. Habka loo go’aaminayaa iyo

waxyaalaha la eegayaa waxay la mid yihiin sida kufsiga, faraxumaynta wax lays geliyo iyo

faraxumaynta galmada. Ismoodsiinta ogolaanshuhuna isku si ayuu u khusaynayaa dembigan.

Dembigani wuxuu daboolayaa dhaqan aan hore sharcigu si gaara wax uga qaban; tusaale ahaan

haddii dembiiluhu kaa yeelo inaad isku samaysid ficil galmo adigu sida inaad siigaysato. Haddii

dembiiluhu uu kugu kalifo inaad samaysid ficiladan adigoon ogolayn waxaa dhici karta inuu gelayo

dembiga qofka oo lagu kalifo inuu sameeyo ficilka galmada. Haddii markuu dembigan gelayo, uu

kugu kalifo inaad geliso shay/walax futadaada ama siilkaaga adigoon ogolaan wuxuu ku geli karaa

xukunka ugu badan xabsi daa’im. Hadduu ku kelifo qof kale inuu guskiisa afkaaga geliyo wuxuu ku

geli karaa xabsi daa’im. Hadduu kugu kelifo inaad wax geliso qof kale futadiisa ama siilkiisa wuxuu

ku gelayaa xabsi daa’im. Haddii aad nin tahay uuna kugu kalifo guskaaga inaad gelisid qof kale

afkiisa, wuxuu ku gelayaa xabsi daa’im.

77 Qormada 4(5) ee Xeerka 2003.

56

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

12. LIFAAQA MACNAHA EREYADA

12.1 Macnaha ereyada magac bixinta

Eedaysane

Waxaa loola jeedaa ‘eedaysane’ qofka lagu soo oogay danbiga.

Siidayn

Siidaynta qofka marka maxkamaddu ku waydo danbi.

Dib u dhigis

Maxkamadda oo dib loogu dhigo waqti am taariikh kale.

Qarsoodi

Magaclaawe, qarsoodi, magacaaga lama sheegayo.

Rafcaan

Codsi loo sameeyo maxkamad ka saraysa tii go’aanka gaadhay, si ay dib ugu eegto haday la

noqotana bedesho go’aanka.

Weerare

Weerar qaade

Damaanad

Eedaysanuhu wuxuu ku joogaa damaanad marka laga sii daayo xadhigga. Waxaa lagu maamulaa

Xeerka Damaanadda 1976.

Qareen Sare (Barrister)

Qareenka sare waa sharci yacaan xubin ka ah mid ka mida afarta Jamciyadood ee sharciga

iyaguna soo direen. Waxay ku takhasusaan qayb ka mida sharciga. Kuwa dembiyadu waxay ka

shaqeeyaan maxkamaddaha dembiyada.

Eedayn

Sharciga dembiyada eedayntu waa ashkato.

Fal Madaniya (Civil Action)

Ma aha nidaam dembiyeed ee waa talaabo ka qaadis. Waxaa arintan qayb ka ah laba qofood kan

soo dacwooday iyo kan la dacweeynayo.

Xadhig

Xabsi

U Diris (Committal)

U dirista xukunku waa marka qofka loo gudbiyo maxkamad sare. U dirid maxkamadeed waa marka

Majistraytku ka dib markay dhegaystaan cadaymaha ay u arkaan in eedaysanaha maxkamad la

soo taago karo. U diristi waxay noqon kartaa xadhig ama damaanad. U diristu duruufaha qaarkood

waxay iman karaan iyadoon cadaymaha la eegin.

Xukunka Adeega Bulshada (Community Sentence)

Xukun aan xadhig wadanin oo xadidaya xoriyadda dembiilaha. Tusaale ahaan Amarka

Dhaqancelinta Bulshada ama Amarka Ciqaabta Bulshada.

