19.06.2013 Views

Somali - The Royal Children's Hospital

Somali - The Royal Children's Hospital

Somali - The Royal Children's Hospital

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Buug kaa caawinaya inuu kugu hago

HOGGAAMIN KAA CAA WINAAYA ISPBITALKA

BOQORTOYADA CARRUURTA

Qoysaska iyo

Daryeellayaasha

Sebteembar 2008

Waxaan qiimayno

Midnimo Si wada jir ah ayaan u shaqaynaa si aan u gaarno himiladeena

Dareen Waxaan daacad u nahay sidaan u xanaanayn lahayn caruurta

xanuunsan una hor marin lahayn caafimaadkooda

Sharaf Si daacad ah ayaan wax u qabanaa

Fiicnaansho Waxaan ku dadaalnaa tayo sare hawshaan qabanoo dhan

Xushmayn Waxaan tixgelinaa ruux walboon xanaanayno iyo cid walboo kale

Tusmo

2 Xuquuqda iyo waajibadka

4 Warcelin – mahadnaq iyo

Cabasho

5 Arimaha khaaska ah

5 Noocyadda dhakhtar

seexinta

6 Sida loo tago The Royal

Children’s Hospital

6 Gaadiidka dadweynaha

7 Baarkinadda

7 Baarkino qiimo jaban

7 Meelaha dadka lagu dajin

karo

8 U diyaar garoobid dhakhtar

imaatin

8 Waxay tahay inaad u

sheegto ilmahaaga

8 Waxa lala yimaado

8 Waxyaalahaan lala

imaanaynin

9 Xasaasiyad

9 Daawooyinka iyo

waxyaalaha kale ee daawo

ahaanta loo qaato

10 Doorasho/balanta

dhakhtar dhigida

10 Xaqiijinta maalinta dhakhtar

dhigida

10 Hadaadan ku imaan karin

sidii loo qorsheeyay

10 Dib u dhigid qaliin

10 Soomid

10 Qaadashada daawada

suuxisa

10 Ogolaansho

11 Nolosha qaybta

seexashada

11 Hawl maalmeedka qaybta

seexashada

12 Kalkaaliyaashanada

12 Dhakhtaradanada

13 Wax-barid

13 Ilmahaaga ood la joogto

13 Ka tagid qaybta seexashada

13 Hooyga waalidiinta

13 Saacadaha booqashadda

14 Cuntadda caruurta

14 Cuntadda waalidka

15 Naga caawi inaan

hagaajino amniga

ilmahaaga intuu

dhakhtarka ku jiro

15 Wa ayo ruuxan

15 Baaridda iyo daaweeynta

16 Aqoonsigga bukaanka

16 Ka hortag infekshinka

16 Gacan nadiifin

17 Goormaa la dhiqi gacmaha

17 Waalidka ama qofka wax

xanaaneeya oo xanuunsada

17 Dhicid

17 Kormeerid

17 Buufinadda

17 Dareere kulul

17 Wax daatay

18 Guri aadidda

18 Macluumaadka bixida iyo

balamaha dambe

18 Dhakhtarka qoyska

18 Daawooyinka marka la

baxayo

19 A ilaa Z hage

32 Maababka isbitaalka

34 Telefoonadda

35 Foomka jawaab-celinta

2

Soo dhawaada

Waxaan rabnaa inaan xaqiijino in

macmuumaadkaan bixinayno uu yahay sax,

lana socdo wakhtiga. Wixii jawaab – celin ah ee

idinka yimaada aad baa loo soo dhawaynayaa.

Waxaad isticmaali kartaa Foomka Jawaab –

celinta ee ku yaala bogga dambe ee buuga

Ama la xiriir Sargaalka Xiriiriya

Macaamiilayaasha (tafaasiisha ka hel bogga 4).

Royal Children’s Hospital waa meel weyn oo qoysasku ay ku wareeri karaan. Waxaan

rajaynaynaa in macluumaadkani ku caawin doono markaad na soo booqatid.

Hadaad qabtid wax su’aal ah ama aad u baahan tahay caawin mar walbood

isbitaalka joogtid, fadlan weydii shaqaalahanagga, ama waxaad booqan kartaa:

Xarunta Khayraadka Qoyska oo ku taala dabaqa koobaad xaga dabme ee

Farmashiyaha

Xarunta Khayraadka Caafimaadka Caruurta iyo Amniga oo ku taala dabaqa

koobaad una dhaw Farmashiyaha iyo Dukaanka Hadiyadaha Gada.

1

Xuquuqda iyo waajibaadka:

Waxyaalaha bukaan socodku iyo qoysasku ay ka rajayn karaan

RCH

Waxaad naga rajayn kartid

Waxaan caruurta iyo qoysaskoodaba

siinaynaa gargaarka uugu wanaagsan ee

suurtagal ah. Waxaan ognahay in caruurtu

hesho gargaarka ugu fiican marka

isbitaalka iyo qoysasku wada shaqeeyaan.

Waxaan idin siinaynaa:

Gargaarka ugu wanaagsan

Waxaan idin siinaynaa dhamaan

adeegyadda caafimaadka jira iyo

xanaanayn

Waxaad ka qayb qaadanaysaan adiga

iyo qoyskaaguba go’aan qaadashadda

la xiriirta daawaynta

Waxaan idiin diyaarinaynaa cid labaad

ood fikrad ka qaadataan hadii loo

baahdo

Waxaan idiin qabanaynaa turjubaan

aydaan wax kharash ah bixinaynin

hadii loo baahdo

Waxaan ikhtiyaar idiin siinaynaa inaad

ka qayb qaadataan cilmi-baarista iyo

tababaradda

Waxaan idiin ogolaanaynaa inaad diidi

kartaan daawayn, waxaanse idiin

sharxaynaa natiijadda ka dhalan karta

go’aankaas.

Qiimayn

Waxaan idinla dhaqmaynaa si sharaf,

maamuus iyo xushmad leh

Waxaan dhagaysanaynaa fikradihiina

Waxaan idiin ogolaanaynaa in qof idin

matala uu idiin hadli karo hadaad

rabtaan

Macluumaad

Waxaan idin siinaynaa macluumaad la

xiriira caafimaadkaaga ama ka

ilmahaaga oo ay ka mid tahay

fursadaha jira iyo wixii dhib ah ee dhici

kara

Waxaan idin warsanaynaa ogolaansho

intaanaan bilaabin daaweynta

Waxaan ilaalinaynaa arimahaaga

khaaska ah iyo sirtaadaba

Waxaan kuu ogolaanaynaa inaad

ogaan kartid macluumaadkaaga

shakhsiyadeed iyo caafimaad, aadna

badali kartid hadii lagama maarmaan

ay tahay.

Waxaan ku weydinaynaa inaad noo

sheegtid hadaysan waxyaalahani

dhicin si aan u hagaajino adeegaan

bixino.

2

Waxaan kaa rajaynayno

Waxaan rabnaa inay xaqiiq noqoto

inaan ku siin karno daryeelka iyo

daaweeynta ugu wanaagsan.

Si aan taas u samayno waxaan kaa

rajaynaynaa:

Inaad na siisid akhbaartaada iyo

xaaladda caafimaad ee ilmahaaga oo

sax ah

Inaad noo sheegtid hadii

macluumaadkaaga shakhsiyadeed

ama caafimaad ay is bedelaan

Inaad soo xaadirto balamaha ama aad

nala socodsiiso hadaadan imaan karin

Inaad na warsatid macluumaad

dheeraad ah haduu jiro waxa aadan

fahmin

Inaad ku dhaqantid daawada sida loo

qorsheeyay ama aad noo sheegtid

hadii aad go’aansato inaadan

samaynin

Inaad aqbashid wixii natiijo caafimaad

ah ee ka timaada hadaad diido

daaweynta

Inaad aqoonsatid saamaynta ay qaab

nololeedka kugu leedahay ama ku

leedahay caafimaadka ilmahaaga

Inaad bixisid wixii macluumaad ah ee

caawin kara daryeelkaaga iyo

daaweeyntaba

Amni iyo farxad

Hadafkanagu waa inaan RCH ka dhigno

meel amni ah, khibrad iyo jawi

saaxiibnimo leh, sidaas daraadeed

waxaan warsanaynaa qof kasta

(shaqaalaha, qoysaska, bukaan socodka

iyo dadka booqashadda ku yimidba):

Inay ula dhaqmaan dadkoo dhan si

sharaf, maamuus iyo xushmad leh

Inaad noqotaan kuwo dareemi og

baahida dadka kale

Inaad ilaalisaan arimaha khaaska ah ee

dadka kale, aadna u haysid si sir ah

wixii macluumaad ah eed ka ogaatid

Inaadan aqbalin ama aadan la imaanin

dhaqan ama hadal loo arki karo gef

Inaad ilaalisid xiliyadda booqashada,

aadna maanka ku haysid xiliyada

aamuska

Inaad ilaalisid hantida Royal Children’s

Hospital

Inaad la socodsiisid shaqaalaha

isbitaalka wax walboo amni xumo

keeni kara

Inaad xurmaysid qorshaha sigaar yaan

la cabin ah

Rabsho iyo hanjabid lagama ogola

Royal Children’s Hospital, gacan-qaad,

baqdin-gelin, aflagaado ama in qofna

loo goodiyo lama aqbalayo. Hadii loo

baahdo waxaa loo yeeri shaqaalaha

amniga suga si ay u faragaliyaan.

3

Warcelin -– mahadnaq iyo cabasho

Ujeedadanadu waxay tahay inaan caruurta

iyo qoysaskaba siino adeega ugu

wanaagsan ee suurtagala ah, sidaas

daraadeed waxaan dhiirigalinaynaa wixii

faalo, talo wax dhisaysa iyo dhaliil ah ee ku

saabsan adeega aan bixino.

Haday jiraan wax la xiriira daryeelka

ilmahaaga ood rabtid inaad ka hadashid

waxaad warsataa Maamulaha Unuga ama

dhakhtarka ilmahaaga.

Waan soo dhawaynaynaa jawaab

celintaada, waxaana maqsuud ku nahay

inaan kaa faa’iidaysano sidaan u

hormarin lahayn waxyaalahaad

isbitaalka kala kulantay.

Mahadnaq

Way u wanaagsantahay shaqaalahanaga

inay ogaadeen in laga raali noqday

daryeelkooda, sidaas daraadeed waxaan

soo dhawaynaynaa wixii faalo ama talo

bixin ah eed haysaan.

Cabasho

Waxaa muhiim ah in lana ogaysiiyo marka

bukaanku iyo qoysasku aysan ku

faraxsanayn adeega/daryeelka la siiyay:

taasi waxay na siinaysaa fursad aan dib

ugu eegno, kuna hagaajino

adeega/daryeelka.

Waxaad xaq u leedahay inaad ka hadashid

adeegyada/daryeelka lagu siiyay iyo inaad

ogaatid in arimahaaga loo fiirin doono si

muhiim ah. Lagugu gooni sooci mayo

maadaamaa aad hadashay ood cabirtay

walaacaaga.

Yaan la hadli karaa?

Meel walba oo ay suurtagal tahay waxaan

idinku dhiirigalinaynaa inaad ku xalisaan

cabashadiina idinkoo si toos ah ula xiriiraya

qofka, qaybta la seexdo ama waaxda ay

khusayso. Fadlan codso inaad aragtid

Maamulaha Unugga – Madaxa

Kalkaaliyaasha ama Waaxda.

Waxaan dareensanahay in mararka

qaarkood ay adagtahay, waxaase diyaar

kuu ah oo ku caawini Sargaalka Macaamiil

Isku Xiraha.

Sargaalka Macaamiil Isku Xiraha waxaa

lagala xiriiri karaa 9345 5676.

Cideen warqad u diri karaa?

