Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
©Star TV and Peace Research Institute Oslo (PRIO), 2018.

This is an Open Access publication, licensed under CC-BY-NC 3.0.

Suggested citation: Mohamed Aden Hassan; Ebba Tellander

& Abdifatah Omar Abdillahi (2018) UFFO. Hargeisa: Star TV

and Peace Research Institute Oslo.

Design & Photography by: Mustafa Saeed
- 4 -

Hordhac

Horraantii 1980-yadii, dadka Reer Somaliland* waxay dayac fara badan kala kulmeen

nidaamkii Siyaad Barre iyo saamayntii dagaalkii Ogaadeeniya ee 1977-8kii taas oo

keentay: in magaalada Hargaysa laga waayo ama ay suququl noqdaan adeegyada

asaasiga ah ee ay ka mid yihiin korontada, biyaha iyo daryeelka caafimaadka. Isla mar

ahaantaana, waxa aad u kordhay cadaadiska siyaasadeed oo aad u baahay. Haddaba

iyadoo ay jirto khatartaa aynu xagga hore ku soo xusnay, haddana kooxo dhalinyaro ah

oo ay ka mid yihiin macallimiinta, injineerada, iyo dhakhaatiirtuba ayaa bilaabay hawlo

iskaa wax-u-qabso ah oo ujeedadeedu ahayd in lagu caawiyo dadka reeer Somaliland.

Waxay bilaabeen in ay nadiifiyaan isla markaana dib u hagaajiyaan Cusbitaalka Guud

ee Hargaysa. Ganacsatada iyo duqayda maqaalada ayaa lacago u ururiyay cusbitaalka,

sidoo kale hay’addii la odhan jiray Dhakhaatiirta Deg-degga ah ee Jarmalka (GED)

ayaa iyaguna waxay dhaktarka ku kaabeen qalab dheeraad ah, shaqaale iyo maaliyadba.

Abaalka iyagaa lahaaye, xaaladdii cusbitaalku si wayn ayay usoo roonaatay; kooxdii

abaabulka lahaydna way soo caan baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumaddii waxay bilawday inay ka shakido kooxdan is

abaabushay ee iskaa wax uqabsiga ku shaqaynaysa. Shakigiina wuxuu sii kordhay

markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay wargays la odhan jiray Uffo (oo ah isla meesha

magaca kooxdii Uffo asalkiisu ka yimid). Wargayska waxa si qarsoodi ah u soo saari jiray

laba xubnood, kuwaas oo u qaybin jiray uun dad ay kalson yihiin. Bilihii November iyo

December ee 1981, wuxuu nidaamkii xadhig la tiigsaday 28 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay

in ay ku hawllanyihiin dhaqdhaqaaqyo dawladda lagaga soo horjeedo. Maamulkii

wuxuu inta badan bar-tilmaameedsaday dadkii u dashay qabiilka Isaaq-qa; qaar

badan oo ka mid ah dadkii hawlahaa ku lug laaana lama xidh-xidhin

Aqoonyahankii la xidhay waxa si is daba joog ah loogu waday waraysi iyo jidhdil joogto

ah oo bilo qaatay. Markii dambe waxa Hargaysa ku dhex faafay in aqoonyahankii lagu

xukumayo dil. Tani waxay cadho laxaad leh ku dhalisay dadweynaha reer Hargaysa,

taas oo keentay in maalintii loo qoondeeyay maxkamadayntooda ee 20-kii Febraayo,

ay ardayda iyo dadkii kalaba ay bilaabaan mudaharaad ballaadhan oo ay hor dhigaan

dhismaha maxkamadda. Booliska oo gacan ka helayga Milatariga ayaa waxay aad u

cadaadiyeen dibadbaxyada, halka arday badanna ku dhaawacmeen dibadbaxyadaasi.

Maalintii koowaad ee dibad baxyadaasina waxa ku dhintay hal arday. Maalintaasi waxaa

lagu xasuustaa magaca Dhagax Tuur. Inkasta oo ay iska caabbin fara badani jirtay,

haddana dibad-baxyadii way sii socdeen oo ku faafeen magaalooyin kale.

Dibad-baxyadaa daraadeed, xukuumaddii waxay ka noqotay xukunnadii dilka ahaa

waxayna dhallinayrtii ku xukuntay xabsiyo heerar kala duwan ah oo u dhaxeeyay min

saddex sano ilaa xabsi daa’in (oo markii dambe siddeed sanno ka bacdi la sii daayay).

Dadka badankoodu waxay xukunkooda ku qaateen xabsigii aadka u qallafsanaa ee Labaatan

Jirow oo xabsi sumcad xun ahaa oo ku yaallay koonfurta oo qofka lagu xidhayay

qol gaar ah .
- 5 -

Siddeed sanno kadib, dhammaan xubnihii Uffo ee xidhnaa waa la soo wada daayay. Kadib

markii ay xabsiga ka soo baxeenna waxay aasaaseen ururkii ugu horreeyay Somaliland ee

ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada: Ururka Samafalka iyo Dib-u-dejinta Soomaaliya

(SORRA). Ururku wuxuu xoogga saarayay dib u dhiska iyo dib u dejinta magaalada Hargaysa

iyo waliba dhismaha dugsiyo waxbarsho oo waddanka oo dhan ku baahsan. Sanadkii 1993,

ururkaasi wuxuu ka qayb qaatay dhaqaalihii loo ururiyay shirkii nabadaynta Somaliland ee

Boorama.

* Markaa waxay qayb ka ahayd Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Soomaliya

Mutawadiciinii Uffo oo ku jira Jeelka Hargaysa sannadkii 1982

Uffo volunteers in Hargeisa prison 1982
- 6 -

Introduction

In the early 1980s the people of Somaliland* suffered greatly from the negligence of the

Siad Barre regime and the effects of the 1977–1978 Ogaden War: Hargeisa did not have

adequate basic services such as electricity, water, and healthcare. At the same time,

political oppression was blatant. Despite the high risks a group of young professionals,

including teachers, engineers, and doctors, initiated self-help activities with the aim of

providing voluntary assistance to the people in Somaliland. They started with cleaning

and refurbishing the Hargeisa Group Hospital. Local businessmen and community

leaders mobilized funding, and a relief organization called German Emergency Doctors

(GED) provided additional equipment, staff and funding. Thanks to these activities the

conditions of the hospital improved tremendously, and the group grew in popularity.

However, the government started to become suspicious of the self-help group. Its suspicion

increased when people working for the state came to possess a newsletter called

Uffo (from which the group’s name Uffo originated), which voiced injustices in the region.