Ashtako (complaint)

Waa dacwad dhibanaha faraxumaynta galmadu uu siiyey qof saddexaad. Si loo ogolaado inay u

noqoto markhaati, waa inay noqotaa mid iskeed loo sameeyey oo aan ku iman su’aalo lagu

hagayo, waana in lagu sameeyey fursadii ugu horaysay (waxaa loo yaqaan ‘ashtakadii dhowayd’).

57

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

Dembi Xukumis (Conviction)

Marka qofka dembiga lagu xukumo. Waxaa sidan u xukunta Maxkamadda Majestireytka. Qofku

dembi ayuu yeelanayaa marka lagu helo dembiga ama uu qirto: halkan waxa macnaheedu yahay

rikoodhka dembiyadii hore. Dembiyadii hore (marmarna loogu yeedho ‘kuwii hore’) waa kuwii hore

loo xukumay.

Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada

Qof, dhaawac ka soo gaadhay dembi la gaystay ama isku deyayey inuu dembiile qabto, ama

joojiyo dembi, wuxuu magdhow ka codsan karaa Gudiga Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada.

Su’aal iyo Jawaab iswaydaarsi (Cross-examination)

Marka markhaatiga labada dhinac mid u yeerto, kuwa ka soo horjeedaa waxay xaq u leeyihiin,

marka uu markhaatigu bixiyo cadaymaha (loo yaqaan cadaynta sare) inay su’aalo waydiiyaan.

Su’aaluhu kuma koobna wixii markhaatigu sheegay keliya. Su’aalaha wax haga waa la ogol yahay.

Haddii markhaatiga la su’aali waayo waxay u muuqanaysaa in la aqbalay cadaymihiisa.

Adeega Xeer Ilaalinta Boqortooyada (CPS)

Waa hay’ad madax banaan oo mas’uul ka ah xukumida dadka ay boliisku ku soo oogeen

dembiyada England iyo Wales. Waxay mas’uul ka tahay sida dacwadda loo qaadayo, iyo in

maxkamadda la sii wado. Waxay meteshaa dadwaynaha oo dhan qof keliyana dantiisa ma eegto.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu akhriyaa waraaqaha faylka ku jira una dhigaa labada tijaabo ee ku yaala

sharciga xeer ilaalinta, taasoo dhigaysa nidaamka ay raacayaan xeer ilaalintu markay

samaynayaan go’aanka.

Maxkamadda Karawnka (Crown Court)

Maxkamaddani waxaa qaada Xaakim iyo Xeerbeegti. Xaakimku wuu maamulaa isagoo

go’aaminaya sharciga. Xeerbeegtidu waa 12 qof oo rag iyo dumar isugu jira oo dadwaynaha ka

mida waxayna go’aansadaan qofku inuu dembiile yahay iyo inkale. Maxkamaddan waxaa jira

qareen sare oo u dooda xeer ilaalinta iyo mid kaloo u dooda eedaysanaha. Waxaa dhici karta inay

xirtaan marada dusha laga xirto iyo timaha madaxa la saarto.

Khasaarooyin

Magdhow ama qaansiin qofka khasaaruhu soo gaadhay, oo ka danbaysay xil la gudan waayey.

Eedaysane

Qofka lagu soo oogay dembi in maxkamad lagu taago.

Agaasimaha Xeer Ilaalinta Bulshada (DPP)

Waa madaxa Adeega Xeer Ilaalinta, oo qaada dhamaan dembi oogista bulshada.

Dhakhtarka Baadhitaanka Forensiga (Forensic Medical Examiner (FME)

Waa dhakhtar lagu tababaray cilmi baadhista forensiga. Dhakhaatiirtani waxay joogaan

saldhigyada boliiska ooy ku baadhaan dadka la soo xidhay ama dhibanayaasha wax loo dhimay.

Waa inay noqdaan khuburo baadhi karta dhaawacyada iyo cadaymaha ogaan karaana saamaynta

cabitaanka iyo daraagadu ku yeelato kuwa xidhan.