Haday kuu fududahay inaad qortid waxaad

ka cabanaysid, waxaad u qori kartaa sidii

warqad oo kale ama waxaad buuxin kartaa

Foomka Jawaabcelinta Macaamiilayaasha

(ee ku dhagan xaga dambe ee buugan),

kadibna waxaad ku hagaajisaa:

Consumer Liaison Officer

Clinical Quality and Safety

The Royal Children’s Hospital

Flemington Road, Parkville

Victoria 3052

Fax 9345 5050

Email judith.smith@rch.org.au

Telephone 9345 5676

4

Arimaha Khaaska ah

Royal Children’s Hospital waxaa ka go’an

inuu ilaaliyo sirta bukaanka. Sharcigaa

naga raba inaan ilaalino macluumaadka

shakhsiyadeed, waana inaan u

hogaansano Xeerka Diiwaangalinta

Caafimaadka Health Records Act 2001

(HRA) iyo qawaaniinta kale ee la xiriira sirta

iyo arimaha khaaska ah.

Hadaad u baahan tahay macluumaad

dheeraad ah ama nuqul buuganaga

Arimaha Khaaska, fadlan la xiriir Xarunta

Khayraadka Qoyska ama Xafiiska Seexinta.

Xarunta Khayraadka Qoyska 9345 4660

Xafiiska Seexinta 9345 6179

Noocyada Dhakhtar Seexinta

Marka ilmahaaga dhakhtarka la dhigo,

waxaa lagu weydiin doonaa inaad buuxisid

foomka seexinta ‘Form of Election for

Admission to a Public Hospital’. Waxaad

codsan kartaa in lagu dhigo private ahaan.

Buug noocyadda jira sharxaya ayaa yaala.

Hadaadan helin buuga fadlan la xiriir

xafiiska seexinta.

Xafiiska Seexinta 9345 6179

5

Sida loo tago The Royal Children’s Hospital

Isbitaalku wuxuu ku yaalaa Parkville meeshay iska gooyaan Flemington Road iyo

Gatehouse Street. Isbitaalku wuxuu u jiraa uun faras magaalaha daqiiqado iyo

qiyaastii 20 daqiiqo Garoonka Diyaaradaha ee Melbourne (Tullamarine).

Melways reference 2A

Gaadiidka Dadweynaha

Hadaad city-ga ka imaanaysid ka soo

Qabso tram 59 Elizabeth Street ama Tram

55 William Street. Tram stop- ka 17 ee

wadada Flemington Road Waa albaabka

weyn ee laga galo The Royal Childern’s

Hospital.

Tikidhada tramka iyo tareenkaba Waxaa

laga gadan karaa Farmashiyaha ku yaala

dabaqa Koobaad.

6

Baarkinadda

Ka soo gal baarkinka wadada Gatehouse

Street (waa meesha kaliya ee baarkinka

laga soo galo).

Si aad u gashid birta albaabka ku xiran waa

inay kor u kacdo markaad tikidh ka

qaadatid mishiinka tikidhka bixiya ee

albaabka laga galo. Baarkinadu wey

xadidan yihiin waxaana suurtagal ah inaad

saf u gashid si aad u gasho. Waxaa lagu

weydiin karaa inaad furaha ka tagto.

Waxaa jira baarkiino xadidan oo loogu

talagalay dadka naafadda ah.

Baabuurta joogoodu ka dheer yahay 2.1

mitir waa inay la xiriiraan shaqaalaha

baarkinka kuwaas oo kaa caawin doona

baarkinka ku haboon.

Xafiiska Baarkiink 9345 6403

Lacag bixinta & Bixida

Lacagta waxaa laga bixiyaa mid ka mid ah

mishiinada lacagta laga bixiyo intaadan

gaarigaaga ku noqon.

Waxaa laga bixi karaa wadada Gatehouse

Road ama Flemington Road (waxaa xusid

mudan in Flemington Road bidix uun loo

gali karo)

Baarkiino qiimo la jabiyay

Waxaad xaq u leedahay kaarka baarkinka

qiimaha

Jaban hadii ilmahaagu:

Uu dhakhtarka yaalo 3 maalmood

(qiimo jabintu waxay ka bilaabmi

maalinta sadexaad)

Uu qaato gunadda naafanimadda sida

Health Care kaarka ay uugu qoran

tahay Child Disability “CD” ama ay

wataan Pension kaar ay ku qoran tahay

Disability Support Pension “DSP”.

Kaararka qiimo jabinta waxa laga heli karaa

miiska akhbaar bixinta. Kaararkaas waxaa

loogu talagalay ruuxa ilmaha xanaaneeya

ee looguma tala galin qaraabada iyo dadka

soo booqanaya.

Hadaadan soo galaynin shuruudaha lagu

xiray aadna aaminsantahay inaad ku jirtid

xaalad adag fadlan la xiriir qaybta sooshal

worker-ka.

Baarkin ku noqosho

Kaarka qiimo jabintu wuxuu xaq u siinayaa

waalidiinta inay baxaan oo isla maalintii ku

soo noqon karaan baarkinka iyagoo

bixinaya hal khidmo oo kaliya – hadaad u

baahan tahay macluumaad dheeraad ah

ama caawin fadlan kala xiriir Maamulaha

Baarkinka miiska hore ee akhbaar

warsashada.

Meelaha dadka lagu dajin karo

Waxaa jira laba meelood oo dadka lagu

dajin karo. Mid waxay ku taalaa albaabka

weyn ee laga soo galo, ta kalana waxay ku

taalaa Qaybta Gar-gaarka Deg-dega ah.

Waxaa si adag mamnuuc u ah in gaadhi la

dhigto qaybta Gar-gaarka Deg-dega.

7

U diyaar garoobid dhakhtar imaatin

Waxay tahay inaad u sheegto ilmahaaga

Caruurtu waxay u baahan yihiin inay

ogaadaan waxa dhici doona markay

dhakhtarka yimaadaan. Si cad oo

daacadnimo ah ugu waran. Waxaa muhiim

ah in la isticmaalo erayo jilicsan ood filayso

in ilmahaagu uu fahmi karo. Markaad uuga

jawaabaysid su’aalahooda isku day inaad

uugu jawaabtid sida ugu run badan eed

kari kartid. Waxaa yaala buugaag badan oo

faa’iido leh, waxaad ka heli kartaa Xarunta

Caafimaadka Caruurta iyo Amniga.

Xarunta Caafimaadka Caruurta

iyo Amniga 9345 6429

Waxa lala yimaado

Ilmahaaga:

Waxa ugu muhiimsan ee ilmahaaga

aad u soo qaadi waa wax uu ku ciyaaro

iyo buste

Bijaame (fudud), maro la dhax galo oo

lagu seexdo iyo dacas

Qalabka musqusha – caday, daawada

ilkaha lagu cadaydo, shanlo iyo wixii la

mid ah.

Waxyaalo lagu shaqaysto sida

buugaag iyo qalin qori iyo wixii la mid

ah.

Fadlan ku qor magaca ilmahaaga dhamaan

alaabta aad shakhsi ahaan u wadataan.

Meelaha alaabta la dhigto wey xadidan

yihiin ee hasoo qaadanin alaab aad u

badan.

Waxyaalaha kale:

Tafaasiisha dhakhtarkaaga – magaca,

cinwaanka iyo nambarada lagala xiriiro

Medicare card-ka iyo health fund

buuga

Buuga macluumaadka dhalashada

ilmaha

Wixii daawo ah ee ilmahaagu uu hada

qaato oo ay ku jiraan daawooyinka aan

la isku qorin iyo dhirta la isku dabiibo

Qalab daawooyinka loo isticmaalo ama

waxyaalaha caawiya naafada (haday

idin saameeyaan)

Wixii alaab ah eed adigu u

baahantahay hadaad ilmahaaga la

joogayso habeenkii. Waxaad goglato

iyo barkin wey fiicnaan lahayd inaad la

timaado ( waxaa jira sariiro xadidan oo

ah kuwa laa-laabma).

Waxyaalahaan lala imaanaynin

Alaab qiimo leh – isbitaalku mas’uul

kama ah wixii luma ama xatooyo ah ee

ku yimaada alaabtaada ama ta

ilmahaaga

Qalab koronto – wax qalab ah oo

koronto u baahan (sida TV)

Qalab baytari isticmaalaya wey

fiicantahay in lala yimaado

8

Xasaasiyad

Shaqaalaha ilmahaaga daryeelaya waxay u

bahan yihiin inay la socdaan haday jirto

wax xasaasiyad (allergy) ah oo uu qabo.

Waa in la diiwaan galiyo oo uu

ilmahaagana waxaa gacanta loogu xiri

calaamad guduudan intuu dhakhtarka ku

jiro.

Fadlan kala xaajood shaqaalaha haday

jirto wax xasaasiyad ah oo uu

ilmahaagu ka qabo daawooyinka,

cuntada, ama waxyaalaha kale.

Daawooyinka iyo waxyaalaha kale ee

daawo ahaanta loo qaato

Amniga ilmahaaga awgeed waxaan u

baahanahay inaan ogaano dhamaan

daawooyinka uu qaadan jiray. Waxaa ka

mid ah daawooyinka uu dhakhtar qoray,

kuwo warqad la’aan laga soo gatay

dukaamada, farmashiyaasha ama supermarketyada

iyo wixii kale ee daawo ahaan

loo qaato. Kuwan waxaa mararka qaarkood

loogu yeeraa daawooyinka dabiiciga,

waxaana ka mid ah fiitamiinada, macdanta,

dhirta, tonics,aromatherapy iyo

daawooyinka homeopathic.

Fadlan u sheeg dhakhtarka, kal-kaalisada

ama farmashistaha qaybta la seexdo

macluumaadkan markaad dhakhtarka

timaado si ay u yaraato fursada aan ku

seegi karno daawo muhiim ah, aan u labalaabi

karno ama aan u siino daawo la falgali

karta.

Waxaa kalo muhiim ah in shaqaalaha

isbitaalka aad siisid tafaasiisha haday jirto

wax uu xasaasiyad ilamahaagu ka qaado

ama looga shakisan yahay, sida hadii hada

kahor uu daawo ka qaaday fal aan lagu tala

galin.

9

Doorashadda/balanta dhakhtar dhigida

Xaqiijinta maalinta dhakhtar dhigida

Markaad heshid warqada dhakhtar dhigida

waxay tahay inaad telefoon soo dirtid ood

xaqiijisid inaad aqbashay hawsha

ilamahaaga laga qabanayo. Fadlan wac

Adeega Balamaha iyo Sugida si aad u

xaqiijiso balanta.

Adeega Balamaha iyo Sugida 9345 6182

Isniin – Jimce 7.30am - 4.30pm

Tani waxy naga caawinaysaa oo kale inaan

xaqiijino telefoonkaaga saxda ah iyo inaan

kaa helno wixii kale ee macluumaad

dheeraad ah ee loo baahan karo.

Haday kuu suurtagaliweydo inaad la

xiriirto telefoonka lagu siiyay, fadlan wac

Xafiiska Dad Seexinta.

Xafiiska Dad Seexinta 9345 6179

Hadaadan u imaan Karin sidii loo

qorsheeyay

Hadii ilmahaago uusan fiicnayn, qandho ay

hayso, diif uu ka da’ahayo ama uu

qufacayo, ama aydaan imaan karin

sababtay rabto ha ahaatee, fadlan wac

Xafiiska Dad Seexinta oo na war gali sida

ugu dhakhsaha badan.

Xafiiska Dad Seexinta 9345 6179

Dib U dhigid qaliin

Marar waxaa dhacda in dhakhtarku uu dib

u dhigo xiligii dhakhtar seexinta iyadoo ay

ugu wacantahay inaan la odorosi karin tiro

badan oo dad ah oo si deg-deg ah

dhakhtarka loo dhigo. Waxaan isku daynaa

inaysan tani dhicin oo waan

dareensanahay walaacay kugu keeni karto.

