09.12.2018 Views

UFFO-book

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

- 4 -

Hordhac

Horraantii 1980-yadii, dadka Reer Somaliland* waxay dayac fara badan kala kulmeen

nidaamkii Siyaad Barre iyo saamayntii dagaalkii Ogaadeeniya ee 1977-8kii taas oo

keentay: in magaalada Hargaysa laga waayo ama ay suququl noqdaan adeegyada

asaasiga ah ee ay ka mid yihiin korontada, biyaha iyo daryeelka caafimaadka. Isla mar

ahaantaana, waxa aad u kordhay cadaadiska siyaasadeed oo aad u baahay. Haddaba

iyadoo ay jirto khatartaa aynu xagga hore ku soo xusnay, haddana kooxo dhalinyaro ah

oo ay ka mid yihiin macallimiinta, injineerada, iyo dhakhaatiirtuba ayaa bilaabay hawlo

iskaa wax-u-qabso ah oo ujeedadeedu ahayd in lagu caawiyo dadka reeer Somaliland.

Waxay bilaabeen in ay nadiifiyaan isla markaana dib u hagaajiyaan Cusbitaalka Guud

ee Hargaysa. Ganacsatada iyo duqayda maqaalada ayaa lacago u ururiyay cusbitaalka,

sidoo kale hay’addii la odhan jiray Dhakhaatiirta Deg-degga ah ee Jarmalka (GED)

ayaa iyaguna waxay dhaktarka ku kaabeen qalab dheeraad ah, shaqaale iyo maaliyadba.

Abaalka iyagaa lahaaye, xaaladdii cusbitaalku si wayn ayay usoo roonaatay; kooxdii

abaabulka lahaydna way soo caan baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumaddii waxay bilawday inay ka shakido kooxdan is

abaabushay ee iskaa wax uqabsiga ku shaqaynaysa. Shakigiina wuxuu sii kordhay

markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay wargays la odhan jiray Uffo (oo ah isla meesha

magaca kooxdii Uffo asalkiisu ka yimid). Wargayska waxa si qarsoodi ah u soo saari jiray

laba xubnood, kuwaas oo u qaybin jiray uun dad ay kalson yihiin. Bilihii November iyo

December ee 1981, wuxuu nidaamkii xadhig la tiigsaday 28 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay

in ay ku hawllanyihiin dhaqdhaqaaqyo dawladda lagaga soo horjeedo. Maamulkii

wuxuu inta badan bar-tilmaameedsaday dadkii u dashay qabiilka Isaaq-qa; qaar

badan oo ka mid ah dadkii hawlahaa ku lug laaana lama xidh-xidhin

Aqoonyahankii la xidhay waxa si is daba joog ah loogu waday waraysi iyo jidhdil joogto

ah oo bilo qaatay. Markii dambe waxa Hargaysa ku dhex faafay in aqoonyahankii lagu

xukumayo dil. Tani waxay cadho laxaad leh ku dhalisay dadweynaha reer Hargaysa,

taas oo keentay in maalintii loo qoondeeyay maxkamadayntooda ee 20-kii Febraayo,

ay ardayda iyo dadkii kalaba ay bilaabaan mudaharaad ballaadhan oo ay hor dhigaan

dhismaha maxkamadda. Booliska oo gacan ka helayga Milatariga ayaa waxay aad u

cadaadiyeen dibadbaxyada, halka arday badanna ku dhaawacmeen dibadbaxyadaasi.

Maalintii koowaad ee dibad baxyadaasina waxa ku dhintay hal arday. Maalintaasi waxaa

lagu xasuustaa magaca Dhagax Tuur. Inkasta oo ay iska caabbin fara badani jirtay,

haddana dibad-baxyadii way sii socdeen oo ku faafeen magaalooyin kale.

Dibad-baxyadaa daraadeed, xukuumaddii waxay ka noqotay xukunnadii dilka ahaa

waxayna dhallinayrtii ku xukuntay xabsiyo heerar kala duwan ah oo u dhaxeeyay min

saddex sano ilaa xabsi daa’in (oo markii dambe siddeed sanno ka bacdi la sii daayay).

Dadka badankoodu waxay xukunkooda ku qaateen xabsigii aadka u qallafsanaa ee Labaatan

Jirow oo xabsi sumcad xun ahaa oo ku yaallay koonfurta oo qofka lagu xidhayay

qol gaar ah .

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!