Amar (Injunction)

Amar wax lagugu farayo inaad samaysid ama ka fogaatid. Wuxuu noqon karaa amar xadidan ama

amar qasab ah; waxa kaloo la samayn karaa inta dacwaddu socoto ama ugu danbaynta. Mar

haddii la bixiyo jebintiisa waxaa laguugu dirayaa xabsi inaad amardiido ku samaysay maxkamadda.

Ogolaansho (Licence)

Maxbuuska marka uu dhamaysto inta ugu yar waqtigiisa waxaa lagu soo daynayaa ogolaansho;

inuu ku qaato xabsiga (haddii khatar loo arko) ama bulshada dhexdeeda. Haddii ogolaansho loogu

soo daayey bulshada dhexdeeda waa inuu oofiyaa shuruudaha, tusaale ahaan: inuu iska xaadiriyo

asluubta, ku noolaado cinwaan la ogolaaday iwm. Waxaa jira dhowr nooc oo ogolaanshaha ah,

qaarna waa toos qaarna waxay ku xidhan yihiin shuruud iyadoo loo eegayo xukunka.

58

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

Xabsi Daa’im

Waxay noqon kartaa qasab in waqti la cayimay uu xidhnaado intaan lagu soo dayn ogolaansho

maxbuuska. Waxay kaloo noqon kartaa midaan waqti ku cayinayn iyadoo ku xiran hadba khatarta

jirta. Waxay noqon kartaa toos iyadoo loo eegayo nooca dembiga tusaale ahaan dembi galmo oo

aad halis u ah.

Maxkamadda Majisteraytka (Magistrates’ Court)

Dacwaddaha intooda badan waxaa lagu qaadaa maxkamaddaha Majisteraytka. Majisteraydyadu

waxay dhegaystaan dhamaan cadaymaha iyagoo markaa ka dib go’aansanaya inuu eedaysanuhu

dembiile yahay iyo inkale. Haddii danbiga lagu helo, ama uu qirto, Majisteraydyadu waxay

go’aamiyaan xukunka.

Ama waa saddex Majisterayd – dad iyagu huray waqtigooda aqoona aan u lahayn sharciga – ama

hal Xaakim Degmo. Waxaa Majisteraydyada ama Xaakimka hor fadhiista karaani sharci yaqaana

oo kala talinaya nidaamka sharciga iyo shaqada maamulka. Waxaa kaloo jira qareen sare oo u

hadlaya xeer ilaalinta iyo qareen kale oo difaacaya eedaysanaha. Lama xidho marada dheer

madaxana wax lama saarto.

Kufsiga labada isqabta

Marka uu ninku naagta uu qabo kufsado. Sharcigu makala saarayo kufsiga ninka naagta qabaa

sameeyo iyo qofka kale. Xaaladan waxay keliya oo kaga duwan tahay naagta ninkeeda ayaa

ficilka kufsiga sameeyey.

Siidaynta Xabsigii oon dhamaan (Parole)

Qofka oo lagu soo daayo ogolaansho (licence) isagoo waqtiga ugu hadhsan debeda ku

qaadanaya. Siidayntan waa laga noqon karaa. Xoghayaha Arimaha Guduhu wuu ogolaan karaa

diidina karaa codsiga siidayntan ama u gudbin karaa maxbuuska gudiga ku shaqada leh siidayntan

(parole).

Dembiile

Qofka mas’uul ka ah ficilka, waxaa loola jeedaa qofka mas’uul ka ah faraxumaynta qofka kale.

Warbixinta Xukunka Hortii

Waa warbixin u sameeyo Sarkaalka Asluubtu ee dadka waaweyn ama Shaqaalaha Kooxda

Dembiga Dhalinyarada. Waxaa la sameeyaa intaan qofka la xukumin waxaana codsan kara

Xaakimka / Xeerbeegtida intaanay xukunka ridin. Warbixintu waxay ka caawinaysaa

Xaakimka/Xeerbeegtida habka ugu wanaagsan ee danbiilaha loo ciqaabayo. Waxay faahfaahin

dheer ka bixinaysa qofka hadduu dembiyo hore lahaa iyo habka ugu haboon ee loo xukumi karo.