Hadayse dhacdo dhakhtarku wuxuu bixini

raali-gelin qorshaha aan suurtagalin

wuxuuna idiin qorshayni

balan kaloo seexin sida ugu dhakhsaha

badan ee suurtagalka ah.

Soomid

Waan ognahay inaysan caruurtu jeclayn

gaajo ama biyo la’aan laakiin in cuntada

laga soomo waa QASAB. Fadlan fiiri

warqada dhakhtar dhigida ee dhakhtarka

ka timid ee kaala hadlaysa xiligga

dhakhtarka la imaanayo iyo inaad ku

dhaqantid tafaasiisha cunto ka soomida.

Hadaadan raacin tilmaan-bixintii lagu

siiyay waxaa surtagal ah in qaliinkii ama

hawshii la qaban lahaa dib loo dhigo.

Hadaad wax su’aal ah ka qabtid cunto ka

soomida, fadlan la xiriir dhakhtarka

ilmahaaga.

Qaadashadda daawada wax suuxisa

Buug 24 bog ah oo bilaash ah oo ka

hadlaya waxyaalo badan oo la xiriira

qaliinka la qorsheeyay iyo suuxinta ayaa

yaala Qaybta Suuxinta ama Xarunta

Adeega Caafimaadka Ilmaha iyo Amniga.

Qaybta Suuxinta 9345 5240

Xarunta Adeega Caafimaadka Ilmaha iyo

Amniga 9345 6429

Ogolaansho

Ogolaanshuhu waa bixin ogolaansho in

saami la qaado, qaliin ama hawl kale.

Dhakhtarku wuxuu kuu ogolaani inaad

ogaatid sababta saami loo qaadayo, qaliin

loo samaynayo ama waxa la qabanayo loo

samaynayo.

Dhakhtarku wuxuu kuu sheegi waxa la

qaban doono iyo sida loo qaban doono.

Waxaa kaloo laguu sheegi wixii dhib ah ee

ka imaan kara.

10

Nolosha Qaybta Seexashada

Waxaa muhiim ah inaad si buuxda u

fahamto baaritaanada la samaynayo,

qaliin ama wixii kale hawl ah ee

ilmahaaga laga qabanayo, sidaas

daraadeed hadaad qabto wax su’aal

ah na weydii.

Qaliinka iyo hawlaha qaarkood waxaa

lagu weydiin doonaa inaad saxiixdo

foom markuu dhakhtarka ilmahaagu

kula hadlo kadib. Ha ku deg-degin

inaad foomka saxiixdo ee qaado wakhti

aad ku warsato wixii su’aal ah ee laga

yaabo inaad qabto.

Waxaa jiri karta warqad ka waramaysa

baaritaanka, hawsha la qabanayo ama

qaliinka ilmahaaga lagu samayn doono

ee fadlan warso dhakhtarka warqadaas.

Hadii ilmahaagu uu weyn yahay waxaa

laga yaabaa in dhakhtarku warsado

aragtidiisa iyo ogolaansho in baarida,

qaliinka iyo hawsha laga qabanayo la

fuliyo.

RCH waa isbitaal dadweyne oo qaybta

seexashada waxaa lala wadaagaa

caruur kale iyo reerahooda. Qol gooni

gooni ah waxaa la bixiyaa oo kaliya

marka ay jirto baahi caafimaad.

Waxaa laga yaabaa inaad aragto in

shaqalahoo dhan aysan wada qabin

yunifoom inkastoo dhamaantood ay

wada qabaan teesare cadaynaya

ruuxa. Arin lagu wareeri karo weeye

hadaadan garanaynin cida mas’uul ka

ah daryeelka caafimaadka ilmahaaga.

Hadaad garan weydo ruux wuxuu

hayo, fadlan warso.

Ha laba labaynin inaad warsato

“ruuxu yuu yahay” iyo khaas ahaan

“yaa mas’uul ah?”

Kalkaalisaa idinku salaami adiga iyo

ilmahaagaba markaad timaadaan

qaybta seexashadda. Waxay idiinka

warami meesha la seexdo, weyna

idiinka jawaabi wixii su’aal ah. Waxay

war-galinayaan dhakhtarka imaatinka

ilmahaaga. Dhakhtarku wuxuu baari

ilmahaaga, wuxuuna ku weydiini

su’aalo khaas ah.

Fadlan wixii su’aal ah ee ku saabsan

daaweynta/maaraynta ilmahaaga

na weydii intaad doonto.

Hawl maalmeedka qaybta

seexashada

Hawlo kala duwan ayaa ka kala socdo

qayb walba oo la seexdo ee fadlan

warso kalkaalisada ilmahaaga hadaad

wax su’aal ah qabto.

11

Kalkaaliyaashanada

Maamulah Unugga – Waa kal-kaalisada

ugu saraysa ee qayb walboo la seexdo,

waxaana saaran masuuliyadda guud ee

maamulka qaybta la seexdo.

Maamule unugg la halmaale – waa kalkaaliyaal

khibrad leh oo diiwaan gashan

kuwaasoo xili walba shaqeeya, waxyna

mas’uul ka yihiin hawsha qaybta la seexdo

xiligay shaqaynayaan.

Kal-kaalisad ilmahaaga – waa kal-kaaliso

diiwaan gashan oo xili walba loo

qoondeyay inay daryeesho ilmahaaga. Kalkaalisadani

waxay kalooy daryeeshaa

bukaan kale.

Dhakhaatiirtanada

Sarkaal caafimaad resident – waa

dhakhaatiir shahaado haysta oo helaya

khibrad dheeraad ah oo ku saabsan

daaweynta iyo maamulka caruurta.

Registrars – waa dhakhaatiir loo qoray

tababar barnaamij takhasusnimo oo u

shaqaynaya si ay u noqdaan dhakhtar

dadka arka.

Consultants – waa dhakhaatiir soo qaatay

sanado badan oo tababar takhasuskay

haystaan ah. Marka Ilmahaaga dhakhtarkaa

la dhigo waxaa daryeeli doono dhakhtar la

taliye ah, kaasoo sidoo kale kor-meeri

doona dhakhtarka resident-ka iyo

registrar-ka. Waxaa laga yaabaa inaadan

mar walba arkin dhakhtarka consultant-ka,

si walba ha ahaatee dhakhtarkaasi ama

dhakhtaradaasi iyagaa weli mas’uul ka ah

daaweynta ilmahaaga.

Haduu jiro wax wel-wel ah ama aad

qabtid su’aalo ku saabsan daryeelka

ilmahaaga, fadlan warso inaad la

hadashid Maamulaha Unugga ee aaga

dhakhtarka daawaynaya ilmahaaga.

12

Wax – barid

Royal Children’s Hospital waa isbitaal wax

lagu baro dhakhtarada, kal – kaaliyaasha

iyo shaqaalaha faracyada caafimaadka.

Waxaa laga yaabaa in arday uu adiga ama

ilmahaaga la hadlo ama baaro. Waxaan

waalidiinta ku dhiirgalinaa inay ka qayb

qaataan, si walba ha ahaatee hadaadan

rabin fadlan dheh ‘maya’ oo la hadal

Maamulah Unugga – Kalkaalisadda.

Waxaan kaloon tababar siinaa dhakhaatiir

dibada ka timid. Dhakhaatiirtani waa kuwo

shahaado haysta, laakiinse kororsanaya

xirfad dheeraad ah oo la xiriirta daryeelka

caruurta.

Ilmahaaga ood la joogto

Waalidiinta mar walba waa lagu soo

dhawaynayaa inay la joogaan ilmahooda

intay rabaan, weyna ka qayb qaadan

karaan daryeelka ilmahooda. Waxaa

suurtagal ah inaad xitaa la joogi kartaa

ilmahaaga xiliga daawaynta badankoodu

ay u socdaan.

Waxaan mararka qaarkood siinaa hal

waalid sariir kaambaydh ah. Nasiib-xumo

boosku wuu xadidanyahay oo gooni isku

asturidu saas uma badna. Waxaa la

doorbidaa inaad soo qaadatid waxaad

goglatid.

Meelo lagu nasto iyo musqulo leh

qabaysba wey jiraan – fadlan warso

kalkaalisada qaybta seexashada.

Ka tagid qaybta seexashada

Hadaad rabtid inaad ilmahaaga ka yara

kaxaysid qaybta seexashada, fadlan ka

xaqiiji kalkaaliyaasha inuu ilmuhu kari karo

in la kaxeeyo.

Shaqaaluhu waxay u baahan yihiin inay

ogaadaan meeshaad aadaysaan iyo intaad

ku maqnaanaysaan.

Hooyga waalidiinta

Waxaa hooy loo hayaa waalidiinta caruurta

aad u xanuunsan, hooyooyinka nuujinaya

iyo waalidiinta u safra meel fog. Qolalkaas

waxaa lagu dalacaa lacag.

Dalabkoo aad u badan awgeed waxaa jira

liis sugid ah si loo helo hooyga waalidiinta.

Caawimaad dheeraad ah iyo liiska

hoteelada la seexdo ee aaga ka dhaw

waxaa laga helaa xafiiska Ronald

McDonald House ama Xarunta Khayraadka

Qoyska.

Ronald McDonald House 9345 6300

28 Gatehouse street, Parkville

Isniin – Jimce 9:00am – 4.45pm

Sabti 10.45am – 3.30pm

Axad 10.45am – 5.00pm

Feestooyinka 10.00am – 2.00pm

(wuu xiranyahay maalinta kirismas-ka)

Saacadaha booqashada

Waalidiinta iyo daka ilmaha xanaaneeya

mar walba wey u fasaxan yihiin. Caruurta

kasoo kabanaysa jiro ama qaliin waxay u

baahan yihiin nasasho. Xubnaha kale ee

qoyska iyo dadka kale ee booqashada u

socda waxaa la warsanayaa inay soo

booqdaan saacadaha booqashada.

Saacadaha booqashada

7 maalmood ee todobaadka 8.00am –

1200pm

iyo 2.00pm – 7.30pm

Fiiro Gaar ah: Qoysaska iyo dadka

booqashada ku imaanaya ee qaba

infekshin, sida calool – xanuun, hargab

ama la soo kulmay cudur faafa ma aha inay

booqasho ugu yimaadaan iyagoon marka

hore kala xaajoonin arintan kal – kaalisada

mas’uulka ka ah.

13

Cuntada caruurta

Xiliyada cuntada la cuno wey kala duwn

yihiin qaybaha kala duwan ee seexashada,

sidaas daraadeed warso kal-kaaliyaasha.

Fadlan wargali shaqaalaha kalkaaliyaasha

hadii ilmahaagu u baahan yahay cunto

khaas ah.

Hadii ilmahaaga looga baahan yahay inuu

soomo, shaqaalahaa ku ogaysiin doona.

Fadlan ha siinin cunto ama cabid

caruurta kale maadaamaa laga yaabo in

cunto khaas ah ay cunaan amaba ay

sooman yihiin.

Cuntada waalidka

Waxaa jira dhawr meelood oo cunto gada.

Fiiri boga 23 CUNTO.

Meelaha kale waalidiintu cunto ka heli

karaan:

Qaybaha la seexdo waxay siiyaan

cereal waalidiinta ilmahooda la jooga

habeenkii.

Hooyooyinka nuujinaya ilmo ka yar 12

bilood waxay heli karaan cunto la siiyo

inta ilmahoodu dhakhtarka ku jiro.

Fadlan warso kalkaalisada haysa

ilmahaaga.

Xaasaska bukaan socodka qaybta Post

Natal Mothers Unit waxay codsan

karaan cunto loola keeni karo ta

bukaan socodka. Waxoogaa yar oo

kharash ah ayaa laga qaadaa cuntada.