The newsletter had been produced in secret by two members, who had distributed

it through trust-based networks. In November and December 1981, 28 young intellectuals

were arrested by the regime and accused of anti-government activities. The

regime mainly targeted people from the Isaaq clan, and several of those who had been

involved in the activities were not arrested.

The arrested intellectuals were interrogated and tortured for months. It became known

around Hargeisa that the intellectuals were facing death sentences. This created outrage

among the population, and on the day of the planned trial, February 20, 1982, students,

together with other residents started to protest outside the court building. The

police, with help from the military, suppressed the demonstrations, and many students

were injured and arrested. On the first day of the protests one student was killed. The

protest is remembered as the Dhagax Tuurka. Despite the violent reprisals, the protests

continued and spread to other cities.

Due to these reactions, the regime commuted the death sentences to prison sentences

ranging from three years to life (eight prisoners were released). The majority served

their sentence in solitary confinement in the notorious prison Labaatan Jirow in the

south.

After their imprisonment, the members of Uffo founded Somaliland’s first humanitarian

organization: the Somali Relief and Rehabilitation Association (SORRA). The organization

focused on rehabilitating and constructing Hargeisa as well as building schools

across the country. In 1993, SORRA raised funds for the Boroma peace conference.

*then formally part of the Somali Democratic Republic.
- 7 -

Mutawadiciinii Uffo oo ku jira Jeelka Hargaysa sannadkii 1982

Uffo volunteers in Hargeisa prison 1982
- 8 -

Mutadawiciinta Uffo oo nadiifinaya Cusbitaalka Guud ee Hargaysa 1981 ( Xuquuqda Sawirka:

Hay’adda udoodda Xuquuqda Aadanaha)

Uffo volunteers cleaning the Hargeisa hospital in 1981 (Photo from Amnesty International)
- 9 -
- 10 -

Dr. Aadan Yuusuf Abokor

waa aqoon yahan (ku dhashay Hargaysa 1944) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadkii

1981kii, taas oo markii dambe keentay in la xidho bishii Nofembar ee isla sannadkaas.

Intaan la xidhin wuxuu ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargaysa (Hargeisa Group

Hospital), taas oo ahayd meesha ugu muhiimsan ee uu xoogga saarayay abuulkan iskaa

wax-u-qabsiga ahaa. Waxa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah wuxuuna xidhnaa 8 sanno.

Dr Aadan wuxuu ku koray Cadan, dalka Yaman, waxa uu ka qalinjabiyey Akadeemiyadda

Caafimaadka ee Warsaw, Poland sannadkii 1976kii.

Kadib markii xabsiga laga sii daayay Dr. Aadan wuxuu noqday agaasimaha fulinta ee SOR-

RA iyo tababare ka hawlgala Machadka Nolosha iyo Nabadgelyada ee Iswiidhan (Sweden).

Wuxuu ahaa wakiilka waddanka u fadhiya hay’adda Progressio, oo ah hay’ad khayriya oo

caalami ah oo ka shaqaysa horumarinta, laga bilaabo 1998 ilaa 2012. Hadda Dr. Aadan

waa wakiilka Hargaysa ee macadka Rift Valley Institute.

Dr. Adan Yusuf Abokor

is an intellectual (born in Hargeisa 1944), who organized self-help schemes to improve the

social services in Hargeisa 1981, which led to his arrest in November the same year. At the

time of his arrest he was the Director of the Hargeisa Group Hospital, which was the focus

point of the self-help scheme. He was sentenced to 20 years in prison and was imprisoned

for eight years. Dr. Adan grew up in Aden, Yemen and graduated from the Medical Academy

in Warsaw, Poland in 1976.

After his release, Dr. Adan was the executive director of the Somali Relief and Rehabilitation

Association (SORRA) and a trainer for Life and Peace Institute of Sweden. He was

Country Representative for Progressio, an international development charity, from 1998

to 2012. Today Dr. Adan is the Hargeisa representative of the Rift Valley Institute.
Dr. Aadan Yuusuf Abokor

- 11 -
- 12 -

Axmed Muxumed Madar

waa aqoonyahan (ku dhashay Hargaysa 1954) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ahaa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadihii

1980aadkii, taas oo markii dambe keentay in la xidho 1981kii. Xilligaa la xidhayay

Axmed wuxuu ahaa macallinkii maadada Biology-ga ee Dugsiga saree ee Faarax Oomaar

ee Hargaysa. Waxana lagu xukumay 8 sannadood oo xabsi ah. Axmed Madar wuxuu shahaadada

heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay Lafoole sannadkii 1976-kii. Ka dib

markii la sii sii daayay, wuxuu u guuray dalka Norway wuxuuna noqday madaxa ururkii

SNM qaybta Norway.

Intii uu Norway daganaa wuxuu waxa uu Jaamacada Norwegian University of Life Sciences

ka bartay Maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah. Axmed Madar waa guddoomiyihii hore

ee Guddida Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Somaliland.

Ahmed Muhumed Madar

is an intellectual (born in Hargeisa 1954) who organized self-help schemes to improve the

social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in December 1981. At

the time of his arrest he was a biology teacher at Farah Omar secondary school. He was

sentenced to eight years in prison. Ahmed Madar received his bachelor’s degree at Lafoole

College of Education in 1976.

After his release he moved to Norway and became the head of Somali National Movement

Norway. In Norway he also studied Natural Resources Conservation Management at the

Norwegian University of Life Sciences. Ahmed Madar is the former chairman of the Good

Governance and Anti-Corruption Commission in Somaliland.
Axmed Muxumed Madar

- 13 -
- 14 -

Baashe Cabdi Yuusuf

waa aqoon yahan (dhashay 1953) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo iskaa wax- u-qabso

ahaa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadihii 1980aadkii,

taas oo markii dambe keentay in la xidho 1981kii. Waxa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

wuxuuna xidhnaa xidhay 8 sanno. Ka hor intii laa xidhin Baashe Cabdi wuxuu ka shaqeyn

jiray dalka Sacuudi Carabiya muddo 4 ilaa 5 sanno ku dhawayd. Waxa uu Hargaysa dib

ugu soo laabtay sannadkii 1979-kii si uu ganacsigiisa gaarka u bilaabo. Sannadkii 1991kii

wuxuu u guuray California, carriga Mareykanka ah. Waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda

Hayward University ee uu bartay aqoonta Nidaamyada Macluumaadka Kumbiyuutarka

la xidhiidha Xidhiidhada Ganacsiga.