Xeer Ilaaliye

Qof magaca boqortooyada (crown) sita oo ka soo horjeeda qofka kale – oo sharci yaqaan ah.

Qaadicid (Quash)

Sii dayn ama dhinac u duwis, iyadoo la diido, eedaysanahana aan waqtigaa dembi lagu oogin.

Xarumaha Dhibaatooyinka Kufsiga

Xarumaha Dhibaatooyinka Kufsiga degaanku waxay bixiyaan la talin iyo taageero si koox ah loo

samaynayo iyo telefoonka oo dalkoo dhan ah. Xaruntaada kuugu dhow eeg Lifaaqa B.

Ilaaliyaha Dhibanaha Kufsiga

Waa sarkaal boliisa gaarna loogu tababaray arimaha danbiyada galmada kuna taageeri doona inta

maxkamaddu socoto. Way ku wargelinayaan, taageerayaan, kuguna xidhayaan wakaaladaha

taageerada, kaana caawinayaan balamaha isbitaalka kuuna qabanayaan cid ku ilaalisa haddii loo

baahdo.

Xidhista maxkamadda horteed (Remand)

Maxkamadda marka dib loo dhigo amarka in eedaysanaha la damiinto ama sii xidhnaado. Waa

inaanu ka badan 8 maalmood, oo hadhowto marka la xukumo loo xisaabin doono.

59

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

Xukunka

Gudoominta xukunka maxkamadda, waxaa loola jeedaa maxkamaddaha aan madaniga ahayn.

Xeerka Danbiyada Galmada 2003

Xeerka Danbiyada Galmada waxaa la hirgeliyay 1dii May 2004. Xeerku wuxuu bilaabay habab

cusub oo dadwaynaha ku caawinaysa inay ku kalsoonaadaan nidaamka cadaaladda iyo qofka

dhibanaha ah oo mudnaanta kowaad la siiyo.

Qaybta 1 Xeerku wuxuu casriyeeyey dembiyadii qarnigii sagaal iyo tobnaad isagoo daboolaya

dulduleelo sharciga ku jiray.

Qaybta 2 Waxay ku saabsan tahay dembiilayaasha galmada. Waxay xoojinaysaa diiwaanka

debiilayaasha galmada iyadoo bilowday amaro madaniya oo cusub oo hor istaagaya inaan

danbiyo kale dhicin.

Amarka Ka Hortaga Dembiyada Galmada

Xeerka Dembiyada Galmada 2003 wuxuu soo saaray amarka ka hortaga dembiyada galmada, oo

ka kooban amaradii jiray ee dembiyada galmada iyo amarka joojinta kuwanoo u ogolaanaya wax

kastoo lagaga joojin karo dembiilaha dadwaynaha. Jebinta amarkani wuxuu keensanayaa xabsi

ilaa shan sanadood ah.

Shaqaale Galmo

Waa qof ficilka galmada ku qaata lacag.

Xarumaha Gudbinta Faraxumaynta Galmada

Xarumaha Gudbinta Faraxumaynta Galmadu waa goobaha ‘one stop shop’ adeegyada kala duwan

ee ay ku jiraan caafimaadka iyo boliiska oo leh shaqaale gaar u tababaran. Qaar badan oo

xarumahan ah ayaa laga sameeyey UK. Halkan ka eeg liistada http://www.met.police.uk/saphire

Galmada

Ficilka galmada, laysaga galmoodo siilka ama futada.

Cudurada Galmada lagu kala Qaado (STD)

Waa cudur dadku qaado waqtiga ay galmoonayaan.

Qareen

Sharci yaqaan, kelyintigiisa kala taliya sharciga, wuxuu diyaariyaa dukeemintiga sharciga bilowga

maxkamadda ilaa dhamaadka. Qareenadu waxay kaloo qaban karaan dacwaddaha

maxkamaddaha Majistaraytka iyo Karawnka (Magistrate and Crown Courts). Inta badan waxay ku

takhasusaan qayb ka mida sharciga, danbiyada galmadu waxay qayb ka yihiin sharciga

dembiyada.