Fadlan warso caawin shaqaalaha kal-

kaaliyaasha.

Qoysasku waxay kasoo gadan karaan

cunto todobaadka dhamaadkiisa

Qaybta Adeega Cuntada oo ku taala

dabaqa koobaad. Waxoogaa yar oo

kharash ah ayaa laga bixiyaa cuntada.

Waalidiinta u baahan inay gataan

raashin kosher ah (cuntada Yuhuuda)

waa inay warsadaan kal – kaaliyaasha

inay uula xiriiraan qaybta adeega

cuntada.

14

Naga caawi inaan hagaajino amniga ilmahaaga intuu dhakhtarka

ku jiro

Falsafada daryeel ee RCH waxa sal u ah

arimaha qoyska iyo ilmaha. Falsafadani waxay

xoojinaysaa muhiimadda ah in la dhawro

baahida caruurta iyo arimaha iskuxirka

daryeelka iyo ka qaybqaadasho qoys. Waxaan

rabnaa inaan u wada shaqayno waalidiinta si

wax wada lahaansho ah nooc walboo

daryeelka caafimaadka ilmahaaga ah.

Wa ayo ruuxan

Fadlan ka hadal hadaad su’aalo ama wax

walaac ah qabtid. Waa wax wareer keeni kara

hadaadan aqoonin ruuxa mas’uulka ka ah

caafimaadka ilmahaaga. Ha laba labaynin

inaad warsato “ruuxani yuu yahay” iyo khaas

ahaan wa ayo mas’uulku.

Fadlan na warso intaad doonto wixii su’aal ah

ee ku saabsan daaweynta/maamulka xaalada

ilmahaaga.

Baarida, daaweynta iyo hawlaha kale

Waxaa muhiim ah inaad fahamto waxa baarid,

daaweyn ama hawsha la qabanayo loogu

baahan yahay. In daawo la bixin doono iyo

siday ilmahaaga u caawinayaan.

Baarida, daaweynta iyo hawsha la qabanayo

mararka qaarkood waxay ilmaha ku keeni

karaan xanuun iyo walaac, waxaanse ahmiyad

siinaa inaan dhibka yarayno inta suurtagal ah.

Waa falsafadanada inaan ilmo la jujuubin ama

saami laga qaadin isagoo walaacsan, faa’iidana

uma aha ilmaha. Ka waalid ahaan waxaad

warsan kartaa in baarida ama daaweynta dib

loo dhigo ama balan dambe laguu qabto.

Barnaamiijka Ilmo U Raaxaynta wuxuu ka

caawiyaa shaqaalaha iyo waalidiintaba inuu

yareeyo xanuunka iyo walaaca jira intaan

baarida, daaweynta iyo hawsha la galin,

marka lagu guda jiro iyo marka la

dhameeyaba. Halkan waxaa ah qodobo

muhiim ah oo xasuus u baahan, kuna

caawinaya adiga iyo ilmahaagaba:

Diyaar Garawga: Daacad u ahaw ilmahaaga

oo isticmaalna ereyada sida “ yara si baad

dareemi” intaad dhihi lahayd “xanuun”. U

sharax sababta iyo waxay baaristu tahay. Ku

lug lahow hawsha ilmahaaga una tababar

xeelado adkaysi intaan baarida/hawsha la

galin.

Sida la isugu qaabayni baarista:

Saamiyaasha qaarkood marka la qaadayo

ilmahaaga wuxuu ku fariisan karaa dhabtaada

ama kursi, wuu taagnaan karaa, ama wuxuu ku

jiri karaa “bogga waalidka” taasoo ilmha u ah

aamin iyo raaxaba.

Mashquulin: Tooyada caruurta, bugaagta

ama waxyaalah lagu ciyaaro ee mashquuliya

ilmaha inta baaridu socoto waxay caawiyaan

inay ilmaha ka yareeyaan wel-wel iyo

welbahaar.

Neefsasho: la tababar qaado ilmahaaga sida

neef weyn loo qaato; warso ilmahaaga inuu

gacmihiis kor saaro calooshiisa, qaado neef

weyn taasoo tusta gacmahoo kor u soo

kacaya; si tartiib ah u tiri saddex, deedna

weydii inuu ilmuhu neefta dibada u saaro.Ku

cel-celi baarista ka hor iyo kadiba.

Sheekooyin: caruurta qaarkood waxay jecel

yihiin inay indhaha isku qabtaan ama ay iska

dhigaan sidii iyagoo xeebta jooga ama iyagoo

fasax ku jira oo ciyaaraya isboorti. Weydii

su’aalahan oo kale: maxaad jeceshahay inaad

ku samysid xeebta, biyuhu waa midabkee,

yaad la joogtaa?

Amaan: dhiirigali oo amaan dadaalka

ilmahaaga; isku day inaadan ilmaha

dareenkiisa u jeedinin inuu ku mashquulo

baarista ama hawsha la qabanayo, tusaale

ahaan “sidaad u neefsanayso shaqo fiican

baad qabanaysaa”.

15

Caruurtu wey kala duwan yihiin, fadlan warso

shaqaalahanaga sida xeeladaha loo isticmaalo

si ilmahaagu u diyaar garoobo ugana caawiso

hawsha la qabanayo, waxaad kalood warsataa

inay ku siiyaan nuqul ah warqada uu

cinwaankeedu yahay “yaree xanuunka ilmaha

marka saamiyada laga qaadayo ama hawl laga

qabanayo”

Aqoonsiga bukaanka

Caruurta isbitaalka ku jirtoo dhan waxaa ugu

xiran gacanta ama lugta aqoonsiga bukaanka.

Aqoonsigan waxaa ku qoran magaca ilmaha

iyo nambarkiisa dhakhtarka ama xiliga

dhalashada.

Haduusan ilmahaagu haysanin ama uu ka

dhacay, fadlan wargali shaqaalaha

kalkaaliyaasha si loogu keeno sida ugu

dhakhsaha badan.

Shaqaaluhu inay hubiyaan aqoonsiga bukaan

socodka waxaa dheer oo ay ku weydiinayaan

inaad sheegto:

magaca ilmahaaga oo buuxa

taariikhda dhalashada

Waxa aad halka u joogto

Goobtee iyo dhinacee wax saameeyeen

Hubintan waa inay dhacdaa hawl walba intaan

la qabanin ka hor si loo xaqiijiyo in ilmuhu uu

helo daawadii saxda ahayd.

Su’aalahan yaysan kaa yaabinin, shaqaaluhu

waxay rabaan inay xaqiijiyaan ilmahaagu kuu

yahay.

Ka hortaga infekshinka

Caruurta dhakhtarka ku jirta waxay ahaan

karaan kuwo infekshin ka qaada hawsha laga

qabanayo ama xanuunkooda ayaa ka dhiga

kuwo u nugul infekshin.

Si aan uga hortagno inuu infekshinku u kala

gudbo, waxaan la imaan karnaa xeelado sida si

sax ah oo wax loo nadiifiyo, daawooyin wax

lagu nadiifiyo iyo qalabkoo jeermiska laga dilo,

caruurta infekshin qabta oo qol khaas ah la

dhigo, gacmahoo la dhaqo iyo nadaafad guud

oo lagu dhaqmo.

Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad

wacdaa infekshin xakamaynta 9345 5740.

Gacan nadiifin

Dhakhtarada, kal – kaaliyaasha iyo shaqaalaha

kalee caafimaadka waa inay gacmaha

dhaqaan intaysan taabanin bukaan socod

walba iyo kadiba.

Waa qaab hawleedka Royal Children’s Hospital

inay dabaqdo gacan nadiifinta iyo in dhamaan

shaqaaluhu ay wargaliyaan dadka booqashada

ku yimid inay gacmaha nadiifiyaan.

Dhamaan waalidiinta, bukaanka iyo dadka

ilmaha daryeela way weydiin karaan xubnaha

shaqaalaha “Ma dhaqday gacmaha?”

Si loo hor mariyo gacan nadiifinta sariir walba

agteeda waxaa la dhigay dareere wax

nadiifiya. Dareerahan wuxuu dili karaa

jeermiska adigoon biyo isticmaalin.

Waalidiinta iyo dadka booqashada ku yimid

waxaa lagu boorinayaa inay isticmaalaan. Mari

dareerahan labada gacmoodba oo u kaadi

intuu ka qalalayo (15 ilbiriqsi). Waa in la

isticmaalo meeshii laga isticmaali lahaa

saabuun iyo biyo.

MUHIIM – hadii gacmahaaga ay wasakhi ka

muuqato, ha isticmaalin dareerahan ee

isticmaal biyo iyo saabuun.

16

Goormaa la dhiqi gacmaha

Intaadan:

Galin qaybta la seexdo

Bilaabin cunto diyaarinta iyo cunidda

Naas nuujinta bilaabin

Markaad ilmaha cunto siinayso

Markaad ilmaha daawo siinayso

Markaad taabanaysid/hab

siinaysid/qabsanaysid ilmahaaga

Kadib:

Markaad xafaayadda badashid

Markaad ka caawisid ilmahaaga musqul

isticmaalida

Markaad san tirato ama aad tirto sanka

ilmahaaga

Markaad taabato/hab siiso/ qabsato

ilmahaaga

Markay gacmuhu ku wasakhoobaan

Waalidka ama qofka wax xanaaneeya oo

xanuunsada

Fadlan kala hadal shaqaalaha kal-kaaliyaasha

wixii infekshin ah ee ku haya sida shuban,

matag, qandho, qufac, nabaro jirka ka soo

baxa iyo wixii la mid ah. Sidoo kale fadlan

wargali shaqaalaha hadii adiga ama ilmahaagu

xiriir la yeelateen qof infekshin qaba sida busbus.

Dhicid

Waxaan caadi ahayn ma aha in caruurtu

dhacdo. Markaad dhakhtarka ku jirtaan fadlan

xasuuso in mar walba aad isticmaashid

dhinacyada sariirta. Hadaadan hubin sida loo

isticmaalo dhinacyada sariirta fadlan waydii in

shaqaaluhu ku tusaan.

Kormeerid

Isbitaalku waa meel caruurtu aysan aqoonin.

Ha u ogolaanin in ilmahaagu war-wareego

qaybta seexashada iyo isbitaalkaba

isagoon lala soconin

U sheeg shaqaalaha hadaad ka tagaysid

qaybta seexashada

Mar walba kala hadal shaqaalaha hadaad

ilmahaaga ka kaxaynaysid qaybta

seexashada

Hubi in caruurta booqashada ku

imaanaysa lala socdo

Buufinada

Buufinada ka samysan caaga waxay keeni

karaan dhib ba’an, sida:

Margasho

Dhaawac indhaha soo gaara

Xasaasiyad

Isku ceejin

Hubi in buufinada ilmuhu isticmaalayo ay

yihiin foil uun, hubina in xarigu uusan ka

dheerayn 30 sentimitir, (dhererka mastarada)

Dareere Kulul

Dareeraha kululi wax bay gubi karaan ee

waxaan idin warsanayaa inaydaan ilmaha uga

ag tagin wax la cabo oo kulul, markaad

wadato dareere kulul waxaad isticmaashaa

koob/galaas daboolan.

Wax daata

Dareere ku daata dhulka waxay keeni karaan

kufid ee u sheeg xubin shaqaalaha ah hadaad

aragto wax daatay.

Hadaad aragto wax amniga ilmaha ku

saabsan oo aad ka walbahaarto fadaln u

sheeg mid shaqaalaha ka mid ah.

17

Guri aadid

Waxaan ku dadaalnaa in ilmahaagu joogo

dhakhtarka wakhtiga ugu gaaban ee suurtagal

ah. Waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad

ilmahaaga u qaadid guriga sida ugu

dhakhsaha badan markuu dhakhtarku

fasaxaba.