Intii uu joogay Maraykanka, Baashe Yuusuf, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan qurba-joogta,

ayaa waydiistay Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka in ay dacwad ka soo gudbiso

Ra’iisul-wasaarihii hore isla markaana ahaa Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya General

Maxammed Cali Samatar. Waxay ku eedeeyeen in uu gaystay jidhdil laxaad leh, dilal ballaadhan

iyo dambiyo kale oo ka dhan ah bani’aadanimada oo noqday kiis markii dambe

gaadhay ilaa maxkamadda sare. General Samatar aya lagu helay dambi ah ku tacaddiga

xuquuqda aadanaha waxana lagu qasbay inuu bixiyo 21 milyan oo Doolar oo magdhow

ah.

Bashe Abdi Yousuf

is an intellectual (born in 1953), who organized self-help schemes to improve the social

services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in 1981. He was sentenced

to 20 years in prison and was imprisoned for eight years. Before his arrest Bashe Abdi had

worked in Saudi Arabia for five years. He came back to Hargeisa in 1979 to start his own

business. In 1991 he moved to California. He graduated from California State University

Hayward with a degree in computer information systems and business communication.

In the US, Bashe Yousuf, together with a group of diaspora members, asked the Center for

Juctice and Accountability to file lawsuits against the former Prime Minister and Defence

Minister of Somalia General Mohammed Ali Samatar. They sued him for torture, mass killings

and other crimes against humanity in a case that went all the way to the US Supreme

Court. General Samatar was found guilty of human rights atrocities and was forced to pay

$21 million in damages.
Baashe Cabdi Yuusuf

- 15 -
- 16 -

Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Taani

waa aqoon yahan (ku dhashay Awaare 1953) kaas oo ka qayb galay abaabulka qaab

iskaa wax-u-qabso ahaa oo lagu hagaajinayo adeegga bulshada ee Hargaysa horraantii

1980-yadii, taasoo keentay markii dambe in la xidho 19-kii November, 1981-kii. Markii la

xidhayay wuxuu dhakhtar caafimaad ka ahaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa. Waxa lagu

xukumay 20 sanno oo xabsi ah wuxuuna xidhnaa 8 sannadood.

Wuxuu ka qalin jebiyey Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee

Muqdisho (lodkii labaad ee Jaamacadda ka qalin-jebiya). Kadib waxbarashadiisii, wuxuu

dhakhtar ka ahaa degmada, koonfurta Soomaaliya. Sannadkii 1980kii waxa loo soo wareejiyey

Hargaysa.

Kadib markii xabsigii laga sii daayay wuxuu u guuray dalka Kanada halkaas oo uu xubin

firfircoon ka noqday kooxaha qurba-joogta Somaliland iyo kooxaha ka shaqeeya nabadaynta

Soomaaliya.

Dr. Mohamud Sheikh Hassan Tani

is an intellectual (born in Aware 1953) who organized self-help schemes to improve the

social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest November 19, 1981.

At the time of his arrest he worked as a medical doctor at the Hargeisa Group Hospital. He

was sentenced to 20 years in prison and was imprisoned for eight years.

He is a graduate of the Somali Medical University in Mogadishu (part of the second batch

to graduate). After his studies, he worked as a doctor in Waajid, in Southern Somalia. In

1980 he was transferred to Hargeisa. After his release he moved to Canada where he became

active in Somaliland diaspora groups and Somali peace groups.
Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Taani

- 17 -
- 18 -

Maxamed Baaruud Cali

Waa aqoon yahan (ku dhashay Hargaysa 1950) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadkii

1981, taas oo markii dambe keentay in la xidho isla sannadkaas. Markii la xidhayay wuxuu

ka shaqaynayay shirkadda Pepsi Cola oo uu ka ahaa injineer iyo maareeye. Waxyaabaha

keenay xadhiggiisa waxa ka mid ahaa in uu qoray wargeys la odhan jiray Uffo si loo

abuuro wacyi-galin ku saabsan caddaalad darrada ballaadhan ee xilligaa jirtay. Maxamed

Baaruud xilligaa waxa lagu xukumay xabsi daa’in waxaanu xidhnaa muddo 8 sanno ah.

Intii aan la xidhin ka hor, Maxamed Baaruud wuxuu ka soo qalin jabiyay Jaamacadda

Sunderland Polytechnic ee dalka Ingiriiska, oo ka soo qaatay shahaadada koowaad ee

Geo-chemistry-ga.

Laga bilaabo May 1993-kii illaa Janaayo 1994, Baaruud wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka

Somaliland. Laba sannadood kadib waxa loo magacaabay Wasiirka Dib-u-dejinta

iyo dib-u-dhiska. Sannadkii 1999kii, Maxamed Baaruud wuxuu aasaasay isla markaana

hoggaaminayey dalladda Samo Talis oo xoogga saaraysay wacyigalinta arrimaha xuquuqda

aadanaha. Sannadkii 2010kii ayuu daabacay buugiisa “The Mourning tree”, oo hadda

loo tarjumay af Soomaali. Sannadkan, madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Maxamed

Baaruud in uu noqdo madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Somaliland.

Mohamed Barud Ali

is an intellectual (born in Hargeisa 1950) who organized self-help schemes for the people

of Hargeisa in 1981, which led to his arrest the same year. At the time of his arrest he

was working as an engineer and manager at the Pepsi Cola Company. Leading up to his

arrest he wrote a newsletter called Uffo to create awareness of the grave injustices of that

time. Mohamed Barud was sentenced to life in prison and was imprisoned for eight years.

Before his arrest, Barud graduated from Sunderland Polytechnic, UK, with a bachelor’s

degree in geochemistry.

After his release Barud was an elected member of the parliament from May 1993 to January

1994. Two years later he was appointed Minister of Rehabilitation and Reconstruction.

In 1999, Barud founded and led the umbrella organization Samo Tallis which focuses on

human rights education. In 2010 he published his autobiography “The Mourning Tree”,

which is currently being translated into Somali. This year, the President appointed Mohamed

Barud as head of the Somaliland Human Rights Commission.
Maxamed Baaruud Cali

- 19 -
- 20 -

Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi

waa aqoonyahan (ku dhashay Hargaysa 1948) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa horraantii

1980aadkii, taas oo markii dambe keentay in la xidho dhammaadkii sannadkaa. Xilligaa la

xidhayay wuxuu ka shaqaynayay shirkad dhisme oo uu gaar u lahaa. Waxa lagu xukumay

30 sano oo xabsi ah wuxuuna xidhnaa xidhay 8 sanno. Intaa ka hor , wuxuu ka qalinjabiyey

Dugsiga Dhaqaalaha ee London (Jaamacadda London, UK), North London Polytechnic.