Guddoonka (Verdict)

Jawaabta xeerbeegtida ee su’aasha dacwooyinka dembiyada iyo kuwa madaniga. Maxkamaddaha

dembiyada waxaa la aqbalayaa guddoonka aqlabiyada. Guddoonku wuxuu noqonayaa dembiile

ama dembi laawe.

Xeerka Dhibanayaasha

Akhbaartan waxaa loogu talagalay inay u sharaxdo dhibanayaasha Dembiyada waxa dhici doona

marka dacwadda la soo gudbiyo iyo heerka adeega ay ka filan karaan wakaaladaha. Waxay kaloo

siinaysaa tilmaan wakaaladaha sida boliiska, CPS siday u horumarin lahaayeen la dhaqankooda

dhibanayaasha.

Dembiilayaasha Yaryar

10 Jirku waa da’ mas’uul ah xagga sharciga, 10 jirka wixii ka wayn kana yar 18 ayay ku xadidan

tahay da’da dembiilaha yar.

60

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

12.2 MACLUUMAADKA – HALKAAD CAAWIMO U DOONAN LAHAYD

A. Xarumaha Dhibaatooyinka Kufsiga/Kooxaha

Xarunta Dhibaatada Kufsiga

www.rapecrisis.org.uk, halkan ka eeg liistadii ugu danbaysay ee kooxaha ka shaqeeya

dhibaatooyinka kufsiga

Shabakada Dumarka iyo Gabdhaha:

020 7610 4345

Talaado 6-8:30pm, Khamiis 12-2:30pm Khadcaawineed iyo xarunta la talinta dumarka iyo

gabdhaha ka soo kabanaya dhibaatooyinka (jismi/galmo/dareen) ee dhowaanta ama waqti hore ku

dhacay.

Xaqiiqda Kufsiga ooy ku jirto Ololaha lagu Dabargoynayo Kufsiga:

www.truthaboutrape.co.uk

Xarunta Taageerada Xadgudubka galmada iyo Kufsiga (Croydon):

08451 221 331

Isniin – Jimce 12-2:30pm, 7-9:30pm

Sabti/Axad/Fasaxyada 2:30-5pm

Maamulka: 020 8683 3311

Isniin – Jimce 10-4pm

Fax: 020 8683 3366

www.rasasc.org.uk

One in Four:

Khadcaawineed: 020 8697 2112 Khamiis 5-9pm,

Sabti 10am-4pm

Maamulka: 020 8697 2112

Isniin –Jimce 10am-5pm

Fax: 020 8697 6843

www.oneinfour.org.uk

Unuga Baarista Xadgudubka Caruurta iyo Dumarka (CWASU):

020 7753 5037

9:30am – 5pm

Fax: 020 7753 3138

Oo ku salaysan London Metropolitan University, Ladbroke House

B.Taageerada Dhibanaha

Khadka Taageerada Dhibanaha:

0845 3030 900 Isniin – Jimce 9am-9pm Sabti/Axad 9am-7pm

Waxay siisaa caawimaad wax ku ool ah/taageero dhibanayaasha danbiyada (ooy ku jiraan

xadgudubka galmadu). Waxay kaloo bixisaa talooyin ku saabsan magdhowga iyo caawimaada

tegista maxkamadda.

C. Xarumaha Gudbinta Faraxumaynta Galmada ee UK (SARCS)

North East

Reach: 0191 212 1551

The Rhona Cross Centre, 18 Jesmond Road West, Newcastle Upon Tyne NE2 4PQ

Reach: 0191 565 3725

The Ellis Fraser Centre, Sunderland Royal Hospital

Kayll Road, Sunderland SR4 7TP

61

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

Lancashire

SAFE: 01772 523 344

Royal Preston Hospital, Sharoe Green Lane, Fulwood Preston PR2 9HT

East Midlands

Juniper Lodge: 0116 273 3330

Lodge 1, Leicester General Hospital, Gweldolen Road Leicester LE5 4PW

South East

The Sanctuary: 01793 709 500

Taw Hill Medical Practice, Queen Elizabeth Drive, Swindon Wiltshire SN25 1WL

London/South East

The Haven – Camberwell:

