09.12.2018 Views

UFFO-book

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Cabdifataax Cumar - Cilmi baadhe

Cabdifataax Cumar waa shaqaale dawladeed, bare jaamacadeed iyo cilmi-baadhe madax bannaan. Cabdifataax

wuxuu ka qayb galay cilmi baadhisyo iyo xog ururinno kala duwan oo uu kala shaqeeyay ururro

maxalli ah iyo kuwo caalami ahba sida Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Oslo (PRIO), Xarunta Rako

ee Cilmi-baadhista iyo Isgaadhsiinta, Xarunta Talo-bixinta arrimaha Biyaha ee GWC. Wuxuu casharro ka

bixiyaa Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadda Golis, gaar ahaan kulliyadaha Injineeriyadda. Cabdifataax

hadda waa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland.

Sannadkan 2018 ayuu shahaada labaad ee Maamulka iyo Maaraynta Mashaariicda (PPM) ka qaatay

Jaamacadda Hargaysa, halka uu sannadkii 2011ka uu shahaadaha koobaad ka qaatay Jaamacadda Qaahira

ee dalka Masar (B.Sc. of Chemical Engineering, Faculty of Engineering, Cairo University, Egypt).

Dhinaca kale Cabdifataax wuxuu ka qayb qaatay hawlqabadyo dhinaca togan u dhigay deegaanka shaqo

ee goobaha uu ka shaqeeyay ee dawladda ama gaarka loo leeyahay. Cabdifataax oo ay iskaashanayaan

saaxiibbo kale, waxay ka shaqeeyaan arrimaha dhallinyarada iyo bulshada, oo ay isku dayaan in habdhaqanka

bulshada dhinaca togan loo rogo iyadoo loo marayo kobcinta heerka wax akhirska ee bulshada,

iyagoo unkay goob akhris wadareed ah iyo makatabad dadwaynaha u furan sida barnaamijka Maan-godol

show iyo Makatabadda Maan-godol.

Mustafe Siciid - Farshaxan-yahan/Sawir-qaade

Isagoo is waafajinaya gabayga falanqaynta dhaqan siyaasadeed ee bulshada , waxa uu Mustafe Siciid (oo

Sommaliland ku dhashay1989kii) isku dayaa in daaha ka qaado arrimaha la xidhiidha dagaalka iyo colaadaha.

Mustafe oo is baray farshaxanka nashqadaynta ee kombiyuutarka loo aeegsanayo ayaa toddobadii

sanno ee u dambeeyay ka soo shaqeeyay in uu sida uu doono u farsameeyo sawirrada, isagoo ka soo

saaraya sawirro ay ka muuqato in ay nolosha taabanayaan oo ka turjumi karaya muuqaalka guud ee dalkiisa.

Waxa farshaxaneeyaa dharka loo adeegsado in lagu muujiyo dhaqankeenna soo jireenka ah, waxa

uu qurxiyaa guryaha, iyo boodhadhka xayaysiiska ee waawayn, ee lagu soo badhigo qaab dabeecadda

quruxda badan loo ekaysiinayo.

Sannadkii 2014kii, waxa uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya kaga qayb galay bandhigii

“Addis Foto”, halkaas oo lagu soo bandhigay sawirro qurux badan oo ka turjumaya dalka gudahaya ku

jira. Mashruucani waxa uu soo bandhigayaa is baddalka ku dhacay isaga kadib markii ay ka soo guureen

dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiga oo ay ku soo noqdeen dalka Somalilan, isagoo markaa jira saddex

iyo toban sanno.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!