Wuxuu haystaa shahaadada Labaad ee Dhaqaalaha oo uu ka qaatay Macadka Daraasaadka

Bariga iyo Afrika ee Oriental and African Studies.

Markii la sii daayay Waxa uu ka qayb qaatay aasaasidda Ururkii Samafalka iyo Dib-u-dejinta

Soomaaliya (SORRA), wuxuuna noqday guddoomiyihi ugu horreeyay ee loo doorto

Ururka. Hadda Maxamed Xaashi waa xubin ka mid ah golaha Baarlamaanka.

Mohamed Haji Mohamoud Omer Hashi

is an intellectual (born in Hargeisa in 1948) who organized self-help schemes to improve

the social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in late 1981. At the

time of his arrest he was running his own construction company. He was sentenced to 30

years in prison and was imprisoned for eight years. Previously, he graduated from the London

School of Economics (University of London, UK) and the North London Polytechnic.

He has a master’s degree in economics from the London School of Oriental and African

Studies (SOAS). He was the first elected president of the Somali Relief and Rehabilitation

Association (SORRA). Today Mohamed Hashi is a member of the Parliment .
Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi

- 21 -
- 22 -

Yuusuf Cabdillaahi Kaahin ‘Gaydh’

waa aqoonyahan (ku dhashay duleedka Hargaysa 1954) kaas oo kaas oo ka qayb galay

abaabulka nidaamyo iskaa wax u qabso ahaa oo lagu hagaajinayo adeegyada bulshada

ee Hargaysa bilawgii 1980-tii, taasoo keentay in la xidho dhammaadkii 1981-kii. Markii la

xidhayay wuxuu ahaa nin beeralay ah. Waxa lagu xukumay 20 sano oo wuxuuna ah waxaana

xidhnaa 8 sanno. Yuusuf wuxuu ahaa ninkii ikhtiraacay luuqada garaacista (oo u

dhiganta qaab isku baaqidda morse code ) kaas oo noqday habkii ugu muhiimsanaa ee

maxaabiistu ku wada xidhiidhayeen. Ka hor intaan la xidhin, wuxuu u sahamiye dhuleed

(surveyor) kaga shaqeeyay dalka Sacuudi Carabiya. Waxa uu ka qalin jabiyay Machadka

Farsamada gacanta ee Muqdiso ee “Polytechnic Institute in Mogadishu”.

injineerka guud ee SORRA wuxuuna mas’uul ka ahaa dhismaha dugsiyada dalka oo dhan.

Yussuf Abdillahi Kahin ‘Gaydh’

is an intellectual (born outside Hargeisa 1954) who organized self-help schemes to improve

the social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in late 1981.

At the time of his arrest he was working as a farmer. Yussuf Kahin was the inventor of the

knocking language (similar to Morse code) that became the main means of communication

in the Labaatan Jirow prison. Previously, he worked as a surveyor in Saudi Arabia. He

graduated from the Polytechnic Institute in Mogadishu.

After his release he worked as the chief engineer of the Somali Relief and Rehabilitation

Association (SORRA) and was responsible for the construction of schools across the country.
Yuusuf Cabdillaahi Kaahin ‘Gaydh’

- 23 -
- 24 -

Axmed Maxamed Yuusuf ‘Jabane’

waa aqoon yahan ( ku dhashay meel ku dhow Oodwayne 1952) kaas oo ka qayb galay

abaabulka hawlo iskaa wax- u-qabso ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer

Hargaysa sannadkii 1981, taas oo markii dambe keentay in la xidho isla sannadkaas.

Markii la xidhayay wuxuu ahaa macallin dugsi sare oo ka hawl gala magaalada Hargaysa.

Intaan la xidhin ka hor waxay isaga iyo Maxamed Baaruud wada qoreen wargeys la odhan

jiray Uffo si loo abuuro wacyi-galin ku saabsan caddaalad darrada ballaadhan ee xilligaa

jirtay. Axmed ‘Jabane’ xilligaa waxa lagu xukumay xabsi daa’in waxaanu xidhnaa muddo

8 sanno ah.

Axmed Yuusuf wuxuu waxbarashadiisa ka baxay Dugsiga sare ee Farsamada Gacanta ee

Hargeisa 1971kii, kadiban wuxuu ka qalinjabiyey kulliyadda waxbarashada ee Lafoole

sanadkii 1976 oo ka qaatay shahaadada koowaad ee Fiisikiska iyo Xisaabta. Axmed Yuusuf

wuxuu magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Kanada (Canada) wuxuuna dhawaan ku

soo laabtay magaalada Hargeysa.

Ahmed Mohamed Yusuf ‘Jabane’

is an intellectual (born outside Odweine 1952) who organized self-help schemes for the

people of Hargeisa in 1981, which led to his arrest the same year. He was a secondary

school teacher in Hargeisa at the time. Before his arrest he wrote a newsletter called Uffo

(together with his friend Mohamed Barud Ali) to inform people of the injustices that were

taking place at the time. He was sentenced to life in prison and was imprisoned for eight

years.

Ahmed Yusuf completed his higher education at the Hargeisa Technical School in 1971

and graduated from Lafole College of Education in 1976 with a bachelor’s degree in physics

and mathematics. Ahmed Yusuf was granted political asylum in Canada. He recently

returned to Hargeisa.
Axmed Maxamed Yuusuf ‘Jabane’

- 25 -
- 26 -

Dr. Cismaan Cabdi Maygaag

Waa aqoonyahan ku dhashay Hargaysa 1943-kii kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadkii

1981, taas oo markii dambe keentay in la xidho dhammaadkii sannadkaa. Markii la xidhayay

waxa uu ahaa dhakhtar caafimaad oo shaqaynayay koox Jarmal ahayd oo dhakhaatiir

ah oo ku suganaa xeryaha qaxootiga. Wuxuu sidoo kale si tabarrucuga shaqayn jiray Cisbitaalka

Guud ee Hargaysa. Waxa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah waxaana xidhnaa

xidhay 8 sanno. Inta badan dadka la xidhay waxaa lagu xidhay xadhig xabsi aad u halis

badnaa oo la odhan jiray Labaatan Jirow, kuna yaallay koonfurta Soomaaliya. Wuxuu

luuqadaha ka bartay dalka Jarmalka, sidoo kale wuxuu kooras farsamo ka qaatay dalka

Jekoslafaakiya (Czechoslovakia).