Haduu wax dhib ah kaa haysto xaga gaadiidka

fadlan la hadal shaqaalaha kal-kaaliyaasha oo

kuu diri Xarunta Khayraadka Qoyska halkaas

ood ku sugi kartid si raaxo leh.

Macluumaadka bixida iyo balamaha dambe

Markaad dhaktarka ka baxaysid waxaad u

baahan kartaa:

Talo-bixin khaas ah oo la xiriirta daryeelka

ilmahaaga

Balan dambe oo dhakhtarka ku aragtid

Balan dambe ood ku aragtid shaqaalaha

kalee caafimadka

Warqada bixida

Warqad ku socota adeega bulshada

Fadlan warso kal-kaalisada ilmahaaga ama

dhakhtarka haduu jiro wax khaas ah ood u

baahan tahay intaadan dhakhtarka ka bixin

iyo nuqul kooban oo ah warqada bixida.

Dhakhtark qoyska/General Practitioner

Waxaa muhiim ah in ilmahaagu uu leeyahay

caafimaad ilaaliye joogto ah oo bulshada

kamid ah, kaas wuxuu ahaan karaa General

Practitioner (GP). Dhakhtarkani wuxuu la

soconi xaalada ilmahaaga wakhti dheer,

wuxuuna bixin karaa daryeel tayo leh oo

joogto ah. Hadaad leedahay dhakhtar qoys

fadlan u sheeg shaqaalaha si ay u galiyaan

diiwaanka ilmahaaga.

Waxaan dhakhtarkaagu u diraynaa

macluumaad muhiim ah oo kooban oo ku

saabsan dhakhtar imaatinkii ilmahaaga iyo

wixii daryeel dambe ee mustaqbalka ah.

Adigana waxaa lagu siini nuqul.

Hadaadan lahayn dhakhtar qoys, fadlan warso

shaqaalahanaga si ay kaaga caawiyaan inaad

mid samaysatid ama waxaad ka fiirisaa Bogga

Caafimaadka Caruurta –

www.healthforkids.net.au waxaa ku qoran

liiska dhakhaatiirta xiisaynaysa inay caruurta

daaweeyaan.

Daawooyinka marka la baxayo

Waxaa muhiim ah inaad haysatid

macluumaadka ku saabsan daawooyinka

ilmahaaga:

Daawada magaceed, maxaase loo

isticmaalaa?

Sidee loo qaadani daawada? Wax intee

la’eg, imisa jeer iyo imisaa la wadi?

Maxay tahay dhibaatada suurtaglaka ah ee

ka imaan karta daawada? Maxay tahay

inaan samayno hadii wax dhib ah ka

yimaado?

Markaad guriga aadaysid hubi meeshay

tahay in daawada lagu hayo (sida in

firinjeer la galiyo).

18

A ilaa Z hage

Unugga caawinta qoysaska aborijinka

Sargaalka iskuxiraha Koori ee isbitaalka

wuxuu u joogaa caawinta bulshada

aborijinka.

Sargaalka isku xiraha Koori 9345 6111

Hoyga

Fiiri hoyga waalidiinta, bogga 13.

Dhakhtar seexinta

Fiiri Dhakhtar seexin la sii balamiyay, bogga

10.

Adeega Caruurta xiliga qaan-gaarka

Xarunta adeega caruurta xiliga qaangaarka

waxay muhiimadeedu tahay inay

hormariso caafimaadka iyo samafalka

jiilalka yar-yar ee da’doodu u dhaxayso 12

ilaa 18 jir.

Xaruntu waxay ku taalaa 2 gatehouse

Street, ka soo horjeedka isbitaalka.

Xarunta Caafimaadka Caruurta Xiliga Qaan

Gaarka 9345 5890

Xasaasiyad

Fiiri bogga 9.

Balamaha

Xafiiska balamuhu wuxuu ku yaalaa

dabaqa dhulka.

Balamaha 9345 6180

Hadaad wax dhib ah kala kulantid fariin ku

reeb telefoonkan deedna waa lugula soo

xiriiri doonaa 9345 6521

Isniin – Jimce 8.45am – 4.30pm

Caawiyeyaal

Caawiyeyaashu waxay qiimo weyn oo

joogta ah u yihiin caruurta the Royal

Children’s Hospital. Waa dad dhinacyo kala

duwan ka yimid oo iskugu yimid inay

ururiyaan dhaqaale muhiim u ah isbitaalka.

Waxay yihiin dad ganacsato ah, waalidiin,

arday, dhalinyaro iyo dad rug cadaa ah.

Waa dad hal-abuurid leh ahna il joogto ah

oo fikraduhu ka yimaadaan markay

timaado arin ku saabsan siyaabaha kala

duwan oo dhaqaale loo samayn karo.

Caawiyeyaal 9345 5188

Qolalka xafaayad badalka

Miisaska lagu badalo xafaayadaha waxay

yaalaan musqulaha badankooda, haday

ahaan lahaayeen kuwa raga iyo

dumarkaba. Calaamad albaabka ku dhagan

ayaana muujinaysa.

Qolalka ilmo quudinta

Dabaqa dhulka waxaa ku yaala qol ilmaha

lagu quudiyo (wuxuu u dhaw yahay

farmashiyaha dhakhtarka). Xarunta

Khayraadka Qoysku waxay leedahay laba

meelood yar-yar oo loogu talagalay in

lagu quudiyo ilmaha yar-yar.

Bangiyo

Mishiinka lacagta bixiya ee bangiga ANZ

ayaa ku yaala albaabka weyn agtiisa oo u

dhaw miiska macluumaadka.

Bangiyada Commonwealth bank, Bank of

Melbourne iyo ANZ waxay ku wada

yaalaan Errol Street, North Melbourne oo

qiyaastii 15 daqiiqo oo socod ah u jirta

dhakhtarka.

19

Dhiig baarida

Wuxuu ilmahaagu u baahan karaa in dhiig

looga soo qaado Qaybta Saami Qaadida oo

ku taala kasoo horjeedka Xafiiska Dad

Seexinta ee dabaqa dhulka. Waxaa noo

jooga shaqaale xirfad leh oo ilmahaaga

mashquulin doona taasoo ka caawinayso

inay kasoo baxdo natiijo wax ku ool ah.

Waad ka qayb qaadan kartaa, caawina

kartaa adigoo u xaqiijinaya ilmahaaga

inaysan wax dhib ah ka imaanaynin.

Dhiig baarida 9345 5821

Isniin – Jimce 8.30 am– 4.45pm

(wax adeeg ah ma jiro dhamaadka

todobaadka iyo feestooyinka)

Naas – nuujinta

Royal Children’s Hospital wuxuu ayidaa

naas-nuujinta maadaamaa ay tahay

quudinta ugu fiican ilmaha. Hadaad

nuujinaysid kala hadal kal-kaalisada.

Fadlan warso buugaagtanada ka hadlaya

naas nuujinta ee cadaynaya caanaha

naaska.

Wixii macluumaad dheeraad ah kala xiriir

La talinta Quudka Ilmaha ee Royal

Children’s Hospital.

La Talinta Quudka Ilmaha 9345 5663

Macluumaad dheeraad ah - ururka Naasnuujinta

Austrlia telefoon 24 saac wax

caawiya 9885 0653

Xafiiska Weyn 9885 0855

Kafee

Fiiri Cuntada, bogga 23.

Balan joojin

Waxaad fiirisaa Hadaadan u imaani karin

sidii la qorsheeyay, ama dib u dhigid qaliin,

bogga 10.

Baarkiin

Fiiri bogga 7.

Qasnaji

Lacagta waxaa laga bixin karaa xafiiska

qasnajiga ee ku yaala dabaqa dhulka.

Qasnaji 9345 5963

Isniin – Jimce 8.30am – 4.50pm

Shahaadooyinka

Hadii shaqadaada ama iskuulka ilmahaaga

awgii u baahan tahaya shahaado

cadaynaysa imaatinkaaga dhakhtarka

fadlan warso shaqaalaha.

Wadaad Kaniisadeed

Isbitaalku wuxuu leeyahay koox wadaado

kaniisadeed ah oo ku caawinaya iyadoon

loo eegaynin diintaadu waxay tahay.

Wadaadadani waxay kugu caawinayaan:

Iyagoo kula jooga oo ku dhagaysanaya

Iyagoo ku siinaya talo-bixin ku aadan

walaacaaga

Iyagoo ku siinaya adeegyo la xiriira

baahidaada diineed

Hadaad u baahan tahay inuu kusoo

booqdo wadaad kaniisadeed fadlan warso

kal – kaalisadaada, karaaniga qaybta

seexashada ama ruuxa jooga miiska

macluumaadka.

Wadaad kaniisadeedku wuxuu fariistaa

dabaqa koobaad ee dhismaha weyn,

wuxuu ku dhaw yahay wiishashka buluuga

ah.

20

Farmashiye

Farmashiyaha daawooyinka laga gato

wuxuu ku yaalaa dabaqa koobaad.

Farmashiye 9345 6500

Isniin – Jimce 8.30 am – 6.00pm

Sabti 9.00am – 3.00pm

Axad Waa xiran yahay

Feestooyinka Waa xiran yahay

Xanaanada caruurta

Adeega xanaanaynta walaalaha waxaa loo

sameeyay reeraha ilmo uu dhakhtarka ka

yaalo ama balan ku leh dhakhtarka oo u

baahan cid u sii haysa ilmo kale oo walaal

la ah ilmaha dhakhtarka yaala.

Xanaanada caruurta 9345 6795

Isniin – Jimce 9.00 am – 3.00pm

Macluumaadka caafimaadka ilmaha

Xarunta Caafimaadka Ilmaha iyo Amniga

waxay ku taalaa dabaqa koobaad, una

dhawdahay farmashiyaha iyo dukaanka

gada hadiyadaha. Xaruntu waxay

waalidiinta siisaa macluumaad kala duwan

oo ku saabsan caafimaadka, kooxaha wax

caawiya iyo amniga guriga iyo hareerihiisa.

Macluumaadka caafimaadka ilmaha 9345

6429

Isniin – Jimce 9.00am – 4.30pm

Xaruntu waxay kaloo bixisaa:

Macluumaad iyo talo-bixin la siiyo

waalidiinta iyo qoysaska

Adeeg talefoon talo-bixin 9345 5085

Adeegyo barnaamijyo tacliimeed

Waxay gadaa qalabka amniga

Waxay gadaa buugaag, warqado iyo

mawduucyo kala duwan oo ku saabsan

caafimaadka

Waxay haysaa liiska kooxaha wax

caawiya.

Kilinigyada

Fiiri Bukaan eegyada kilinigyada, bogga 25.

Dharka

Fiiri Waxa lala yimaado, bogga 8.

Dhakhaatiirta Majaajileeya

Dhakhaatiirta caruurta u majaajileeya

waxay dhax wareegaan isbitaalka, waxay

booqdaan qaybta seexashada, rugaha

bukaan socod eegtada iyo meesha

saamiga lagu baaro saddex maalmood

todobaadkiiba. Way ciyaaraan,

maadeeyaan, sida caadiga ahna ka

qosliyaan caruurta, waalidiinta iyo

shaqaalaha si ay u yareeyaan inay timaado

wax walaac keena. Siyaabahay wax u

qabtaan waxaa ka mid ah laughectomies,

san-guduudan galinta iyo markay arintu

adagtahay daawaynta hoodi-hoodi.

Dukaanak kafeega

Fiiri cunto, bogga 23.

Cabashada

Waan soo dhawaynaynaa jawabcelintaada,

hagaajinaynaana isbitaalka

anagoo ka ka faa’iidaysanayna waxaad kala

kulantay isbitaalka. Wixii macluumaad

dheeraad ah fiiri war-celinta, bogga 4.