020 7346 1599

(Isniin – Jimce 9am-5pm),

020 7737 4000 (dhamaan waqtiyada kale)

Kings College Hospital, Denmark Hill, London SE5 9RS www.thehavens.org.uk

The Haven – Paddington:

020 7886 1101 Isniin – Jimce 9-5pm 020 7886 6666 dhamaan waqtiyada kale

St Mary’s Hospital, Praed Street London W2 1NY

The Haven – Whitechapel:

020 7247 4787 waqti kasta

The Royal London Hospital, 9 Brady Street, London E1 5BD

Greater Manchester

St. Mary’s Sexual Assault Referral Centre:

0161 276 6515

St. Mary’s Hospital, Hathersage Road, Manchester M13 0JH

Bristol

The Milne Centre iyo

The Cabot Suite: 0117 928 3010, 0117 928 2580

Bristol Royal Infirmary, Lower Maudlin Street, Bristol BS2 8HW

D. Talo Sharciyeed

Xuquuqda Dumarka:

Khad Talo Sharciyeed Guud oo Sir ah 020 7251 6577 Talaado – Khamiis 2-4pm and 7-9pm

Jimce12-2 pm

Khad Talo Sharciyeedka Xadgudubka galmada 020 721 8887 Isniin 11am-1pm Talaado 10am-

12noon

Khadka Maamulka: 020 72516575/6

Telefoonqoraal: 020 7490 2562

Fakiska: 020 7490 5377

www.rightsofwomen.org.uk

Talo sharciyeed bilaasha oo loogu talagalay dhamaan dumarka dhibaatooyinka ka soo gaara

rabshadaha guriga iyo xadgudub galmeedka, sharciga qoyska, furitaanka, arimaha xidhiidhka

caruurta iyo waalidnimada dumarka wada nool.

E. Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada

Hay’adda Magdhowga Dhaawacyada Dembiyada

0141 331 2726

Tay House, 300 Bath Street, Glasgow G2 4JR

62

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

F. U galmoodka dadka aadan geyin/Xadgudubada Qoyska

Gaadhista: 020 8905 4501, 24 saacadood

Dadka waaweeyn ee ka badbaaday xadgudubka galmada caruurnimadoodii

G. Taageerada Ragga Badbaadayaasha ah

Xiriirka Taageerada Kufsiga Ragga (MRSA):

07932 898274, 07932 967461

Isniin – Jimce 8am-10pm

Khad caawineed iyo adeegyada kale ee taageerada ragga ka badbaaday kufsi iyo xadgudub

galmeed caruurnimadoodii, qoysaskooda iyo saaxiibadood. Talo iyo la talin.

Badbaadayaasha UK: 0845 122 1201 Talaado, Khamiis 7-10pm

Khad caawineed, talo bixin iyo taageero kooxeed oo waji ka waji ah oo loogu talagalay ragga la

kufsaday ama xadgudub galmeed loo gaystay.

H. LGBT Badbaadayaasha

GALOP (Shoutline): 020 7704 2040

Telefoonqoraal: 020 7704 3111

Isniin 5-8pm, Arbaca 3-6pm, Jimce 12-2pm ku taageeridda dadka LGBT rabshadaha ka soo

gaadha nacaybka dadka isku jinsiga ah ee isu taga iyo/ama arimaha boliiska; waxaa ku jira adeeg

u gaara madowga iyo dadka laga tirada badan yahay ee LGBT. London Lesbian and Gay

Switchboard (Adeeg Qaran) 020 7837 7324 (&TXT) 24 saacadood talo guud/taageero iyo

tilmaamis mashaariicda degaanada iyo qareenada u jajaban dumarka/ragga iyagu isu taga.