Sannadkii 1970-kii ayuu shahaadada caafimaadka ka qaatay Jaamacadda Lublin ee dalka

Poland. Haatan Dr. Cismaan waa dhakhtar sare oo ka hawl gala Cisbitaalka Qaaxada ee

Hargaysa.

Dr. Osman Abdi Maigag

is an intellectual (born in Hargeisa in 1943) who organized self-help schemes to improve

the social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in late 1981. At the

time of his arrest he was working as a doctor with a German team of doctors in the refugee

camps. He also volunteered at the Hargeisa Group Hospital. He was sentenced to 20 years

in prison and was imprisoned for eight years.

He studied language in Germany, and a technical course in Czechoslovakia. In 1970 he received

a medical degree at Lublin University in Poland. Today, Dr. Osman is a chief doctor

at the TB hospital in Hargeisa.
Dr. Cismaan Cabdi Maygaag

- 27 -
- 28 -

Axmed Xuseen Caabi

waa aqoonyahan (ku dhashay Hargaysa 1946), kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo

iskaa wax- u-qabso ahaa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadihii

1980aadkii, taas oo markii dambe keentay in la xidho 1981kii.

Markii la xidhiyay waxa uu ka shaqayn jiray Bangiga Ganacsiga Soomaalida qaybtiisa

magaalada Hargaysa. Laga soo bilaabo 1970 kii ilaa 1980kii Axmed Xuseen waxa uu ahaa

sarkaal ka shaqeeya bagiyada Muqdisho iyo Marka.

Ahmed Hussein Abby

is an intellectual (Born in Hargeisa/Sheikh Madar 1946), who organized self-help schemes

to improve the social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in 1981.

At the time of his arrest he worked as a banker at the Somali Commercial Bank in Hargeisa.

He was sentenced to 20 years in prison and was imprisoned for eight years. Between 1970

and 1980 Ahmed Hussein worked as a banker in Mogadishu and Marka.
Axmed Xuseen Caabi

- 29 -
- 30 -

Xuseen Maxamed Ducaale ‘Berberaawi’

waa aqoonyahan ku dhashay Itoobiya 1950-kii kaas oo ka qayb galay qaab iskaa wax u

qabso ahaa oo lagu hagaajinayo adeegyada bulshada ee Hargaysa bilawgii 1980-tii, taasoo

keentay in la xidho dhammaadkii 1981-kii. Markii la xidhayay waxa uu macallin ka

ahaa dugsiyo sare oo ku yaalla Hargeysa wuxuuna ahaa xubin ka tirsan guddiga imtixaanka

gobolka. Waxa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah wuxuuna xidhnaa xidhay 8 sanno.

Sannadkii 1970, wuxuu ka qalin jabiyay Xarunta Tababarrada Waxbarashada Qaranka ee

Lafoole. Sannadkii 1976-kii wuxuu shahaadada koowaad ee Chemistry–ga iyo Xisaabta ka

qaatay Kuliyadda Waxbarashada ee Lafoole.

Kadib markii xadhiga laga sii daayay waxa uu noqday agaasimaha laanta Berbera ee

SORRA, kadibna wuxuu noqday Agaasimaha Fulinta. Intaa ka dib wuxuu bilaabay inuu

ka shaqeeyo Jaamacadda Hargaysa isagoo ah hormoodka qaybta akadeemiga ee

Jaamacadda Hargaysa. Haatan, Xuseen waa Agaasimaha Hubinta Tayada ee Jaamacadda

Hargaysa.

Hussein Mohmed Dualeh ‘Berberawi’

is an intellectual (born in Ethiopia in 1950) who organized self-help schemes to improve

the social services in Hargeisa in the early 1980s, which led to his arrest in late 1981. At the

time of his arrest he was a teacher at several secondary schools in Hargeisa and a member

of the Regional Examination board. He was sentenced to 20 years in prison and was

imprisoned for eight years. In 1970, he graduated from the National Teaching Center at

Afgooye High school and in 1976 he received a bachelor’s degree in chemistry and mathematics

at the College of Education in Afgooye.

After his release he became the Executive Director of the Somali Relief and Rehabilitation

Association (SORRA). He later started to work at the University of Hargeisa as a dean of academic

affairs. Today, Hussein is quality assurance director at the University of Hargeisa.
Xuseen Maxamed Ducaale ‘Berberaawi’

- 31 -
- 32 -

Cabdiraxmaan Cabdillahi X. Aadan ‘Yare’

(ku dhashay Hargaysa 1955) kaas oo ka qayb galay abaabulka hawlo iskaa wax- u-qabso

ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka reer Hargaysa sannadkii 1981, taas oo markii

dambe keentay in la xidho bishii Nofembar ee isla sannadkaas. Markii la xidhiyay wuxuu

ahaa shaqaale dawladeed oo ka hawlgala Hargaysa ( oo uu ka shaqaynayay laga bilaabo

1976kii).

Waxa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah wuxuuna xidhnaa xidhay 8 sanno. Wuxuu ahaa

ninka ugu da’da yar raggii lawada xidhay. Haatan Cabdiraxmaan waa ganacsade taabbe

galay.

Abdirhaman Abdillahi H. Aden ‘Yare’

is an intellectual (born in Hargeisa 1955), who organized self-help schemes to improve

the social services in Hargeisa 1981, which led to his arrest in November the same year. At

the time of his arrest he was working as a civil servant in Hargeisa (where he had worked

since 1976).

He was sentenced to 30 years in prison and was imprisoned for eight years. He was the

youngest among the group of men who were arrested. Today Abdirahman is a successful

businessman.
Cabdiraxmaan Cabdillahi X. Aadan ‘Yare’

- 33 -
- 34 -

Maamuusidda xubnaha kooxda Uffo

In honor of Uffo group members

Aadan Warsame Siciid

Dr. Aadan Yuusuf Abokor

Ali Cige Faarax “Cali Biid”.

Axmed Maxamed Yuusuf ‘Jabane’

Axmed Muxumed Madar

Axmed Xuseen Caabi

Baashe Cabdi Yuusuf

Cabdiraxmaan Cabdillaahi X. Aadan ‘Yare’.