Waxyaalaha kale ee daawo ahaanta loo

qaato

Fiiri Daawooyinka iyo waxyaalaha daawo

ahaanta loo qaato, bogga 9.

Combuyutar iyo internet isticmaalid

Fiiri Xarunta Adeega Qoyska, bogga 22.

Arimaha sirta

Fiiri Sirta, bogga 5

21

Ogolaansho bixin

Fiiri bogga 10.

Xuquuqda macaamiilyaasha

Fiiri Xuquuqda iyo waajibaadka, bogga 2.

Adeegyada naafada

Royal Children’s Hospital wuxuu

dareensanyahay in caruurta naafada ahi ay

badanaa qabaan baahi dheeraa ah sidaas

daraadeed kal – kaaliso la taliso ah ayaa

diyaar u ah si ay ugu fududayso isbitaal

dhigida iyo ka bixidaba.

Kal – kaalisada la talisada ah ee naafada

waa lala xiriiri karaa seexinta ka hor si aad

ugula hadashid baahida shaqsiyadeed ee

ilmahaaga iyo inay ku caawiyaan intaad

dhakhtarka joogtaan.

Adeega naafada 9345 5692

Qalabka korontada

Fiiri Waxaan la soo qaadan karin, bogga 8.

Email

Fiiri Xarunta Khayraadka Qoyska, bogga 22.

Xarunta Qaybinta Qalabka

Xarunta Qaybinta Qalabka waxay haysaa

qalab badan oo kala nooc ah oo la gadan

karo ama la ijaaran karo. Shaqaalahanagu

raali bay kaa ahaan doonaan inay kaala

hadlaan alaabta.

Xaruntu waxay ku taalaa Dhismaha

Koonfur Bari ee dabaqa dhulka.

Xarunta Qaybinta Qalabka 9345 5325

Isniin – Jimce 9.00am – 5.00pm

Xarunta Khayraadka Qoyska

Xarunta Khayraadka Qoysku waa meel

shanqadh yar, la jeclaysto, lagu nasto oo

isbitaalku ugu talagalay qoysaska iyo

dadka caruurta xanaaneeya inay kaga

fogaadaan jawiga leh buuqa iyo wal-walka

ee isbitaalka. Waa meel aysan ka socon

wax baarid waxayna leedahay:

Aag soo dhawayn ay ka shaqeeyaan

dad u shaqeeya iskaa wax u qabso

Meel lagu nasto

Qol waxyaalo kala duwan yaalaan

Xarun Ganacsi

Qol aan Shanqadh Lahayn

Qolol yar yar oo si gooni ah loogu

danaysan karo

Makiinada footo kobiga iyo fakis

Meel laga galo internet iyo email

Qol lagu shiro

Jiko

Meel lagu cunteeyo

Khaanado wax lagu xaraysto

Banaan

Xaruntu waxay ku taalaa dabaqa koobaad,

dhismaha wayn (bidix uga leexo

farmashiyaha dhabarkiisa markaad ka soo

gasho albaabka wayn).

Xarunta Khayraadka Qoyska 9345 4662

Isniin – Jimce 9.00 am – 8.00pm

Sabti – Axad 10.00am – 4.00 pm

22

Fakis

Fiiri Xarunta Khayraadka Qoyska, bogga 23.

Dab ama xaalad deg-deg ah

Hadii dab ama xaalad deg-deg ah ay

timaado, fadlan raac tilmaan bixinta

shaqaalaha.

Cunto

Makhaayada kafeega – waxay ku taalaa

dabaqa koobaad.

Isniin – Jimce 7.00am – 8.00pm

Bakhaar/kafee – ku yaala dabaqa

koobaad oo u dhaw albaabka weyn.

7 maalmood ee todobaadka 6.00am –

8.00pm

McDonalds – wuxuu ku yaalaa dabaqa

dhulka oo u dhaw albaabka wayn ee

dhanka Flemington Road.

Isniin – Jimce 6.00 am – 11.00pm

Sabti iyo Axad 7.00am – 11.00pm

Feestooyinka 7.00am – 10.00pm

Mishiinada wax gada – mishiinada wax

gada waxay yaalaan qaybta Gar – gaarka

deg-dega, dabaqa dhulka (oo u dhaw

farmashiyaha) iyo dabaqa labaad.

Xor u ahaanta macluumaadka

Sharciga Xor u yeelashada Macluumaadka

(1982) wuxuu ku siinayaa xaq u yeelashada

inaad codsan kartid inaad heshid

diiwaankaaga ama ka ilmahaaga ee

isbitaalka.

Xafiiska Xor u Ahaanta

Macluumaadka 9345 5156

Beer Nasasho

Isbitaalku wuxuu leeyahay meelo soo

jiidasho leh oo banaanka ah oo waalidiinta

iyo caruurtuba ay booqan karaan. Waxaa

kamid ah Beerta Peter Rabbit Garden oo

marka la tagayo la dhex maro makhaayada

kafeega.

Dukaanka Hadiyadaha

Dukaanka hadiyaduhu wuxuu ku yaalaa

dabaqa koobaad. Waxaa maamula

caawiyayaasha isbitaalka, wixii faa’iido ah

ee kasoo baxana isbitaalkaa loogu deeqaa.

Dukaanka Hadiyadaha 9345 5856

Isniin – Jimce 8.30am – 7.00pm

Sabti iyo Axad 8.30am – 5.00pm

Maalinta kirismaska wuu xiran yahay

Gacan Nadiif ah

Fiiri bogga 16.

Macluumaad

Miiska macluumaadku wuxuu ku yaalaa

albaabka wayn ee laga soo galo ee dhanka

Flemington Road.

Xarunta Talaalka

Xarunta talaalku waxay ku taalaa albaabka

hore ee laga soo galo dhakhtarka.

Wuxuu adeegani bixiyaa talaal iyo talo siin

dhamaan waalidiinta iyo caruurta

isbitaalka booqanaya.

Adeegani waa lacag la’aan, marka kaliya ee

kharash la bixiyo waa hadii la qaato talaalo

ka baxsan kuwo joogto ahaan loo qaato.

Xarunta Talaalka 9345 6399

Isniin – Jimce 9.00 am – 5.00pm

23

Adeega turjubaanada

Xafiiska turjubaanadu wuxuu u dhaw

yahay miiska macluumaadka. Hadaad

caawin uga baahan tahay fadlan warso

xafiiska macluumaadka ama kal-kaalisada

qaybta seexashada.

Adeega turjubaanada 9345 5026

ama 9345 5998

Infekshin Xakamayn

Macluumaad ku saabsan infekshinada iyo

cudurada faafa waxaa laga heli karaa kal –

kaaliyaasha qaybta la seexdo ama

dhakhtarada.

Infekshin xakamayn 9345 5740

Meelaha dharka lagu dhaqo

Dharka ilmaha waa in guriga loo qaado oo

lagu soo dhaqo. Dharka wasakhda ah

waxaa lagu biyo raacin karaa meesha la

seexdo, kadibna lagu ridaa bac oo guriga

loo qaadaa. Fadlan warso kal – kaaliyaasha

meesha ugu haboon ee la isticmaali karo.

Meelaha la seexdo qaarkood waxay

leeyihiin meelo dharka lagu dhaqdo ee

fadlan warso shaqaalaha. Meelo dharka

lagu dhaqdo waxaa kaloo leh dabaqa

shanaad ee dhismha dhanka hore ku yaala

(raac wiishashka silver-ka ah) wixii ka

dambeeya 3 pm. Oomana waxaa laga heli

karaa Xarunta Khayraadka Qoyska.

Alaabta lunta

Isbitaalku mas’uul kama aha wixii alaab

ilmahaagu leeyahay ah ee lunta ama laga

xado. Alaabta lunta waxaa maamula

qaybta injineering iyo amniga oo ku taala

dabaqa dhulka.

Isniin – Jimce 9345 6272

Saacadaha shaqada laga rawaxo iyo

dhamaadka todobaadka – la xiriir

shaqaalaha amniga isbitaalka

Macadamia

Isbitaalku wuxuu leeyahay TV janaalo kala

duwan ah kaasoo soo saara barnaamijyo

far-badadan oo ah majaajilo caruur, waxaa

ka mid ah mid ay jilayaan bukaanku oo

loogu yeero ‘ Going Nuts with Macadamia’.

Barnaamijkan waxaa loola danleeyahay in

lagu yareeyo cabsida ay ilmuhu ka qabaan

isbitaalka, laguna xoojiyo niyadooda iyo in

la abuuro jawi qosol iyo raaxo leh.

Waxaa soo saara Xarunta Khayraadka

Tacliinta iyo Waaxda Riwaayado Wax ku

Daaweynta. Daawo markay qaybta

seexashada idiinku yimaadaan koox

kamera wadata.

Sanduuqa Warqadaha lagu rido

Sanduuqa warqadaha lagu rido ee

Boostada Australia ayaa ku yaala

Flemington Road meel u dhaw alabaabka

laga soo galo.

Warbaahinta

Fiiri arimaha dadweynaha, bogga 27.

Diiwaanka Daawo

Diiwaanka daawo ee ilmahaaga waxaa iska

leh isbitaalka, si walba ha ahaatee iyadoo

loo eegayo xeerka xor u ahaanshaha

macluumaadka 1982 waxaad xaq u

leedahay inaad heli kartid macluumaadka

iyo diiwaanka daawo ee ilmhaaga. Hadaad

u baahan tahay inaad heshid

macluumaadka laga qoray ilmahaaga

daryeelkiisa la xiriir xubin shaqaalaha ah

ama la xiriir Xafiiska Xor u Ahaanshaha

Macluumaadka.

Xafiisku wuxuu ku yaalaa dabaqa koobaad.

Xafiiska Xor U Ahaanshaha

Macluumaadka 9345 5156

Isniin – Jimce 9.00am – 4.00pm

24

Adeega Caafimaadka Maskaxda

Waxaaa qiimayn iyo daaweyn loo

diyaariyaa caruurta dhakhtarka ku jirta ee

qaba xanuunyada maskaxda, xanunyada

xaga shucuurta iyo caruurta dhib ka haysto

qaab dhaqameedka saxda ah. Hadii

ilmahaagu faa’iido ka helayo adeegan

fadlan kala hadal dhakhtarka ilmahaaga

ama kal – kaalisada.

Kooxda caruurta dhakhtarka aan jiifin

baadha, waxay fiiriyaan caruurta iyo kuwa

qaan gaarka u dhaw ee da’doodu u

dhaxayso 0 – 15 jir ee qaba xanuun

maskaxeed, shucuureed, dad la dhaqan iyo

dhibaato koriimeed ama dhaqameed.

Adeega Caafimaadka

Maskaxda 1800 44 55 11

Warbixino xaqiiqo ku salaysan oo laga

diyaariyay arimaha la xiriira caafimaadka

maskaxda ee caruurta iyo caruurta qaan

gaarka ku dhaw ayay heli karaan

waalidiinta iyo dadka caruurta xananeeya.

La xiriir telfoonkan 9345 6011.

Adeega Caafimaadka Maskaxda wuxuu

hayaa macluumaad ku saabsan xuquuqda

iyo waajibaadka waalidiinta/dadka

caruurta xanaaneeya iyo caruurta

isticmaasha adeegan. Hadaad u

baahantahay nuqulo ah xeerarkan ‘Xeerka

loogu tala galay waalidiinta iyo dadka

caruurta xanaaneeya ee isticmaala Adeega

Caafimaadka Maskaxda ee Caruurta’ iyo

‘Kaarka Xuquuqda Caruurta’ la xiriir

Adeega Caafimaadka Maskaxda 9345 6011.

Telefoonka Gacanta

Telefoonada gacantu waxay carqaladayn

karaan qalabka isbitaalka, sidaas

daraadeed waxaa lagu weydiin doonaa

inaad damisid markaad galaysid dhamaan

meelaha la seexdo oo ay ku jirto Qaybta

Gar – Gaarka deg – dega.

