09.12.2018 Views

UFFO-book

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Star TV wuxuu ku faraxsan yahay inuu soo saaro barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan taariikhda Uffo, oo

ahayd koox dhalinyaro ah oo qaaday tallaabooyin waawayn oo lagula dagaallamayo caddaalad darradii

guud ee Siyaad Barre, iyadoo ujeedada barnaamijkuna tahay in wax badan laga barto iyo saamaynta ay

ku leeyihiin bulshada hadda jirta. Star TV waa madal warbaahineed oo madax-bannaan oo hor-usocd ah

oo diiradda saarta guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan daneeyayaasha la xidhiidha. TV-ga

waxaa laga diiwaan galiyay Diisambar 2012 dalalka England iyo Wales iyadoo ah Shirkad Ganacsi ah oo ku

diiwaan gashan magaca “Star Media Corporation”, halka Star TV wuxuu leeyahay qayb fogaal arag ahaan

ah iyo qayb shabakadda internetka ah. Waxay ujeedadeedu tahay in lagu kobciyo waayo-aragnimada bulshada

Soomaalida ee adduunka ku nool ee la xidhiidha dhinaca telefishannada, si loo helo xog tayo leh,

dood iyo madalo la taaban karo oo loogu talagalay ka qaybgalka dhagaystayaasha iyo daawadayaasha.

Barnaamijyada ka baxa telefishanku waa kuwo qoyska ku jihaysan, sidoo kale waxa ku jira waxyaabo si

gaar ah loogu talagalay jiilka cusub, gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha, Somaliland iyo Soomaaliya iyo

dhammaan bulshooyinka kale ee ku hadla Afka Soomaaliga. Waxaannu dalalka Ingiriiska, Holland, Somaliland

iyo Soomaaliya ku leenahay xafiisyo, istuudiyo, iyo xarumo wax soosaarisba waxaanan awood

u leenahay inaanu wax ka qabanno baahida dhagaystayaashayada. Dhawaan Star TV waxa uu baahintiisa

kusii ballaadhiyay Somaliland, isagoo dhisay laba istuudiyoo oo wawayn oo ku yaala Hargaysa iyo hal

studio oo ku yaalla Burco. Mustaqbalka dhow, qorshahayagu waa in aanu xarumo iyo istuudiyo ku yeelanno

dhammaan magaalooyinka istaraatiijiga ah ee ku yaalla Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaalida.

Sidoo kale himiladayada ugu muhiimsan waa in aan noqonno hormuudka hoggaamiya warbaahinta

Soomaalida iyo mandaqadda Bariga Afrika.

Star TV waxaa laga heli karaa dayax-gacmeedka caanka ah ee ThaiCom kaas oo ay siman yihiin Telifishanka

Qaranka Somaliland iyo Telifashanka Universal. Waxaanu suxufiyiin ku leenahay dhammaanba

magaalooyinka istaraatiijiga ee magaalooyinka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu soo bandhignaa

dhacdooyinka muhiimka ah oo maalinlaha ah. Hiigsigayagu waa in baahinno barnaamijyada tayo sare

leh oo kobciya waayo-aragnimada daawadayaashayada iyo dhagaystayaashayadaba annagoo abuurayna

madal ku habboon wargalinta, wacyigalinta iyo madadaaladaba.

Star TV is proud to be producing a series of programmes based on the history of Uffo, a group consisting

of young people that made tremendous strides to fight gross injustice during the Siad Bare reign with the

aim to learn more about the group and their impact in current day society. Star TV an independent and

progressive media organization focusing on the global Somali community and all interested stakeholders.

The channel was incorporated in December 2012 in England and Wales as a Limited Company in the name

of Star Media Corporation, with a global footprint Star TV is a satellite and online oriented television. It

aims to enrich the television viewing experiences of Somali people across the globe with quality information,

debate and accessible platforms for audience engagement.

Our programmes are family oriented but have content specifically geared towards the new generation,

particularly those living in the diaspora, Somaliland and Somalia and all other Somali speaking commu-

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!