I. Badbaadayaasha Dadka Madow & kuwa laga Tirada badan yahay (BME)

Adeega Xuquuqda Dumarka Laatiin Ameerikaanka (LAWRS):

020 7336 0888 Isniin – Jimce 10am-5pm

Ujeedo: In la sameeyo lana hormarsho qorshayaal lagaga hadlayo laguna dhimayo faquuqa

bulsheed iyo gooninimada dumarka baylahda ah ee ka soo jeeda Laatiin Ameerika – Waxay ku

hadlayaan afafka Isbaanishka, Boortaqiiska iyo Ingiriisida.

Gabdhaha Walaalaha Madow ee Southall (SBS):

020 8571 9595

Akhbaar, talo, u doodis iyo la talinta dumarka Madow iyo Eeshiyaanka iyo caruurta la kulma

rabshadaha guriga iyo xadgudubka galmada.

Xarunta Akhbaarta Dumarka Eeshiyaanka (London):

020 8961 6549 Af Ingiriisi

020 8838 3462 Khadka Afafka kala duwan

J. Taageerada Diinta ku xidhan

Miyad – Khadka caawimidda Dadka Yuhuuda ee Qaran:

Telefoon bilaasha 0800 652 9249

Khadka Caawimidda qofka kasta oo Yuhuudiya oo baahan ama dhibaataysan.

Isniin – Khamiis, Axad 24 saacadood; Jimce 12 duhurnimo ilaa 1 ka hor Sabaadka; Sabti 6

galabnimo ilaa saqda dhexe (Jiilaalka)

Turjumaan waa la helayaa;

Khadka Caawimidda Dumarka Muslimiinta:

020 8904 8193, 020 8908 6715 Isniin – Jimce 10am-4pm

Adeegyada akhbaarta iyo dad telefoonka lagula hadlo oo ku dhegaysta siinayana taageero ku

haboon dareenka iyo dhaqanka dumarka muslimiinta. Carabi, Bengali, Urdu, Gujurati, Faarsi ayay

ku hadlayaan, turjumaano afafka kale ku hadlana waa la helayaa.

63

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Qaybta D - Lifaaqyada

K. Taageeridda Badbaadayaasha Lixaadka La’

Gargaarka:

Telefoon bilaasha 0808 808 0700 Isniin – Jimce 1.30-5pm

Adeegyada taageeradda iyo khadka caawimidda dadka leh dhibaatada aqoonta oo ah dhibanayaal

ama dembiilayaal xadgudub galmood iyo dhibaatooyin kale, iyo daryeelayaashooda. Talo bixin iyo

saykooterabi (psychotherapy), qiimaynta Khatarta, adeegyada baadhida, mashruuca waalidiinta,

tababarka, tashi iyo ilaalin. Waxay ku hadlayaan afafka Bengaliga iyo weelishka.

Gudigga Xuquuqda Lixaad laawayaasha: 08457 622 633

L. Taageeridda Shaqaalaha Galmada

Wadajirka Ingiriiska ee Dhilooyinka:

020 7482 2496 Talaado, Arbaca 12-4galabnimo

Shabakadda dumarka dhilooyinka oo kala midab duwan kana shaqeeya heerar kala duwan suuqa

galmada. Waxay u ololaynayaan laga soo bilaabo 1975 tirtiridda dhamaan sharciyada dhilaysiga;

xuquuq bini’aadanimo, mid sharci iyo mid dadnimo inay helaan dumarka dhilooyinku; iyo dhaqaale

u bedela – kaalmooyin sare, deeqo iyo mushahar. Waxay bixiyaan gargaar/caawimo iyo akhbaar

ku saabsan sharciga iyo arimo kale oo kala duwan.

M. Xadgudubka Waayeelka

Xadgudubka Waayeelka:

Telefoonbilaasha 080 8808 8141 Mon – Fri 10am-4.30pm

N. Cabashooyinka Boliiska

Guddiga Madaxabanaan ee Cabashooyin Boliiska:

0845 3002 002 9am-5pm www.ipcc.gov.uk/

Kuwa kale

U Cadaalad falka Dumarka:

Telefoonqoraal: 08457 622 644 www.jfw.org.uk

64

ASHTAKADA ILAA MAXKAMADDA Buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

Xubin ka noqosho

Maxaadan ugu sheegayn saaxiibkaa Xuquuqda Dumarka?

