09.12.2018 Views

UFFO-book

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

KOOXDA QABANQAABADA

Ebba Tellander - Cilmi baadhe shahaadada PhD-da ah

Ebba Tellander waa gabadh cilmi-baadho ah oo shahaadaha PhD ka diyaarinaysaa Machadka Cilmi-baadhista

Nabadda ee Oslo (PRIO) iyo Machadka Caalamiga ah ee Cilmiga Bulshada ee Hauge (

Jaamacadda Erasmus University Rotterdam). Mawduuceega PhD-du wuxuu diiradda saarayaa dadka isku

dayaya in ay wax wanaagsan u sameeyaan bulshadooda xilliyada lagu jiro dulmiga iyo dagaalka, iyada oo

si gaar ah diiradda u saaraysa markan kooxda Uffo iyo dhacdadii Dhagax Tuur ee horraantii 1980-maadkii.

Waxay la shaqaynaysaa mashruuca mashruuca Isbedellada Bulshada ee ee Xilliyadaha Xasaradaha, oo ay

maalgelinayo Golaha Cilmi-baadhista ee Norway.

Ebba Tellander waxay hore Cilmi-baadhe uga ahayd Waaxda Isbadallada Bulshada ee PRIO, sidoo kale

waxay ka shaqaysay Waaxda Isgaadhsiinta ee PRIO. Sidoo kale waxay ka qayb qaadatay cilmi baadhisyo

kala duwan oo ay ka mid yihiin: doorka ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin siyaasadda arrimaha

dibadda ee Norway ee ku aaddan degaanka Soomaalida; Isla-xisaabtanka ka dhex jira nidaamka

cashuuraha ee Somaliland; muwaadinnimada firfircoon ee Oslo; iyo dareenka muwaadinimo iyo lahaansho

ee dadka deggan Oslo.

Markii hore, Ebba Tellander waxay ahayd isku duwaha mashruuca Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha

ee Oslo qaybta bariga Afrika. Waxay haysataa shahaadada labaad ee Master of Philosophy la

xidhiidha Daraasaadka Xasaradaha iyo Nabadda oo ay ka qaadatay Jaamacada Oslo iyo shahaadada ee

Bachelor-ta oo ka qaadatay Jaamacadda Daraasaadka Caalamiga ah ee Jaamacadda University of Oslo

iyo jaamacadda Freie Universität Berlin. Waxay hore uga qayb gashay barnaamijka la daganaansha bulshda

oo u tagtay dalka Falastiin, sidoo kale waxay si mutadawacnimo ah uga qayb gashay Barnaamijka

Caalamiga ah Is-waydaarsashada Dhaqanka Dhallinyarada ee Kenya. Ebba Tellander waxay hore uga soo

shaqaysay Norway, Sweden, Germany, Kenya, Falastiin, England, Somaliland iyo Netherlands.

Dr. Maxamed Aadan Xasan - Agaasimaha Barnaamijka Uffo

Maxamed Aadan waa xubin u dhaqdhaqaada arrimaha bulshada, hal abuure ganacsi iyo cilmi baadhe.

Marka la eego dhinaca arrimaha bulshada wuxuu ka qayb qaatay oleleyaal kala duwan oo ay ka mid yihiin:

la dagaallanka caddaalad darrada, sinnaan la’aanta bulshada iyo saboolnimada. 2012kii Maxamed wuxuu

aaasaasay fogaal aragga Star TV, oo ah xarun TV madax bannaan oo internetkana laga heli. Sidoo kale

Maxamed wuxuu aasaasay Xarunta Cilmi-baadhista iyo Isgaadhsiinta ee Rako, sidoo kale waa xubin ka

mid ah saaxiibada caalamiga ee Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Oslo (PRIO), iyo mid ka mid ah

tafatirayaasha joornaalka Bidhaan.

Maxamed wuxuu shahaadada PhD-da ku qaatay cilmiga bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda London

sannadkii 2014kii. Sidoo kale Maxamed wuxuu la soo shaqeeyay ururro cilmi baadhiseed oo ay ka

mid yihiin Xarunta Cilmi-baadhista Magaalooyinka iyo Bulshada ee Goldsmiths, Jaamacadda London,

Jaamacadda Oxford qaybteeda Xarunta Cilmi baadhista Siyaasadaha arrimaha Bulshada, Machadka Cilmi-baadhista

Nabadda ee Oslo (PRIO), iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dalka Ingiriiska ah (DFID),

kuwaaas oo dhammaantood xoogga saarayayay arrimaha dhallinyarada, tahriibta iyo siyaasadaha la

xidhiidha arrimaha bulshada.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!