Cabdillaahi Cali Yuusuf

Dr Cismaan Cabdi Maygaag

Cumar Ciise Cawaale

Maxamed Baaruud Cali

Dr Maxamed Cali Sulub

Maxamed Calow Ibraahin

Maxamed Macallin Cusmaan

Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi

Maxamuud Cabdi Jiciir

Dr Maxamuud Sheekh Xasan Taani

Xuseen Maxamed Ducaale ‘Berberaawi’

Yuusuf Cabdillaahi Kaahin ‘Gaydh’

Sidoo kale buug yarahani wuxuu xus iyo

maamuus u yahay dhammaan dadkii

ka wada qayb galay abaabulladii iskaa

wax-u-qabsiga ahaa ee sannadkii 1981kii ee

aan xabsi lagu xukumin.

Abdillahi Ali Yussuf

Abdirhaman Abdillahi H. Aden ‘Yare’

Dr Adan Yusuf Abokor

Aden Warsame Saed

Ahmed Hussein Abby

Ahmed Muhumed Madar

Ahmed Mohamed Yusuf ‘Jabane’

Ali Ighe Farah “Ali Biid”

Bashe Abdi Yousuf

Hussein Mohmed Dualeh ‘Berberawi’

Mohamed Barud Ali

Dr Mohamud Sheikh Hassan Tani

Mohamed Maaliin Osman

Mohamoud Abdi Ji’ir

Dr Mohmed Ali Sulub

Mohmed Alo Ibrahim

Mohmed Haji Mohamoud Omer Hashi

Omar Issa Awale

Dr Osman Abdi Maigag

Yussuf Abdillahi Kahin ‘Gaydh’

This booklet is also in honour of all those

who participated in the self-help scheme

mobilization in 1981 but who were not sentenced

to prison terms.
- 35 -

Taalladan waxa loo dhisay in lagu xuso laguna xasuusto ardaydii ka qayb gashay mudaharaadkii

dhagaxtuurka, 20kii Feebarwari ee 1982kii, oo ahayd maalintii la maxkamadaynayay

kooxdii Uffo, Ardaydu waxay isku dayayayeen in badbaadiyaan nolosha macallimiintooda

iyo aqoonyahankii kale ee la xidhaa. Hal ardayna waxa lagu dilay maalinkii kowaad

ee mudaharaaadkaa dhexdiisa. Marxuumka magaciisa waxa la odhan jiray Barre Cilmi

Axmed. Mahadi haka gaadho dhammaan dadkii nidaamka ku ku madahaaraday, ee sababtooda

loo baddalay xukunkii dilka ahaa ee lagu baddalay xukunno xabsi ah.

This monument was put up in commemoration of the students who protested February 20,

1982, on the planned date of the Uffo trial. The students were trying to save the lives of their

teachers and the other arrested intellectuals. One student was shot to death during the first

day of the protest. His name was Barre Elmi Ahmed. Thanks to these protests the regime

changed the death sentences to prison sentences.
KOOXDA QABANQAABADA

Ebba Tellander - Cilmi baadhe shahaadada PhD-da ah

Ebba Tellander waa gabadh cilmi-baadho ah oo shahaadaha PhD ka diyaarinaysaa Machadka Cilmi-baadhista

Nabadda ee Oslo (PRIO) iyo Machadka Caalamiga ah ee Cilmiga Bulshada ee Hauge (

Jaamacadda Erasmus University Rotterdam). Mawduuceega PhD-du wuxuu diiradda saarayaa dadka isku

dayaya in ay wax wanaagsan u sameeyaan bulshadooda xilliyada lagu jiro dulmiga iyo dagaalka, iyada oo

si gaar ah diiradda u saaraysa markan kooxda Uffo iyo dhacdadii Dhagax Tuur ee horraantii 1980-maadkii.

Waxay la shaqaynaysaa mashruuca mashruuca Isbedellada Bulshada ee ee Xilliyadaha Xasaradaha, oo ay

maalgelinayo Golaha Cilmi-baadhista ee Norway.

Ebba Tellander waxay hore Cilmi-baadhe uga ahayd Waaxda Isbadallada Bulshada ee PRIO, sidoo kale

waxay ka shaqaysay Waaxda Isgaadhsiinta ee PRIO. Sidoo kale waxay ka qayb qaadatay cilmi baadhisyo

kala duwan oo ay ka mid yihiin: doorka ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin siyaasadda arrimaha

dibadda ee Norway ee ku aaddan degaanka Soomaalida; Isla-xisaabtanka ka dhex jira nidaamka

cashuuraha ee Somaliland; muwaadinnimada firfircoon ee Oslo; iyo dareenka muwaadinimo iyo lahaansho

ee dadka deggan Oslo.

Markii hore, Ebba Tellander waxay ahayd isku duwaha mashruuca Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha

ee Oslo qaybta bariga Afrika. Waxay haysataa shahaadada labaad ee Master of Philosophy la

xidhiidha Daraasaadka Xasaradaha iyo Nabadda oo ay ka qaadatay Jaamacada Oslo iyo shahaadada ee

Bachelor-ta oo ka qaadatay Jaamacadda Daraasaadka Caalamiga ah ee Jaamacadda University of Oslo

iyo jaamacadda Freie Universität Berlin. Waxay hore uga qayb gashay barnaamijka la daganaansha bulshda

oo u tagtay dalka Falastiin, sidoo kale waxay si mutadawacnimo ah uga qayb gashay Barnaamijka

Caalamiga ah Is-waydaarsashada Dhaqanka Dhallinyarada ee Kenya. Ebba Tellander waxay hore uga soo

shaqaysay Norway, Sweden, Germany, Kenya, Falastiin, England, Somaliland iyo Netherlands.

Dr. Maxamed Aadan Xasan - Agaasimaha Barnaamijka Uffo

Maxamed Aadan waa xubin u dhaqdhaqaada arrimaha bulshada, hal abuure ganacsi iyo cilmi baadhe.

Marka la eego dhinaca arrimaha bulshada wuxuu ka qayb qaatay oleleyaal kala duwan oo ay ka mid yihiin:

la dagaallanka caddaalad darrada, sinnaan la’aanta bulshada iyo saboolnimada. 2012kii Maxamed wuxuu

aaasaasay fogaal aragga Star TV, oo ah xarun TV madax bannaan oo internetkana laga heli. Sidoo kale

Maxamed wuxuu aasaasay Xarunta Cilmi-baadhista iyo Isgaadhsiinta ee Rako, sidoo kale waa xubin ka

mid ah saaxiibada caalamiga ee Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Oslo (PRIO), iyo mid ka mid ah

tafatirayaasha joornaalka Bidhaan.