Haddaad jeceshahay inaad ka mid noqotid Xuquuqda Dumarka, fadlan buuxi foomkan hoose,

sawir nuqul ah ka samay ka dibna u dir cinwaanka jaldiga sare gudihiisa ku qoran. Mahadsanid.

Waxaan jeclahay inaad ka mid noqdo Xuquuqda

Dumarka: Waxaan ahay/ nahay* Urur heer Qaran ah £50

Koox heer Degmo ah £30

Shaqsi (Mushahar qaata) £20

Shaqsi (Mushahar yar) £10

Arday/Shaqsi aan shaqayn £6

Magaca ........................................................... Ururka ................................................................

Cinwaanka .....................................................................................................................................

Magaalada .......................................................................... Post Code .....................................

Telefoonka .............................. Fakiska ........................... Email .............................................

*(masax kii ku haboon)

65

BILOWGA DACWADDA ILAA MAXKAMADDA buug loogu talagalay dadka ka badbaada xadgudubka galmada

SOMALI

XUQUUQDA DUMARKA DAABACAAD KA TIMI OO ASAL AH

Xadgudub galmeedku waxay u tahay xaqiiq jirta kumaankun dumara

nasiibdarro .

Waa khibrad naxdin badan inuu qofku noqdo dhibane xadgudub galmeed. Habka dacwadda iyo

dembi oogista xadgudubka galmadu wuxuu noqon karaa mid aad u adag. Buugan ayaa sidaas

darteed wuxuu u noqonayaa hage dadka ka badbaada xadgudubka galmada, qoyska, asxaabta iyo

taageerayaasha dadkan.

Haddii adiga ama qof aad garanayso si uun loogu xadgudub galmooday, buugan ayaa kugu wargelinaya

marxaladaha aad maraysid haddaad go’aansatid inaad boliiska u dacwootid. Wuxuu kuugu samaynayaa

guudmar marxaladaha kala duwan nidaam sharciyeedka laga soo bilaabo sheegista danbiga ilaa ugu danbaynta

maxkamadda laga dhagaysanayo iyo cidhibteeda. Wuxuu ku siinayaa faham bilow ah ee sharciga qaybtan.

Waxaa ku jira buugan tilmaan bixinta ah ee baahsan, faahfaahsan oo la heli karo:

• Habka sheegista dacwadda

• Arimaha caafimaad ee jira

• Nidaamka Boliiska

• Qaybtaada marxalada maxkamadda

• Arimaha jira maxkamadda ka dib

• Guudmarka qormooyinka 1-4 ee Xeerka Dembiyada Galmada 2003

• Faahfaahinta wakaaladaha kale ee taageerada

Buugan Xuquuqda Dumarka Qaangaarka ah ee ka Badbaaday Xoogist Galmadu waa lama huraan

inay akhristaan dhamaan dumarka soo maray nooc kasta oo xadgudub galmeed ah, khuburada la

talisa iyaga iyo cidkastoo ka shaqaysa qaybtan xadgudubka galmada.

Cathy Halloran waa qareen sare (barrister) oo fadhiisata Tooks Chambers oo ku taal London. Waxay kaloo ka

dhigtaa cadaymo danbiyeedka iyo difaacista iskuulka sharciyada ee BPP. Waxay ku takhasustay difaaca

dembiyada iyo rafcaanka dumarka wax dila waxayna matashay dhowr ka badbaaday kufsi daraago lala

kaashaday oo rafcaan lagu doonayo magdhow dhaawacyada dembiga.

Xuquuda Dumarku waxay u shaqaysaa sidii loogu heli lahaa cadaalad iyo sinaan iyadoo

wargelinaysa, waxbaraysa awoodna siinaysa dumarka dhinaca xuquuqdooda sharciga.

66

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!