Hadaad u baahato inaad isticmaasho

telefoonkaaga warso shaqaalaha inay ku

siiyaan meel aad ku isticmaali karto. Waxaa

jirta qayb yar oo ka tirsan Xarunta

Khayraadka Qoyska oo laga heli karo jaarjarada

telefoonada gacanta.

Muusiq Wax Ku Daawayn

Muusiq Wax Ku Daaweeyayaashu waxay ka

caawiyaan bukaanku inuu isticmaalo

muusiq si uu ugu adkaysto xanuunka ama

dhakhtar jiifida. Waxay isticmaalaan

waxyaalo kala duwan sida qalabka

muusiqa lagu tumo, heesid, heeso qorid

iyo in la dhagaysto muusiq duuban.

Muusiq Wax Ku Daawayn 9345 5421

Bukaan Socod Eegtada

Qaybta Bukaan Socdka Eegta waxaa ka jira

caafimaad baarayaal iskugu jira kuwo guud

iyo kuwo takhasus ah laga bilaabo Isniinta

ilaa Jimcah saacadaha shaqada.

Si aad u samaysato balan waxaad u baahan

tahay inaad warqad ka soo qaadatid

dhakhtarkaaga qoyska ama dhakhtar

takhasus. Wixii macluumaad ah ee la xiriira

warqadaha loo soo diro dhakhtarka fadlan

fiiri bogga 27.

Su’aalaha Bukaan Socodka 9345 6180

Meel Waalidku Ku Nasto

Qaybaha la seexdo qaarkood waxay

waalidiinta siiyaan meel ay fariistaan. Waa

meelo diyaar ah 24 saacadood ee maalinta.

Waxaa kaloo meelo la fariisto laga helaa

Xarunta Khayraadka Qoyska.

25

Beejarada waalidka

Waxaa jira mar mar lagaaga baahan karo

inaad wax sugto. Waxaad sugi kartaa saami

qaadid, balamo ama hawlo kale in la

qabto. Waxaa jira beejaro waalidiintu

qaadan karaan oo lagala soo xiriiri karo si

ay uga tagi karaan meesha ay joogaan, sida

haday cunto raadsadaan ama ay socod

aadaan. Fadlan warso shaqaalaha.

Baarkinada

Fiiri Sida Loo Tago Royal Children’s Hospital,

bogga 6.

Qaybta Daryeelka Shakhsiyadeed

Wuxuu ku yaalaa dabaqa koobaad, kasoo

horjeedka Xarunta Khayraadka Qoyska.

Waa meel qoysaska wata caruur/kuwa

qaan gaarka u dhaw ee naafada ah una

baahan daryeel khaas ah ay u isticmaalaan

baahidooda nadaafadeed ee

shakhsiyadeed.

Waxay furantahay 6.30 – 8.00 pm maalin

walba

Farmashiye

Farmashiyaha dhakhatrku wuxuu ku yaalaa

dabaqa dhulka. Farmashiistaha dhakhtarku

waa ruux shahaado u haysta hawshaas,

wuxuuna ka mid yahay kooxda daryeelka

caafimaadka, wuxuuna ka mas’uul yahay

waxyaalaha la xiriira daawooyinka inta

ilmahaagu dhakhatarka jiifo.

Farmashiye 9345 5492

Macluumaadka Daawooyinka 9345 5208

Isniin – Jimce 8.30am – 5.30pm

(Farmashiyuhu wuxuu u furanyahay

Sabtida, Axada iyo feestooyinka dadka

dhakhtarka jiifa uun)

Footokoobi

Fiiri Xarunta Khayraadka Qoyska, bogga 22.

Ciyaar Wax Ku Daawayn

Kuwo aqoonta u leh ciyaar wax ku

daawaynta waxay u qabtaan caruurta

isbitaalka jiifta ciyaaro, kuwaas oo ka dhici

kara qolka ciyaarta ama sariirta agteeda.

Iyagoo ciyaaro qabanaya ayay caruurta ku

caawiyaan inay fahmaan waxay isbitaalka u

joogaan, saamiyaday tahay in laga qaado

iyo hawsha laga qabanayo iyo inay la

yimaadaan xirfado ay ugu adkaystaan

hawsha laga qabanayo. Iyagoo ay kala

qayb – qaadanayaan Xarunta Khayraadka

Tacliinta waxay bixiyaan barnaamijyo

telefishin isbitaalku leeyahay.

Xirfadlayaasha Tacliinta Ciyaarta waxay

kaloo sameeyaan inay booqdaan caruurta

intaan la seexinin iyo inay la qaataan

kulamo taba-bar qaadasho ah caruurta

iskaan looga qaadayo MRI.

Ciyaar Wax KU Daawayn 9345 5424

Isniin – Jimce 8.00am – 4.00pm

Xarunta Macluumaadka Sunta

Hadii adiga am ruux daryeelkaaga ku jira

laga yaabo inuu sumoobo, ha sugin inta

calaamadihii sunta ka imaanayaan. Mar

walba warso hadaadan hubin.

Xarunta Macluumaadka Sunta 13 11 26

Xafiiska Boostada

Xafiiska ugu dhaw ee boostada wuxuu ku

yaalaa 69 Fitzgibbon Street, Parkville.

Xafiiska Boostada 9347 4663

26

Arimaha Khaaska

Fiiri Arimaha Khaaska, bogga 5

Bukaan-ka private-ka

Fiiri Noocyada Isbitaal Seexashada, bogga

5.

Arimaha Dadweynaha

Qaybta Arimaha Dadweynaha ee isbitaalku

waxay maamushaa dhamaan wixii xiriir

war – baahinta ah ee shaqaalaha,

bukaanka iyo reerahooda. Wixii wicid ah ee

war – baahinta la xiriira waxaa loo duwaa

Waaxda Arimaha Dadweynaha, mar

walbana waxaan ilaalinaa dadka ka socda

warbaahinta markay dhakhtarka joogaan.

Haduu ilmahaagu noqdo ruux ay dani

kasoo gasho war – baahinta, Waaxda

Arimaha Dadweynuhu waxay diyaar u

tahay inay ku caawiso, kaana talo siiso

hadaad doorato inaad la hadasho war –

baahinta ama Waaxda Arimaha

Dadweynaha ayaa ka jawaab bixin wixii

waraysi war-baahinta ah iyadoo kaa wakiil

ah.

Wax macluumaad ilmahaaga ku saabsan

lasiin maayo war – baahinta adigoon

ogolaansho lagaa helin.

Hadaad qabto wax su’aal ah ama walaac

ah oo la xiriira war – baahinta, fadlan la

xiriir Waaxda Arimaha Dadweynaha.

Waaxda Arimaha Dadweynaha 9345 5130

Gaadiidka Dadweynaha

Fiiri Sida loo tago Royal Children’s Hospital,

bogga 6.

Warqadaha ka yimaad dhakhtarada

qoyska ama kuwa Takhasuska

Arimahan soo socda waxay kaa

caawinayaan inaad fahanto waxay tixraac

tahay iyo sababta loogu baahan

yahay.

Tix – raac waa warqad ama fariin kooban

oo uu dhakhtari u diro dhakhtar kale si ay

uga caawiso maaraynta dhibka ama

xaalada qofka buka.

Dhakhtarkaaga sida joogtada ah kuu arka

waxay u badantahay inuu yahay ka u dira

tix – raac dhakhtarka talo – bixinta bixiya

ama takhasuska ah.

Dhakhtar talo bixiya am takhasus ah isna

wuu u diri karaa tix-raac mid kale oo talo

bixiya ama takhasusle kale.

Hadii tix – raac uu qoro dhakhtarkaagu,

waxay jiraysaa oo la isticmaali karaa ilaa 12

bilood in wakhti ka duwan uu

dhakhatarkaagu ku xusay mooyee. Taasi

waxay ahaan kartaa wax ka yar ama ka

badan 12 bilood.

Hadii dhakhtar talo bixiye ah ama takhasus

ah uu qoro tix – raac, waxaa la isticmaali

karaa ilaa 3 bilood.

Qaar kamid ah adeegyada ay bixiyaan

dhakhaatiirta talo bixinta ama takhasuska

si loo isticmaalo Medicare waxay ku

xirantahay cadayn ah in adeegaas la

bixiyay kadib markii la helay tix – raac sax

ah oo dhakhtar kale soo diray.

27

Amniga

Xarunta Khayraadhka Caafimaadka

Caruurta iyo Amniga waxay ku taalaa

dabaqa koobaad oo u dhaw Farmashiyaha

iyo Dukaanka Hadiyadaha. Xaruntu waxay

siisaa waalidiinta iyo caruurta macluumaad

kala duwan oo ku saabsan caafimaadka,

kooxaha wax caawiya iyo amniga guriga

iyo hareerihiisa.

Macluumaadka amniga 9345 5085

Isniin – Jimce 9.00am – 4.30pm

Xaruntu waxay kaloo:

Waalidiinta iyo qoysaska siisaa

macluumaad iyo talo – bixin

Bixisaa adeeg talo – bixin telefoon

9345 5085

Samaysaa barnaamijyo tacliimeed iyo

adeegyo

Gadaa qalabyo kala duwan oo amniga

loo isticmaalo

Haysaa liiska kooxo kala duwan oo wax

caawiya

Iskuul – RCH Machad Tacliimeed

Machadka Tacliimeed ee RCH wuxuu

caawiyaa caruurta xanuunsan ee da’da wax

–barashada gaaray (prep ilaa fasalka 12

aad), kuwaasoo dhakhtarka kolba ay

galayeen awgeed ay ku adkaatay inay la

socdaan howsha iskuulka.

Machadka Tacliimeed RCH 9322 5100

Iskuul – Barnaamijka wax – barasho ee

Ronald McDonald

Barnaamijka wax – barasho ee Ronald

McDonald waa barnaamij tacliimeed

loogu talagalay inuu soo qaado wax –

barashada caruurta qabta xanuun daran,

sida kansarka, cystic fibrosis iyo jirooyinka

dhiiga, cuduradaas oo u suurtagalin

waayay caruurta inay xaadiraan iskuulka

mudo dheer.

Barnaamijku wuxuu caawiyaa baahida

tacliimeed ee caruurta isagoo siiya

barnaamijyo wax – barasho oo qof – qof ah

caruurta kasoo kabanaysa xanuun daran.

Ilma walba waxaa la siiyaa qiimayn

dhamaystiran iyo kharash sanad lagu

bixiyo macalin shahaado haysta inuu

ilmaha soo gaarsiiyo tacliintii dhaaftay.

Barnaamijka Waxbarasho ee

Ronadl McDonald 9345 6300

Nambar Bilaash ah 1300 306 7642

Amniga

Waxaan isku daynaa inaan shaqaalaha,

dadka jiran, qoysaska iyo dadka wax

soobooqdayba siino jawi nabad iyo aamin

ah. Shaqaalaha amnigu waxay diyaar u

yihiin inay daba – gal ku sameeyaan wixii

lasoo wariyo ee ku saabsan xarakaad aaan

haboonayn ama dhaq - dhaqaaq aan amni

ahayn. Hadaad ka walbahaarto amnigaaga

ama amniga dadka kale fadlan war – gali

qof shaqaalaha ah, kaas oo la xiriiri doona

shaqaalaha amniga. Hadaad qof shaqaale

ah heli weydo garaac khadka telefoonada

u qaybiya isbitaalka (waxaad isbitaalka

gudihiisa ka dirtaa 91) oo weydii

shaqaalaha amniga.

28

Meelo lagu qabaysto

Qaybaha la seexdo qaarkood waxay

leyihiin meelo waalidiintu ku qabaysan

karaan. Fadlan warso shaqaalaha kal –

kaaliyaasha.