Maxamed wuxuu shahaadada PhD-da ku qaatay cilmiga bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda London

sannadkii 2014kii. Sidoo kale Maxamed wuxuu la soo shaqeeyay ururro cilmi baadhiseed oo ay ka

mid yihiin Xarunta Cilmi-baadhista Magaalooyinka iyo Bulshada ee Goldsmiths, Jaamacadda London,

Jaamacadda Oxford qaybteeda Xarunta Cilmi baadhista Siyaasadaha arrimaha Bulshada, Machadka Cilmi-baadhista

Nabadda ee Oslo (PRIO), iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dalka Ingiriiska ah (DFID),

kuwaaas oo dhammaantood xoogga saarayayay arrimaha dhallinyarada, tahriibta iyo siyaasadaha la

xidhiidha arrimaha bulshada.
Cabdifataax Cumar - Cilmi baadhe

Cabdifataax Cumar waa shaqaale dawladeed, bare jaamacadeed iyo cilmi-baadhe madax bannaan. Cabdifataax

wuxuu ka qayb galay cilmi baadhisyo iyo xog ururinno kala duwan oo uu kala shaqeeyay ururro

maxalli ah iyo kuwo caalami ahba sida Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Oslo (PRIO), Xarunta Rako

ee Cilmi-baadhista iyo Isgaadhsiinta, Xarunta Talo-bixinta arrimaha Biyaha ee GWC. Wuxuu casharro ka

bixiyaa Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadda Golis, gaar ahaan kulliyadaha Injineeriyadda. Cabdifataax

hadda waa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland.

Sannadkan 2018 ayuu shahaada labaad ee Maamulka iyo Maaraynta Mashaariicda (PPM) ka qaatay

Jaamacadda Hargaysa, halka uu sannadkii 2011ka uu shahaadaha koobaad ka qaatay Jaamacadda Qaahira

ee dalka Masar (B.Sc. of Chemical Engineering, Faculty of Engineering, Cairo University, Egypt).

Dhinaca kale Cabdifataax wuxuu ka qayb qaatay hawlqabadyo dhinaca togan u dhigay deegaanka shaqo

ee goobaha uu ka shaqeeyay ee dawladda ama gaarka loo leeyahay. Cabdifataax oo ay iskaashanayaan

saaxiibbo kale, waxay ka shaqeeyaan arrimaha dhallinyarada iyo bulshada, oo ay isku dayaan in habdhaqanka

bulshada dhinaca togan loo rogo iyadoo loo marayo kobcinta heerka wax akhirska ee bulshada,

iyagoo unkay goob akhris wadareed ah iyo makatabad dadwaynaha u furan sida barnaamijka Maan-godol

show iyo Makatabadda Maan-godol.

Mustafe Siciid - Farshaxan-yahan/Sawir-qaade

Isagoo is waafajinaya gabayga falanqaynta dhaqan siyaasadeed ee bulshada , waxa uu Mustafe Siciid (oo

Sommaliland ku dhashay1989kii) isku dayaa in daaha ka qaado arrimaha la xidhiidha dagaalka iyo colaadaha.

Mustafe oo is baray farshaxanka nashqadaynta ee kombiyuutarka loo aeegsanayo ayaa toddobadii

sanno ee u dambeeyay ka soo shaqeeyay in uu sida uu doono u farsameeyo sawirrada, isagoo ka soo

saaraya sawirro ay ka muuqato in ay nolosha taabanayaan oo ka turjumi karaya muuqaalka guud ee dalkiisa.

Waxa farshaxaneeyaa dharka loo adeegsado in lagu muujiyo dhaqankeenna soo jireenka ah, waxa

uu qurxiyaa guryaha, iyo boodhadhka xayaysiiska ee waawayn, ee lagu soo badhigo qaab dabeecadda

quruxda badan loo ekaysiinayo.

Sannadkii 2014kii, waxa uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya kaga qayb galay bandhigii

“Addis Foto”, halkaas oo lagu soo bandhigay sawirro qurux badan oo ka turjumaya dalka gudahaya ku

jira. Mashruucani waxa uu soo bandhigayaa is baddalka ku dhacay isaga kadib markii ay ka soo guureen

dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiga oo ay ku soo noqdeen dalka Somalilan, isagoo markaa jira saddex

iyo toban sanno.
PRODUCTION TEAM

Ebba Tellander – Doctoral researcher

Ebba Tellander is a Doctoral Researcher at the Peace Research Institute Oslo (PRIO) and International Institute

of Social Studies in the Hague (Erasmus University Rotterdam). Her PhD project focuses on people

who try to do something good for their community in contexts of oppression and war, with a particular

focus on the case of the Uffo group and the Dhagax Tuur in the early 1980s. She is affiliated with the Societal

Transformation in Conflict Contexts project, funded by the Research Council of Norway (RCN). Ebba

Tellander was a Researcher in the Social Dynamics Department and a Communicator in the Communication

Department at PRIO.

She has conducted research on the role of the Somali diaspora in Norwegian foreign policy towards the

Somali region; accountability in the taxation system in Somaliland; active citizenship in Oslo; and citizenship

and belonging among residents in Oslo.

Previously, Ebba Tellander was a project coordinator at the Oslo Center for Peace and Human Rights’ eastern

Africa program. She holds a Master of Philosophy in Peace and Conflict Studies from the University of

Oslo and a Bachelor’s in International Studies from University of Oslo and Freie Universität Berlin. She was

an ecumenical accompanier at the Ecumenical Accompaniment Programme in Palestine and a volunteer

at the International Cultural Youth Exchange Program in Kenya. Tellander has worked and studied in Norway,

Sweden, Germany, Kenya, Palestine, England, Somaliland and the Netherlands.

Dr. Mohamed Aden Hassan – Uffo programme director

Mohamed Aden Hassan is a community activist, entrepreneur and researcher. As an activist Mohamed has

been involved in various campaigns fighting injustice, inequality and poverty.

In 2012 Mohamed established Star TV, which is an independent satellite and online based television station.

Mohamed is also the founder of Rako Research and Communication Centre as well as a Global Research

Fellow at the Peace Research Institute Oslo (PRIO) and an editing member of Bildhaan Journal.

Mohamed received his PhD in sociology from the University of London in 2014.

Focusing on youth, migration, social and policy related issues Mohamed worked as a senior researcher

with a number of organizations and research centres including the Centre for Urban and Community Research

(Goldsmiths, University of London), the Oxford University based Stanhope Centre for Communication

Policy Research, PRIO and the UK Department for International Development (DFID).

