09.12.2018 Views

UFFO-book

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

- 14 -

Baashe Cabdi Yuusuf

waa aqoon yahan (dhashay 1953) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo iskaa wax- u-qabso

ahaa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadihii 1980aadkii,

taas oo markii dambe keentay in la xidho 1981kii. Waxa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

wuxuuna xidhnaa xidhay 8 sanno. Ka hor intii laa xidhin Baashe Cabdi wuxuu ka shaqeyn

jiray dalka Sacuudi Carabiya muddo 4 ilaa 5 sanno ku dhawayd. Waxa uu Hargaysa dib

ugu soo laabtay sannadkii 1979-kii si uu ganacsigiisa gaarka u bilaabo. Sannadkii 1991kii

wuxuu u guuray California, carriga Mareykanka ah. Waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda

Hayward University ee uu bartay aqoonta Nidaamyada Macluumaadka Kumbiyuutarka

la xidhiidha Xidhiidhada Ganacsiga.

Intii uu joogay Maraykanka, Baashe Yuusuf, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan qurba-joogta,

ayaa waydiistay Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka in ay dacwad ka soo gudbiso

Ra’iisul-wasaarihii hore isla markaana ahaa Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya General

Maxammed Cali Samatar. Waxay ku eedeeyeen in uu gaystay jidhdil laxaad leh, dilal ballaadhan

iyo dambiyo kale oo ka dhan ah bani’aadanimada oo noqday kiis markii dambe

gaadhay ilaa maxkamadda sare. General Samatar aya lagu helay dambi ah ku tacaddiga

xuquuqda aadanaha waxana lagu qasbay inuu bixiyo 21 milyan oo Doolar oo magdhow

ah.

Bashe Abdi Yousuf

is an intellectual (born in 1953), who organized self-help schemes to improve the social

services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in 1981. He was sentenced

to 20 years in prison and was imprisoned for eight years. Before his arrest Bashe Abdi had

worked in Saudi Arabia for five years. He came back to Hargeisa in 1979 to start his own

business. In 1991 he moved to California. He graduated from California State University

Hayward with a degree in computer information systems and business communication.

In the US, Bashe Yousuf, together with a group of diaspora members, asked the Center for

Juctice and Accountability to file lawsuits against the former Prime Minister and Defence

Minister of Somalia General Mohammed Ali Samatar. They sued him for torture, mass killings

and other crimes against humanity in a case that went all the way to the US Supreme

Court. General Samatar was found guilty of human rights atrocities and was forced to pay

$21 million in damages.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!