Meelo lagu qabaysto waxaa kaloo leh

Qaybta Daryeelka Shakhsiyadeed, fiiri

bogga 26.

Sigaar cabid

The Royal Children’s Hospital wuxuu

taageeraa in caruurtu hesho jawi sigaar

la’aan ah. Jawi sigaar la’aan ah ayaa u fiican

caafimaadka caruurta. Isbitaalka iyo

dhulkiisu hada waa ka xor sigaar. Waxaa

jira meelo la cayimay oo sigaarka lagu cabi

karo. Fadlan warso shaqaalaha qaybta

seexashada nuqul ah buuga cinwaankiisu

yahay Hawo Nadiif ah Adiga iyo

Caruurtaada, kaasoo ku tusaya meelahaas.

Waxaad kaloo buugan ka heli kartaa

Xarunta Khayraadka Qoyska.

Sooshal work

Sooshaal workarada isbitaalku waxay

waalidiinta ku caawiyaan:

Iyagoo ka caawiya xaga shucuurta

xiliga dhibku jiro

Iyagoo la taliya waalidiinta, caruurta,

dhalinyarada iyo qoysaska kale

Iyagoo ka caawiya wixii walaac ah ee

ku u saabsan xiriirka daryeel caafimaad

bixiyayaasha

Inay ku xiraan qoysaska khayraadka

bulshada

Inay ka caawiyaan u diyaar garawga

guri aadida.

Shaqaalaha qaybta seexashadu waxy kaa

caaawin karaan sidaad ula xiriiri lahayd

sooshaal workerka isbitaalka.

Qaybta Sooshaal Workerka 9345 6111

Isniin – Jimce 9.00am – 5.00pm

29

Farankaboolo

Waxaa laga gadan karaa Dukaanka

Hadiyadaha ee ku yaala dabaqa koobaad.

Qolka Starlight Express

Qolka Starlight Express waa qol gaar ah oo

ay ka buuxaan waxyaalo indho-sarcaad ah

iyo maad leh oo ay isku dubaridaan

kooxda khaaska ah ee ‘Kabtan Starlight’.

Wuxuu ku yaalaa dabaqa koobaad ee

dhismaha weyn, waa meel aamin ah lana

jeclaysto oo ay yaalaan waxyaalo badan oo

dadka xanuunsan iyo qoysaskoodu ay ku

madadaashaan. Dadka booqashada ku

yimid way imaan karaan oo ciyaari karaan

Nintendo, daawan karaan filimo, farshaxan

samayn karaan, ciyaari karaan hockey-ga

hawada, karaoke, arki karaan soo

bandhigid heer sare ah, ka noqon karaan

xidig tv-ganaga ama tv-ga janalka

isbitaalka ama iska imaan karaan oo iska

nasan karaan.

Fadlan warso shaqaalaha qaybta

seexashada sida loo tago qaybtaas.

Tododbada maalmood ee

todobaadka 10.00am – 4.00pm

Talo Bixin

Talo – bixin Fiiri bogga 4.

Kooxo Wax Caawiya

Liis dheer ayaa yaala Xarunta Khayraadka

Caafimaadka Caruurta iyo Amniga ee ku ag

taala albaabka weyn ee laga soo galo. Fiiri

Macluumaadka Caafimaadka Ilmaha,

bogga 21.

Telefoonada

Dawaynuhu inay ka dirsadaan telefoon

qaybta seexashada lama ogola. Qaybaha la

seexdo badankoodu waxay leeyihiin

talefoono waalidiinta. Fadlan warso

shaqaalaha qaybta la seexdo.

Talefoonada Dadweynuhu waxy ku

yaalaan meelahan soo socda:

Dabaqa dhulka

Xarunta Khayraadka Qoyska

Kasoo horjeedka labada dhinac ee

wiishashka buluuga ah

Kaararka telefoonada laga dirsado ee

Telestra waxaa laga gadan karaa mishiin ku

yaala dabaqa dhulka oo u dhaw

telefoonada ama Farmashiyaha.

Fiiri Telefoonada gacanta, bogga 25.

Telefoono loo dirsan karo isbitaalka

gudihiisa waxa laga heli karaa Xarunta

Khayraadka Qoyska, wuxuu u dhaw yahay

farmashiyaha (dabaqa koobaad) iyo

dukaanka kafeega. Waxaa telefoonadan

loo isticmaali karaa inaad garaacdid

qaybaha kala duwan ee isbitaalka.

Telefoonada isbitaalka ee ka bilawda 9345,

afarta nambar ee ugu dambaysa ayaa ah

telefoonka lagala xiriiro qaybaha kala

duwan ee isbitaalka, waxaana laga garaaci

karaa telefoonada gudaha uun loo dirsado.

Adeega talefoonka ee dadka

maqalkoodu fiicnayn

RCH ma laha TTY telefoono

Telefishinada

Telefishino ayaa yaala dhamaan qaybaha la

seexdo ee waxaan warsanaynaa in

qoysasku AY SOO qaadanin telefishino.

Fiidiyowyo loogu tala galay caruurta ayaa

yaala qaybaha la seexdo badankooda.

30

Musqulaha

Musqulah dadwynuhu waxay ku yaalaan

meelo kala duwan oo isbitaalka ah.

Musqulaha naafadu waxay ku yaalaan

dabaqa koobaad Qaybta Daryeelka

Shakhsiyadeed, fiiri bogga 26.

Gaadiid Ka Caawin (VPTAS)

Mashruuca Bukaan Gaadiid Ka Caawintu

waa barnaamij ka mid ah Qaybta Adeega

Dadweynaha looguna tala galay in lagu

caawiyo dadka reer Victoriyaanka ee dagan

meelaha durugsan ama go’doonsan ee uu

ku baxo kharash badan oo ah gaadiidka iyo

hooyga markay u safraan fogaan dheer si

ay u helaan dhakhtar takhasus leh/ilko

daawayn.

Foomamka iyo macluumaadba waxaa laga

heli karaa isbitaalka, Xarunta Khayraadka

Caafimaadka Ilmaha iyo Amniga ama

Xarunta Khayraadka Qoyska. Waxaa kaloo

laga heli karaa sooshaal workarada

isbitaalka.

Alaab Qiimo Leh

Waxaan ku warsanaynaa inaad ka

taxadartid alaabtaada shakhsiyadeed

maadaamaa uusan isbitaalku mas’uul ka

ahayn wixii lumid ama xatooyo ah ee ku

yimaada alaabtaada ama ta ilmahaaga.

Booqasho

Caruurta xanuunsan waxay u baahana

yihiiin nasasho iyo shanqadh la’aan si ay u

soo kabtaan.

Waalidiintu xili walba way imaan karaan.

Fiiri saacadaha booqashada, bogga 13.

Iskaa Wax u qabso

Adeega dadka ku shaqeeya iskaa wax u

qabso wuxuu xoojiyaa, dhamaystiraana

shaqaalaha Royal Children’s Hospital

iyadoo qasadkuna yahay in kor loo qaado

tayada sare ee daryeelka bukaanka,

waxayna si joogta ah iskugu hawlaan inay

hor u mariyaan caafimaadka dhalaanka iyo

caruurta ku dhaw qaangaarka.

Adeega Iskaa Wax U Qabso 9345 5880

Website-yo

www.rch.or.au

Bogga internetka ee Royal Children’s

Hospital waxaa ka buuxa macluumaad

badan oo waalidiinta loogu tala galay.

www.rch.org.au/kidinfo

Wuxuu siiyaa waalidiinta iyo caruur

daryeelayaasha macluumaad caafimaad

iyo daawo. Waxaa jira qoraalo la diyaariyay

oo kaa caawinaya dhibaatada caafimaad

ee ilmahaaga ee la hadal shaqaalaha oo

go’aan ka gaar daryeelka caafimaad ee

ilmahaaga.

www.rch.org/kidinfo.resources.cfm

Kani waa bog internet oo kugu xiraya

bogag kale ood ka heli kartid waxyaalo

faa’iido kuu leh.

www.rch.org.au/ecconnections/parents/

index.cfm

Iskuxirida xiliyada hore ee caruurnimadu

waa bog internet Australian ah oo ay ku

jiraan bogag kugu xiriirinya in ka badan

450 cinwaan bogag Australian ah iyo 400

bogag internet caalami ah.

31

Telefoono Lala Xiriiro

Qaybo kala duwan oo buugan ah waxaa ku qoran telefoono muhiim ah oo lala

xiriiro. Telefoono kale oo ku caawini karana waa kuwa:

Khadka Telefoonada U qaybiya Royal Children’s Hospital 9345 5522

Xog Raadinta Bukaanka ee dadka booqashada ku yimid 9345 5966

Isniin – Jimce 7.30am – 8.00pm

Sabti, Axad iyo Feestooyinka 8.00am – 7.00pm

Xarunta Macluumaadka Sunta 13 1126

Adeega Dhalmada iyo macluumaadka caafimaadka ilmaha 13 22 29

Jamciyada Royal Children’s Hospital 9345 5037

Sadaqo Ururinta Maalinta Jimcaha Wanaagsan 9292 1166

Machadka Cilmi – baarista Caruurta ee Murdoch 8341 6200

Khayraadka Dadweynaha 9345 5166

Ururada Kale

Kuwani waa liiska ururo kale ood la xiriiri karto hadaad haysid wax arin ah oo ku

saabsan daryeelka la bixiyay:

Gudiga Adeega Caafimaadka 86015200

Waa gudi madax – banaan oo sharciyaysan oo loo sameeyay in loo soo

gudbiyo ayna xaliyaan cabashooyinka la xiriira Adeeg caafimaad

Bixiyaasha. Waa adeeg lacag la’aan ah, sirna ah.

Telefoon bilaash ah 1800 136 066

Golayaal Diiwaangashan

Golaha Dhakhaatiirta 9655 0560

Golaha Kal – Kaaliyaasha Victoria 8635 1240

Golaha Farmashiyaasha Victoria 9903 9588

Gole Baara Cabashooyinka Dadwynaha

Ombudsman – ka Victoria 613 6222

telefoon bilaash ah 1800 806 314

Ombudsman – ka Caafimaadka Gaarka ee Caymisan 1800 640 695

Arimaha Gaarka ah

Sargaalka Golaha Arimaha Gaarka ah ee Victoria 1300 666 444

34

Foomka Jawaab – Celinta Macaamiilayaasha

Tafaasiishaada

Magaca Awoowgaa:

Magacaaga:

Cinwaanka:

Gobolka:

Postcode:

Telefoonada:

Guri ( ) Shaqo ( ) Mobile :

Turjubaan ma u baahan tahay? Haa Maya haday haa tahay, afkee ?

Tafaasiisha Bukaanka (Qaybtan buuxi uun hadaad wakiil ka tahay qof kale)

Magaca: Taariikhda dhalashada:

Nambarka Tixraaca Dhakhtarka (hadaad taqaanid) Diiwaan galinta Bukaanka:

Dadweyne Gaar ah

Qofka/qaybta/ qaybta seexashada eed ka jawaab celinaysid

Qofka:

Qaybta: iyo/ama qaybta seexashada:

Ku hagaaji:

Sargaalka Iskuxiraha Macaamiilayaasha

Ee Kiliniga Tayada iyo Amniga

The Royal children’s Hospital

Flemington Road, Parkville

Victoria 3052

Fax 9345 5050

Email judith.smith@rch.org.au

Sii socdaa ………

35

Jawaab celintaada ( hadii meeshan banaan aysan ku filnayn, fadlan ku lifaaq

warqad aad ku taxaysid jawaab celintaada)

Hadii jawaab celintaadu ay tahay walaac, natiijo noocee ah ayaad raadinaysaa?

Saxiix: Taariikh:

36

Waa naqshadayntii iyo sharxidii Xarunta Khayraadka Tecliinta

37

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!