Abdifatah Omar - Chemical Engineer, Researcher

is a state official, university lecturer and freelance researcher. Abdifatah has contributed to many research

projects and surveys across Somaliland in collaboration with local and international research institutions,

such as the Peace Research Institute Oslo (PRIO), Rako Research and Communication Centre and Water

Global Consulting. He is part time lecturer in the Faculty of Engineering at both University of Hargeisa and

Gollis University. Currently, Abdifatah is the director of planning at the Somaliland Ministry of Energy and

Minerals.
In 2018, Abdifatah gained his Master of Project Planning and Management from Hargeisa University and in

2011 he gained his B.Sc. of Chemical Engineering from the Faculty of Engineering, Cairo University, Egypt.

He adopted several initiatives that changed the work culture at institutions he has worked with in both

public and private sectors. In addition, Abdifatah, together with other friends, is a youth and social activist

focused on social change through the establishment of reading groups and public libraries such as the

Maan-godol show and the Maan-godol public library.

Mustafa Saeed - Artist/ Photographer

Marrying poetic symbolism with socio-political critique, Mustafa Saeed (b. 1989, Somaliland) explores

issues of war and conflict. A self-taught graphic designer and photographer, Saeed has spent the past

seven years experimenting with digital manipulation, creating vibrant silhouettes which draw on the vivid

palette of his home country. Rich textiles used in traditional costumes, garish home decor and neon advertisements

are juxtaposed against grey, concrete landscapes. I

n 2014, he participated in the Addis Foto Fest, in Ethiopia, where he exhibited the series Home in Me. This

project portrayed the transition he underwent upon leaving Saudi Arabia at the age of thirteen to return

to Somaliland.
Star TV wuxuu ku faraxsan yahay inuu soo saaro barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan taariikhda Uffo, oo

ahayd koox dhalinyaro ah oo qaaday tallaabooyin waawayn oo lagula dagaallamayo caddaalad darradii

guud ee Siyaad Barre, iyadoo ujeedada barnaamijkuna tahay in wax badan laga barto iyo saamaynta ay

ku leeyihiin bulshada hadda jirta. Star TV waa madal warbaahineed oo madax-bannaan oo hor-usocd ah

oo diiradda saarta guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan daneeyayaasha la xidhiidha. TV-ga

waxaa laga diiwaan galiyay Diisambar 2012 dalalka England iyo Wales iyadoo ah Shirkad Ganacsi ah oo ku

diiwaan gashan magaca “Star Media Corporation”, halka Star TV wuxuu leeyahay qayb fogaal arag ahaan

ah iyo qayb shabakadda internetka ah. Waxay ujeedadeedu tahay in lagu kobciyo waayo-aragnimada bulshada

Soomaalida ee adduunka ku nool ee la xidhiidha dhinaca telefishannada, si loo helo xog tayo leh,

dood iyo madalo la taaban karo oo loogu talagalay ka qaybgalka dhagaystayaasha iyo daawadayaasha.

Barnaamijyada ka baxa telefishanku waa kuwo qoyska ku jihaysan, sidoo kale waxa ku jira waxyaabo si

gaar ah loogu talagalay jiilka cusub, gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha, Somaliland iyo Soomaaliya iyo

dhammaan bulshooyinka kale ee ku hadla Afka Soomaaliga. Waxaannu dalalka Ingiriiska, Holland, Somaliland

iyo Soomaaliya ku leenahay xafiisyo, istuudiyo, iyo xarumo wax soosaarisba waxaanan awood

u leenahay inaanu wax ka qabanno baahida dhagaystayaashayada. Dhawaan Star TV waxa uu baahintiisa

kusii ballaadhiyay Somaliland, isagoo dhisay laba istuudiyoo oo wawayn oo ku yaala Hargaysa iyo hal

studio oo ku yaalla Burco. Mustaqbalka dhow, qorshahayagu waa in aanu xarumo iyo istuudiyo ku yeelanno

dhammaan magaalooyinka istaraatiijiga ah ee ku yaalla Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaalida.

Sidoo kale himiladayada ugu muhiimsan waa in aan noqonno hormuudka hoggaamiya warbaahinta

Soomaalida iyo mandaqadda Bariga Afrika.

Star TV waxaa laga heli karaa dayax-gacmeedka caanka ah ee ThaiCom kaas oo ay siman yihiin Telifishanka

Qaranka Somaliland iyo Telifashanka Universal. Waxaanu suxufiyiin ku leenahay dhammaanba

magaalooyinka istaraatiijiga ee magaalooyinka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu soo bandhignaa

dhacdooyinka muhiimka ah oo maalinlaha ah. Hiigsigayagu waa in baahinno barnaamijyada tayo sare

leh oo kobciya waayo-aragnimada daawadayaashayada iyo dhagaystayaashayadaba annagoo abuurayna

madal ku habboon wargalinta, wacyigalinta iyo madadaaladaba.

Star TV is proud to be producing a series of programmes based on the history of Uffo, a group consisting

of young people that made tremendous strides to fight gross injustice during the Siad Bare reign with the

aim to learn more about the group and their impact in current day society. Star TV an independent and

progressive media organization focusing on the global Somali community and all interested stakeholders.

The channel was incorporated in December 2012 in England and Wales as a Limited Company in the name

of Star Media Corporation, with a global footprint Star TV is a satellite and online oriented television. It

aims to enrich the television viewing experiences of Somali people across the globe with quality information,

debate and accessible platforms for audience engagement.

Our programmes are family oriented but have content specifically geared towards the new generation,

particularly those living in the diaspora, Somaliland and Somalia and all other Somali speaking commu-
nities in East Africa. With offices, studios and production facilities in the UK, Holland, Somaliland and Somalia

we are able to cater for the needs of our audiences more effectively. Star TV has recently expanded

its coverage and presence in Somaliland with two major studios in Hargeisa and one studio in Burao. Our

plan is to have physical studios in all strategic cities across Somaliland and other Somali regions in the

near future. Our main objective is to become the leading Somali broadcasting and media organisation

across the East African region.

Star TV can be found on the popular ThaiCom platform where it shares the same footprint as the Somaliland

National TV and Universal. We have reporters in almost all strategic cities and towns in Somaliland

and Somalia and cover crucial daily events. Vision to offer programmes a content of high quality that

enriches the viewing experiences of our audiences by creating a sound platform to inform, educate and

entertain.
Program Schedule on STAR TV

Thursdays/Khamiis kasta

8:00pm Habeenimo
WWW.RAKORESEARCH.COM